Sign in to follow this  
Meiji

Religious coup d'etat in Galmudug

Recommended Posts

Meiji   

Culumada Ehlu Sunna Wal Jameeca oo maanta shaaca ka qaadeen in ay la wareegeen maamulkii Gal Mudug

 

War saxaafadeed ay maanta Culumada Ehlu Sunna Waljameeca ku qabteen mid ka mid ah xarumahooda magaalada Gaalkacyo ayay ku soo bandhigeen qoraal ay ku caddaynayaan in ay la wareegeen maamulkii dowlad goboleedka galMudug.waqtigaan laga bilaabana aysan jirin qaybihii horay ugu jiray magaca GalMudug haddii ay noqon lahayd gole baarlamaan.gole wasiirro.madaxweyne. guddoomiye gobol iyo wixii la mid,iyadoo qoraal kaan ay ku qornaayeen magacyada ilaa 25 sheekh oo ka mid ah culumada ehlu sunna wal jameeca ee deegaannadaan.

 

Waxaa kaloo qoraalkaasi ku caddaa in 30/06/2009 kuna beegnayd 6dii rajab sannadka higriyada 1430 Guddoomiyihii golaha garsoorka GalMudug Sheekh Axmad Sheekh Yuusuf Jimcaale(Ilko dahab) ay u doorteen Iimaanka ehlu sunna Waljameeca culumada xilkaan la wareegtayna uu iimaan u noqonayo.

 

Sheekh Axmad Sh Yuusuf Jimcaale(Sheekh Ilko dahab) oo munaasabadda shirkaasi jaraa-id hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in maamul la wareegiddaan ay timid ka dib marki ay soo baxeen khilaafyo xal loo waayay oo dhax maray madaxdii GalMudug .la diiday go,aankii maxkamadda dastuuriga ahayd .qabyaalad iyo colaadna la dhax dhigay bulshada GalMudug.ho,aankaann a ujeeddadiisu tahay in lagu badbaadiyo shacbiga GalMudug.

 

Sheekh Axmad Sheekh Yuusuf Jimcaale ayaa ka codsaday guud ahaan bulshada Galmudug in ay arrinta sidaasi u arkaan culumada Ehlu sunnana ka shaqeeyaan nabad galyada iyo wanaagga.

 

Shirkaan jaraa-id oo ay ka soo qayb galeen culumo awdiin.saraakiil ciidan .saxafiyiin iyo qaybo kale ayaa waxaa kalooo ka hadlay Macallin Aadan Maxamed Jimcaale iyo Sheekh Cabdullaahi Maxamed Kulmiye (Sheekh Cabdullaahi Callayr).oo ku xigeenno u ah Iimaanka Ehlu sunna iyo xubno kale oo uu ka mid yahay Sheekh Mursal Cilmi Dhago oo ka mid ahaa culumo awdinkii hoggaaminaysay Marjiciii Culumadii Galmudug ee meel marinta go,aannadii shirwaynihii Bandiiradleey ee taariikhdiisu ahayd 11/11/2007dii iyadoo ay culumadani faahfaahiyeen ujeeddooyinka keenay la wareegiddaan maamulkii GalMudug.

 

Shirkaan jaraa-id oo ay ka soo qayb galeen saraakiisha hoggaamisa ciidamada Galmudug sida Booliska.daraawiisht a iyo gurmadka degdegga ah ayaa waxaa kaloo ka hadlay G/dhexe Maxamed Nuur Cali Gadaar oo ah taliyaha qaybta boolisa Galmudug oo sheegay in ay si buuxda u taageersan yihiin ugana miro dhalinayaan la wareegiddaasi ay culuma ehlu sunna kula wareegeen maamulkii galmudug.

 

La wareegiddaan ayaa ku soo aadaysa waqti khilaaf ballaarini uu in muddo ah u dhaxeeyay madaxdii Galmudug sida Madaxweynaha .Baarlamaanka iyo golaha dhaqankaba.iyadoo tilaabadaanina ay meesha ka wada saarayso maamulladii madaxweynihii hore iyo kii dhowaan ay doorteen xubnaha baarlamaankuba .dib ayaanna loo ogaan doona sida ay bulshadu u ar kaam amaba ay uga jawaabaan qaybihi isku khilaafsanaa maamulka galmudug.

 

http://www.dayniile. com/July2009/05July9 .htm

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

The religious men of Ahlu Sunnah Wal Jammah should have participated in the local governing system to legitimately claim the leadership position instead of gaining it by a coup.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Sheekh Axmad Sh Yuusuf Jimcaale(Sheekh Ilko dahab) oo munaasabadda shirkaasi jaraa-id hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in maamul la wareegiddaan ay timid ka dib marki ay soo baxeen khilaafyo xal loo waayay oo dhax maray madaxdii GalMudug .la diiday go,aankii maxkamadda dastuuriga ahayd .qabyaalad iyo colaadna la dhax dhigay bulshada GalMudug.ho,aankaann a ujeeddadiisu tahay in lagu badbaadiyo shacbiga GalMudug.

This Jimcaale dude has studied the coup of 1969 in Somalia. Perhaps he should pay attention to how it retarded the nation-state's natural developement and eventually led it into its downfall.

 

No matter the situation and political turmoil, a coup is illegal and only retards the natural development of a given society.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waa isla moryaantii dadka dhacaysay, oo timo la baxay, tusbaxna qaatey.

 

Mashruucaan ethiopia gadaal ka riixaysa, awalba galkacyo korkey ka maamulayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiy aar:

Kuwaas kor maka maamulaan, ee gudaha ka maamulaan.
:D

Hahaha!

 

The convenient ploy of ignoring one foreign intervention while celebrating another foreign intervention (because they are deemed handy)makes a mockery out of their religious rhetoric.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this