Sign in to follow this  
Muhammad

car ee yaa sheega?

Recommended Posts

Muhammad   

Halxidhaalahan waxaa tiriyey Sayid Maxamed(Allah ha u naxariisto), waa Halxidhaale caan ah oo la wada yaqaan, laakiinse waxaan idinka codsan inaydaan cheat-garayn. ;)

 

 

Waa Afar Su'aalood:

 

 

Wuxuu Seyid Maxamed yidhi:

 

Nimanyahow ciraab laguma kaco curuf la'aaneed e

Cod xidhaal ah oo wada cajab ah cayn aan ka higaadsho

Wax cad oo madow baan arkee car ee yaa sheega?

 

Waxa dunida caaqil u ah oon ciddi khilaafaynin

Oo caasiga iyo caabudkuba wada cisaynaayo

Aan calalna oogada ka qabin car ee yaa sheega?

 

Wax calaha ka dheer baa jiroon ciddi ka gaabnayne

Cidhib dhiibsi kuma gaadhi karo cududaheenaase

Caynkaasna anigaa arkee cara ee yaa sheega?

 

Cawadii waxaan kaa tagayn cadowna kaa eegin

Oo waaga kaa caraaya oo ku cid la'aynaaya

Caynkaasna anigaa arkee cara ee yaa sheega?

 

 

------------------------------------------

 

haye Abrar iyo Check!! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Nimanyahow ciraab laguma kaco curuf la'aaneed e

Cod xidhaal ah oo wada cajab ah cayn aan ka higaadsho. Wax cad oo madow baan arkee car ee yaa sheega?

-->Bal tan aan ku taagsado. Malaha waa munaafaqiinta--ingiriiskii iyo intiii la hal maashey ileyn ragani meel loogu soo hagaago malahayne yacni madow iyo cadaan midna lugguma tirin karo!

 

 

Waxa dunida caaqil u ah oon ciddi khilaafaynin

Oo caasiga iyo caabudkuba wada cisaynaayo

---->Ilaah cid kasareysa majirto oo dunida caaqil u ah!

 

 

Wax calaha ka dheer baa jiroon ciddi ka gaabnayne

Cidhib dhiibsi kuma gaadhi karo cududaheenaase

Caynkaasna anigaa arkee cara ee yaa sheega?

--->Ma dhul-jiiftaa sxb?

 

Cawadii waxaan kaa tagayn cadowna kaa eegin

Oo waaga kaa caraaya oo ku cid la'aynaaya

Caynkaasna anigaa arkee car yaa sheega?

 

Tan madaxaan soo tuujin sxb mar labaad:)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haneefah   

Kobtantada waa tii aan ku dhiiqan lahaa baan umalayn redface.gif Now, did you have to choose the Sayid's work? :mad: I guess I'll just leave my good friend Ladiif to do all the 'madax tuujin' on this one. But I'm so tempted to cheat, am I allowed by any chance? :D

 

Originally posted by AbduL-Ladiif:

Waxa dunida caaqil u ah oon ciddi khilaafaynin

Oo caasiga iyo caabudkuba wada cisaynaayo

---->Ilaah cid kasareysa majirto oo dunida caaqil u ah!

That's what I thought too.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

M u h a m m a d : waa adigan Checkmate & Abrar u yeerataye, ma the rest af Somali ma aqaanaan maad is tiri? Checky anigaaba ka badsho, marka let me try. :D

 

Cawadii waxaan kaa tagayn cadowna kaa eegin

Oo waaga kaa caraaya oo ku cid la'aynaaya

Caynkaasna anigaa arkee cara ee yaa sheega?

^^

Waa Doqonka, ama Nacaska.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ayanasli   

s/c

 

 

anigu waxaad ii ja jawabtey

 

googa

 

afar nin oo gogal kuwada fadhiya oon salan isla gaadhin?

 

goooga tana

 

wanbax wanbax wan geeso leh?

 

goog

 

malin kasta waxan u imada hooyadey iyo abahay oo cunaha is haysta?

 

googa

 

xagan gabi xagan gabi guntu walac?

 

 

hal xidhalaha kuma wanagsani lakiin googa cigaleysiga

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muhammad   

Abdul Ladiif, geesinimadaada waan ka yaabay sxb ! icon_razz.gif

 

Wax cad oo madow baan arkee car ee yaa sheega?

