Sign in to follow this  
geeljire-gaboobay

Hi all

Recommended Posts

asc wr wb salaanta islaamak kadib,waxaan ahay nin cusub dhawaana soo aplicagareeyay websitekaan inkastoo aan huray u akhrinjiray oo aan soobooqanjiray.ilaa 6 bilood ayaan soobooqanayay ayaan umalaynayaa gaar,ahaan waxaan soobooqanjiray Doodwadaag waayo afkayga hooyo sheekooyinka ah ayaan jeclaa sidaas daraadeed waxbadan ayaan kafaa iday dhalanyara waxyaalaha ay iswaydaarsanayeen wuuna idhacay,marka waxaan jeclaaday inaan idin kusoobiiro idinka ayaa iisheegi doona siday wax usoconayaan iyo meesha sharciyadeeda ee Doodwadaag,dhalinyarada aan hada kahor inbadan ku arkay waxyaalaha ay post soodhigeen oo aan jeclaaday ama waxtar lahaa ama funnyba ha ahaatee waxaa kamid ah Wiilo,Nuune,Bishaaro,Jacaylbaro,Miskiin weybadanyihiin dhalinyarada aan meeshaan ku arkay sheekooyinkooda lakaiin nasiib daro midna iskama naqaan sidaas daraadeed waan isbarandoonaa khayr ayaana idiin rajaynayaa iyo guulnabaday. waana xagiina wixii aad igu caawinkartaan meeshaan mise meeshu waa ninkasta ha isdifaaco kkkk anyway ismaqal damoo xiiso leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Wa Alaikuma Salaam,

 

Geeljire soo dhawoow. Ha is martiyeenin, nagu soo kordhi waxaad aqoon u leedahay afka Somaliga sida sheekoyinka, gabayadda, etc. Meeshan dadku waa badan yihiin wax waalan & wax fayoow, adigaa kala baran doona. :D

 

Welcome Again.

Share this post


Link to post
Share on other sites

asc wr wb:dhamaantiin waan idin wada salaamay salaan kadib,Bishaaro abaayadiis waad mahadsantahay,akhyaarta meesha horta intaan arkayay website afsomali lagu sheekaysto in mid kafiican waligay ima soomarin waayo hadalada ayaa ah kuwo aan aad ula dhacay iyo erayada aad isticmaashaan oo ah erayo waaweyn oo runtii wax lagu farxo ah.

 

Dhalinyarada maansta qurbaha kula baahday ee soomaaliyeed afsomaligii wey katageen wey kuhadlikaraan afsomali badankood laakiin afsomali fiican kuma hadlikaraan waxaana qofka kagaranaysaa markuu wax kuusharaxayo hadba qaabka iyo sida uu u abaaro ayaad kafahmi kartaa somaligiisu intuu leeg yahay.

 

Marka waxa aad idinku wadaan hada waa waxfiican runtii waxaana idin dhihi lahaa halkaas kasiiwada halgankiina oh busy ayaan noqday dib ayaan idinkala soo xiriiri doonaa insha,alaah nabadeeeeeey.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Widaayoow, ha dhawoow, arlaadaan arlaadaa waaye. welcome.gif

 

Fiinto ii cab. Canuuni la qasayna jidkuu kusoo jiraa asagoo xiimaayo. Laakiin madaama meeshaan tahay meel af Soomaali kaligiis--wax kale waa mamnuuc, oo saa adiga sheegtay madaama aad ka heshay--loogu tala galay in lagu qoro, marka dadka qaarkood luuqad shisheeya noocee doonto ha ahaatee kama jeclo inay ku arkaan meeshaan, oo aniga qaas ahaan wis-wis aaba ka qaadaa. Marka "hi all" arkay wis-wiskii ayaaba igu soo dagay.

 

Mar labaad soo mood, minanka isku fidi, gees ka gees, qar ka qar.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Ar geeljiregaboobay soo dhawaaw, sida horayba laguu yidhi mininka mininkaagi waaye, ganbarka soo jiiro, sxbtay Bishaaro aa Qaxwo Qaraar kuu soo shubeyso, Sxbkey MM Aqayaar na wixii sheego ah aas kuu haayaa, anigana (Wiilo) wixii sports la xiriiro aan kuu haayaa nooh, adigana wixii cilmi ah (Diini & maadi) oo noo heysid noo soo sheeg waa kaa dhageysaneynaa, marka soo dhawaaw mar kale.

