Sign in to follow this  
Som@li

Shankarroon Cilmi iyo macalinkeedii Guduudane!

Recommended Posts

Som@li   

HORDHAC

 

Waxaan sheekadaan ugu soo daray barta hal abuurka MySomali si aan u dareensiiyo shucuubta Af-Soomaliga ku hadla inay dareeman qiimaha "Litrature" ka afka Soomaaliga, iyo inuu ka mid nqdo "Funs" ka aan halkaan kula "share" gareeyo asxaabta Soomaaliyeed.

 

AFEEF

 

Waxay akhristayaasha adduunku qiimeeyaan inay ogaadaan qoraaga qormada ay akhrisanayaan, laakiin nasiib darro ma xusi karo haba ahaado hal magacna ciddii sheekadaan curisey, waxaan hubaa in la curiyey bartamihii Siddeetamaadkii, haseyeeshee ma ogi cida iska leh qormadaan.

 

Waxaan ka soo minguuryey sheekadaan buug aan ka helay dariiq (waddo) anigoo jooga magaalada Addis Ababa 2004-tii, runahaantii aad baan ugu farxay markaan heley, haseyeeshee waxaan ka naxay inuusa lahayn gerbed (jeldi) aan ka ogaado ciddii qortay.

 

_________

 

Shankarroon Cilmi iyo Macalinkeedii

 

Shankaroon Cilmi qalbigeedu ma fadhiyin tan iyo goortuu macallku amray inaysan fasalka ka bixin markay ardaydu quraacda aadaan. Waxay is-waydiinaysay dembiga ay gashay. Nus saac waqti ku dhaw dersiga Macallin Guduudane lama aysan socon. Intuu fasiraadda xisaabta waday hadba mar ayuu soo dhuganayay xageeda. Indhihiisu tash ayay ku abuurayeen ardayadda. Marba waxay eegaysay daqiiqadaha ka harsan tobanka. Waxay ahayd tobankii oo lix mirir la'. Daqiiqaduhu way sii gurmayeen. Inuu waqtigu istaago jeclaan lahaydaa! Saacadeedii ayay iska furtay; waxay ku cadaadisay jeebka surweelka. Hadba dhinac ayay kursiga uga fariisanaysay. Saacad ay xirnayd gabar ag fadhiday ayay qooraansatay. Waxay sheegaysay tobankii oo shan daqiiqadood la'.

"Daqiiqad bay horraysaa;" ayay ku tiri. Gabadhii ayaa soo eegtay. Iyadoo la yaaban aysan fahminna waxa ay Shankaroon sheegayso ayay u jeesatay tafsiirka macallinka.

Cabbaar yar ka dib ayay saacaddii la soo baxday. Waxaa harsanaa saddex mirir. Dhafoorada ayay sacabada saartay. Waxay la dhakafaarsanayd inuu waqtigu socday intay saacaddu jeebka ugu jirtay.

 

Tobankii oo daqiiqad la' ayuu dawankii yeeray. Ardaydu waxay bilaabeen inay quraacda u dareeraan. Cabbaar yar ka dib keligeed ayaa ku hartay fasalka.'Bismillaahi Raxmaani Raxiim', iyadoo hoos u leh ayay hor istaagtay macallinkii.

"Ma ogtahay inaan nebcahay qofkii neceb maadadayda?" Ayuu macallinku waydiiyay. Wax jawaab ah ma uma ay celin.

"Naa maxaad isu qalqaloocinaysaa, su'aasha maad ka jawaabtid," isagoo leh ayuu indhaha ku gubay. Waxay taagnayd albaabka agtiisa.

"Macallin, ani... aniga ..., ma aqaan." Waxaa dhib ku ahayd intay hor taagan tahay. Waxay ka baqaysay inuu maqlo quraanka ay qalbiga ka akhrinaysay.

"Maxaadan aqoon?" Ayuu waydiiyay isagoo su'aasha ku xoojinayey farta murugsatada midig.

"Macallin, nasiib uma lihi xisaabta iyo sayniska...", hadalka way la gariiraysay mana aysan jawaabi karin. Waxaa saaqay kulayl. Garbasaar ay ka dul huwanayd shaarka iyo surweelka dugsiga ayay bilowday inay isku babiso. Hug-hugta wadnaheeda waxay ka dhex maqlaysay saabka hoostiisa isagoo dhiigga si xowli badan ugu qaybinaya jirkoo idil.

"Maxaad tiri?" Indhaha ayuu ka dhex dusinayay. "Naa waa inaad jeclaataa xisaabta iyo sayniskaba. 'Nasiib uma lihi' iyo 'ma aqaan' war aan maqli karo ma aha. Haday daacad kaa tahay maad aniga i waydiisid."

Waxay ku jawaabaysay hadba mar inay madaxa kor iyo hoos u ruxdo.

"Yaah? Maxaad leedahay? Diyaar ma u tahay inaad baratid xisaabta iyo sayniska, haa ama maya?" Ayuu si xanaaqsan u waydiiyay.

"Haa, macallin," ayay tiri.

