Sign in to follow this  
nuune

Venus=Shuhuura, Maqalo xidh-xidh ama xidigta waabiri

Recommended Posts

nuune   

Waa hubaal in mid kastoo inaga mid ahba ay ishiisu kudhacday Meeraha dhalaalka badan ee Venus,Meerahan oo qoraxada kaga wareega majiiraha udhexeeya Mercury iyo dhulkeena,baaxad ahaana dhulkeena le'eg;waxay Somaalidu utaqaanaa Shuhuura, Maqalo xidh-xidh ama xidigta waabiri oo sidoo kale maqaariibtana waxyar kadib marka Cad-ceedu dhacdo sidhalaal weyn uga ifta dhinaca Galbeed waxyar kadibna kadabagalbata Qoraxda.

 

Meeraha Venus oo majiiriha uu kaga wareego Cad-ceedu inaga sii xigo xaga Qoraxdu weligii masoo gaadho ama laguma arko badhtamaha Cirkeena oo aan ka ahayn subaxa hore oo uu Bari kasoo boxo iyo galabtii oo uu Galbeed ka muuqdo,taasna waxaa keenaya xigitaanka majiirihiisu inaga xigo Qoraxda oo inaga ahaan inoogu muuqda inuu marwalba ka ag dhowyahay Qoraxda.

 

Venus waa duni ay kugadaamantahay Carbondioxide heerkulka bogcadiisuna aanay hoos uga dhicin 500 oo degree centigrade Athmosfeerkiisa 96% waa carbondioxide 3.5% waa natrogin 0.135% waa uumibax biyood waxaa intaa soo raaca Schwefeldioxid iyo naqasyo kale, Venus waxa kajira cadaadis dhan 92 bar taasoo udhiganta cadaadiska lala kulmo hadii 900 oo mitir biyo hoos loo quuso,majiro wax faraqa oo u dhexeeya habeenka iyo maalinta venus sidoo kale badhaalaha venus iyo labadiisa cidhiftoona faraqa udhexeeyaa masameeyo wax micno ah oo weyn.

 

Daruuraha culus ee venus kugadaaman waxaa lagu qiyaasay inay qarra le'egyihiin inta udhexaysa 48 ilaa 70 km,daruurahaas oo intooda badan xambaarsan ama kaba samaysan Acid kuwaasoo sida roobka u hoora balse aan gaadhin hadana bogcad-dhuleedka Venus.

 

Roobkaa sumaysani kahor inta aanu gaadhin dhulkaba wuxuu markiiba isu bedelaa uumi marlabaad kor usoo kaca sababta keenaysaana ay tahay heerkulka sare ee bogcad-dhuleedka Venus oo gaadha 500 oo degree.

 

Daruurahaa dhagarta xambaarsani waxay kusocdaan xawaare gaadhaya 360km saacadii halka dhulka kahooseeya ee Venus ay katahay juuqla aan neecaw xaada dhaqaajisa loo aqoon,taas waxaa lagu xaqiijiyey sawiradii uu qaaday dayacgacmeedkii Verena oo sawiray dhagxaan bal-balaadhan oo aanay kamuuqan inay wax raad dabayleed ahi kajiraan.Sababtoo ah meel hadii dabayli kajirto intay doonto awoodeedu haleekaatee waxay dhaqxaanta meeshaas uqaabaysaa malaayiin sanadood dabadood habab kala duwan sida kuwa dhulkeena oo kale.

 

Sawirada ay Raadaaradu kaqaadeen oogada sare ee Venus oo intiisa badan dhul siman ama aan dhul sare oo fara badan lahayn,ayaa waxaa ugu xiiso badan laba meelood oo dhul aad usareeya ah oo kala ah Ishtar Terra waxay kutaala meel u dhow cidhifka woqooyi waxaana baaxadeeda lagu qiyaasay inay le'eg tahay Australia halkaasoo ah meesha laga helo buuraha ugu dhaadheer ee Venus,kuwaasoo loo bixiyey Maxwell Montes dhererkooduna dhulka kakacsan yahay 11'800 m marka laga qiyaas qaato Gacanka dhexe ee Venus,meesha labaad ee iyana laga helo dhul sare waxay kudhowdahay badhaalaha Venus ,kuwaasoo iyana loogu wanqalay Aphrodite Terra.

