Sign in to follow this  
Gar-haye

Magaca – ******ya -iyo Qadiyadda Gobanimadoon

Recommended Posts

Gar-haye   

Magaca – ******ya -

iyo Qadiyadda Gobanimadoon

Xussen Noor.

 

Qoraalkan waxaan soo daabacnay (Qorahay Online) May 2003 waxaana hadda ugu celinay waxaan u aragnay in uu yahay Maqaal Taariikhi ah waxaanu ugu tala galay in ay ka faa'iidaystaan kharistayaasha.

 

Waxaa hubaal ah dad aad u fara badan oo Soomalida ******ya ku nool ahi ay doonayaan inay ka qayb qaataan halganka hubeysanee looga soo horjeedo gumeysiga Xabashida. Waxaa sidoo kale iyana dhici karta in ay qaar ka mid ah shacbigaas ka biya diidsan yihiin magaca – ******ya – oo ah midka uu halganka ku socdo ay wado jabhadda wadaniga ah ee hadda hormuudka u ah halaganka gobanimadoon taasoo ah Jabhadda Wadaniga Xoreynta ******ya loona soo gaabiyo JWXO.

Anigoo ah ka mid ah muwadiniinta ku nool magaalada Dirdhaba ee gobolkan loo yaqaan ******ya, Xabashiduna ula baxday Kililka 5aad, hasa ahaatee aan u dhalan qoladan loo xaglinayo inuu magaca halganka ku socdo, ayaan isku dayayaa inaan si caqli furnaan ah (liberal) oo ka fayow cudurkan umadda Somaliyeed lagu ibtileeyey uga doodo qodobka ah; Ma haboontahay inaan magacan ******ya ku halganno? Ama waa magac qabiile waynu iska daynaa? Maqaalkii uu qoray qoraaga SomaliTalk ee cinwaankiisu ahaa (Ma ******yadii-bey la dhali wayday) oo aan in badan ku noqnoqday akhrintiisa ayaa igu dhaliyey inaan ra’yi ka dhiibto mawduucan in badan ka daalyey maskaxda umadeena.

Waxaan ka codsan akhristaha, inta aadan bilaabin akhrinta maqaalkaygan inaad meel fog soo dhigato caadifada qabiil. Waan huba in aanay fududeyn arrintan aan kaa codsanayo, waxaanse doonayaa inaan meel dhexdhexaad ah iska taagno arinta oo aan markaa si wada jir ah u gorfeyno umuuraha soo socda;

 

1- Magaca muxuu faa’ideeyaa?

Su’aashan waxaa ku hoos naban maxaa loola baxaa magac? Yaase leh awooda magac bixinta?

Hadaan soo koobno jawaabta su’aalahaa, sida la ogsoon yahay walax kasta (Every thing) oo la doonayo in laga sooco waxyaalaha la midka ah ee ku xeeran waa in loo magac baxsho. Qofka inta aanu dhalan magac ma laha, hasa ahaatee maalinta uu ifka yimaado waa in loo doonaa magac, haddii taa la waayona waxaa imanaysa in lagu ladho magaca hooyadii (kii ay dhashay?) ama aabihii. Sidoo kale xoolaha waa in loo magac baxshaa, iyo weelashaba. Dunida inugu xeeran dhul iyo cirba, kolba meeshii cusubee la ogaado sidoo kale waa in loo doonaa magac. Waxaad arkeysaa xidigaha iyo majaraadka (galaxies) oo magacyo ama tirooyin lagu kala saarayo. Hadaba su’aasha ah magacyadaa aynu ku kala saareyno dhamaan noolaha iyo ma noolahaba yaa u baxsha sow ma’aha su’aal dhaxal-gal ah? Jawaabteeda oo koobanna waa sidan; Qofka leh walaxaas (sheygaas) amaba ugu hor ogaaday jiritaankiisa ayaa xaq u leh magac bixintiisa. Sidaa darteed, ayaad qaaradaha iyo dhulkaba ku arkeysaa iyadoo la leeyahay waxaa helay nin hebel oo u dhashay dalkaa (badankood waa ree Yurub ) wuxuuna ugu yeeray sidan ... Waxay u baahan tahay arrinta saad u fahamto akhristow inaan magacyada dalalka qaarkood inaan tusaale ahaan kuu siiyo meesha laga keenay;

 

A- Dalalka qaar waxaa loogu magac daray meelo joqoraafi ahaan caan ku ah sida:

Urdun (Jordan): waa magac uu leeyahay wabiga urdun ee dalkaa mara.

