Sign in to follow this  
geeljire-gaboobay

Hi all

Recommended Posts

Tuujiye   

War ileen balaayo...kaalay bishaaro tuujiye habaarka uu ka helaa maa maqashay markaa igu xamaaleysid..maraxdaa tahay maxaa dhahaa..yarta habaarka waxaa lugu yaqanaa islaamaha caanooleyda ah ee iga ganbiso nooh..aloo yaa kalafooto soo kaca oo xabadkaga kaaga fadhiista hadaa is waashidna, madaxa intii luujito laguu soo marsado ayaa teesto lagaala daali lahaa....lol...

 

anyways walashiis..waa kula kaftamoyaa ii baashaal hana iga nixin tuujiye lee ahee..lol..

laakiin habaarka danbi waaye nooh..iga shiix xaasidun waxasad yahee...

 

wareer badanaa!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Geeljire soo dhaweynta ayaan anna dhinacayga ka gelayaa ee soo mood. Waxaanse ku weydiiyey geelii soo cidlo kaama aha yaad uga soo tagtay? Soomaalina geel ciyaar ugama tagtee.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Ay kutubee iyo Bishaaro..Happy Somaliland day.... Ilaahey ha idiin kheereeyo..aaaaaamiiiiin...

 

Wareer Badanaa!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pujah   

war baaldooro waxaan suport gareenaynaa NOMAD landers laaking reer waqooyi maahi walaalo

 

aniga waxaan udabaaldagi doona insha allah kowda luulyo....maalinta xoriyada ...i am all about the blue flag with the star :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Miyaa..an waaba finjicee...happy holliday lee iska dheh nooh..calan aa shaash camal iskugu xireysid, waajib shimee noqayey...

 

Wareer Badanaa!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

waraa akhyaarta waadba aamusyarayseene waa sidee mise geeliibaa idinka halaabay oo aad kuraadjoogtaan?Abwaan sxb ilaa waa aan 3 jir gaaray ayaa horta iigu horaysay oo aan geel raaco markaas geela ayaan nirgaha kacelinjira si hodhow marka ay xigsinta gaadho loo maalo hurugaalkana wuxuu iisurnaanjiray ushayda.ayaanti dame ayaan waxaan isku dayay isla sanadkaas inaan haruubkiii geela culo laakiin sifiican uma aanan aqoone hase yeeshee wexey igu ahayd iskuday aan isbiday,marka sida aad ogtahayba hog ayaa hurugaalka lagu culaa marka gudka aad qodo oo aad culayga intaad jajabiso kugurto oo uu ololo ayaad hurugaalka saaraysaa mar aniga waxaan sameeyay markaan saaray ayaan waxaan arkay nirgihii iyo geelee oo isga kaydarmay, waan orday oo kala ceshay kadib ayaan soolaabtay mise hurugaalkii wuu gubtay maalintaas kadib oo aan 3 jir ahaa wixii kadambaysay la iguma tagi wixii kusaabsan xaga geela anigaa dadka usharixijiray,sxb hadii aad geeljire noqotay umalaymayee inaad noqotaye raga waaweyn marka geelu cabo iyagu magaalada ayeey itay galaan iska baashaalayaan adigana wexey kudhahayaan MADAXA QOYSOO LAQABSO,markaas ciil ayaa kaaqabanaya laakiin ciilkasta oo kaaqabta geela iyo hala aad ugu jecehshay markaad eegto cidla ugama hari kartit oo wanaad iska siidaba daysaa.Marka sxb aniga markaan cunug dhalay ayaan ku iri WARAA MADAXA QOYSOO LAQABSO,AABE INTEE AYAAN SOOWADAY MAANTA WAA MAALINTAADII AAD INASI LAHAYD MARKAAS AYAAN qURBAHA IS IMI.

 

waraa dhamaan akhyaarta waad salaamantihiin waa inoo saqda dhexe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

^^^ :D War geelbeele, ama haanta cul, ama nirgaha dhogorta badan celi.