"Hadii aad rajo ka leedahay inaad gudubtid imtixaanka dugsiga dhexe ee sannadkaan waa inaad timaaddaa duruusta galab waliba aan ka baxsho aqalka." Intuu kursiga ka istaagay ayuu xageeda u dhaqaaqay. Wuxuu gashanaa kabo cirba dhaadheer. Kor isagoo u eegaya ayuu labada gacmood dhexda ku qabsaday wuxuu ku amray, "Dersiga berrito waa inaad ka soo qayb gashaa. Hadii aadan doonayn inaad noqotid geed ka baxay fasalka toddobaad ee dugsiga 21ka Oktoobar. Shanta galabnimo waa inaad timaaddaa. Furaha hor-u-markaaga warqaddaan ayay ku qoran tahay. Soco."

"Haye, macallin," iyadoo leh ayay ka sii baxday fasalka.

'Macallinkaan waa i neceb yahay. ' Iyadoo qalbiga ka leh ayay sii dhex maraysay dhismayaasha fasallada taxan ee dugsiga.

 

 

Kulaylka qorraxda waxaa mar mar qarinaayay daruuro yar yar oo ay dabeyshu cayrinaysay. Dabaysha dayrtu waxay ka soo dhacdaa dhinaca xeebta. Bilaha Oktoobar iyo Nofeember Benaadir waxaa ka dhaca dabaylo xoog badan oo loo yaqaan Istaaq-Furulow.

Shankaroon waxay u gudubtay qaybta dugsiga hoose, si ay uga sii kaxayso saddex walaalaheed ah. Aqalku wuxuu u jiray, labaatan ilaa shan iyo labaatan mirir oo lug ah. Isbataalka caruurta (UNICEF) ee degamada Xamar Jajab ayuu in yar ka dambeeyay.

Dhismaha gurigooda wax yar ayaa laga beddelay tan iyo maalintay Shankaroon dhalatay, 8dii Luulyo 1966dii. Waqtigaas gurigoodu wuxuu ahaa cariish saddex qol ka kooban. Isla sannadkaas dhammadkiisa ayuu aabeheed Cilmi kala bar ka dhigay dhagax. Aabeheed wuxuu ka sheekayn jiray inay curadiisa u ahayd falxad. Sababaha uu ku aaminay waxaa ka mid ahayd maalinta ay dhalatay baayac-mushtarigiisu kor ayuu u kacay. Cawo ayuu u baxshay. Hase yeeshee, magacii abtigeed Yuusuf ayaa u hir galay. Aabeheed wuxuu damacsanaa inuu sannadihii ku xigay dhamaystiro dhismaha harsanaa ee guriga. Nasiib darrose, taladiisa tii Alle ayaa kaga soka martay. Jug madaxa ka gaartay kadib kolkuu gaari kula qallibmay agagaarka Afgooye ayuu afar sano kadib u geeriyooday.

 

 

Shankaroon iyo walaalaheed kolkay aqalka tageen hooyadood waxay ka salaama-noqsanaysay salaadda duhur.

"Maandhey, caruurta u gur qadada. Waxay ku jirtaa digsiga girgirraha agtiisa yaal," Ay-Madiina Xasan ayaa ku amartay gabadheeda iyadoo weli dul taagan salliga. Waxay u diyaar garowday inay xirato salaad sunne.

 

 

II

 

Shankaroon waxay ka mid ahayd ardayda dhex dhexaadka ah ee dugsiga. Haday ku wanaagsanaan lahayd maadooyinka xisaabta iyo sayniska laasum waxay noqon lahayd ardayda dalka ugu dhibca sarreeya. Nasiib darro, halkii ay ka raadin lahayd inay ku dadaasho maadooyinkaas, waxay u ekayd inay sii nacaysay.

"Naa maxaad uga soo qayb geli wayday waxbarashada?" Macallin Guduudane ayaa waydiiyay. Waxay ahayd laba iyo tobankii duhurnimo, waqtigay ardaydu ka rawaxdo dugsiga.

"Waan imaadaa, macallin," ayay ku jawaabtay Shankaroon iyadoo indhaha ka mirig mirig siinaysa. Dhuuxa hoostiisa waxay ka dareemaysay mowjado maskaxda ka soo burqamayay. Luguhu ma aysan sidi karin miisaankeeda.

"Naa, ma anigaa beenlow ah?" Ayuu si xanaaqsan u waydiiyay. Caradii ka muuqatay waxay isu soo uruurisay firiirixiyo uu ku lahaa wejiga oo ka dhaldhalaayay saliid uu subaxdaas ku dhaashaday.

"Wallaahi, macallin, xataa maalin ma aan maqnaan." Hadalkeedu wuxuu lahaa xabeeb qallalan.

"Ma waxaad iga dhaadhicinaysaa inaad dorraad timi aqalka? Yaah?"

"Macallin, maalintaas hooyaday ayaaa shaqo ii dirtay; waan soo bixi waayay;" waxay wejigiisa ka dareentay inuusan rumaysanayn hadalladeeda. Suu u aamino ayay u raacisay, "Ilaahow, inta aan jeclahay iga qaad, macallin..." intaysan dhammayn ayuu ku yiri,

"Gabar yahay, uma ekid qof waxbarasha doonaya. Indhahaaga ayaan ka arkaa. Hooyadaa hadii aysan doonayn inaad wax baratid, orod muufada u dub. Adigoo kale dugsigu wuu ka maarmaa. Qarankana khasaare ayaad ku tahay."

"Macallin..." hadalka ma'aysan dhamaystiri karin. Qallaylka dhuuntu xabeeb culus ayuu u yeelay; hadba carrabka intay rog-rogto ayay candhuufa qallalan liqaysay si ay dhuunta u qoyso.

