Sign in to follow this  
RedSea

SUUGAANTA SOMALIYEED(GABAYADA) MAXAA UDIIDAY--?

Recommended Posts

RedSea   

assalamu calaykum,

 

waxaan aad iyo aad uga helaa ama aan ku farax san ahay in aan ka dhashay beesha Somaliyeed ee Ilaahay ku maneeyey ama ugu deeqay wax cid lasiiyo tan ugu qaalisan oo ah diinta Islaamka ah. Waxaan aad aan sidoo kale ku faanaa in aan ka dhashay umad aad utaqaan oo Ilaahay ku manaystay xigmada gabayga. Sidaad darteed ayaan hadana waxaan layaabay sida yar ee ay gabayahanada Somaliyeed uga gaabsadeen in ay xigmada Gabaygee Allah baray in ay Ilaahay iyo diintooda ay ku amaanaan oo ay u adeegsadaan sidii xiligii Carabtii hore ee xiligii nabiga jirtay oo kale. Waayo gabaygu waa shay aad u awoodwayn oo qaadi kara risaalad culus.

 

Sidaad darteed markaad u fiirsato gabayada somaliyeed badi waxay ubadan yihiin wax qabiil ku faana, wax jecaly ka hadla, wax dhulka iyo nabaadkiisa amaanaya. Macnihii maxuma oo way fiicantay, laakin way fiicnaan lahayd hadii oo kor ayuu usoo kici lahaa gabayada somalidu haday ka shaqayn lahaayeen wax yaabo wanaagsan sida nabi amaanka, diinteena oo lagu daafaco, Allah oo lagu ixtiraamo awoodiisa.

 

Tusaale Ahaan, waxaa gabaygan iska leh Allah ha unaxariistee Abwaankeenii Abdullahi Suldaan "Timacadde", waana gabay uu Ilaahay iyo Anbiyada uu ku sheegayo. Gabaygan waxaa layidhaahdaa 'Casiisow'. Bal hada eega haybada gabaygan iyo macluumaadka ku jira.

 

Casiisow

 

Ilaahi cirka taagayee

Dayaxa iyo cadceeddiyop

Xiddigaa ku cigaalayow !

Ilaahi caadil ahaaye

Dhulka caynkan u daadshaye

Ku culaysiyey buurta e

Isagoon cidi joogin

Casiiskii Nebi Aadan

Ka buuray cammuudda e

Cidhifkaa bidixdiisa

Intuu caaro ka jeebay

Cadkii Xaawa ka yeelayow

 

Ilaahi Caadil ahaaye

Ciyaarsiiyay buxuurta e

Ceejiyee ama siiyayow

Ilaahii caadil ahaaye

Casiiskii Nebi Luud

Kuwii caasi gareeyay

Amaba ceebta yiqiinnay

Habeen cawda u gooyayow

Ilaahii caadil ahaaye

Casiiskiisii Suleymaan

Dabayshuu carbiyayow

 

Ilaahii Nebi Ciise

Cilmigiisa ku qaadaye

Cashaduu iman doonana

Cawar seef ugu dhiibayow

Ilaahi caadil ahaaye

Casiiskii Ayuub

Cudurkii uu ku raajay

Marki uu caban waayey

Caafimaad ugu doorshay

Curuuqddiisii dhammaatiyo

Raxmaddii ku dul caastay

Cimrigoodi yareeyaye

Cusbeysiiyey Jidhkooda E

Caruusiinta ka yeelayow

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abaadir   

Waxaa jira gabay aan aad uga helo oo uu Sayid Maxamed tiriyey. waxaan ka xasuustaa:

 

musuqmaasuq soomali waa meheradeediiye.

Hadba Midab hor ley kuula iman maalin iyo leyle

Malah malahda iyo baanahaa mawdku ka adeegi

 

Masala gaab wadaad ihi wuxuu macabiyaystaaba

Madiidaan aqrinayaa wuxuu malab ku daaqaaba

goortii muftiga loo tagaa mawdku ka adeegi

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abaadir   

Dhibaatada maanta soomaliya ka taagana Raage Ugaas baa bari hore ka hadley. ma dhamayn karo gabayga ee wuxuu yiri.