Kiinya: waa magaca buurta ugu dheer dalkaa.

 

Way badan yihiin dallka loogu magacdaray meel joqoraafi ahaan caan ku ah.

B- Qaarrna dalalka waxaa loogu magac daray dadka ku nool hab dhaqan-kooda ama sameyskooda muuqaal ahaan, sida;

 

Itobiya: waa kalimad Griig ah macnaheedu yahay dadkii wajiyada madoobaa.

Borma : Raggii xoogga badnaa.

 

C- Qaar waxaa loogu magac daray halyeygii xoreeyey ama dhulmareenkii soo ogaaday ama boqorkii u talin jiray sida:

Filibiin oo ah magaca boqorkii Isbayn (Spain) markii ay ku duuleen jasiiradaa.

Boliifiya (Bolivia) oo ah magaca halyeygii ka xoreeyey gumeysigii Isbayn (Simon Bolivar)

 

D- Qaar kale ayaa looga dhigay magac boqorkii asaasay sida Sacuudiga, Baniin iwm.

E- Qaarna waxaa loogu magac daray qabiilka ugu badan ee daga dalkaa sida:

Uganda, Angoola, Baragway, i.w.m.

 

Markii la sameeyey tirakoob magacyada dalalka caalamka iyo meelaha ay ka soo jeedaana waxaa soo baxday shaxdan:

 

1- 17.5% duwalka caalamka waxay wataan magacyo qabiil ama shacab.

2- 9.1% duwalka caalamka waxay wataan magaca muujinaya joqoraafi ama cimilo.

3- 8.5% duwalka caalamka waxay wataan magacyo muujinaya arrimo diineed.

4- 7.3% duwalka caalamka waxay wataan magacyo taariikyo iyo xadaarad taktay.

5- 7.3% duwalka caalamka waxay wataan magacyo wabi dhex mara dalkooda.

6- 6.7 duwalka caalamka waxay wataan magacyo muujinaya astaamo u gaar ah.

7- 6.7% duwalka caalamka waxay wataan magacyo muujinya jahada uu ku yaal dal.

8- 2.4% duwalka caalamka waxay wataan magacyo siyaasiin can ah.

9- Iyo waxyaaba kale ….

 

Intaa hadaan uga tago baaritaankii aan ku samaynayey magacyada dalalka dunida, oo sida kuu muuqata muujinaya wax aan dhaafsiisnayn eray bixin un, oon hoos ugu daadago magaca dhulka Somaliyeedee Xabashidu ay gumaysato, anigoo ka eegi doona dhan joqo-siyaasi (geopolitical), oo daba-gal aan fogeynna ku sameyn doona taariikhda magacaa, waxaan hadalkayga ku furan in aan xusuusiyo akhristaha arimahan:

1- Dhulkan yaa u baxshay ******ya? Goormaase loo baxshay?

 

2- Qabiilka ******** loo yaqaan magacan dhib iyo dheef midkeebay ku qabaan?

3- Ma’inoo hirgali kartaa inaan badalno magacaa manta? Danta halganka gobanimadoon ma ku jirta talaabadaa in la qaado?

 

Markaan baaray kharaa’idyadii (maps) ay sawireen dhulmareenadii Afrika dhex mushaaxay, waxaan la kulmay in tan iyo 1850kii kharaa’idyadiiii la sawirayey lagu magacaabi jiray (******) dhulkan ay Somalidu dagto, waagaasoo dhulkii la odhan jiray Abyssinia aanu ka hooseyn buuraha ka koreeya Addis Ababa. Mana jirin xuduud Somali leedahay maadama aanay laheyn waagaa qaran mideeya. Waxaa jiray un qarnigii 12aad saldanad la oran jiray Taras oo Saylac fadhiday markii dambena u soo wareegtay Harar. Hasa ahaatee awooda saladanadda kama baxsaneyn magaalada (city-state).

