Sign in to follow this  
nuune

Cudurka Buufiska ah iyo qeebihiisa

Recommended Posts

nuune   

Saan ogsoonahay cudurka buufiska ah waa qeeb ka mida waalnida, Soomaali hadaanu nahay, waxaanu naqaanaa qof fayoow(miyir qabo) iyo qof waalan oo la xirxiro, intaas wax ka dhaxeeya Soomaali hadaan nahay maba aaminsanin!

 

Sidaa darteed, cudurka buufiska la yiraahdo ayaa qeebihiisa sii batey marka la sii tix-raacey.

 

Maxaad ka taqaanaa cudurka buufiska ah iyo qeebihiisa kala duwan bal tusaale keen si aan u fahano siduu u kala baxo.

 

 

Tusaale ahaan qormadan yar eeg, waa qeeb ka mida buufiska caanka ee ah "inuu qof is moodo wux uusan aheyn" waa cudur halis ah!

 

 

Waxaa jiray nin ismooday inuu yahay xabbad masaggo ah, inuu qof yahayba iskuma uusan maleen jirin. Nin wuxuu ahaa sidiisa kale caadi u ah oo fayow oo aadan wax yarna ka dareemayn. Dhibta keliya ee ninkaas haysay waxay ahayd Digaagga oo uusan arki karin oo uu ka baqayay inay kub siiyaan( cunaan!), cabsidiisa koobaad taas ayey aheyd, sidaa darteed ayuu isku moodey inuu yahay xabbad masago ah.

 

Isbitaal baa la geeyey oo muddo dheer la daaweynayey oo laga dhaadhicinayey inuu qof yahay. Ugu dambaystii, markii imtixaankii laga qaaday uu ku gudbay oo la yiri waad bixi kartaa, buu inta dhaqaaqay haddana dib usoo noqday oo takhaatiirtii su’aal waydiiyay:

 

“Anigu hadda waan fahansanahay inaan qof ahay, laakiin digaagga ma loo sheegay inaanan masaggo ahayn !!!”. Isbitaalkii baa lugu ceshey smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Soomaalida badankoodaba buufiska inay tahay jiro maba aaminsana, qaarkoodna ma'oga. Horta mida koowaad in la qirto waaye, kan qabo ka bilaabatee.

 

Kuwa buufiska qabo, siiba kuwa dibad dibadeey ku dhacday moodo inay ka dami doonto jiromaankooda markee imaadaan meelahaan Galbeedka ee moodaan inay tahay daawadooda. Maxee ka ogyihiin hee, Eebboow ha cadaabin.

 

Magaaladaan aan deganahay waxaa ku yaalo isgoys Soomaalida ku badantahay oo Soomaalida wada taqaano, iskugu imaadaan, isgoyskaas oo la yiraahdo Weston/Lawrence oo markaa taagantahay Soomaalida aad ku arkeysid waaka naxee, walaahi.

 

Wax aan wada fiyoobeen, xataa kuwa ismoodo inay caadi yihiin. Waa isku wada jiraan, waayeel, dumar, saqiir, kabiir iyo wixii u dhaxeeyaba. Jidkaas aad martidba Soomaali waalan ugu yaraan sadex mise laba waa arkee. Markii igu naxdin badnayd waxee ahayd bilooyin kahor aan ku arkay wiil Soomaaliyeed oo yar, haddee ugu badato da'diisa ka weyneen 14 jir oo maskaxda loogu jiray oo jidkaas aan ka hadlaayo maraaye. Aad aa ugu naxay maskiinka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Habeen dhowayd anaga oo maqaaxi fadhina ayuu nin aanu sxb nahay sheeko soo martay oo dhab ahayd isla markaana xanuun kululayd ka sheekeeyay, nin meesha fadhiyay oo dhegeysanayay ayaa show buufis qaba, lama ogayne wuxuu yidhi uun anigana i dhegeysta.