 

-Qab qab dhaafay baa laba qabiil, qaran ku waydaaye

-Qaabiilba Haabiil intuu, qoonsaduu dilaye

-Qar ha dumo qiyaamana ha dhaco, qoysna yuu hadhine

-Qacda waaga labadeena qolo, ha isu qaateene

-Walee Faarax qooqaan ku dilay, qoomamayn mahayo!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Mr. Red Sea:

[QB] assalamu calaykum,

 

waxaan aad iyo aad uga helaa ama aan ku farax san ahay in aan ka dhashay beesha Somaliyeed ee Ilaahay ku maneeyey ama ugu deeqay wax cid lasiiyo tan ugu qaalisan oo ah diinta Islaamka ah. Waxaan aad aan sidoo kale ku faanaa in aan ka dhashay umad aad utaqaan oo Ilaahay ku manaystay xigmada gabayga. Sidaad darteed ayaan hadana waxaan layaabay sida yar ee ay gabayahanada Somaliyeed uga gaabsadeen in ay xigmada Gabaygee Allah baray in ay Ilaahay iyo diintooda ay ku amaanaan oo ay u adeegsadaan sidii xiligii Carabtii hore ee xiligii nabiga jirtay oo kale. Waayo gabaygu waa shay aad u awoodwayn oo qaadi kara risaalad culus.

 

Sidaad darteed markaad u fiirsato gabayada somaliyeed badi waxay ubadan yihiin wax qabiil ku faana, wax jecaly ka hadla, wax dhulka iyo nabaadkiisa amaanaya. Macnihii maxuma oo way fiicantay, laakin way fiicnaan lahayd hadii oo kor ayuu usoo kici lahaa gabayada somalidu haday ka shaqayn lahaayeen wax yaabo wanaagsan sida nabi amaanka, diinteena oo lagu daafaco, Allah oo lagu ixtiraamo awoodiisa.

 

Mr.Redsea,

Way jiraan Gabayada aad sheegtay laakinse, aqoonta gabayada ayaa aad innogu yar,

 

This is Mohmaed Nur(not Mohamed Nur Fadal of Kenya)

 

he emphasised the importance of Qadarka Ilaahay and destiny, though i think he dont have that kinda of knowledge like muslim imams but he understood well Al Qada - Wal Qadar,

 

He said:

 

Nin Labaatan Wiil Dhalay iyo nimaan aan weli lamaanaanin

 

Lix dan nin ay u foofto iyo ninmaan weli layli raranaynin

 

Kol hadaanu nin laasanahayn waxa u laacaaya

 

Maxaan kaga lul moodaa aduun luma weeyaane.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^

This too Deero-Gaad, a poet from Hargeisa, emphsised in Adaab and akhlaaq of islam,

 

Dadka waa la eega ninkii darjo kaa liita

Waa la soo duceeyaa af-xumo looma soo diro

 

Gooodness indeed and always is the best way foward while bad-mouthing is not the best option.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

waad mahadsantay Mr. Sharmarke,

 

Laakin somalidu waxaan umalayn in ay aad u hayaan gabayada badidood, ee waxa uun weeye, in ay Somalidu gabayadooda, Heesahooda in ay u badan yihiin Jaceel oo aanay diin ubadnayn, waa taa suashaydu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mr. Bad Gaduudoow, waa ka cabsadey! intaas oo gabey, raadintooda meeqo sano ey ka qaadatey?

 

 

Ani horta kii gabey ahaa saas isaguma fiicni, as a matter of fact... jinigeyga aaba neceb. Kaaley sheeg waxii igu direy!....lakiin habeen dhaxdaas aan halkoo gabey oo dardaaran/calaacal ah aan meel inta ah ka heley. Bal indhaha isaga nuurso adiga iyo baandadaada. :D

 

 

Gabeygaan waxaa qorey odeygoo Yusuf Bare la dhahi jirey, oo lafahii hore ahaa. Adi calaakulixaal, waxuu u ekaa nin wax badan lasoo gubey, oo soo gamaarey.Iska fiiri lee wadaayoow, adaa wax arki doonee. lolz...

 

 

Guur Aan Ka La'aado

 

Gurey iyo Darooroow arrini weygu gabileeye

Wax I galayba waanuun galgalan gu' iyo jiilaale

Garana weyde meeshaan qalbiga ugu gufaacoone

Galmi dhabadka waxa iigu wacan hal igu gaaraaye

Guddigayga caawaba maqloo galiya laabtiina

Oo wada guntada xaajadaa odaygu soo guurshay

Gaargaarka waa lagu lumaa gole ka fuulkaase

Ha guddoonsan waatii caqligu gaarka ku ahaaye

Guri bila ninkii doonayee nacaya goonbaarta

Ee guur u jeedoow I maqal waan ku garansiine

 

Guduud looma raacoo haween gobolba waa cayne

Bidhaan gabi ka laadlaada waa lagu gulaalmaaye

Isu gaadhay gabadhaad tidhaa meel uun baa go'ane

Gaboodlayda gaashadu ku taal labada goonyoodba

Ee maradu gayn-gaynman tahay guur aan ka laaado

 

Gambadh lagu fariistiyo midaan gaadha fidinaynin

Ganuunka iyo xeedhada midaan goor Allaba dhiibin

Gar caddaayadii reer tolkay taan u gogol haynin

Een geedka laga naadin hayn guur aan ka laaado

 