 

Commetyada kuguud dhacay Venus waa wixii baaxadoodu kawaynayd 3km,wixii intaa kayari suurtagal maaha inayba soo gaadhan dhulka Venus oo waxay markiiba kuqar-qarxaan Athmosfeerka sare cadaadis iyo culays jira awgeed.

Markii Galileo Galilei bilawgii qarnigii 17aad isagoo isticmaalaya diirad uu isagu samaystay markii uhoraysay kujeedaaliyey meeraha Venus waxay ula ekoonaatay walax-cireed sida dayaxa oo kale ubed-bedalaya wejiyadiisa (mar dhamaystiran marna dhiman) taasoo loola jeedo in mudo kusiman sanad iyo badh gudohood meeraha Venus iska dooriyey wejigiisii uu markii uhoraysay ku arkay ee ahaa qaabka bisha oo kale uu mudadadaa kusiman sanadka iyo badhka gudohood isu rogey qaab wareeg dhamaystiran ah.

 

Intii udhexaysey sanadihii 1761 iyo 1769 ayuu meeraha Venus mudo saacado gudohood ah Qoraxda iyo Dhulka dhexdooda taagnaa .Dhacdada noocan oo kale ah marka laga eego dhulkeena waxay looga arkaa sidii oo dhibicyaroo madoobi kudulsawirantay Qoraxda ,maadaama qoraxdu aad uga weyntahay wax saamayn ah oo sidaa uweyn kuma samayn karin Venus inuu inaga wada qariyo qoraxda.Marka sidanoo kale dhacdo waxay dadka aqoonta dheer uleh cilmiga xidigisku uyaqaanaan Transit.

 

Lagasoo bilaabo 1957 waxaa larumaysnaa in Venus ay afar casho kuqaadato intuu udub dhexaadkiisa halmar kuwareego waxase taa lagu beeniyey dabayaaqadii lixdanaadkii markii hirarka jabaqda raadaarka lagu cabiray in aragtidaa hore aanay wax lug ah kulahayn wareega uu sameeyo bogcad-dhuleedka Venus ,balse waxa waagaa hore lacabiray ahaa xawaaraha daruuraha dul haadaya Venus oo ay afar casho mudo kusiman kuqaadato

inay kuwareegaan Venus,halka wareega bogcad-dhuleedka Venus ay tahay 243 maalmood.

 

1dii Mars 1966 ayay ahayd markii dayaxgacmeedkii uhoreeyey ee Ruushanka oo magaciisa la odhan jirey Venera 3 kudul burburay daqiiqadii udambeysey isagoo aan wax natiijo ah noocay doontaba ha ahaatee kasoo dirin Venus, kaasoo noqday shaygii uhoreeyey ee gacan aadami samayso oo gaadha Venus.Sanado yar dabadeedna waxaa si joogto ah isu daba marayey dayax gacmeedyo kale oo ay ganeen Ruushanka iyo Maraykanku.

 

Sahaminahaas kala duwan ee ay ukaltamayeen labada quwadoodna waxa ugu muhiimsanaa ee kasoo baxay wuxuun buu noqday oo lagu ogaadey horaantii todobaatanaadkii in cadaadis- bogcadeedka Venus sagaashan jeer kasareeyo ka Dhulkan aynu kunoolahay iyo in heerkulka Venus gaadhsiisan yahay 500 degree C.

 

Aakhiritaankii waxaa lagu guulaystey in dhawr dayax-gacmeed si nabad golyo ah loogu dejiyo Venus kuwaasoo weliba Cimilada ba'an ee Venus ay hadana usuurta gashay inay mudo kudhawaad laba saacadood xamilaan oogada sare ee Venus kadibna iyagoo waqti intaa kabadan u adkaysan waayey ,hanoqoto mid kaga timi heerkulka ama cadaadiskaba'e ay juuqda gabeen.

 

Hadaba maadaama shayga keliya ee lagu eegi karo bocad-dhuleedka Venus uu yahay Radar kadhex dusi kara daruuraha qarada weyn ee kugadaaman Venus,ayaa sababtaa awgeed NASA usamaysatay dayaxgacmeed ay ugu wanqaleen Magellan oo intii udhaxaysay sanadihii 1990-1994 kuwareegayey Venus,dayaxgacmeedkaas oo uu kurakibanaa (Synthetic Aperture Radar, SAR)quwadiisu dhantahay 2.385 GHz.Raadaadrkani wuxuu awood buuxda u leeyahay inuu kadhex baxo daruuraha qarada weyn leh ee Venus,kadibna dhulka taaka-taakeeyo isagoo hirarka jabaqdiisa kukala cabiraya Buur iyo Banaan ,Tog iyo Taag iyo meel banaanba.

