Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Ciyaal Kuni Kuni, Kaaleya Af-Jini aa ni Bara

Recommended Posts

Salaan...

 

Waa idiin jeedaa inee afkiin jini idinka maqan yahee, ee kistaan kasaayo iga barta bo.

 

B T J X KH D R S SH DH C G F Q K L M N W H Y

 

A E I O U

 

Shaqal dheer:

 

AA EE II OO UU

 

Kuun Kuun Laminaa. Laminaa Tabaarikaa. Sata-uuna Baarika. Siyeedlaa Muuminaa. Wacelaa, Kisiyaa, Baxayaa.

 

Kadhimeey Kadhim: Koow! Kadhimeey Kadhim: Lama!! Kadhimeey Kadhim: Sadex!!

 

Lama, Lamiskale, Lita, Litaabuure, Awluujan. Ninkii ama naagtii gariir ciyaari jirtay aa xasuusto.

______________

 

Macsalaama!!

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Oblivion   

 

In kastaan fahmin badi waxaad meesha ku qortay..waad ku mahadsantahay inaad na xasuusisey B T J X

 

Peace!

 

+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

"There is in ignorance a death for its people before death, and their bodies before burial are graves, and their souls are in grief on account of their bodies, and there is no resurrection for them (from death) until the Resurrection."

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

Miskiin lool

 

u made my mom laught 4real...I was reading out loud 2 her..and she was like damn I miss Somalia :)...Thnx bro, u even taught me some stuff. I ought 2 take some notes :)

 

P.S this is my firt time i'm posting some thing. and I'mmmmmmmm feeling this website.

So Cleaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaan and so HUMannnnnnnnnnn. Imagine that~~~

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

erayada afsoomaliga waxaan ku xusuustay maalintii iigu horeysey eraydaas. run yaan sheegayaa wuxuu ahaa macalin aad u xanaaqbadan, midakale yaa lagu beddelay wuxuu ahaa mid ka yimid koonfur oo reer xamara .. kii hore wuu waalaa laakiin kan maxuu na baraa afka isagii baa u baahnaa waxxa bara .. adi kow dheh, lamma ( laugh) saddax.. ( saddex) wallaahi afka aad sare ku qortay ani lee ma kasi eh laakin ( laakiin) adi inta aak koyde leema kasin nooh..

 

si kastaba ha ahaatee, maan garan waxaad kor ku qortay laakiin wax funy leh buu u muuqdaa oo carruurtu ku madadaalato sida layli goballay, deleb, kurunboodo, iyo shabadaan..

biitoy biito, biitoy laaban oo daba ayran,meeshay daaqdo bal aansoo eego..

 

beri reer kayagu guur

guur oo galbeed qabey

waxaara wad lay yidhi

wadi maayo baan idhi

iska soo wadaanwaday

 

maqleey war laay maluugu waramay

in cali ladilay oo cumar ladilay

oo dhiig qulqulay oo dhagari timi

yaa ii waramay

ma walaalkeybaa

wedi hoose iyo;;;;

 

anaa kuu waramee weeyada ii hay

weeeye ( that is the one of the funniest part when children say it with mischevious grin ))

 

i forget the rest....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Oblivion and Nova:

 

Idinkaa mudan.

 

Maxamedoow:

 

Yaa kuu sheegey inuu adi mise kan loogu hadlo waqooyi galbeed uu ka saxsan yahey af-soomaaliga kale. Iyaah. Kaas lee af-soomaali dhab ah miyaa? Ar see camal. Ninba Soomaaligiis aa la saxsan. Ama kaaga u malee ama kan u malee. Dhab waaye. Marka naga qalee hee duqa. Hadii fahantid, good for you. If not, then what can we do. Next.

________________

 

Macsalaama!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

to miskiin ::

 

ani maan odhan afba af ka wanaagsan hadda dib u eeg oo akhri..

laakiin waa run taad sheegtay malaha dadka qaar.. ani waxaan ku hadlaa saddex af mana u malaynayo inaan ku dooran lahaa afsoomaliga af kale. laakiin haddii aad u malaysay ama aanad fahmin ninka macalinka waxan u idhi .. isagii baa u baahan wax afka soomaliga bara run tay weeye... waayo kan aanagu xilligaa fahmayney ( 6 years of age) muusan garanaynin.. sidoo kale qofka ka taga Somaliland, puntland,ogadeen, jabuuti, amase nfd, oo aan garanaynin afka koonfureed ama af guri ookale waad odhan kartaa yaa bara afka.. waxaa jira af badan oo aanan aqoonin xitaa ka aad ugu yeedhay waqooyiga( somaliland,puntland, ogadeen, ama jabuuti, .. cidina ma wada taqaano afsoomliga.. afka maymayga oo markii iigu horeysey gabadh aan asxaabnahay ku hadasho waxaan ogaadey inuu ka midyaahay afsoomaliga kuwa ugu qanisan..

 

haddaba hadii aad fahan tay iyo haddii kaleba..