Gaar gaarka awrtiyo nirgaha geela laga reebay

Guri jooga xoolaha midaan goosanka u diidin

Een garanin soo dheellan ee guriga uun joogta

Gudbantaan halkayguba galayn guur aan ka laaado

 

Allow garawo giirkiyo afkiyo ganafka taagaysa

Oo qoolka uun kula galdii magac waxay gaadho

Gandihii miduu wada nacee gacal ka fiigaysa

Gool boodadii laga samree gooysay ubadkeeda

Intay dhiig isoo galin lahayd guur aan ka laaado

 

Geediga hayaanka ah midaan gaadhin waligeedba

Ee gabanta loo sido sidii goodir noo curatay

Waa geeri naagtaan ratiga kuu gadh qabanayne

Reerkoo gawaan degey dadkoo gibiladii waabtay

Anoo galancalciyo oon la tuban furayna gaadiidka

Geedaha haddii lala dhex galo gudimo oodeedka

Galoon badhax ah uma dhaamin karo geedatadan jaanee

Guul iyo cidlay igu wadaa goox aan yuururo'e

Gosha laga cabsoodiyo xidhkay gooshu ka adeegi

Gaadiyo intay bahal isiin lahayd guur aan ka laaado

 

Midda gaaban ee garabka iyo guudku wada joogo

Ee socodka uma gaatisee gininif laynaysa

Ee guro ma laacdee ratiga juu ku ganac goysa

Janbadh gibin ah een golos lahayn guur aan ka laaado

 

Carmalkii hortay guursatee geedo soo shidatay

Ee iga gu' wayn oo taqaan gaadmo iyo dhuudmo

waxay gogosha ii saxartirtoo ilaxir goysaaba

Dhawr habayn markii lala golyee gaax lakala maalo

Gadaal bay la soo bixi dabarro horay ugu gaaraaye

Intay galab I aynabi lahayd guur aan ka laaado

 

Midaan cawska soo guran aqoon garab ku boodhlayda

Galgalin jiifta bacadka uun galgalan gu iyo jiilaalba

Ee golaha qoyskiyo minkuba leexadu is gooysay

Ee giiryar baa cunay I odhan guur aan ka la'aado

 

Galbashada dharaartii midaan gaadhka iga haynin

Een garanin goortiyo wakhtiga anan gafayn reerka

Een guurahaygii mulshiyin aar gudaan ahaye

Anoo lugo gorgoray taagnidii gogosha oo laaban

Intaan ciil la gow odhan gaada iga haysa

Amaan goor xun day dayan lahaa guur aan ka laaado

 

Maradaan u gaday khaylidaan gugakan soo iibshay

Garbasaar haddaan ugu dariyo boqoro giirgiiran

Gol ma xidhato ganaca uun banayn guur aan ka laaado

 

Galoolkiyo cawskiyo badhkood guno ka goostaane

Garbadhuubantaan laga dayayn gole inay duubto

Waxay hooyadeed garab dagtoo la I gargaaraaba

Markii aan ka guurana haday baydna garan weydo

Gabaad kob aan lahayn kuma gam'ee guur aan ka laaado

 

Dumaal gaban leh gaayaa tufley waa mas geed galaye

Hadaan wiilka guul guulo wey igu guhaadoone

Waa gool dhashii haysatee guur aan ka laaado

 

Gabdhahoo cayaar tuman ragoo yare dul goocaaca

Golostay u jeedeen hadday guluca soo saarto

Waxay guuntu boodoo cayaar daba gablaysaaba

Goobtii midii lagula hadhay geedka dhiniciisa

Gadhaclayda geelada irmaan guur aan ka laaado

 

Gool wayn midii loo qalay iyo ??????? la soo dhoobay

Gab haday tidhaahdoo martidu igu dul gowdiido

Nin guraar guntii loo dhigay gobi la yaabtaaye

Intaan ciil la gow odhan lahaa guur aan ka laaado

 

Talaabada midaan gow ka siin gooray soconayso

Oon gola baxayn oon xarago gacanta tuuraynin

Oon dumarka gaasirin gidigi guur aan ka la laaado

 

Allow gaaridii loo xishiyo gabadha loo aayo

Raaliyo garaad badan midaan iga guhaadaynin

Adaan gacanta kuu hoorsadee hay gefsiin caawa.

 

 

Tan oo kale waa tii daangada loosoo duban jirey, koobkaaga qaxwaha lee meesha kasoo dhoweysey..wax badan kursiga waad ku rakibnaan doontaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^inadeer,waan ka helay.Gabaygu badi wuxu u muujinayaa wax run ah oo jira.

 

Thanks Xhevehire

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this