 

Welcome to the SOL aka Hogga Aqayaarta Dhalinyarada Soomaaliyeed, dad badan aa meesha ka odayaal ah, ka maamooyin ah, ka gabdha ah, aniga waxaad igu tirisaa maamooyinka, maxaa yeelay waayeel aan ahay, facey wariiri aa ka nool :D

 

 

sAlaAma kA dhEh:...........

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

GeelJire, sxb soo dhawoow, qurbaca qamadiga ha siinin sangaalaa galiye, nirigta caanaha hasha ee danbarta ka ilaali yeysan dararinee, ratiga baarqabka yuusan abaahin hasha riman ee wax matartada ah, awrka dabarka u xir yuusan soo fakkaninee, waa anigii iri "haan buqdey iyo haruub hallaabey midna hanbo ma reebaan ee Gacmo Furan Kusoo Dhawoow SomaliaOnline"

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Waa wareeee SOL see u socotay finaly qof geeljire iska socda aa yimi..wili kuwii asliga ahaa oo kabaha water baruufka saaxiibada ahaayeen...

 

Geelka, sxb soo dhawoow yaaqee..aniga waxaa la iyiraahdaa Garab Tuujiye ama Tuujiye ama Feebaro ama Baal Dooro ama Rag Yaqaan ama Qaar Maroodi ama Macawiis Weyne ama Kabtan Kopra waxaana la iigu daraa Ina Baqti Lagde ama ina Fadhi Ku dirir ama Ina Faata Haroos ama Intii dhimatay ilaahey ha U naxariisto ama Maxaa Iga galay..

 

Walaal arladaan Sol waxaa joogaan dad iyo xoolo iyo cayayaan iyo wax aan la kaseynba..

 

Waxaa joogaan wiilal yar yar iyo dhaliyaro murqeysatay iyo odayaal isku dhacdhac oo oolyadii ka dhamatay..

 

Waxaa kaloo joogaan gabdho yaryar oo sameecado taag taagan oo u baahan in BBC laga raadsho..

Wax joogaan gabdho kulul oo qasnadihii hoose ka qaraabeen sidee iskugu dhex daadanayeen..

Waxaa joogaan islaamo miciyo dhaadheer oo u baahan meel ee ka taagan..meeshee rabto ha ahaatee..

Waxaa joogaan single mothers oo kala nooc nooc ah..kuwa gu' yar iyo kuwa gu' weenba..kuwa afka leerinaya iyo kuwa aad u qabto in laga dhintay..

 

waxaa kaloo meeshaan soo indha taagtaagan oo soo fara kuus kuusan dad daba dhilif yaal ah o ah shuftada u shaqeysa ninka madaxda meesha ka ah. kuwaasoo luuq yada dhigtay isbaalo..waxee iskugu jiraan rag iyo dumar..rag sidee u gaajeesnaayeen oona u soo jeedeen har iyo habeen kor kooda dhagar noqotay..iyo..gabdho sidee u ordaayeen oo dirbiyada ugu dhacdhacaaye mar yihii ku cuslaaday..

 

walaal meeshaan hala yaabin oo waxee ku magac gaaban tahay "waxaa fahantid rac"

 

Gudiga meeshaan lugu soo aruurshay waxaa u macalin ah oo tabaraha qadiimiga noo ah sxb keen iyo adeer keen "NIN YAABAN"

 

wax kaste aa ka rabtid anigaa kuu fasax ha ahaato wax kaste..cunto, cabitaan, meel laseexdo, qash qashaad, shukaansi, gabdho aan ka aheen kuwa reer baro, war waxaa rabtid ku kac kuna fadhiiso aan ku dhahay....

 

soo see waaye sxb war miyaan wadnaa mise waan ka hamaansanaa...

 

Wareer Badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pujah   

^^Waxaas oo war ah intaa tirineeyse sidii inaa cowka tahay camal....soo dhawoow lee madhahdidoo...intee uga naxsanee geeljire.

