Sign in to follow this  
Xudeedi

Holland: Puntland’s Interior Minister (Ilka Jiir) Attends an International Conference

Recommended Posts

Xudeedi   

Holland: Shir Calami Ah Ayaa Maanta Kadhacay magaalada Den Haag ee Dalka Holand Waxana Shirkaas Looga Hadlaayey Arimaha Burcad Badeeda Iyo Dhibaatada Ay Aduunweynaha Kuhayso Waxana Kulankaasi Diirada Lagu Saaray Dhinacyada Dhaqaalaha Ladagaalanka Burcada Iyo Xiriirka Calamiga Ah Iyo Iskaashiga Dhexmara Dowladaha Yurub Iyo Maamulka Puntland Iyo Dowlada Holand.

 

Shirkan Ayaa maanta ka dhacay dalka Holland magaalada Den haag shir aad u balaaran kaas oo looga hadlaayo Burcadbadeeda Soomaaliya iyo saameynta ay ku yeelatay dhaqaalaha aduunka. Shirka waxaa soo qabanqaabiyey ururo ay iska leeyihiin qurbajoogta Soomaaliyeed ee dalka Netherland. PUNTNED, NEDSOM iyo OTP.

 

Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Horumarinta Reer Guuraaga Puntland Generaal C/laahi Axmed Jaamac Ilko Jiir Ayaa Shirkaas Uga Qayb Galay Maamulka Puntland iyo Somalia Islamarkaana Khudbad Dheer oo Qiimo badan Halkaas Kasoojeediyey General C/laahi Axmed Jaamac Ilko Jiir Ayaa Ugu Horentii Dowladaha reer Yurub Khaasatan Dowlada Holand Uga Mahadcliyey Taageerada Iyo Xiriirka udhexeeya PUNTLAND Iyo Dowlada Holand Waxana Ilko Jiir Sharacaad Kabixiyey Sidii looga Hortegi Lahaa Kooxaha Burcad Badeedaada Ah ee Amaanka Aduunka oodhan Curyaamiyey.

 

General C/lahi Axmed Jaamac Ayaa Dowladaha Reeryurub Kudhiiri Geliyey In Ay Isgarabtaagaan Dowlada Federalka kMG ah ee Somalia Waxana uu Sheegay In Dalka Iyo Dadka Somaliyeed Ay Marxalad Adag Soowajahdey Ayna Maamul Ahan Iyo Dowlad Ahaanba Dalbanayaan In Lays Garabtaago Si Khatarta Somalia kasoo SOCOTA Aaney Dalalka Kale Iyo Aduunka oodhan ugu Baahin.

 

Ilka Jiir Ayaa Kahadalay Qaraxyadii Dhowaan Caasimada Somalia kadhacay ee Lagu Laayey Golaha Xukuumada Somalia Kuwaasi oo uu Kutilmaamay kuwo Waxuushnimo ah Waxana uu Sheegay In Beesha Caalamka Ay Kagaabisay Arimaha Somalia Ilko Ayaa tibaaxay In Maamulka Dowlad Goboleedka Puntland ee Qaar Somalia Kamid Ah Kataliya Codsanayo In Lagu Garab istaago Ladagaalanka Burcad Badeeda Xeebaha Somalia Joogta Waxana uu Farta Kufiiqay In Ay Waxaba kama Jiraan Tahay Howl Galka Maraakiibta reer Galbeedka Xeebta Somalia Kujoogaan.

 

General Ilko Jiir Ayaa Sheegay In Kooxaha Burcad Badeeda Somaliyeed ee Qalalaasaha Kuhaya Bada Udhexeysa Somalia Iyo Bada Gacanta cadmeed In Maamulka Puntland Dagaal balaadhan Kula jiro Islamarkana Ay kudedaaleen In Ay Tirtiraan Balse Arintaas Ay kagaabiyeen Dowladaha Xeebta Somalia Soodhoobey Boqolaal Maraakiib Ah oo Sheegtay In Ay Yihiin kuwo Xeebta Somalia ilaaliya balse Aan Waxaba Qorshaha Ay uyimaadeen Kaqaban Waxana uu Sheegay In Kooxahaas Dowlada Somalia iyo Puntland oo Lateegaaro Keliya Lagu Cirintiri Karo.

 

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Puntland Ayaa Intii uu Joogey Dalka Holand Madaxda Dowlada Holand Kulamo Gooni Gooni Ah Lasheegay Waxana Lasheegay In uu Kala Hadlay Dhinacyada Iskaashiga Iyo Arimaha ladagaalanka Burcad Badeeda Iyo Sidii Dowlada Somalia Loo Taageeri Lahaa Dhinacyadan Ayaa Isla Soo hadalqaaday Iskaashiga Xiriir Ganacsi iyo Amaanka Sirdoonka In Ay Iska Kaashadaan .