 

Wiilyahaw, horta soo dhowow. Soo dhoweyn ka-dib, waxaad ii la egtahay nin geel yaqaan ah oo maadaama uu afka ku dhuftey 'culid' iyo 'culay', weliba afka la sii raacay siduu hurugaalka 'usha' (waa halka aan ka jeclaan lahaa inaan maqlo 'hangoolka') suranjirey, waxaa i muuqata in aad tahay lafihii hore ee geelijire. Lafihii horena baryahan waaba lagu diimay wiilyahaw. Intaa iyada ah kadibna, bal aan sheeko yar oo iga qabsatay dhallinta geella kala celintiisa ragga waaweyn ooga tagaan, marka geela u waraab tago tuulooyinka smile.gif .

 

Beribaan anoo wiil yar ah usoo daawasho tegey geel aad u tira badanoo lagu horayey meel tuullada aan joogey dibaddeeda ah. Geela wuxuu diyaar u ahaa inuu ka fulo maadaama la waraabshey. Balse, waa sidaad sheegtaye, mar allaale iyo markii la galab-caraabi lahaa ayeey raggii geela wadey damacsadeen in ay bal tuujalada u jaaq/qaad raadsadaan. Waxayna markaa go'aansadeen in ay geela uga sii tagaan sadex gabdhood oo jira da'o u dhexeeyo in lagu qiyaasi karo 16 - 17 jir.

 

Mar allaale iyo markeey nimankii dhanka tuulada u dhaqaajiyeen ayaan anna gabdhihii qurxoonaa dhankooda u soo dhaqaaqey. Odeyashii markey libdhadeen (ama ka isha-ka-qarsoomeen), ayaan gabar ka mid ah gabdhaha intaan soo garabjoogsadey, sii beesaninimo ku jirto ugu il-jibiyey. Iyada oo uu xishood ku jiro ayeey intey hoos fiirisey qosol yaroo cajaaib ah ka dhawaajisey smile.gif . Markaasaanba is iri wallee gabadhu waa mid bilicsane bal si reer-magaalnimo ah u xodxodo. Sidaa aawadeed ayaa intaan gacanteyda saarey halka guntiinada garabkeeda ka saaran yahay, cod gaaban ku iri 'walaaleey magacaa'. Balse iyadoonba jawaab afkeeda ka soo bixin ayey gabdhihii kale mid ka mid ah, inta kor u qeylisey ku canaanatay gabadhii "Naayaa Falxadu! Naa reer-magaalka cascaasiga ah ha i taabanin dheh oo ulee".

 

Nasiib daro, gabadhii kale qeylideeda oo aad u dheereyd darteed, ayaa ragga sii socdey oo weliba fogaadey maqleen. Aniguse war-mooge ayaan ka ahaa in raggu qeylidu maqleen oo soo noqdeen. Balse waxaan iskala sii heystey gabartan bilicdeeda aan aadka uga heley. Raggii oo dheg aan la qabo lahayn ayaa dib usoo ordey oo mar allaale iyo markey geella ku soo baxeen ayey ishoodu ku dhacdey anigoo gabadha aad ugu dhow, gacanteydana garabkeeda saarantahay. Sheekadoo meel fiican ii mareyso ayaa waxaa dhagteyga ku dhacdey diryaanka caggaha ragga igusoo ordaaya ka soo baxaya.

 

Illeen waa waxaanan fileyna, naxdin darteed ayaan uga dheqaaqi waayey halkaan taagnaa. Ilbiriqsiyo gudahood ayaa waxaan hal mar ka war heley hoobasho laba-bakoor iyo 3 mareer ulleyntood. Tii iga raacdey soo waxaan la hilmaami karin ma aha. Mareer ayeey dubka iiga dhigeen, jirkeyga oo dhan ayaa dhiigu isla da'ay. Sidey ii garaacaayeen aya iga daaleen, iigana tageen anoo halkii dhinac-dhinac u jiifo. Alla xanuun weynaa.

