Sign in to follow this  
Som@li

SOOMAALIDA NORWAY OO DAD-DILNIMO LAGU EEDEEYEY

Recommended Posts

Som@li   

Dakhli liita. Waxbarasho hoosaysa. Baagamuuddo badan. Dhallinyaro danbiilayaal ah. Kuwii wax caawinjirey oo khaati ka taagan. Markay Norway imaanayeen waxay u qabeen inay Jannadii soo galayaan. Qaarbadan oo soomaali ah waxayba soo galeen Cadaabtii".....................

maqaalkii oo dhana waaa kan.

SOOMAALIDA NORWAY OO DAD-DILNIMO LAGU EEDEEYEY

 

asalaamu calaykum,

salaan ka dib,,arinkan soomaalida lagu eedaynayo maxaa ka jira? inte in le'eg baa barobagaando ,intee baa run ah,Waxaan aamin sanahay in wax badani run yihiin, ilayn duul la iska ma naco eh.

Bal qolyihina yurub jooga sheekooyinkan waxa ka jira iyo waxaad ka qabtaan nala soo socodsiiya? inkastooyna yurub ku koobnayn.

 

walaalkin

farxaan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Aamiin ,

 

Maahmaah Soomaali baa oranaysa "Rag aamusay, iyo riyo aamusayba, reerkoodii gabe"....Raalli ahaada gabdhow kolleey maahmaahooyinka Soomaalida rag baa hogaanka u hayey waagii hore oo malaha gabdhahaba lagama qayb gelin jirin. Amaba luuqaddan faca yar baa kolley Rag (markaan oo kale ay u taagan tahay rag iyo dumarba).

 

Ujeeddada aan u soo qaatay maahmaahdan haddaan u soo dhaadhaco Soomaali cidna u hadli mayso illaa ay inta iskuduubni muujiyaan ay meel kasta ay joogaanba si asluubi ku jirto sharaftooda u daaficin.

 

Arrimaha eedeymaha khaldan ayaan duulkeenna ku cusbayn: Waxaa xitaa UK ka dhacday in la yiraahdo Soomaali baa dameero la waayey qalatay oo hilibkooda cuntay! waa yaab!!! Wax la qasho oo la banneeyey oo ilaahey badiyey waaba hilib dameer.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Umadi Ilaahay dhib ma galiyo ilaa ay ayagu lugahooda ku doontaan Soomaali ibtilo iyo dhib bay cagahooda ku doonteen dhibna ka dhammaan maayo ilaa ay u soo noqondaan Allaah diintiisa. Runtii waa arin naxdin leh in aynu is layno dilkuna uu wax qiimo ahi inoogu fadhiyin. Xumaan oo dhan waxay timaadaan kolka laga dheeraado Ilaahay diintiisa marka Allaah ha inoo dhambi dhaafo hanuunna asiga baan way diisanaynaa.

 

Wabillaahi Towfiiq:...........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this