 

Waxaa caan u ahaa dhulmareenadu inay weydiiyaan dadka ay kula kulmaan wadooyinka su’aalaha ah; yaa idin xukuma? Su’aasha ku xigta haddii ay sheegi waayaan Boqorka u taliya waa yaad tihiin. Intaa uu socdo su’aalahaa ayuu weydiiyaa qofkastoo uu la kulmo. Haddii loo tilmaamo boqorka xukuma dhulkaa wuxuu doontaa goobta uu fadhiyo suu ula kulmo ugana taariikheeyo kolba hadafka uu ka leeyahay oo u badneyd inuu ka war bixiyo baaxadda dhulkiisa iyo awooddiisa ciidan iyo dhaqaale. Haddii la waayo dawlad ka tilisa dhulkaa waxay ku magacaabaan dhulkii shacabkaa oo ah magaca ugu badanee loo sheegtay. Waxaan filayaa in aanay laba ku murmayn in u bixinta dhulkan ******ya aanay Soomaali shaqa ku lahayn haba yaraatee. Sidoo kale dhamaan taariikhda qoran, mid hore iyo mid cusubba magacaa ay dhulmareenadu muujiyeen umbay daba galeen.

 

Waxaan meela kale ka akhriyey in markii ugu horeysay ee siyaasad ahaan loo isticmaalo magacan –******ya- uu ahaa heshiiskii dhexmaray suldaankii Sanjibaar (Saciid Barqash) iyo shirakaddii Imperial British of East Africa 1878kii. Heshiiskaa oo shirkadda xaq u siiyey inay gobolka ******ya ka baarato macaadinta dheemanka iwm.

 

Hadaan uga gudbo su’aasha ku xigta, sida aan ogsoonahay Somalida xorta ah waxay isku raacsan-tahay in qofka Ogadeenka ah (qabiil ahaan) uu ku yahay laaji Soomlaiya, iyadoo aanu ogsoonahay in qabaa’ilka Somaali dhamaan ay qaybo kaga jiraan gumaysiga Xabashida, haba loo kala batee!!

Sida aanu wada ogsoonahay, Somalida xorta ah waxay isku raacsan-tahay in qofka Ogadeenka ah (qabiil ahaan) uu ku yahay laaji Soomliya, iyadoo la wada ogsoonyahay in qabaa’ilka Somaaliyeed ay qaybo ka mid ahi ku hoos jiraan gumaysiga Xabashida, haba loo kala batee!!

 

Sow dhab ma aha qofka aan ahayn qabiilka ******* hadduu ka yimaado galbeedka ugu shisheeya wadankeena marka uu soo galo Somaliya in loo aqoonsado muwaadin Somaliyeed, kan Ogadeenee ku dhashay Mustaxiilna noqdo laaji?

Arintaasi maxaa sabab u ah?

 

Dadka qaar waxaa laga yaabaa inay u arkayeen sababta in qabiilka ogadeenka ay dhamaantood degaan dhulka ay Xabashidu gumaysato, meesha ay qabaa’ilka kale qaarkood ay ku leeyihiin degaano Somaliya!!

Waxaase aad la yaab ugu noqotay dadka badankii, gaar ahaan kuwa aan aqoonta u laheyn deegaanada Somaliya markii ay qabiilo ****** ah ku doodeen lahaanshaha gobollo iyo dhul baaxad weyn leh oo koonfurta Somaliya ah gaar ahaan Jubada hoose. Waxaana ugaba sii yaab badnayd markii ay siyaasiyiintii ku hardamaysay goboladaasi ogolaadeen sheegashada ******* degaanadaasi.

Markaa umbay isweydiiyeen su’aasha ah; oo maxaa loo lahaa waa laajiyiin?

 

Baaritaanka su’aashaa ayaa waxaa jawaab u ah in sababta loo lahaa ay tahay gobolkan ay xabashidu gumeysato oo lagu magacaabo ******ya, taasoo keentay in dareenka-qarsoon (sub-conscious) ee Somalida ka dhaadhacdo in ******* gabi ahaan la gumaysto.

 

Sidaa darteed, ma oran karnaa xuquuq badanoo ay Ogadeenku (qabiil ahaan) ku lahaayeen Somaliya ayey ku waayeen magacaa dartii? Waa su’aal u baahan in si cilmi ah (academically) loo baaro, oo waxyaaba badanoo ka daahan maanta taariikhda banaanka loo soo saaro.

 

Hadaan uga gudubno su’aasha ah; magaca (iyo naanaysaha) raad ma ku yeeshaan hab dhaqanka (bahavior) qofka? Tusaale ahaan, hadii qof loogu yeero marwalba Abwaan, ma keeni kartaa inuu si abwaanimo ah u dhaqmo? Culimada –Psychology- ga waxay odhanayaan HAA. Sidaa darteed ayuu Rasuulkeenii Maxamed N.N. ugu amray muslimiinta in aanay magacya xun-xun isugu yeerin, isagoo ka badali jiray kii soo islaama isagoo magac xun loogu yeero.