 

Xanuunka waxaa iiga sii darnaa su'aalihii ay dadka tuullada i weydiiyeen. "War heedhe, yaa ku ulleeyey", "War sababtee laguu ulleeyey". Ceeb weynaa! Oo maxaan ku jawaaba? Ma waxaan iraahdaa "Waxaa la igu ulleeyey, gabar aan naaska ka taabtey darteed", mise waan iska qarsadaa jabkeyga? Nabarraddii maalintaa i gaarey, billo ka dib ayeey boogahooda igu yaalleen, oo markeey iga danqadaanba, aan sidii nin aanan tala kale hayn qosol dartii iska dhoolla-cadeyn jirey :D . Wallee horaa loo yiri: Nin Xuntidii Ka Sheekee.

 

PS: Iga raali noqo sxb Geelijire, xusuusbaa i qaadayee smile.gif . Welcome to SomaliaOnline

Share this post


Link to post
Share on other sites

J'maal 11 sxb sheekadaada waan ladhacay laakiin sidii aan ku iqiin gabdhaha reer baadiyaha ah ma ogolyihiin in iyagoo cidkale ujeedo naaska iyo meelo kudhowdhowba laga taabto?waxaan umalaynayaa jawaabto waa maya sidii aan ku arki jiray gabdhaha reer miyiga ah,laakiin sheeko beelo ah aa noosheektay mahadsanid sxb.sheeko yaar ayan jeclaan lahaa inaan bal ana waxkataabto oo baadiyaha kusaabsan sxb.

 

waa ayaan geela kuraaci jiray meel dooxo ah oo dagsiimadu kubadanyihiin,waxaajiray oo dagsiimada katirsanaa oday gorofle ah oo wuxuu leeyahay 3 gabdhood oo kaliya odagu wuxuu waardiyey yaa habeenkii 3 daas gabdhood oo wuxuu haystaa qori faal ah gabdhuhu wexey seexdaan aqalka gudihiisa usaguna wuxuu seexdaa ilinka ayuu isku gudbi inana ma uu baneeyo oo lamari karo kaaga dare qoriga kugu bajinmaayo ee caadi ayuu wadnaha kaaga soosaarayaa,gabdhuhu waa gabdho quruxbadan oo lama daynkaro dhalinyaradii xaafada oo dhan ayaa jecel kaaga darane oo gabdho hadal macaan oo soo jiidasho leh markaad maalintii lasheekaysato laakiin xitaa maalintii odagu wuu joogaa ee marmar qura uu guriga iyo aado ayaan usoo gaatamaa oo hadalo isweydaarsanaa,dhalinyarada oo dhan habeenkii ayeey kusoo guureeyaan gabdhaha mindhaa oadgu habeenkii wuxuu ridaa dhawr iyo toban xabadood oo uu kuridaaya dhalinyaradaas anaga odaga waan sheekaysanaa oo waan isnaqaan laakiin arimahaas lama sooqaado,maalintii dame ayaan gabar kamid ah gabdhihii waxaan isku aragnay ceelka aniga oo dhaan wada iyo duna sidoo kale markaas ayaan halkaas shukaansi iyo xodxodo kaga bilaabay markaas ayeey igu tiri caawa noo imow odagii magaaladii ayuu jiraa oo umalaynmaayo inuu imaanayo ee hadii uu imaanayona xili dame ayuu imaanayaa ee noo imow xili hore sidaas ayaan kubalanay haye maxaa xigay habeenkii ee dhacay,

 

isla fiidkii markaan geela xereeyay ayaan isa soodaayay inigoo kabaqaya inuu odagii iga hor yimaado odagana waan sheekaysanaa oo inaan kuceeboobo ma,aan rabo maadaaba uu usagu aaminsanyahay inaan gabdhihiisa la xodxodankarin,

 

waxaan soo ordaba gurigii ayaan waxaan kaga imi wajahada hore kkkkkkkkk illeeeeeeeen wuxuu illinka odagu kuxiraa bahal layiraahdo siriq ninkii yaqaan ayaa yaqaane oo god ayaa intii laqodo xarig iyo qoryo ayaa salka loogu xirayaa marka xariga waa laguntayaa godkana dusha waxba laga saarimaayo markaas aad laheshid cagta godka ayaa xarigu kugu roorayaa oo lugta iskaga kaa duubayaa waligaa iyo alahaana iskama furi kartid in aad cid hesho maahane bahala ayaana looxiraa inta badan laakiin odagani dadka ayuuba keenay inuu uxiro war yaanan sheeko kugu daaline kuguba daaliyayae J'jamaal 11 sxb sidaas usoosocday ayaa cagtii dalaq iitiri meeshii markaasuu xarigii igu rooray balaayo hakudhacdee illeeen odagiiba mar horuuba yimid wuu isku kaysoo qaaday usaga oo qurigiisii wata markuu maqlay dig tii iga yeedhay.