"Ma aqaan hooyaday ayaa ii diiday iyo been kale. Ama hooyadaa la joog ama waxbarashada dooro;" isagoo weli sii hadlaya ayuu dhinaca albaabka sii aaday. Intuu dib u soo eegay ayuu ku yiri, "Berri galab waa inaad waxbarashada ka soo qayb gashaa. Fursaddii ugu dambaysay ayaan ku siinayaa ..." isagoo weli u sii hanjabaya ayuu albaabka ka sii baxay.

 

 

III

 

 

Macallin Guduudane wuxuu degganaa degmada Waaberi. Waddada Maka Al-Mukarrama dariiq yar oo ka baxa hortiisa guri ku yaal ayuu ijaar ugu jiray. Shankaroon oo nafteeda hiifaysa ayaa is waydiinaysay inay dib u noqoto iyo in kale. Waxay ku lugaynaysay dalcad yar oo bacaad badan kana sokeeyay aqalkuu u tilmaamay macallinku.

'Waa markii afaraad. Maalin kasto kaalay. Muxuu iga rabaa aniga?' Ayay is-waydiisay. Way istaagtay. Cabbaar ayay fekertay. Baqdin iyo walwal ayaa dhinacyada u kala dhufanayay taladeeda. Horay ayay u socotay. Cabbaar kolkay lugaysay ayay misna istaagtay. Baqdintii ayaa ku badatay. Mar keliya ayay dib u jeesatay. Kolkay dhawr tillabo qaaday ayay maqashay qof magaceeda u yeeraya. Way shakiday. Tooskeeda ayay u sii socotay iyadoo aan dib u jeesan.

"Hey, Shankaroon. Shankaroonay;" codka u yeeraya wax yar ayuu ka dambeeyay.

Waxay istaagtay iyadoo aan weli dib u jeesan. Iyadoo sidii u taagan ayuu qofkii u yeerayay soo gaaray. Intuu garabka ka qabtay ayuu ku yiri,

"Maxaa kugu dhacay? Ma waxaad garan wayday guriga?" Sidii geed baxay oo kale ayay u tognayd. "Bal eeg sida ay kuugu dhaw dahay meesha aad ka luntay;" ayuu u raaciyay macallin Guduudane. Dib intuu u dhaqaaqay isagoo tallabada gaabinaya ayuu yiri, "Ina mari." Wuxuu gashana macawis iyo funaanad ay midabadoodu wada casaayeen. Iyadoo u jirta shan tillaabo ayay daba gashay.

 

 

 

 

***

 

 

 

 

"Kursigaan soo fariiso," ayuu u tilmaamay kolkay qolkiisa soo gashay. Kursi kuwa fadhiga ah oo oollaa dhinaca midigta ee albaabka ayay ku fariisatay. Gabadha horteeda waxaa yiillay miis yar oo uu dul saarnaayeen ubax caag ah. Dhinacyada waxaa ka oollaa laba kursi oo yar yar. Ka soo hor jeedkeedaa waxaa uga muuqday sariir weyn oo ay dhinacyadeedu kor u dheer yihiin iyagoo haya maro guduudan oo ku daahnayd kala bar sariirta. Waxaa isheedu qabatay derbiga ka soo hor jeedkeeda oo ay surnaayeen sawirro naago qaawanaan ku dhaw. Hoos ayay madaxa u dhigtay iyadoo ka baqaysa inay mar kale indhaheedu qabtaan sawirrada. Qolka waxaa ka buuxay hawo culus oo uu ku reebay qiiq sigaar lagu cabay. Hawadu meel ay ka soo gasho ma uusan lahayn.

"Waxaan kaa ballan qaaday inaan kaa dhigo gabadha ugu sarraysa dugsiga. Sidii caanihii oo kale ayaan kuu qurqursiin doonaa xisaabta iyo sayniska. Qalbigaaga ii ballaq, Indhadeeraleeyeey," isagoo leh ayuu soo dhinac fariistay. Hadalladiisu waxay ka soo dhex dusayeen qiiqa sigaar uu cabayay. Garbasaarteedii ayay isaga babisay qiiq indhaha ka galay.

"Muhiimku waa inaaad kalsooni isa siisaa inaad maadooyinkaan baran kartid. Shuruudaha ugu horreeya waa inaad fahamtid sharciyadooda. Xisaabta la yiraahdo jajab ayaan kuu bilaabayaa."

Wuxuu bilaabay inuu ugu qeexo dersiga warqado hortiisa yiil. Indhaha oo keliya ayay ku jawaabaysay iyadoo weli hagoogan garbasaarteeda.

 

 

 

 

***

 

 

 

"Saaca bisaaca. Waqtina waa waxbarasho waqtiga kalena waa in la madadaashaa. Maskaxda hadii aan nafis la siin dersiga si fiican uma qaban karto," isagoo leh ayuu istaagay. Daqiiqad ka dib dhegteeda waxaa ku soo dhacayay muusik macaan iyo heeso Soomaali ah. Waxay ka soo burqamayeen sameecado surnaa afarta dhinac ee qolka. Wuxuu miiska saaray dhalooyin kooka koola ah oo wada furan. Wuxuu mid hor dhigay gabadha; tan kalena isaga ayaa hadba mar kabanayay.