 

Geeljire soo dhawoow walaal mininka mininkaa waaye ha is martiyeenin...koob shaah oo kulul waa kan dhakab isku sii xooga waa casiriye waaye nooh

 

dhinaca soomaliga baryahaan waa laga mashquulay wiilo uunba kanool...markaa waxaan kaa filaynaa inaad kaqayb qaadantoono...oo wax yaabo xiisa leh kusoo qori doonto

 

marka hadal iyo dhamaanti soo dhawoow

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Tuujiye balaayo ha kugu dhacdo ma ku dhihi karee, ha ka cabsiinin dadka cusub. Shib naga dheh, shib, shuban eedaddaa ha dileee ma ku dhahaa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pujah   

^^ bishaaro cadeey ....maxaa kudhahaa welcome to baro family...exclusive soo dhawayn from the one and only ayeeyo :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

^^ LOL horta adiga habbeen barki maxaa la guuraysaa lol. Baro family waa ka baqaa aniga, maalin cad ay i furanaayaan, mar mar lee iska soo salaamaa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Pujah   

waa isla guuraynaynaa dee....waa is ognahay isku saacad baan nahay ani iyo adiga nooh....yaan la iskashifin dee... :D

LOl @ baro family waa kabaqaa....qofka kaliya oon kabaqo waa baal dooro...intakale geedan ku xirtay lol just kiding guys ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

war waan idin salaamay raga meesha isugu yimid wixii gabdho ahna waan salaaxay,kkkkkkkkkkkkkkk. waraa Nuune sxb waad iga qoslisay laakiin waxaa layiri war la,aan ayaa wadaadada rogtay,sxb waxaad iimalaysay nin qurbahu uu latagay laakiin sxb magacaygu ma,ahan mid aan iskaga sooqoray meesha ee waxaan ahay geeljire gaboobay oo dhab ah adigana geelii ayaadba ila gashay waan jeclaystay runtii lakaiin adiga waxaad istiri ninkaan kuhafi saas miyaaa?kkkkkkkkkkkk sxb waa inoo next door.

 

 

Baal dooro ninka layiraahdo waan kufahmay sxb sheekadaadii xiisaha lahayd waana,midakale Bishaaro iyo dhamaan dhalinyara wexey yiraahdeen ninka cusub ha cayrina waan qoslay walaahi aniga nin sas kutaga ma,ihi bishaaro ee lisskaas iga saar,midakale dhalinyarada kuli cabitaan ayeey kuwaasheen ma qaad baa kadharagteen waan bayaabee cabitaan lee kkkkkkkk.

 

Nuune sxb sheekadaada waxaad isoo xasuusisay,dhalinyaro aan qurbaha ku arkay oo aan soomaaliga sifiican u aqoon wey yaqaaniin laakiin af somali qadiimi ah magaranayaan, marka marmar ayaan dhihi jiray somali mataqaaniin markaas ayeey yiraahdaan sow anagaan kuhadlayna markaas ayaan iraahdaa sheega soomaaligaan,

 

ratigii intaan fuulay markaan baarka sare qabsaday ayaan waxaan fiirshay dawaadiisa mise markaas ayaan misana gadaashiisa fiiriyey mise wuxuu leeyahay dhabidii oo markaas intay xili kaliil ah tahay ayaantaana rati uu ladiriro mahelin oo madhabi tuban sidaas daraadeed jilif ayeey noqotay,markaas ayeey ugu xanaaqaan oo iyiraahdaan waxaasi somali maahan kkkkk.

 

Daaldooro sida aad tiri waxkasta meesha waa laga helayaa dhamaana dhalinyara cabitaan ayeey kahadleen ee meeshu ma maqaaxibaa?waanba yaabee

waxaa iigu daran qofta layiraahdo Wiilo aniga hooyooyinka igu tiri kkkkkkk kulayaabimaayo gabar soomaaliyeed ayaa tahay,waana arki jiray gabdha saas yiraahda ee next door.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Geeljire-Gaboobay soo dhawoow walaal, Ka soo qaybgal isbaheysiga dood wadaag. enjoy your stay walaalkiis

 

 

asxantu

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Ay Kutubeey good to see you gal, indha aad u noortahay ogow...

 

 

waxaa iigu daran qofta layiraahdo Wiilo aniga hooyooyinka igu tiri kkkkkkk kulayaabimaayo gabar soomaaliyeed ayaa tahay,waana arki jiray gabdha saas yiraahda ee next door.

Waraa

 

GeeljireGaboobay,(Magaca aaba igu dishay sxb) waraa adi waxaad moodaa inaan kaftan ka wado, waraa ani waayeel aan ahay way dii Aykutubeey, nuune, Baaldooro, dadkaan oo dhan wey i yaqaanaan, awal banooniga caadi aan u cayaarijiray Laakiin hadda jilbaha aan ku cayaaraa nooh, ma maqli jirtay fadhi ku dirir kuwaa suxuuso markii aad Wiilo maqashid :D

 

Waraa sxb mar labaad soo dhawoow,,,,,,

 

sAlaAma kA dhEh:.........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this