 

markaas ayuu isyiri ninkani meesha ayuu galaye qoriga hakudhufan ee bal lahadal markaas ayuu toosh sooqaatay oo indhaha igaga qabtay mise waa ninkii sxbkiis ahaa war maxaad kasoo doontay gurigayga markaas ayaan fakaray isla markiiba fikir fiican ayaan helay waxaana iiri''adeer waa anigii waxaana maanta la iisheegay inaad aaday magaaladii sidaas daraadeed waxaan is iri sxbkaa bal soowarayso wixii uu war kasoo helay magaalada waana sax oo waasida ay reer miyigu isku waraystaan markaas ayuu yiri waan kaxumahay sxb kuwo nimana ayaa iwareeriyay oo aan ushigay meesha ee soodhowoow oo kaalay sheekaysanee oo gabdhihii yiri sookariya shaah meeshii ayaan iska sheekaysanay,sxb yaanan sheekada kusii dheeraane kuba dheeraadaye ugu damayntii gabdhihii wexey arkeen inuu odagaani dhib kuhayo oo intay gacsadeen ayeey joogi kari waayeen oo cun cunkii ayaa kubatay markaas ayeey 3 doodii iswaraysteen oo yiraahdeen waxaani waa doqoniinee talo aan keeno wexey sameeyeen inay odagii utashadeen inay dilaan habeenkii dame ayaa wiil kusoo guureeyay markaas ayuu odagii labooday qorigiisii sey intay qabsadeen 3 doodii ayeey sidey feer iyo garuun ugu wadeen bara laati kadhigeen odagii oo meelkasta go antahay ayaa magaaladii looqaaday subaxdii hade gabdhihii iyo wiilashii oo aan anigu kamid ahaa maxaa kadhacaya meeshii hadii uu odagii ilaahay naga qabtay waxaa kadhacay''cab sayr qub faataxayso maansha,alaah xaaaaaaaaaax waraa iga dhaaf waxaas waan kasoo gudbaye dib ha iigu celine adiga sxb iga raali noqo waan kudheeraaday ee ismaqal dame oo xiiso leh dhamaan akhyaarta meeshana waan salaamayaa hana soo hadleen dee maxaa kudhacay gabdhihii iyo aaway waryaaya warkiina hala helo ee nabadeeey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Mareer ayeey dubka iiga dhigeen, jirkeyga oo dhan ayaa dhiigu isla da'ay. Sidey ii garaacaayeen aya iga daaleen, iigana tageen anoo halkii dhinac-dhinac u jiifo. Alla xanuun weynaa.

Loooooool@J'11, macallinki dugsiga quranka aa isoo xasuusisay. Naas taabashadiisa dhibkaasu leeyahay.

 

Geeljire maxaa cabaad kaa baxay, Abootooy shartaada na mooti. :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
hukri   

Salaanta islaamka ka dib ,

 

waxaa iga su'aal ah

maxaa in noo mustaqbal ah warlord A.Laahi Yusuf like or Goodman Mahamed Abshir like?

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

^^^^^ w.com, kusoo dhawoow somaliaonline marka hore, meel fiican baad ka billoowdey, waana mawduuc wanaagsan ee bal qeeebta siyaasada ayey waliba kaga fiicneed in lagaga doodo halkaas bal booqo smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

J11 sxb sheeko aa kuugu aasan heedhe waa in lagaa guraa, bal ii kaadi inta aan ka soo qaadanaayo gamberkeyga, heedhe sug shaaxiina dee, ok, haddaan sheekadu igu socotaaye, haye bal inoo wad sheekada xiisaha leh....

 

 

Go figure:...........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this