 

 

Tan iyo goortay soo gashay qolka Shankaroon indhaha ayay ka mirig mirig siinaysay. Dhinacna ugama aysan dhaqaaqin siday u fadhiday. Waxay sii argagaxday markay arday kale meesha ka wayday. Macallinku wuxuu horay uga sheegey inay arday kale inuu galab waliba siiyo duruus. Markii ugu horreeysay ayay tiri,

"Macallin, waan baxayaa; inaan daaho ma rabo."

"Yaa isgaaray weli. Kolka h***is qabooji, kadib waxaynu u guda gelaynaa howlihii kale; fursadda maanta aan ku siiyay inaad is dhaafisid ma aha," ayuu ugu jawaabay.

Dhaladii sharaabka oo aysan weli kaban ayuu soo qabtay. Gacanta kalena garabkeeda ayuu suray. Dhaladii ayuu afkeeda ku soo hogaamiyay. Iyaduna madaxa ayay gadaal u dhufatay iyadoo diidaysa inay cabto. Gacanta ayay damacday inay isaga qabato. Qasab ayuu ku habay. Kolkay hal kabbo afkeeda ku dhacday ayay bushimaha isku qabatay. Jug ayay ka siisay xoogaagi. Dhuunta ayaa gubatay. Kulayl ayaa dhegaheeda ka kacay. 'Xaax' intay tiri ayay qufac ka wareegtay.

"Iska saar cuqdadda. Iska neefi cabburnaanta," ayuu ku dhiirri gelinaayay. Garbasaarta ayuu kor uga dhuftay.

"Macallin, waan daahay. Waa maqrib. Saacadaan oo kale weligay aqalka kama maqnaan. Hooyaday ayaa igu qaylinaysa hadaan daaho..." iyadoo baqaysa ayay sara-joogsatay.

"Weli waa maalin weyn. Kolkaynu sharaabka isku qaboojinno ayaynu dhamaystiraynaa dersiga maanta," ayuu u sheegay. Labadiisa gacmood ayuu ku qabtay labadeeda karrays. Hoos ayuu u cadaadiyay si uu u fariisiyo. Iyadoo diidaysa ayuu qasbayay ilaa uu fariisiyay. Si aysan uga baxsan, weli wuxuu hayay garbaha. Wuxuu bilaabay inuu la jiibiyo hees uu qaadayey Maxamed Saleebaan oo ka soo baxaysay sameecadaha,

 

 

Dhal wadaad la moodyee

Indhahaa kugu dhaygagayee

Dhabannada hillaaciyoo

Dhoolla ka qosolkaagee

Yuu ku dhaafin hadalkuye

Ii dhegaa nugloowee

Adna ha iga dheeraan

Adna ha iga dheeraan

Dhibatadaan i hayso

Ii soo dhawow

Aan dhammayno xaajada.

 

 

Hadba mar ayuu sharabka qasab ku kabinayey. Sheekooyin halalaasi ah iyo heeso macaan ayuu ku madadaalinayay iyadoo aan qalbigeedu weli xasillonayn. Cabsi, walwal iyo caloolyow isku dhex jira ayaa boggeeda qasayay. 'Waan daahayaa; waa ceeb inaan sii joogo,' iyadoo qalbiga ka leh aanse ku dhicin inay isaga ku tiraahdo ayay nafteeda ku lahayd. Baqdinta hooyadeed ay ka qabtay, aadaabtii guriga, dhaqankii la baray, xishmaddii loo carbiyay, dareenka damiirkeeda ee saxa iyo qaladka kartidii ay ku sheegi lahayd waxaa caburinayay baqdinta macallinka. Awoodda caqligeeda iyo kalsoonideedu way sii yaraanaysay daqiiqadba midda ku xigtay. Iskama aysan qaban karin gacmihii Guduudane oo ka furfuraya maryaheeda.

 

 

 

IV

 

 

 

 

"Ha la tooso; salaadana ha la tukado;" Ay-Madiina ayaa gabdhaheeda ku tiri. Shankaroon iyo Shamso waxay qolka la hurdeen saddexda yar yar ee walaalaheed. Waxay ahayd aroor h***kolkuu diiqu yeeray.

"Maxaa dhacay oo aad Shankaroon la tukan la'dahay?" Hooyadeed ayaa waydiisay, iyadoo ag taagnayd albaabka qolka; misna waxay curadeeda ku tiri, "Gabadha kaa yar waa h***ayay tukatay, adiguna weli sariirta ayaad is jeclaysiinaysaa. Ma sidaasaad ku doonaysaa inaad guri ku dhaqatid marka lagu guursado. Naa toos inta aan ku arkayo; dhaqso."

"Hooyo, waan jirranahay," ayay ku jawaabtay, iyadoo ka dhex hadlaysa mugdiga.

"Naa xanuunka beryahaan bogga kaa haya ee qayiray midabkaagii casaa muxuu yahay? Bal i tus meesha lagaa hayo." Waxay faraha dul marisay dhafoorka gabadheeda, si ay u eegtyo haday xumadi hayso;

"Sheekh Cali ayaan maanta kuugu yeeri doonaa, tahliil ha kuu tufee. Ilaahay caafimaad ha ku siiyo," ayay ugu ducaysay gabadheeda iyadoo ka walwalsan.