 

Wuxuu ka sheekeeyay wax aanu rumaysan kari waynay, oo waxaabuu ka bilaabay ina cidii hooyadii isaga ka dhashay aan laba garanaynin oo gaaladu Antonio ugu yeedho, Carabtana Abdullah looga yaqaano halkana magac kele. Wuxuu yidhi dowladii Somalia ee Siyaad barre baa i raadinaysay, Tanzania ayaan u baxsaday, Sirdoonkii Soomaaliya iyo kii Kenya oo is kaashanaya ayaa gacansaar la yeeshay kii Tanzania, markii dambena kuwii Yemen baa ku soo biiray, Yuhuudii baa hadana soo gashay. :D

 

Wuxuu yidhi xataa gabadha aan guursaday sirdoonka Kenya ayaa soo diray oo anigaa la igu khaarajinayay, Ilmihii ii dhashay baa la ii bedelay, gabadhayda aniga uurka iimay qaadin ee nin Kenyan ah baa uureeyay si aniga la iigu wanjalo ,,,, :D

 

Belo, markuu halkaa marayo baanu meesha iskaga yaacnay ,,,,,,,,,,,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^ Jb LOOOOOOOOOOOOOL, kaas kuba ma aheyn, bismillaahi, waa waalnidii oo buufiska si xawaali ah ku dhaaftey

 

 

MMA, waa wax laga naxo sxb wallaahi waxaad sheegtay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Buuxo   

Kalmada buufiska, waxee noqontay kalmad oo dadka badan isticmaalan oo aan looba arkin in uu cudur yahay.Dhibaatoyin badan beyleeyihin cudurada buufiska ama maskaxeed.Marka waan in aan kawarqabno qeybabka cudurka buufiska iyo calaamadihisa.

 

Sida Nuunee shegay,waa in aanan iska dhaadicsin in qof miyir qabo ama waalan kaliya jiraan.

 

Marka buufis ama isku buuq maxey yihiin ,sidee u kalabaxaan iyo sideebad lagu gartaay.

 

Buufis ama isku buuq(depression) qaybabkiisa waa kan:

-Cudurada suuro(Mood disorders)--->ISku buuq weyn(Major depression) iyo isbadal dabeecadeed(Bipolar disorder)

 

-Isku buuq bacdal umul(postnatal depression)

 

Intaas aan wakhti uu haayaa,markale aan ku soo daraa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Nin baa hada ka hor asoo koob caana cabayo ayaa waxaa kor ka soo dhaceey baranbaro markaasey baranradii wajigiisa ku dhacdey balse dhinaca kale ayey u faniintey, ninkii wuxuu iska dhaadhiciyey in ay baranbaradii ay koobkiisa ku dhacdey kadibna caanihii uu cabayey ay raacdey ilaa calooshiisa,

 

 

Ninkii baa qeela halkan fadhiistey, oohin, dagaal, baranbaradii waan arkayey markey dhuunteyda galaysay oo waa tan caloosheyda iyo xididadeyda ayey jaqeysaa oo xiidmihii ayey dhaarineysaa oo ay jarjareysaa, ninkii tabcaan ayuu noqdey suu u qeelinayey hala iga soo saaro baranbarad, iga soo bixiya, naf iguma jirto.

 

 

ninkii isbitaalka benadir ayaa la keenay, oo dhakhataiirtii dhaneed ayaa raajo iyo wiisito wax kasta lagu eegay, waxba waa laga waayey, dhakhaatiirtii buu ku yiraahdaa wey igu jirtaa baranbarada wey i jarjaraysaa socodkeeda ayaan dareemayaa ee iga soo bixiya

 

tab la dhaho marka la waayey, ayaa dhakhtarkii shiineeska ahaa go'aansadey in ninkan uu hayo buufis iyo cilmu nafsi iyo shaki weyn, kadib shiineeskii baa ninkii ku yiri seexo inta tuubo dheer afka laga galiyey la yiri waan kaa soo saareenaa intaan xoog kaaga matajino, waa la suuxiyey, dhakhtarkii baa baranbaro caadi ah soo qabtey, ninkii baa xoog looga matajiyey, matagiisa ayaa la dhax dhigey baranbaro weyn oo dhaqdhaqaaqeeso ku dhax ordeyso meeshuu ninka ku matagay, ninkii baa inta soo toosey yiri "maxaan idiin sheegay waxa intaa la eg baa igu jirayee oo jirkeygi jarjarey" :D

