Sign in to follow this  
nuune

Ka daali meysid akhrinta maqaalkan

Recommended Posts

nuune   

Waligey ma aanan akhrin maqaal qoraal kan la mida ama u dhigma, waa mid aan aad uga helay akhrintiisa, maqaalku wuu yara dheeryahay balse haddaad billowdo adoo durba dhameeyey ayaad is arki oo xaraarto kuu sii qabanayso inaad wada dhameyso.

 

 

War niman yohow Raggii meeye

 

Ninka qorey maqaalkan aftahansanaa, siduu luqada Soomaaliga ugu xeel dheeryahay iyo aqoontiisa suugaaneed.

 

Maqaalka waxa uu aad uga hadlayaa siyaasada Soomaalida, balse qaab ka duwan sida looga hadlo ayuu uga hadlayaa!

 

 

Intan yar ayaan kala soo dhax baxey maqaalka oon aad iyo aad uga helay sida uu u qorey iyo macdanta ay xambaarsantahay.

 

---------------------

From the article

=====================

 

Tan iyo wixii ka dambeeyey markii jirka Soomaaligu isku dhex raftay, waxaa nimanka Soomaaliyeed hadba qabanayay fool beenaad. Dhawr iyo toban jeer oo hore ayaa isbitaallo dibedda ah la jiifiyey ( lugu shirey!), waxna kama soo bixin. Isbitaalkii Carta ayay cunug (dawlad) fadhiid noqday ku dhaleen. Isagiina markuu socon kari waayay oo waaridkiis iyo qaraabadiis dayriyeen oo uu cunno iyo cabid waayay buu macaluulay, keddibna dugaag baa cunay.

 

Markii u dambaysay oo ay keenya laba sano ku soo foolanayeen, ayay dhaleen cunug dhicis ah (premature baby)!!! Waayadii hore, dhicisku rajo ma lahaan jirin oo inta badan waa dhiman jirey. Nin Soomaaliyeed oo beri loo soo sheegay in naagtiisii dhicisay, baa laga hayaa,”Awal baan waalnaa oo weel foorara wax ku shubtay!” :D .

 

Hadda rajada dhicisku ku badbaado aad bay u korortay, waxaana u sabab ah horumarka laga gaaray cilmiga daawada(medicine). Niman baa intii maskaxda jirku koomaha ku jirtay, lasoo baxay awood ku salaysan gariiso (instinct) oo aan marnaba rabin in dhicisku noolaato. Si kastoo wax loogu sheegaba, unugyadan(nimankan) marna lama fahansiin karo waxtarka ay maskaxdu(dawlad) u leedahay xubnaha jirka oo dhan.

 

 

Halkan ka sii akhriso War niman yohow Raggii meeye

Share this post


Link to post
Share on other sites

Awal baan waalnaa oo weel foorara wax ku shubtay

Aadaada aada. :D:D:D

 

Ee laakiin amee sheekada tahay baaquli fooraro in uu wax ku shuban ee wax budo ah uu awalba meesha ku haaye. :D Marka ninka saas dhahay, asagee heysaa ibtilada, iyada inay ahayn laga yaabaa.

------------

 

In badan baa waxaa isaga khaldan carabnimada iyo islanimada. In aan yarayn baa xataa aaminsan in Carabtu diinta nooga dhowdahay. Taqwo keliya baa Carab iyo Cajami ku kala duwanaan karaan, sida uu nebigeenni suubana(scw) yiri. Niman badan baa ku hamminaysa in af Carabigu baddalo af Soomaaliga, oo aan oggolaynba in carruurta afkooda iyo dhaqankooda iyo hiddahooda suuban la baro!(‘sooma aroorin’ miyay ka tahay?). Xataa hooyooyin fara badan oo qurbajoog ah baan isku taxaluujin inay carruurtooda af Soomaaliga baran oo mooday mindhaa in waxbarashaduba tahay in af kale la barto oo keliya!

 

Maadaama aan wada muslin nahay, waa waajib in af Carabiga la barto, laakiin inuu meesha ka saaro afkii hooyo caqli maahan. Dhar la qaato (sida qamiis cigaal ama cimaamad.iwm) ama magacyo lala baxo (sida Abuu Maxamed iyo ummul Sumaya!) ama Carabiga oo la bartaa keliya kaa dhigi mayaan qof muslin ah. Ilaahay baa quraankiisa ku sheegay inuu dadka carrabyadooda (afafkooda) iyo midabyadoodaba kala duwey. (fiiri Suuradda Ruum, Aayadda 22aad).

