Sign in to follow this  
Paragon

Luuqqa Odayaasha Lacagdoonka Ah :)

Recommended Posts

Paragon   

Beri aan dhoweyn ayaa waxaa cirka isku shareerey qiimaha lo'da iyo idooleeydaba. Nin reer magaal ah oo lacag yar hasyta ayaa hunguriyeey bal inuu ka bayaac-mushtaro kala-iibsiga suuqqan cirka isku shareerey. Illeen waa nin hunguri hayee, lacagtiisii yarayd oo idil ayaa ku iibsadey boqol neef of lo' ah iyo 100 ido ah. Sida la ogsoonyahayna, xoolluhu waxaa dabiici u ah in aay helaan daaqsin, dushana laga illaaliyo inta ay daaqqa ku jiraan. Ninkii reer magaalka ahaa, markuu xoollihii foofiyey oo ay duhurnimona gaartey, ayuu geed hoostii bal yara hargal is yiri. Ninku waa illeen nin dukaanleey ahaayoo duhur-jiifka aad u yaqaaan. Mar allaale iyo markii uu geedka in yar hoos fadhiyey ayay hurdo horor ku keentey, iskana seexdey.

 

Goor dambe ayuu hal mar soo baraarugey, balse xoolihii waa maqanyihiin, gacan laguma hayo. Isagoo madluunsan oo madaxa lalminayo ayuu dib magaaladii ugu soo laabtey. Markii laga wareystey xoolihii, lana weydiiyey 'war caliyow, meeye maalkii amba xoolihii', wuxuu ku jawaabey: "MARKII HOREBA, EDEB DARRADA ANIGAA LAHAA, WAAYO ANAA MAALKAYGA OO JEEBABKA IYO MAQALLADA IIGU JIRA, LUGO U YEELEY, OO WELIBA FOOFIYEY!" Waana jawaab maahmaah noqotey.

----

 

Marka nimanyahow, aniga lacagteyda lugo weli ma eyan yeelan, balse waxaan shaki ku jirin in aan lacagdoon lambar uno ahay, waanna ogahay in lacagi buuxdo carrigan gaaleed. Ee ilma adeera-yaaloow, baadidoon lacag-raadis ah ayaan ku wada jirnaaye, maan is wareysanno? Sidee, inagoon is feera-goyn marnaba, oonan tuugag noqon, lacag jeebabka uga buuxsan karnaa? :D Waad ogtihiin xaalada iyo jawiga qurbe, iyo bedel xooggan ee ku yimiye, sideen lacag yar uga cantoobsannaa intaanan inaga lafaheena loosoo dhigan! smile.gif

 

FG: Waa iga kaftan-dhable :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pujah.   

The key to having lots of money is spending less than you earn, saving vigorously and investing. when investing don't put all your eggs in one basket like that guy in your story ...diversify your porfolio by investing in different industries now granted that is not going to eliminate market risk but as more stocks are added each new stock has smaller risk; thus reducing the impact it has on your porfolio.

Start Investing

 

 

Cheers ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sidee lacag looga sameeyaa wadamadan reer galbeedka?

jamaal sahiib waa su aal da wayn oo madax daalinaysee bal anoo dagan aan u fiirsadee iga qabo.

Waxaan ognahay in somaaliya sideedaba magaalo kasta ha ahaatee inay dhiseen badiba ragii la odhan jiray janaale yaal ee carabta ama markiibta ka shaqaysan jiray. ragaasi waxay ahayeen rag hadaf leh oo u yimid wadamadaa si ay lacag uga sameeyaan ugana noqodaan dalkoodii hooyo.

Burburkii somaaliya ka bacdi waxaa yimi qurbah rag ku wii hore kabadan oo wata caruurtoodii iyo haween koodiiba. waxay badiba go aan sadeen inay markay sharci helaan iyo xogaa ay ku laabtaan dalkoodii taas iyada ah waxaa qaribay in wadankii sidee ay rabeen oo filiyeen inuu noqon waayo.

waxaa intaa u dheeratay cuduro ayan waligood maqal sida stress iyo waali aad u fara badan oo lasoo gud boonaatay u madii somaaliyeed.

Waa marka aan anigu isi idhi war hadii aynu caafimaad qab kal tagno lacag iskaa daayo waa Allah mahadii.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this