 

afsoomaligu wuu fara badan yahay cidina ma odhan kana kan ka wanaagsan ..

 

malahayga waa shayga keliya ee ka badbaadey siyaasada somalida, iyo mid ajniba ..

kolkaa haddii aad cuqdad ka qaaday hadalaan sare anigu ugama jeedin laakiin adiga lee waayeeeee.. maxaan ka suubin karaa ama ka dhihi kara, ama kaga fal celinkara, ama ka odhankaraaa..

 

afsoomaligu ama mid laga hadlo ha ahaado cirka guudkiiisaa ama badda dhexdeeda waa af qurux badan cidkastiiba ha ku hadasheeeeeee..

kolkaa waa qof jaahil ah qof odhanaya afguri yaa af guri ka wanaagsan...

mida kale aad baan uga helaa af reer koonfureedka intaan ka fahmi karayo...

 

iska saar cuqdada!! peace..

 

mida kale ka laga hadlo waqooyi galbeed gobolka la yiraahdo waa af soomali dhab ah, badankiisu waakan iyo mid kasii badan, kana sii wanaagsan..adigaanba aqoon baa u muuqataa af soomliga..

hadaba haddii aanadkan u malynayn af soomali maxaan lee falaaa next

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

Maskiin saaxiib tan gariirta aan kuu dhameestiraa... OK!

Lama, lama iskale(lamakaleeto),lite, litaabuure, awloojan.

Loojaan, loojaan imbili,saano,saano kabeeto,ila loojan.

..........

You reminded me of those old days when we used to go to the Dugsi!! khad la riiqaayo, loox la cagaarinaayo!! Qooleydii, Duqii Boordambaska ahaa iyo duudlaaftiisii(saaq saaq gurbiska eheed) aabitaydii iyo Ukur kii ceengeriga ahaa, baalmakuutigii!!

Buglihii!! Sharadkii banooniga, Maskiin sxb maxaa DIISH QAAM lagaa dilay!! smile.gif.

Maskiin sxb the sad thing is our kids wont know the taste of childhood in Somalia.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hibo   

silent guy your right walahi ciyaalkena waxaas dhan mayaqanaan

dugsiga anaga waxaan badanaa dhihi jirnay:

gaajo waa malagoo mudac bey sidataa dadka wey kumudaa macalinoow nakala daa kabiroow nakala aftax

damnnn walahi i miss somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

Silent-Guy:

 

Diish Qaam. LoL. Ar maxaa isoo xasuusisay hee ereygaas. LoL. Ar maxaa la dhigtay. smile.gif LooooL. Qoleey aah. LoL. Ar koo duqoow oo Baaygaduud aas qabi jirnay nooh oo walaahi xariif ahaa. Ar maxaa qoleey 'dool' eh la tifay oo la qabtey. Iyaah, qoleey shukaansanaayo suu dhihi jiray hee. Waq Waq, Kurukukoo. LoL. Saas ma'ahenoo? Bugle, Imbili, Boojo, Baliil iyo dhamaan ciyaarihii kale bo. Ar maxaa Xamar xiiso lahayd. Runtii wax boring la dhaho maleh nooh. Ilahoo nabadeey dalkeena: Amiiiiiiiiin!!

 

Maxamedoow:

 

Kan loogu hadlo waqooyi galbeed af-soomaali dhab waaye miyaa? Saas adi maku soo gababeyninoo hee? Marka hadaa saas aaminsantahay micnaheed ma'ahoo in Soomaaligaas uu ka fiican yahey lahjadaha kale oo looga hadlo meelaha kale ee Soomaaliya? Run maa la isku sheega mise been. Ani maku dhahaayi af-soomaali master aan ku ahay, lakiin af-soomaaligeey si fiican waa u aqanaa. Adi hadii keyga fahmi weyso xoog ma'aha hee, duqa. Kaagabo mar mar mala fahmaayo lakiin ani ma dhahaayi adi af-soomaali ma taqaanid. Ninba afkiis iyo lahjadiis. Xoog majiro. Teeda kale maay-maay hada lee maqashey miyaa? Fiiri hee tan waxee kuu sheege in aa meel kooban oo buur eh ku jiri jirtay. See camal waligaa awal lahjada maay-maay ma maqlin miyaa? Lahjadaas oo loogu hadlo dhul weyn oo Soomaaliya kamid ah. Xataa magaalada Xamar aa loogu hadlaa. Fanaaniinta Xasan Aaden Samatar iyo Shimaali Axmed Shimaali weyba ku hesaan oo caan ay ku yihiin heesahooda maay-maayga ah.

________________

 

Macsalaama!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Runtii, how many ppl speak af jini.

if you can understand this you've passed.

Majagajacajaa?

Ijintijee kuju bajarajatajay ajaf dijiniji?

Gojoormajee?

 

Answer these questions and reply in af jini.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Runtii, how many ppl speak af jini.

if you can understand this you've passed.

Majagajacajaa?

Ijintijee kuju bajarajatajay ajaf dijiniji?

Gojoormajee?

 

Answer these questions and reply in af jini.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this