 

waxaad tidhi waa guumaystihii cadaa iyo dabadhilifkiisii madoobaa. lool good one laakiin waa khalad.

hint: waxan cad hadana madow waa hal wax.

 

 

Waxa dunida caaqil u ah oon ciddi khilaafaynin

Oo caasiga iyo caabudkuba wada cisaynaayo

---->Ilaah cid kasareysa majirto oo dunida caaqil u ah!

 

maya sxb, waayo Ilaah Kaafirku wuu khilaafaa(dunida).

 

 

Wax calaha ka dheer baa jiroon ciddi ka gaabnayne

Cidhib dhiibsi kuma gaadhi karo cududaheenaase

Caynkaasna anigaa arkee cara ee yaa sheega?

--->Ma dhul-jiiftaa sxb?

 

dhul-jiiftaa maxaad ka wadaa? kuma fahmin :D

 

Abrar Xaashaa lilah, ma cheat baad dooni! reload the mind dee waa sidee!

 

 

Bishaaro lool maya waa labadii is waal waalayeey, oo beleda isu haysteey!! :D

 

ayanasli khatari saana, jawaabtu wa dayaxa iyo xidikaha kale. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

1. waa Isha

2. Ma aqaan tan maybe lacagta.

3. waa Jidka

4. waa Riyada.

 

Berrigaan wiilka ahaa waxaan oo kale uma daahi jirin sxb. Calaa caleek laakiin :D

 

Isla gabaygan uu Xaaji Gooni oo markaa xarunta Suldaankii Hobyood joogay uu ku xujeeyey Inna Cabdulle Xassan waxaa ku jiray:

 

Weel caanihii laga dhamoo cunugu heemaarshay,

Oo ciida loo dhigay afkii laga casheenaayey,

Oo wali dhayi caadaa ka tahay cara e yaa sheega?

 

Haya Moderator Mahammed :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muhammad, Dhuljiif waxaa layiraahdaa inta bogga iyo baabacada kusocota een caggo lahayn sida maska iyo wixii la mid ah..fahamtu?

 

This might be an extreme/unappropriate example xaal qaata hadii aydaan uboggin but Abrarey, baribaa ninbaa intuu meel dadku ku badanyihin istaagay ayuu kor ukaadiyey markaasaa lalayaabey oo la waydiiyey waxa kudhacay ninka wayni uu kor uggu kaleedhiyey, markaasuu yiri dee duul/dad culimo wareerisey baan nahay......hada anagga shaatigan yer ee aayar layska soo badeli een laysuna sheegayn wuu na wareershey ama waa inuu LST function-kan disable kadhigo ama waa inaan ana iska soo badelo aleelaha

 

 

Baashiyow, nink nagga qabo sxb wuu na rigeystaye smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haneefah   

Originally posted by M u h a m m a d:

waa labadii is waal waalayeey, oo beleda isu haysteey!!

Yaa? Ku soo celi bal, ma anigaad (quite the maskiinad) imika igu sheegtay is waal-waalid iyo balo iska dhig( Ilaahay ha inaga hayo balo). Khalas! No more riddle solving for you MR.

 

Ladiif, I was thinking wiilku muxuu ka hadlayaa, show anigaad ii gabyeesay, lol. Lakiin eeg, ma Ramadaankii baa kaa saacid caleeyay, saa xitaa dadkii 'Silent Readers' ka ahaa baa i soosaarayee. Pick up the pace will ya icon_razz.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Muhammad   

war Baashi markaan arkay candhuuftaan ba ku mergan gaadhay!

 

1. Indhaha waad saxday!

 

2. waa khalad

 

3. dhabada waad saxday!

 

4. riyada ma aha oo horay ayan u sheegtay, waa xidigaha iyo dayaxa.

 

AbdulLadiif shukran sxb. waan gartay!

 

Abrar lol hadaad is miskiinin, meesha wax iska dhici! :D

 

 

Hada waa laga wada jawaabay, # 2 baa hadhay!

 

Baashi,

 

Weel caanihii laga dhamoo cunugu heemaarshay,

Oo ciida loo dhigay afkii laga casheenaayey,

Oo wali dhayi caadaa ka tahay

 

---) waa candhada xoolaha dee

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this