 

Hadaan isweydiino su’aasha ah magac dhuleedka ah –******ya- qabiilkan ******* ma saaray culays aan saarneyn Somalida gumaysiga kula hoos nool? Jawaabta su’aashaa waxaan u daynayaa akhristaha inuu ka dhex baaro taariikhdii halgan ee gobolkan 60kii sanee ugu dambeysay.

 

Waxaana hubaal ah qofka u baara si dhexdhexaad ah inuu helayo natiijada ah; Qofka ******* (qabiil ahaan) meeluu joogaba wuxuu dareensan-yahay inuu gumaysi ku jiro halganna la gudboon yahay, qofkii aan taa dareensanayna Somalida kale ayaaba ku ceebeyn. Sheeka gaaban oon goob jooge u ahaa aan idiin dhex galiyo tusaale ahaan.. Waxaa wada daawanayey TV dhalinyaro Somali ah. Waxaa warka lagu sheegay dhibaatada Yuhuuda ay ku hayso ree Falastiin. Wiil ******* ah oo meesha fadhiyey ayaa ishayn kari waayey oo yidhi: “ Haddii la furi lahaa jihaadka Falastiin waan aadi lahaa.”

Mid ah dhalinyaradii meesha fadhiday ayaa ugu jawaabay: “ Dalkaaga xoree intaad meel kale xoreyn lahayd.” Hadalkii wiilkaa dambe ayaa loo riyaaqay laguna aamusay.

 

Aniga meesha fadhiya waxaan ogahay in wiilakan ****** isaga iska daaye aanu awoowgiina cag dhigin ******ya. Waa nin ree Jubada hoose ah.

 

Hadii aanu wiilkaasi ahayn ******* waxaa la hubaa inaan sidaa loola hadleen!! Xataa haduu yahay qabaa’ilka Somaliyeed ee daga xadka u dhexeeya Oramada iyo Somalida!! Hadiiba ay dhacdo in sidaa lagu yidhaahdona kama xishoodeen inuu u jawaabo.

 

Sababta ay taasi ku dhacday oo dhalin yaradu u yidhaahdeen wiilkan xoree dhulkaaga iyagoo aan aqoon deegaanka uu ku dhashay, waxay ku sal leedahay xiriirka ka dhexeeya qabiilkiisa (******) iyo magaca dhulkan Somaliyeed ee la gumaysto –******ya- sidoo kalena qabiilka ******* oo dareenkiisa qarsoon (sub-conscious) iyo damiirkiisaba ay ku xafidan tahay in ******ya la gumaysto, halganna la gudboon yahay.

 

Dadka qaarbaa isku qanciyay in magacan –******ya- yahay magac gumaysi uu baxshay Xabashiduna ay ka doorbidayso in magacya kale loogu yeedho wadankaa. Waxaase hubaal ah inuu yahay magacan (******ya) kan horjoogsaday been-abuurka Xabashida ee ah in Somaalida deggan gobolkan ay yihiin ree guuraa (nomads) daba socda daaqa iyo biyaha u dhexeeya xadka laba dal ee Somaliya iyo Itobiya. Arintu inay sidaa tahayna waxaa kuu muujinaya waagii la baxshay magacan Somaligalbeed, Itobiya waxay ugu muujisay caalamka in Somaliya dooneyso dhul balaadhse, Maxamed Siyaad-na yahay nin qawmiyad ururiye ah (irredentist), kaasoo ah qofka ku dagaalamaya dhul dowlad kale ka taliso isagoo ku andacoonaya shacbigayga ayaa daga. Arintaa (irredentism) ka ah oo aan caalamka laga ogolayn maanta kadib dagaalkii labaad iyo sheegashooyinkii Hitler.

