Sign in to follow this  
nuune

Baarleex

Recommended Posts

nuune   

Waa Baarleex, wuxuu ka mid yahay safka horena kaga jiraa fanaaniinta/abwaaniinta sida aadka ah u taqaano Dhaantada, sangub unbaa nambarka labaad ku jiro, meeshuu Baarleex kaga jiro number one xaga tumista Dhaantada Soomaaliyoo dhan.

 

Waa ayaan darro websiteyada soomaalida dhan iney hilmaameen ninkan abwaanka ah ee ku caan baxey ciyaaraha Dhaantada meel kastoo Soomaaliya ka mid ah.

 

 

The following is a masterpiece, a classic dhaanto, only those who played dhaanto or watched can understand

 

 

 

 

Ku raaxeeso, Baraleex gabar buu ammaanayaa, isticmaal erayadiisa, fahan ula jeedada, dhuux miraha dhaantada, dhadhanso macaankeeda smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^^ Waa Baarleex, ma ahan Baaleex sxb,

 

Baar-Leex, hada waad fahantey micnaha, baar iyo leex, isku dar Baarleex

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Baar-Leex waan gartey balse ma la-socotaa abwaanka Singub inaa dhaanto Ogaaadeeniya lagaga-soo raacdeeye in the 60's?

 

Dhaanto Dhanaan, Godey iyo Shilaabo udaa adeer waxakale waa halaydin-kasheego iyo kudayasho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

MMA, sxb, ma dhici karto inaadan maqal dhaantooyinka noocan, waana noocyada loogu jecelyahey ee dhaantooyinka, Baarleex, wixiisa dhaanto wey dhaaftey runti,

 

 

Inshaa Allaah, dhaanto.com ayaan rabaa inaan ku soo aruuriyo Baarleex ciyaarihiisa dhaantada ah, kuwa Sangub, and dhaantooyinka dhan.

 

PS: si fiican ma u dhuuxdey Baarleex erayadiisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuunka, si fiican ma u dhuuqin, horta teeda kalena iga jaahil bixiba micnaha ka dambeysa baarjeex. Ilaa hadda saas uma fahmin maadaama ereyga 'baar' yeelan karo dhowr micno kala kadisan. Baar geed ah jiro, baar qof baari ah, baar magac ah, baar baarkii biibatada ahayd oo Ingiriiska laga soo deensaday, iwm.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

MMA, sxb ninkan magaciisa waa Cabdullaahi Xirsi, wuxuuna ku magac dheeryahay Baarleex, oo loogu magac darey sababtoo ah dhaantooyinkiisa inta badan waxey u badanyihiin ammaan dumar uu ammaanayo, ama uu jaceel kaga hadlayo, balse Baar-Leex, Baar waa geedka laantiisa ama laanta dhinac uga baxdo geedaha waaweeyn etc, Leex waa wax la leexiyo ama dhinac loo jeediyo, ama wax la dhalan-rogo, ama shey booskiisa yaaley laga qaadey oo laga durkiyey meeshii aasaaska u aheyd ama asalkiisa.

 

marka guud ahaan Baar + Leex micnaheedu waa Wadna-Gooye, sababta Baarleex loogu bixiyey ayaana ka danbeesay in dumar badan oo ciyaari jirey ama ka qeeb qaadan jirey dhaantooyinkiisa ay aad ula dhici jireen miraha dhaantada uu qaadayo isla markaasna mid walba jecleed in ay guursato ama ay rafiiq ka dhigato.

 

 

Audio-ga aan topigan ku furey si fiican u dhageeso, dhuux, adaa markaas arki doono ama dareemi doono sida uu dumarka u ammaano.

 

 

PS: Inshaa Allaah, marka kale, miraha dhaantadaas uu qaadey ayaan soo qori doonaa dhammaanteed markaan waqti helo, wey dheeraan doontaa, laakin it worth it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this