 

 

I met that guy smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
lambda   

loool..nuune walaalkiis caawa si fiican baan u seexanaayaa madadaalo tan ka fiican weli ima soo marin...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

Wuxuu ka sheekeeyay wax aanu rumaysan kari waynay, oo waxaabuu ka bilaabay ina cidii hooyadii isaga ka dhashay aan laba garanaynin oo gaaladu Antonio ugu yeedho, Carabtana Abdullah looga yaqaano halkana magac kele. Wuxuu yidhi dowladii Somalia ee Siyaad barre baa i raadinaysay, Tanzania ayaan u baxsaday, Sirdoonkii Soomaaliya iyo kii Kenya oo is kaashanaya ayaa gacansaar la yeeshay kii Tanzania, markii dambena kuwii Yemen baa ku soo biiray, Yuhuudii baa hadana soo gashay.
:D

 

 

Belo, markuu halkaa marayo baanu meesha iskaga yaacnay ,,,,,,,,,,,,
:D

i had many different names 2. i have this friend who still calls me axmed! i have told her so many times that i am no longer that! shes like.. waar nagtag!! magac yadaadi ba batey.

 

what she dont know is that i got a new name coming up next year...lool.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by nuune:

Isbitaal baa la geeyey oo muddo dheer la daaweynayey oo laga dhaadhicinayey inuu qof yahay. Ugu dambaystii, markii imtixaankii laga qaaday uu ku gudbay oo la yiri waad bixi kartaa, buu inta dhaqaaqay haddana dib usoo noqday oo takhaatiirtii su’aal waydiiyay:

 

“Anigu hadda waan fahansanahay inaan qof ahay, laakiin digaagga ma loo sheegay inaanan masaggo ahayn !!!”.
Isbitaalkii baa lugu ceshey
smile.gif

looooooool @ ..laakiin digaagga ma loo sheegay inaanan masaggo ahayn?

 

Originally posted by J.a.c.a.y.l.b.a.r.o:

Habeen dhowayd anaga oo maqaaxi fadhina ayuu nin aanu sxb nahay sheeko soo martay oo dhab ahayd isla markaana xanuun kululayd ka sheekeeyay, nin meesha fadhiyay oo dhegeysanayay ayaa show buufis qaba, lama ogayne wuxuu yidhi uun anigana i dhegeysta.

 

Wuxuu ka sheekeeyay wax aanu rumaysan kari waynay, oo waxaabuu ka bilaabay ina cidii hooyadii isaga ka dhashay aan laba garanaynin oo gaaladu Antonio ugu yeedho, Carabtana Abdullah looga yaqaano halkana magac kele. Wuxuu yidhi dowladii Somalia ee Siyaad barre baa i raadinaysay, Tanzania ayaan u baxsaday, Sirdoonkii Soomaaliya iyo kii Kenya oo is kaashanaya ayaa gacansaar la yeeshay kii Tanzania, markii dambena kuwii Yemen baa ku soo biiray, Yuhuudii baa hadana soo gashay.
:D

 

Wuxuu yidhi xataa gabadha aan guursaday sirdoonka Kenya ayaa soo diray oo anigaa la igu khaarajinayay, Ilmihii ii dhashay baa la ii bedelay, gabadhayda aniga uurka iimay qaadin ee nin Kenyan ah baa uureeyay si aniga la iigu wanjalo ,,,,
:D

 

Belo, markuu halkaa marayo baanu meesha iskaga yaacnay ,,,,,,,,,,,,
:D

Waaun la dabajooga weligiis, cajiib! 2daan nin caadi ayeey ugu dhufteeen wixiisu buufis waa ay dhaafeen beyond reparation ay marayan. Reer Burco ayagoo kale waxa ay dhahaan Dishkii ayaa wareegay

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

Looooooooool. Wallee yahuud iyo Soomaaliyi waxbaa kala haysta.

 

Waa ummad ay bac ku wada xiran tahay! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this