 

 

 

 

V

 

 

 

 

Macallin Guduudane wuxuu dareemay qoyaan gaaray cududiisa midig. Shankaroon oo dhinac hurudda ayaa gacantiisa barkanayd. Sariirta weyn ayay ku dul jiifeen. Illinta dhabannadeeda ka daroortay waxay ku daadatay barkinta.

"Asxaan samee, raaxada ha iga jiirin. Waqtigii farxadda ayaan ku jiraa. Uma baahni oohin iyo shidda kale ee qarribaya hawada aan ku jiro," ayuu ku yiri. Sariirta ayuu ka toosay. Sanduuq sharaab ugu jiray ayuu ku sii jeestay.

Wejiga waxay dhex gashatay barkinta. Si aamusan ayay u ilmaynaysay. Waxay ahayd boohin qallalan oo aan ciirsi lahayn. Wuxuu ahaa waqti uu qalbigeedu cidla joogo.

Kolkuu dhawr jeer soo kabaday sharaabka ayuu garabka soo qabtay isagoo leh,

"Orod sii soco. Horay ayaan kuugu sheegay inaan waayadaan howlo badanahay. Waxaan isu diyaarinayaa xafladda usbuuca dambe ee sannadka cusub. Toddobada maalmood ee ka haray waa inaan xiraa xisaabihii sannadka tegaya. Hawo cusub ayaan u baahnahay sannadka 1982da," isagoo leh ayuu u sii waday dhinaca laga baxo.

"Xageen adaa?" Ayay waydiisay. Wuu iska dhega tirayay. Gadaal ayay u soo fiirisay. Indhihiisii guduudnaa waxay u sheegeen inaysan wax naxriis ah ku harin. Il biriqsi ayay isku waydiisay meesha ay mareen hadalladii macaanaa uu ku madadaalin jiray. Hadalladii jecaylka ahaa sida 'Hay jecaylka, weligaa hay'; ballamadii, heshiisyadii, axdigii, ballantii guurka, naxriistii iyo wanaaggii uu tusi jiray xagee bay aadeen? Wuxuu u ekaa sidii qof aysan horay u aqoon.

"Saddex bilood weligay hal ceel kama cabin." Isagoo leh ayuu albaabka ka saaray. Dhawr tillaabo kolkay socotay ayay wareertay. Caloosha ayaa rogantay. Hoos ayay isla markiiba u fariisatay iyadoo marada xayd-xaydanaysa. Mantag ayay ka wareegtay.

 

 

 

 

***

 

 

 

 

Sheekh Cali wuxuu bilaabay inuu quraan joogta ah ku akhriyo Shankaroon. Maqrib walba ayuu u joogteeyay. Xanuunkii iyo maahsanaantii ayaa ku saa'iday. Arrintaas waxay hooyadeed gelisay walwal cusub. Waxay ku aragtay dabeecad aysan ku arki jirin.

"Naa Shamso, orod u yeer walaashaa wadaadka quraanka ha ku akhiyee?" Ayaa waydiisay gabadheedii oo casho karinaysay.

"Hooyo, ma aqaan meesha ay aaday," ayay iyaduna ugu jawaabtay.

"Wadaadka shaah cadays ah u gee intay walaashaa ka imaanayso," ayay ku amartay gabadheeda. Kolkay la kulanto xaal walwal ku dhaliya waxay badin jirtay salaadaha sunnooyinka. Eebe ayay xaalkeeda la kaashan jirtay.

 

 

 

 

***

 

 

 

 

Shankaroon waxay cabbaar garaacday albaabka guriga macallinka. Gudaha waxay ka maqlaysay muusik iyo dad madadaalo ku jira codkooda. Dhawr jeer oo kale ayay misna ku celisay.

Macallin Guduudane oo guntan go' guduudan ayaa albaabka furay. Kolkuu gabadhii arkay ayuu si xanaaqsan u yiri,

"Maxaad rabtaa saacadaan. Haddeer waan mashquulsanahay ee mar kale ha inoo ahaato." Neef culus ayaa ka soo baxaysay. Qiiq sigaar iyo cadar fiiqannna ayay ka soo urayay. Irriddoo tuurya ah ayuu ku keenay gabadhii. Intaysan xirmin ayay gacanta bidix ku celisay. Si xanaaqsan ayuu misna u soo firshay. Intuusan misna xirin ayay warqad ay midigta ku haysay u taagtay. Warqaddii intuu ka dhufsaday ayuu albaabkii si xoog leh uga xirtay.

Iyadoo garan la' waxay samayso ayay fariisatay xatabadda. Way isla hadlaysay iyadoo aan aqoon waxay iskula hadlayso.

Waxay ahayd goortuu iftiinka iyo mugidgu is-dhex galeen. Xiddiga Waxara-xir loo yaqaan wuxuu ka blig-bilig lahaa dhinaca galbeedka isagoo uu quruxdiisu qarinayay xiddigaha kale oo si dirqi ah uga muuqday cir guduudka awgii.

 

Cabbaar kolkay sugtay ayay misna bilowday inay garaacdo albaabka. Mar labaad intaysan ku celin ayuu f***ka siiyay,

"Naa, ma waxaad maqashay *****lada ayuu uruursadaa? Wixii uurka kuu yeelay raadso." Ayuu si naxli leh u yiri isagoo ku nafisaya inuu hoos hadalka ugu tiig-tiigsado. Dhinacyada ayay eegtay. Waxay ka baqday inay maqlaan dadka dariiqa maraya. Oraahdiisa isagoo aan la jixin jixayn ayuu misna ku yiri,

"Sunta aad ku hanjabaysid sonkor isaga dar..." isagoo leh ayuu qataarka albaabka geshay.

