Sign in to follow this  
Garaad Bari

President Abdullahi Yusuf arrived Mogdisho

Recommended Posts

Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo soo gaaray Muqdisho

 

Mogadishu 13, March.07 ( Sh.M.Network) Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Somalia , C/laahi Yuusuf Axmed ayaa si qarsoodi ah ku soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo amaanka caasimadda si weyn loo adkeeyay.

 

Madaxweynaha Somalia oo ka soo kictmay magaalada Baydhabo ayaa ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho sida uu shabelle u sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Xuseen Cilmi.

 

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay ka hor inta aanu imaan Madaxweyne C/laahi Yuusuf, iyadoo ciidamo Ethiopian ah la soo dhoobay wadooyinka qaar ee ku yaala caasimadda sida Madaxtooyada, Km4. X/weyne, X/jajab, iyadoo sidoo kale la xadiday isku socodka gaadiidka.

 

Imaatinka Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Somalia ayaa ku soo beegmay xilli shalay Baarlamanka Somalia uu isku raacay in xukuumadda Somalia ay si dhaqsi ah ugu soo guurto caasimadda, iyadoo Madaxweynaha uu arinkaasi taageeray.

 

web page

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaamaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa yimid Magaalada Muqdisho, waxaan uu ku yimid Muqdisho diyaarad qaas ah oo ka soo qaadday Baydhabo.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa imaantinkiisa Muqdisho wuxuu ku soo beegmay iyadoo xilli aysan hagaagsanayn Ammaanka Muqdisho, balse la sheegayo in howlgallo lagu sugayo amaanka uu Muqdisho ka billaabanayo.

 

Imaanshaha Yuusuf ayaa waxay timid kaddib markii Baarlamaanka Soomaaliya uu shalay u codeeyay in Dowladdu ay u guurto Muqdisho, waxaana socdaalkiisaan ku wehliyo xubno ka tisan golaha Wasiirrada Soomaaliya oo iyaguna ku shaqeynaya Muqdisho, inkastoo aan la cayimid tiradooda.

 

somaliweyn.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

no Northerner,,,, the P was not hiding in the bushes nor he came with Gaari Qaad,,, he flew in,, but his arrival was not known till was seen in Villa Somalia....

 

even though the security was very tight last 24 hrs

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo Ethiopian iyo Somali ah oo la soo dhoobay wadooyinka Muqdisho qaar

 

Mogadishu 13, March.07 ( Sh.M.Network) Ciidamo Ethiopian ah ayaa la dhigay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka banadir, iyadoo la xadiday isku socodka gawaarida dadweynaha ee BL ka ah.

 

Ciidamadan ayaa goobaha saakay sida weyn loogu arkayo waxaa ka mid ah aagga Madaxtooyada oo si aad ah loo adkeeyay amaanka, iyadoo la mamnuucay isku socodka gaadiidka Blka ah ee ka shaqeeya wadada Oto Oto iyo Madaxtooyada.

 

Gaadiidka Blka ah ayaa ka soo wareegayay xaafadaha, ka dib markii wadooyinka ay soo dhoobteen ciidamo.

 

Ciidamadan oo ah kuwo somali iyo Ethiopian ah ayaa sidoo kale goobaha ay dhaq dhaqaaqyada ka bilaabeen waxaa ka mid ah degmooyinka X/weyne, Shibis, Boondheer iyo X/jajab.

 

Dadweynaha ku dhaqan xaafadahaasi ayaa saakay ku soo baraarugay iyadoo ciidamo Ethiopian iyo kuwo Somali ah ay ku gadaaman yihiin.

 

Ciidamadan isku dhafka ayaa la arkayay iyagoo koox koox u socda wadooyinka.

 

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ay dhaq dhaqaaqyo bilaabaan, hasa ahaatee waxa ay ku soo beegmeysaa xilli dowladda KMG ah ay sheegtay in ay u soo guureyso caasimadda Somalia, taasi oo maalintii shalay aheyd uu ansixiyay Baarlamanka Somalia.

 

web page

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

War deg deg ah:- Madaafiic cul culus oo lagu weeraray xarunta Madaxtooyada iyo madaafiic kale oo jawaabo ah oo ku dhacaya xaafado ka tirsan Muqdisho

dayniil.com

 

Madaafiic haatan lagu weeraray Xarunta Villa Somalia

War deg deg ah Madaafiic dhowr ah ayaa ku dhaceysa xarunta Villa Somalia, iyadoo ciidamada Ethiopia ay iyaguna madaafiic ku jaawabeen Xilli Madaxweynaha Somalia uu maanta soo gaaray caasimadda. .13,March,07

dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Xabad ka socota isgosayska KM4 ee magaalada Muqdisho

 

Newsxilli C/llaahi Yuusuf halkaas uu ku sugan yahay

 

(Muqdisho}13.03-7

Rasaas xoogan ayaa laga maqlayaa agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho kaas oo u dhexeeya ciidamada dawlada iyo kooxo dablay ah oo aan la garayn.

 

Ilaa iminka lama oga khasaaruhu inta uu leegayahay waxaa rasaastu bilaabtay goor dhoweyd.

 

News Desk WidhWidh Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

WAR DEG-DEG AH: Qaraxyo waaweyn oo ka dhacaya Agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia

Posted to the Web Mar 13, 14:07

 

Muqdisho (PP) – Qaraxyo waaweyn oo aan la garanayn cidda tuuraysa ayaa waxay hadda ka dhacayaan agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya, halkaasoo uu maanta soo gaaray madaxweynaha Soomaaliya.

 

Madaafiicda ayaa waxay ahaayeen kuwo aad u fara badan, waxayna intooda badan ku dhacayeen Madaxtooyada, inkastoo aan la garanayn waxa ay sababeen iyo cidda ridaysa midna.

 

Ilo wareedyo ku dhow Madaxtooyada ayaa waxay sheegeen in rasaasta aadka u xoog badan ay maqlayaan, waxaana dadka ku sugan Agagaarka Madaxtooyada ay sheegayaan in madaafiicda dhacaysa ay yihiin kuwo aad u xoog badan.

 

Wixii faahfaahin ah kala soco Puntlandpost.com haddii EEBBE ogolaado.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

The coward is in trouble. Lets hope they capture him alive before he runs to Baydhabo under Tigree protection as usual.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

We don't start trouble, but boy do we end it

Our time, we like to spend it

Snapping, boy do we heat up

But we'll take time out to beat up

A sucker, if he wants static

Beatdown, yeah we got it

Good, and we'll accomidate you

Thanks to us, a lot of brothers hate to

Come back, to this very day

Cause losing's one thing we don't play

If you're ever in a fight and you're beating one of us

Break out, before you get bumrushed

At the...

 

 

Odaygii way haysataa mays tidhaahdeen~

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this