 

Magacyadaan ka wada bilawda Abuu(ga) iyo ummul(ka), Islaamka ka hor bay jiri jireen. Dhaqan ahaan, waxay Carabtu ku muujin jireen in hebel uu ama hebla ay waarid noqotay. Dhanka kalena, waxay muujisaa awlaad ku faanka, Waxayna ka dhigan tahay ‘Hebel aabbihiis ama Heblaayo hooyadeed baan ahay’. Halkaasna waxaa mudnaanta koowaad la siiyay carruurta. Arrintaan markaan barbar dhigo dhaqankeena, waxaa ii soo baxday inaan Innagu dhankaas Carabta kaga fiican nahay. Sababtoo ah, waxaan mudnaanta koowaad siinnaa Waaridka. Tusaale ahaan: Ina Sugulle Geeddi, Ina Cabdi Gaab.

 

Haddaad gashid paltalk(ga) ama internet(kaba), magacyo aad la yaabtid ama kaa qosliya baad ku arkaysaa. Matalan “Abuu Xinjir bin dhakafaar” – stop – kan anaa allifay!!!

 

Tu kalena waxay tahay, qolooyinka carruurtooda ula baxay magacyo Kitaabiya. Qaar badanina iyagaa magacyadii iska baddalay.(Wasalat alfikrah!!!!!!)

Muxuu la helay waxaan boqol jeer ku celcelin jiray. Dad jahwareeray ayaa wali saas aaminsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I read this couples months ago, it's long but nicely written. Nuune, ninkaan (Xaashi) Yaasiin Cismaan Kenaddiid aa dhallay, ninkii kasaaya Yasiin keneddiid lee waaye. Marka no wonder af-somaligaas iyo suugaantas meeshuu ka keenay. or so i think.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

LOL@Awal baan waalnaa oo weel foorara wax ku shubtay!” :D

 

Nuune,Waaba maqaal xiiso leh, laakiin link-iga ma shaqeeyneyso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ Walaashiis karroon, da link wuu shaqeenayaa, maqaalka ayaa aad u dheer dabcan inaa sugto waaye aan filaa, ma ahan broken link, bal mar kale guji wuu kuu shaqeen Ilaah idinkiis.

 

 

Halahaan soo socoto maqaalka ay dhinac kaga jirtey, marka aan idin la qeebsado, waa arrin aad iyo aad Somalida qurbaha joogto u isticmaasho ayagoon ogeyn micnaha...., bal akhri

 

 

Ereyga
‘Sunnah’
waxaa mar loo isticmaalaa qaybta labaad ee Usuusha Diinka.(tusaale: Quranka iyo Sunnada); mar kale, waxaa loo isticmaalaa wixii
‘aan faral’
ahayn sida salaadaha sunnada ah, waxaa kaloo loo isticmaalaa sunooyinkii –
(caadaat)kii nebi Maxamed
– scw Matalan siduu wax u cuni jirey, ama u seexan jirey ama u lebisan jirey iyo wax Alla wixii uu samayn jiray ee aan ka mid ahayn Shareecada.

 

Qolooyinkaani(
my own edit: Salafiyah, Ahlu Sunnah Wal Jamaacah etc
) markay muxaadareynayaan, ma kala saaraan macnaha Sunnada. Ma kala sheegaan in sunnada ay ka hadlayaan ay tahay mid
“qawli, faacili ama taqriiri ah – verbal, actions and tacit approval”
ama xataa ay tahay
“Sunnah tashriiciya ama gayra tashriiciya – legal and non legal Sunnah.”

 

 

Intaas waxaad maqlaysa
“Waa sunno!”
. Oday Soomaaliyeed oo qurbaha jooga oo arrintaani ka bad badatay baa yiri baa la yiri:
”Kaalaya, horta ninkii faral la oran jirey ma Soomaaliya baan uga soo kacnay!?”
:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

Kaalaya, horta ninkii faral la oran jirey ma Soomaaliya baan uga soo kacnay!?”

:D:D

 

Nuune, this time the link is working. sidaad sheegtey weey waa maqal aan laga daleeyn. Waxaan ka helay 'buufis style' of writing.

Share this post


Link to post
Share on other sites

That link was not working for me but here is another link (the Google cache) for anyone interested: http://209.85.173.132/search?q=cache:MJUXm7l6IusJ: www.allsomali.com/Rayi-ID-Switzerland-09-16-2007.h tm+inurl:http://www.allsomali.com/Rayi-ID-Switzerl and-09-16-2007.htm&hl=en&ct=clnk&cd=1&gl=us

 

---------------------------------------------

Karen Johnson

Professor of Egyptology

University of Texas at San Antonio

Liftmaster RemoteLiftmaster 370LM

"Only speak if it improves on the silence" - Ghandi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this