Onkod foori u eg ayaa maskaxdeeda ka yeeray. Iyadoo qalbiga ka ooyaysa ayay dhinaca aqalkooda u dhaqaaqday. Cirka ayay jeedaalisay. Labada dacal ee samada inta u muuqatay ayay eegtay. Malyuumaad iyo malyuumaad xiddigood oo iftiinka ka soo diraya malyuumaad iyo malyuumaad kiiloomitir ayaa u muuqday. 'Raxmaankii waxaas oo idil abuuray kurbadayda miyuu u daahayaa?' Ayay is-waydiisay. 'Marka horeba haduusan murugadaan ila rabin ima geliyeen.' Ayay iska dhaadhicisay iyadoo shakisan. 'Ilaahoow, maxaad ila damacday?'

Illin ayaa indheheeda buuxshay. 'Yaa i geeya meel dheer oo aan layga arag, aan layga maqal oo aan layga aqoon;' ayay iskula hadashay. Waxay jeclayd inay cirka u dusho oo ay xiddigaha cidla jooga weheshato.

'Qofkii daahir ah ayaa cirka la geeyaa. Qofkii xun meel xun ayuu Ilaahay u dhigaa; dhulka hoostiisa ama badda salkeeda; iyo xagee kale....? Yaa i shiida oo ciidda igu firdhiya; yaa i afuufa oo dabaysha igu dara." Illinta ayaa dhabannada soo dareertay. Garbasaarteeda ayay jiq isku siisay.

 

 

 

 

Iyadoo weli murugaysan ayay aqalkooda gashay. Feynuus oollayd albaabka qolka ay seexato ayay sigtay inay lugta ku sii qaado. Siday u sii kacsanayd ayay sariirteedii catiirka ahayd ku dul seexatay.

"Naa, jirrada dhaandhaanka kaa dhigtay oo dabci xumada iyo guuraynta ku bartay maxay tahay? Waxa jira ii sheeg," ayaa hooyadeed waydiisay iyadoo deydka fadhida. Waxay la cawaynaysay caruurteeda kale. Shankaroon uma aysan jawaabin. Islaantii oo la caraysan jawaab la'aanta ayaa qolka soo gashay. Gabadheeda oo go' huwan ayay dul istagtay. Kor ayay uga dhufatay go'ii, waxayna ku tiri, "Naa maxaad iigu jawaabi la' dahay? Yaah?" Gabadhu weli uma aysan jawaabin. Hooyadu waxay ka sii carootay jawab la' aanta dambe. Fara jir-jir ayay ku kicisay. Mar labaad ayay u celisay.

"Waasan ha inoo beryo. Abtigaa iyo adiga ayaa xisaabtami doona. Wallee waxaad soo wado iyo webiga yaa weyn!" Iyadoo leh ayay qolka ka sii baxday.

 

 

 

 

VI

 

 

 

 

 

'Farxad wanaagsan; Sannad wanaagsan;' waxaa isugu hambalyeynayay dad isugu yimi xaflad. Xafladda waxay ka dhecaysay African Village. Macallin Guduudane oo gashan jubbad iyo surweel wada guduudan ayaa ka mid ahaa dadka dabaal degayay. Muusik qalaad iyo heeso Soomaali ayay ku madadaalanayeen.

Kolkay laba daqiiqadood ka harsanaayeen kala wareegga 1981da iyo 1982da ayaa muusikada la demiyay. Qof waliba koobkuu haystay ayuu kor u qaaday. Gacanta dheer ee saacad weyn oo derbiga surnayd ayaa la wada jeedaalinayay intay ku sii socotay tan kale oo dul joogtay 12.00 habeenka kala barkiisa. Iyadoo la wada sugayo ayay gacantii dheerayd si hallaasi ah u dul fuushay tii kale. Mar keliya ayaa kor loo wada heesay,

 

 

Waa lagaa helaayo, hadhaw lagu xasuusta

Kii noo hagaagee, noqo loo hanweyn yahay

Noqo loo hanweyn yahay, noqo loo hanweyn yahay

 

 

Muusikadii ayaa dib loo shiday. Dadkii qaar ka mid ah waxay bilaabeen inay ciyaaraan iyagoo muusikada la qabsanaya. Qaar kale farxad iyo bashbash ayay isku bogaadinayeen.

 

 

Macallin Guduudane wuxuu hab siiyay gabar la socotay. Intuu shafka shafka u saaray ayuu ku yiri,

"Qalbi-u-roonay, sannadka cusub ha noo noqdo mid aan xididada u surno jecaylkeenna. Hay jecaylka, weligaa hay."

"Mac... macallin ee ... ma... macaanow, habeenkii guriga kama daahi karo. Haddana waa waqti dambe ee..." iyadoo khajilaysa oo aan dhammayn hadalka ayuu afka u saaray koobkuu haystay. Kolkay kabatay ayay qufac ka wareegtay. Isagoo weli qasbaya ayuu mar kale kabisiiyay sharaabkiisa

 

 

VII

 

 

 

 

Shankaroon oo weli isla hadlaysa ayuu waagu guduutay. Wax walba ayaa qalbigeeda ku soo dhacay. Waxna kama aysan xusuusnayn. Talo, go'aan iyo xeelad walba oo ay ku xalliso kurbadeeda ayay ka fekertay. Dhinacna way u dhaqaajin kari wayday. 'Abtigay maxaan u sheegaa? Dhimashaa ii roon.' Caloosha ayay dhawr tantoonyo isaga dhufatay. Iyadoo weli isla hadlaysa ayaa guriga laga toosay.

