Sign in to follow this  
Meygaag

The art of Somali Dating

Recommended Posts

Meygaag   

TAA YAREEY HOOY!

Waa hawraar kaftana waxa is dhaafsanaya oo ku haasaawaya Oday iyo Gabadh, waxa bilaabaya Odayga oo faduulinaya gabadha oo meel taagan oo sugaysa wiil faceeda oo ballan ay la haayeen :-

 

Odaygii:

Taa yarey hooy

Cidla taagnidu

Waa tabaalee

Kaalay tamashlaha

Ku tukubiye

Tabta caashaqa

Mataqaanide

Kuu tilmaame

Ha noqon tukulush timir gaari waayay.

 

Gabadhii:

Kaa tukubayow

Ha ii tookhine

Anaa talo wacan

Kuu tilmaamiye

Toos wadada raac

Taada ku ekow

Oo ha talax tegin

Ha noqon tukulush timir gaari waayay.

 

Odaygii:

Taa yarey hooy

Talo xumidaa

Towdhablaha wiil

Ee aan Tiisaba

Wax ku tari Karin

Tab magaaliyo

Hadba taas qabo

Taladiis tahay

Haysu taagine

Tin cirroolaha

Aan ku tuureyn

Tiisa raacoo

Haku tababaro

Ha noqon tukulush timir gaari waayay.

 

Gabadhii:

Waxbaan tari jiray

Wax baan tumi jiray

Laga soo tagay

Iska tuuroo

Maanta Tabar

Iyo taag ma hayside

Ha isku tacadiyin

Toobiyaha raac

Taada garo oo

Ha noqon tukulush timir gaari waayay.

 

Odaygii:

Cadar timihiyo

Toobka lagu shubo

Waagaan turuqiyo

Tagooga adkaa

Waagaan toban toban

U soo tubi jiray

Taadan oo kale

Tiro kuma jirin

Liiska tumashada

Waan ka tiri jiray

Ha noqon tukulush timir gaari waayay.

 

Gabadhii:

Waqti kaa tagay

Oo mar hore tagay

Tiigsimaad ma leh

Haw tawaawicin

Oo dib ha u tebin

Tartiibtaa soco

Toobiyaha raac

Taada ku ekow

Ha noqon tukulush timir gaari waayay

---

 

Weligaa wax ka Haasaawe Macaan ma aragtay labaas qof? Cajiib! War illeyn Haasaawuhuba wuxuu ku macaan yahay hawraarta Suugaanneed!

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol@Taadan oo kale

Tiro kuma jirin

Liiska tumashada

Waan ka tiri jiray

 

Meygaag, tani waa classic saaxiib.

Jecliyaa marka mid iskibrisa lasoo rido!

 

Bishaaro, odaygu Shummeey oo kale uma turo :D !

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meygaag   

Xiinfaniin, Odaygu sxb waa rugcadaa hadal ruug ah; dabuubtiisaa aad jeclaatayna waxaan filayaa in ay faa'ido badan keeni doonta mar marka laysugu yimaado barxaddaha qaar aad garan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abaadir   

Ragii Hore xigmadoodu waa cajiib.

 

Xiinfaniin, ma maqashay midii yarad ee is yara kibrisay heesta loo qaaday.

 

Inanyahay nin weynoo

Waayo soo jiraayoo

Ilaa sabankii wiilwaal

Hadba dumarka tii wacan

la wadaaga caashaqa

wiglada ha uga sheekayn

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abaadir   

___________________________

Bishaaro said:

Xiin, wallee inta kuma taalid! Aniga waan kaa yaabay, toloow intee sanaad jirtaa?

_____________________________

 

ina abti maad iska daysid da'diisa, yuusan adna ku weydiine

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

^Wacade waa beentiis, kuma dhaco. Asba waa og yahay waxaas la isma waydiiyo. :D

 

Xiin, koleey saaxiibka Baashe kama yarid. :D Laakin sidi uu MMA u kashifay asaga camal, aan Illaah ka baryaa in adna laguu kashifo. Remember markuu MMA soo sawiray Oday Baashi saaxiibo ahaan jireen ayagoo yar yar.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Ciddii i kashifi lahayd waxba kama noola :D !Lakiin Baashe aa? Bisinka iyo Burdaha aan ku dhahay :D . Ar kaa naf yaraa ku jirta, Dhuubo :D Mar labaad kunoqo!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abaadir   

Qoute:

_____________

Tin cirroolaha

Aan ku tuureyn

Tiisa raacoo

Haku tababaro

_____________

 

Wax baa ka jira. Maahmaahdii soo ma ahayn Nin ku dhali kara, baa ku dhiqi kara

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meygaag   

Wax baa ka jira. Maahmaahdii soo ma ahayn Nin ku dhali kara, baa ku dhiqi kara

Waxay ila tahay sxb in ay wax ka jiraan, iyadoo ay u muuqato in ay maahmaahadaasi salka ku hayso xigmad ku sargo'an waaya-aragnimo, malaha, laga dhaxlay wakhtiga iyo waayaha ay maahmaahda lafteedu ku taxaluqdo.

 

Badanaaba maahmaahda Soomaaliyeed waxay ka turjuntaa dhacdooyin aan la iska oran balse ku salaysan xaqiiqooyin la soo dersay dadkii ay afkooda ka soo maaxdeen; waana halka ay Soomaalidu ka addeegsato maahmaahda orannaysa: 'Somali been waa sheegtaa; Beense kuma Maahmaahdo!' Had & jeerna waxay la saanqaadaa (Maahmaahdu) hadba wakhtiga lagu jiro. U fiirso! Haddiiba aad u yar dhaba-gasho waxaa si sahlan kuugu muuqanaya in, inta badan, ay maahmaahyada Somalidu ka soo-jeedaan dhacdooyin lala soo dersay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this