 

Aan hoos ugu daadagno arinta oon isweydiino, maxaan ku diidannahay magacan –******ya- inaan ku halganno? Jawaabta lala soo deg-degayo waa magacanoo ku sal leh magac qabiil. Hadiise magacan aynu uga cararayno qabiil dartii (runtiina qabiil waa wax laga cararo), malooga badbaadi karaa arimaha qabyaaladeed magac bixin un? Jawaabtu waa MAYA … MAYA … MAYA. Arimaha manta ka jira Somaliya ayaana daliil ahaan noogu filan. Dhamaan ururada dagaalka (war factions) iyo kuwa siyaasadeedba waxay wataan magacyo muujinaya Somalinimo …- sida; SSDF, USC, SNM, SPM, SNF sii daba soco. Waxaanan wada ogsoonahay in SSDF tahay qabiilka ---, USC tahay qabiilka ---, SPM tahay qabiilka --- sidoo kale SNF. Arki maysid qof ah qabiilka USC oo ka mid ah ururka SSDF, ama mid ah qabiilka SSDF oo ka mid ah SNM, iwm. Hadaba akhristow, ma looga badbaaday magacyadoodan quruxda badan qabyaaladii? Sidoo kale waagii aynu la baxnay Somaligalbeed, qabiil ka carar awgeed, sow lama aynaan baxin ugu dambayn –Sii Galbeed- iyo – Ka sii Galbeed-?

 

Waxaynu soo gaarnay markii aynu ka jawaabi laheyn su’aashii ahayd; Ma’inoo hirgali kartaa in aan badalno magacan –******ya-? Danta halgankase ma ku jirtaa maanta inaan taa ku dhaqaaqno?

Jawaabta su’aasha koobaad waa HAA, waynu badali karnaa. Hasa ahaatee caalamka inaguma raacayo oo naga dhagaysan mayo. Sababa badan awgeed. Waxaan horey u soo qirnay in magac bixintu uu leeyahay qofka leh shayga loo magac bixinayo. Maadaama uu yahay gobolkan goob muran ka taagan yahay, labada dhinac midkoodna ma badali karo magaciisa dawliga ah. Daliil dhow waxaa u ah in arintu sidaa tahay, siyaasiyiinta labada dalba –Somaliya iyo Itobiya- markay caalamka la hadlayaan waxay adeegsadaan magaca ******ya. ****** conflict, ****** dispute, ****** dessert, iwm. inkastoo Somaliya damacday inay ugu yeerto Somaligalbeed, Itobiyana magacyo ay ka mid yihiin Hararge iyo Kililka 5aad. Arintan ma’aha mid gaar u ah ******ya ee waa mid goobaha lagu murmoo dhan sidaa loola dhaqmo. Bal u fiirso – Arabia Gulf- oo duwalka Carabtu ugu yeeraan khoorigaa iyo caalamka oo diiday in laga badalo magaciisii ahaa –Persian Gulf-.

 

Maadaama arintu sidaa tahay maxaa inoo dan ah, hadaan nahay shacabkeena gumaysiga ku jira? Waxaa xaqiiq ah in qabaa’ilkan ******* een wada dhalanay aanay ugu dhaganayn magacan qabiil jacayl ee arinta meesha taala ay tahay un iyadoo aanu jirin magac badali kara oo nalaga aqbalyo kaasoon jahawareer galinayn dunida iyo taariikhda cad ee dalku leeyahay. Arinta in ay sidaa tahayna waxaa marag ka ah mudadii yareyd ee ururkan JWXO talada dalka qabtay waa tuu ogolaaday in la baaro magacii loo baxin lahaa dalkan iyadoo la’is barbar dhigayo taariikhda iyo siyaasadda magacyada la soo gudbiyo.

 

Gundhigga doodeydu waa, maanta oo aan halgan ku jirno yeynaan furin dood ay hogaaminayso caadifad qabiil oo aan halganka gobanimadoonna kobcinayn, cadawgana naafayneyn.

 

Xussen Noor.

 

source:

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Wow, that was nice read! The writer of this article ishuu ka riday walee. This name can NOT be changed, not now!

Share this post


Link to post
Share on other sites

It is only a magac, and not that big deal. In the interest of paramount unity of all Soomaalis who live there, having that in mind ayaa fiican in magac neutral ah, nothing to do with qabiil loogu waco gobolkaas, sida Soomaali Galbeed.

 

Gobolada magacyada qabaa'ilooyinka gumeysidoonkii Reer Yurub u bixiye, sida Jabuuti kii la dhihi jiray, Waqooyi Bari kii kale asagana loo yaqaanay iyo midkaan Soomaali Galbeed. Kuligood Soomaali in lagu kala gooyo loogu tala galay, qabiilooyinka kale dego goboladaasna lagu diro kuwa ku badan. It just creates unnecessarily isqabqabsi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this