 

Meeraha oo qarnigiiba hal ama laba jeer Transit kudhex mara qoraxda iyo dhulkkeena sida sawirka sadexaad ee sare muujinayo,iskagana keen gudba Cadceeda ayaanay taasi dhicin qarnigii labaatanaad ee aynu soo dhaafnay,balse 8 june 2004 ay arintani dhacday,taasoo macneheedu noqonayo inaanu jirin qof nool oo nasiib uwada helay oo laba jeer usoo joogey Venus transitkii 2004-tii iyo kii kahoreeyey,ayse suurtagal ruuxa nool 2004 inuu mar kale nasiib uyeesho aragtida transitka Venus isla Qarnigan 21-aad gudihiisa..

 

Sidii aynu hore usoo sheegnay meeraha Venus waa walax cireedka sadexaad ee ugu nuurka weyn Cirka marka laga yimaado Qoraxda iyo Dayaxa.Taniyo intii aadamahu hore uga maray aaladaha cirka lagu saadaaliyo kuna talaxtageen safarada ay Kawnka kusahminayaan haba ubadnaadaan dabayaaqadii Qarnigii 20aad'e waxaa la ogaa in meeraha Venus ay jiq kutahay Daruur culus oo daymo kagudubtaa aanay jirin ,xataa hadii la adeegsado aaladaha ugu casrisan ,waxa keliya ee lagu akhriyi karaana yahay hirrarka Jabaqda Raadaadrada.

 

Meeraha Venus malaha dayaxyo sidii meerayaashii aynu hore usoo qaadanay ee Jupiter iyo Mars

 

 

Venus oo tiro ah masaafada Qoraxda1 108'209'000 km

 

 

waqtiga wareega udubdhexaadkiisa 0.61519726sano

 

masaafada uu dhulka ujir 39'600'000 km

 

gacanka badhaalihiisa 6'051.8 km

 

janjeedhsigiisa2 0

culayska 4.8690·10 24 kg

 

cufka 5240 kg/m3

 

waqtiga wareegiisa

 

cadceeda3 243.0185malmod

 

cufisjiidadkiisa4 0.90 g

 

heerkulkiisa dhexe5 456°C

 

athmosfeerkiisa CO2, N2

 

tirada dayaxyadiisa malaha

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nuune, haye, "Venus" maxaa ka maqashay? Buuggii loogu magacdaray "Bajaqyaasha waxee ka yimaadeen Venus, Maraxyaashana Mars" maa aqrisay, oo meeshaas inaa wax kale siyaado kasoo dabato maala rabaa hee. :D

 

Sida loo sharxay aaba i dishay. Magac Soomaali in uu wato horey aan u maqlay, inkastoo aanan xasuusan hadda; marka magacaas shuhuura miyaa? Xidigta Waaberi iyadana ma xumo.

 

Ereyga aan ugu jeclahay ku saabsan waxaas waa Dayacgacmeed. Qofkii isku kabay labadaas erey waxyaabo badan ayuu alifi lahaa runtii.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

lool@MMA, Buuggaas maan akhrin sxb.

 

Laakin Shuhuura waa eray af Carabi ah oon iska isticmaalno, marka erayga saxda ah wuxuu noqonayaa Xidigta Waaberi , xidigta Sukra, badanaa Soomaalidu waxey isticmaashaa Sukra(Suqra) for Venus , waxey kaloo dhahaan, waxaro xir xir ama maqalo xidhxidh .

 

 

Mercury baa isna jira waad taqaan kolleey waxa la dhaho.

 

Mercury= Libdhe, Dusaa, Hurjub, Dhayl-gaduud

Mars= Faraare, Saxal gaduud

Jupiter= Cirjeex, Cirjiidh, Saxal-cade

Neptune= Docey

Saturn= Raage ama Suxal

 

 

Wali Pluto waxa lagu dhaho Soomaali garan maayo, in kastooba aan maqley in darajada Meerayaasha laga xayyuubiyey.

 

 

Uranus isna waa ii gooyey, soo raadi bal

 

 

Planet= Meere, Malluug.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^Dagaari soo xidig kale oo cilmiga Muluuk-baadhka ku xussan maahayn nuunow?

 

ma maqashay:

Xidigtii Dagaaroo baqtiday iyo Sukhroo aad u dananaysa!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this