 

 

 

 

"Naa dhaqso waqtigii dhamaaye," hooyadeed ayaa ku tiri. Shankaroon oo gashan lebiska dugsiga ayaa fadhdiday deedka. Waxaa hor oollaa quraacdeedii canjeelada ahayd oo ay ku iidaamatay sonkor iyo saliid macsaro. Hadba waxay kabanaysay qaxwe qaraar ay ka shubanaysay jelemad burjikada saarnayd. Udgoonka qaxwaha ayaa guriga ka buuxay.

Waxay ahayd halkii saac ee subaxnimo ay daqiiqado dheer yihiin. Hooyadeed waxay ku hawlanayd caruuteedii oo ay dugsiga u diraysay.

Shankaroon waxay u ekayd maqane-jooge. Cabbaar yar ka dib iyadoo wahsanaysa ayay istaagtay. Qolkeeda ayay gashay. Warqad duuduuban ayay kala soo baxday sanduuq bir ah oo ay lahayd. Si karkaba ah ayay u gashay qubayska. Koombada qubayska ayay ku shubtay wixii warqadda ku jiray. Goror biya ah oo ku haray baaldi ag oolla ayay ku dul gororisay. Faraha ayay iskula qooshtay. 'Tawakal' iyadoo leh ayay daasaddii kor u qaaday. Indhaha ayay isku qabsatay. Neeftana way isku celisay si aysan u dareemin wax dhadhan ah. Mar keliya ayay dig ka siisay wixii ay isku qooshatay. Jiriirico ayaa jirkoo idil saaqay. Carabka ilaa uurkutaallada ayaa la saaqay. Isla markiiba waxay dareentay xididada maskaxda oo soo togmaya. Neefta way ku cabburmaysay intay hoos u fariisanaysay.

 

 

"Naa weli ma iska daba wareegaysaa. Dawankii dugsiga waa h***ayuu yeeray ee kaalay ilmaha kaxee yaysan daahine," ayaa hooyadeed ku lahayd gabadheeda oo weli qubayska ku jirta. Si aysan caruurtu dugsiga uga daahin, gabadheeda kale, Shamso, ayay ku amartay, "Maandhey, orod adigu caruurta sii kaxee; walaashiin way idiinka daba imaan doontaaye."

Hooyadii kolkay caruurteedii yar yarayd ay dugsiga u dirtay ayay u jeensatay howlihii guriga. Waxay la yaabanayd daahista curadeeda.

 

 

Waqti yar ka dib ayay albaabka qubayska ku soo halgaadday xaaqin ay gacanta ku haysay.

"Weli guriga ma ka dhammaan la'dahay, gabaryahay? Naa ka soo bax meesha; jinni kugu ceejiye!" Iyadoo leh ayay albaabkii qubayska garaacday. Mise wax jawaab kama aysan maqal! Waxay la yaabtay jawaab la'aanta. Dhegta ayay saartay albaabka si ay u dhegaysato wax shanqar inay gudihiisa ka maqasho. Waxba kama aysan maqal. Iyadoo yaaban ayay dhawr jeer ku cel-celisay,

"Naa maxaa ku helay? Naa fur albaabka baas! Fur dhaqso!"

Yaabkeedii wuxuu isu beddelay baqdin iyo walbahaar sii kordhayay daqiiqadba daqiiqadda ka dambaysa. Iyadoo aan iska war hayn ayay garaacis ku bilowday,

"Naa fur; fur albaabka. Naa maxaa ku helay? Naa... Naa fur." Weli wax jawaab ah ma aysan maqal. Dareenkii baqdinta ahaa wuu ku sii saa'iday ilaa uu gaaray heer uu hooyadii ka tan badiyay. Waxay bilowday inay kor u qayliso,

"Ba'ayeey! ... anigasyka ba'ayee! Shankaroon sidaan kuma nabad qabtooy! ... ba'ayeey! Hoogayeey!"

Qayla-dhaankii hooyada waxaa ku soo baxay deriskii qaarkood. Rag iyo haween ayaa u soo gurmaday. Si qubayska loo jebsho ayaa nin xoog weyn harranti ku dhuftay albaabka. Wuxuu albaabku ka samaysnaa alwaax adag. Dhawr jeer oo kale ayuu misna harranti toos ah ugu kiciyay. Iriiddii intay goosatay ayay faseexaddii gudaha ka haysay ayay gudaha f***u tiri. Shankaroon oo u jiifta xabad xabad iyadoo aan wax miyir ah lagu arag ayay gudaha oollayd. Dhabanka midig ayay u barkanayd. Dhabanka kale iyo bushimaha waxaa ka muuqday abur cad. Nin ka mid ahaa gurmadka ayaa damcay inuu gudaha u gudbo. Isagoo ka sii tillaabsanaya baaldi hor ollaa xatabadda gudaha xigta ayaa lugta midig u fakatay iyadoo tan kale aysan dhulka weli gaarin. Intuu kor u kacay ayuu dhulka mab ku yiri. Jeegada midig ayuu ku dhufsaday xatabadda gudaha xigta. Dhiig ayaa ka soo duulay dhinaca hoose ee jeegada. Hooyadii oo la dhakafaarsan gabadheeda belaayada ku dhacday ayaa, iyadoo aan eegin ninkii jir jirka u oollaa, gudaha u gudubtay. Labada gacmood intay madaxa saartay ayay ku barooratay curadeeda,

