Sign in to follow this  
Camel Mlik

WASIIRKA DIB U DHUISKA COL.BARRE HIIRAALE SHIRE ATTACKED!

Recommended Posts

Mid ka mid ah Wasiirada DFKMG ah oo galabta gurigiisa weerar lagu qaadey

Kismaayo-05.May.2005 Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Guriga mid ka mid ah wasiirada DFKMG ah ee Soomaaliya galabta Koox dabley ah weerar la beegsadeen.

 

Weerarkan ayaa galabta 4-tii galabnimo waxaa lagu qaadey Guriga uu ka degan yahay Magaalada Kismaayo Wasiirka dib u dhiska DFKMG ah ahna Gudoomiyaha Isbahaysiga Dooxda Jubba Col.Barre Hiiraale Shire.

 

Weerarkan lagu qaadey Guriga Xildhibaan Barre Aadan Shire ayaa la sheegay inay geysteen Koox dabley ah oo sida warar Madaxbanaan oo ay heshay Idaacada SBC sheegayaan inay ka tageen Magaalada Muqdisho.

 

Weerarkan galabta lagu qaadey Guriga Col.Barre Hiiraale ee Magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in 1 Qof oo ka mid ahaa Ilaalada Wasiirka uu ku dhaawacmey, waxaana wararu intaasi ku darayaan in maleeshiyada weerarkaas qaadey ay kala kulmeen iska caabin xoogan leh, ciidamadii ku sugnaa Guriga Col.Barre Hiiraale.

 

Sidoo kale ugu yaraan 1 qof ayaa maanta ku dhintey hawlgal Maleeshiyada Isbahaysiga Dooxada Jubba ay ku doonayeen inay hubka kaga ururiyaan Dadka qoryaha ku dhex sita Magaalada Kismaayo.

 

Dhacdooyinkan ugu dambeeyey ee maanta ka dhacey Magaalada Kismaayo ayaa waxya ku soo beegmayaan xili Magaaladaasi ay si weyn uga socoto hawl balaaran oo ku aadan sidii loo soo dhameyn lahaa Ra’salwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi oo haatan ay u qorsheynsan tahay in booqdo Magaalada Kismaayo.

 

Axmed Aar

SBC Muqdisho.

 

 

 

...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Weerar Galabta lagu qaaday guriga Barre Hiiraale ee Kismaayo

- Thursday, May 05, 2005 at 18:00

 

AllPuntland (Kismaayo)- Waraka naga soo gaaraya magaalad Kismaayo ayaa sheegaya in galabta kooxo maleeshiyaan ah ay weerar ku qaadeen guriga wasiirka dib u dajinta ee DFKGS ahna guddoomiyaha dooxada Jubba.

 

Koox malleeshiyaan ah oo ku hubaysan ayaa 4:30 galabnimo weerar la beegsaday guriga Barre Hiiraale halkaasna waxaa ku geeriyooday 1 qof laba kalana dhaawac ayaa soo gaaray.

 

Lama garanayo sababta weerarkan keentay , waxaase warar lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan in kooxda weerarka soo qaadday ay ka timid magaalada Muqdisho maalmahanna ay kusugnaayeen duleedka magaalada Kismaayo.

 

Waxaa sidoo kale la sheegayaa in kooxdan ay isku hayb yihiin nin lagu magacaabo Goobaale oo dhawaan dagaal dhex maray asaga iyo Barre Hiiraale ay dad isaga dhinteen.

 

Barre Hiiraale ayaa ku dhex jray gurigiisa xilliga weerarka lagu soo qaaday hase ahaatee wax dhibaata ah kuma dhicin .

 

Xaaladda magaalada Kismaayo ayaa haatan caadi ah.

 

Dhacdadani waxay kusoo beegantay xilli , magaalada Kismaayo dadweynaheeda iyo maamulka gacanta ku haya ee uu madaxda ka yahay Bare Hiirale ay isu diyaarinayaan soo dhawaynta wafdiga uu horkacayo ra'iisal wasaaraha Soomaaliya oo iminka ku sugan Muqdisho.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

 

 

 

Powered by AllPuntland.com

Copyright ©AllPuntland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this