"Hoogayoo ba'ayeey! Jin baa dharbaaxayey! Shaydaanka naara! Shaydaanka naara!" Gacmaha ayay dhinacyada u sayrisay, "Acuudu Billaahi! Acuudu Billaahi minashaydaani rajiim! Shaydaanow shuu shuu! Shaydaanow shuu shuu!" Sidii qof jinka tuuryaynaysa ayay gacmaha dhinacyada u warfisay.

Labaatan daqiiqadood ka dib, Shankaroon iyo ninkii ku dhaawacmay gurmadkeeda waxaa lagu qaaday fatuurad taksi ah. Isbitaalka Digfeer ayaa si dhaqso ah lagu gaarsiiyay. Isla markiina waxaa loo gudbiyay qaybta Gargaarka Deg-Degga ah.

 

 

***

 

Ay-Madiina iyo islaamo u soo raacay isbitaalka waxay hoos fariisteen dhamas dhaadheer oo ka baxay daydka weyn ee isbitaalka. Dabayshu waxay kala firdhinaysay caleemo qallalan oo hoos daadsanaa dhirta taxan. Ay-Madiina waxay ku tasbiixsanaysay tusbax dheer. Waxay akhrinaysey salliga Nebiga iyo suurado gaagaaban intii ay quraanka ka tiqiinay.

"Madad yaa Jaylaani! Madad! Madad yaa Jaylaani! Madad!" Waxaa lahayd habrihii midood oo iyaduna ku tas biixsanaysay tusbax aan ka yarayn kan Ay-Madiina ay sidatay. Hooyadii waxaa ku sii batay walbahaarka.

'Shardi waxaan ku galay inaan awliyadoo idil xuso. Muriyadayda dahabka ah inaan u iibsho ayaan axdi ku galay. Allow maanta i furo.' Ayay qalbiga ka lahayd.

Laba saacadood ka dib waxaa u soo muuqday nin ka mid ahaa deriska oo gudihiisa u sii raacay Shankaroon. Waxaa la socotay gabar gashan dharka kal-kaaliyayaasha isbitaalka. Kolkay ag yimaadeen Ay-Madiina iyo islaamihii kale, ninka wejigiisa waxaa ka muuqday qalbi xumo. Hase ahaatee, wuxuu hadalka u daayay kal-kaalisada,

"Gabadhii aad keenteen...!" markay marinayso ayay aamustay. Waxay ka baqday indhaha argagaxsan ee iyada soo eegayay. "Gabadhii hee...?" ayaa islaamihii mid ka mid ahi waydiisay.

"Gaba... gabadhiii way naf baxday! Sunbaa caloosheeda laga helay." Oo tuuryo ah ayay ku jawaabtay.

Hooyadii maskaxdeeda waxaa ka yeeray hugun! Si aysan dhulka u waayin, waxay iska hor marisay gacanta bidix. Si tartiib ah ayay u fariisatay. Islaamihii mar keli ah ayay dhinaceeda soo wada fiirsheen. Indha naxdin iyo naxariis isugu jira ayay ku soo wada eegeen. Ilbiriqsi ayaa wejigeedu isku beddelay. Waxay u ekaatay sidii qof jira laba jeer jibbaar cumrigeedii kontonka ku dhawaa.

 

 

Sannadku wuxuu ku bilowdaa Jenawari. Dadkuna waxay ku soo dhaweeyaan qalbi furan iyagoo aan garanyn waxa khayr iyo shar uu u kaydinayo. Ay-Madiina iyo agoonteedii kama aysan samata bixin sannadkii tegay harraantidiisa iyo kan cusub herdidiisa.

 

Shankaroon waxay galbatay 1dii Jenawari 1982dii. Aqalkii aakhiro ayay u galbatay.

 

Dhammaad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Waa sheeko naxdin, tiiraanyo, qalbi jab, wareer, kadeed, mashaqo iyo dhibaato ka buuxdo,

 

 

Shankaroon cabsi ay ka qabto Macalinka ayey kartideeda iyo caqligeeda u isticmaali weyday, balse cabsidaas waxaa u dheeraa in uuba xilligu ahaa xilli xun, goor xun, meel xun, waqti xun, macalin xun, guri xun, wax ay ka qaban kartaana ma jirto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Haa Nuune, waa sheeko dhici karta, aad bay ugu badnaayeen macalimiinta duliga ah Soomaaliya, waxaan xusuusta gabadh askuulka nala dhigan jirtay oo soo xiratay masar/khamaar , ka dibna macalinkii ka tuuray, Maxaa Faransiiska oo gaalo ah loo yaabaa,Soomaalida ka dareeyd. Gabdhaha waxa iyana lagu khasbi jiray surweelka.

 

Sheekadan mar hore baan akhriyey, qofkii qoray ma hayo, waxa aan ka soo guuriyey halka ....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this