 

Holand

 

Siciid Qurux

laasqoray.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^You are confusing yourself by getting angry, adeer the Minister is doing a fine job, shame that no one invites you to these meetings, oh I forgot it is not about getting Mugged.

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

1111111111.jpg

Secessionists not welcome[/]

 

Adeer one always suspect the secessionists were a bunch of pansies, for what happened to the “brave” SNM? Today they are being abused by Riyaale who was abusing them when Siyad was around. Grown men should never accept being victims and getting abused by other men. But hey the secessionists were never known for their bravery or intelligence, hence their plight today. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Oodweyne:

 

There you go again, with your recycled display of inferiority complex and you’re steering less word play. Ceerigaabo and its whereabouts are not open for a discussion of dispute as I had numerously clarified the factual political structure and driving stakeholders. Seeing that the minister is a descendent of the British Protectorate, totaling his families’ complete settlement of nearly of ½ of the former colonial protectorate, it’s fair to conclude that the fantasy of recognition will come true when the Messiah returns.

 

Duke

 

War ninka ha mirqaan jabin ee hadal mirqaanka u daa. :D

 

Ilma Shankaroo iyo qaadaraysi maxaa kala haysto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Key Speakers:

 

 

Dr.Abdiweli M. Ali Ph.D Associated Profossers of Economics

 

Dr. Mohamed Hassan Barre Analyst & Consultant to Puntland State of Somalia

 

John Limen Rainbow Consultancy

 

Christoffer Brand: Chairman of konservative Folkepart of Denmark

 

Dr.Yusuf Mohamed Ismail (Bari bari)Somali Ambassador /Permenent Representative to the UN Geneve

 

Gen. Abdullaahi Ahmed Jama Interior Minister of Puntlnd State of Somalia

 

Mohamed Mohamoud Guled (Gacmadhere) MP Somalia & Former Interior Minister of Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Prof. Cabdiweli

 

Prof.Abdiweli Maxamed Ali oo cilmiga dhaqaalaha ka dhiga jaamacada Niagara university ee dalka Marykanka ayaa ugu horeyntii ka hadley sameynta burcadbadeedu ay ku yesheen dhaqaalaha adduunka. Prof. Abdiweli ayaa sheegay in heerka madaxfurashada ee burcadbadeedu uu maraayo meel aad u sarayska marka loo bar bardhigo sida uu aha sanadihii hore, sidoo kale waxa uu ka hadley sida ay kor ugu kacdey weerarka lagu hayo maraakiibta ganacsiga ee maraya gacanka cadmeed iyo badweynta Hindiya.

 

 

Prof. Cabdiweli ayaa sheegay in isbedel weyn ay ku keeneen burcadbadeedu dhaqaalaha aduunka iyo kan gudaha ee Soomaaliya. waxa uu sheegay in aduunku sida uu ula dhaqmaayo ay tahay nin Kaneeco dubbe ku dilaaaya halkii a arinta waddo saxsan u mari lahaayeen, waxa uu sheegay in kaluumaysiga sharci darada ah ee lagu hayo badaha Soomaaliya uu uga sii daraayo arinta Burcadbadeeda.

 

Prof.Abdiweli M.Ali ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax lala qabto maamulada jira, isla markaasna la dhiiri geliyo habkii loo dhaqan celinlahaa wiilasha yaryar ee burcadbadeednimda shaqada ka dhigtey si loogu sameeyo xirfado kale.

 

Dr.Mohamed Hassan Barre

 

Sidoo kale waxa shrika ka hadley Dr. Mohamed Hassan Barre oo ah khabiir muddo dheer ka soo shaqeynaayey dalka Soomaaliy isaga oo jagooyin muhim ah ka soo qabtey Dawladdii hore ee uu Madaxweynaha ka ahaa Maxamed Siyaad Barre.

 

Dr.Mohamed Hassan aya gundhig uga dhigay khudbadiisa saameynta ay burcadbadeedu kuyeesheen amniga gudaha meelaha ay ka hawlgalaan. Mr. Barre ayaa ka hadley sidoo kale doorka Puntland ee ku aadan Burcadbadeeda, waxa uu sheegay in xeebta Puntland ay tahay mida ugu dheer ee Soomaaliya taas oo so jiidatay burcadbadeed aad u badan in ay ka hawlgalaan, waxa uu sheegay in Dawladda Puntland ay ku qaaday dagaal aan kala harlahayn, qaar badana ay xabsiyada ku jireen oo lagu xukumey sanado badan, Mr.Barre aya tibaaxay in beesha calamku ay ka gaabisey doorkii ay lahayd isla markaasna daawada ka raadineyso meelo kale.

 

Dr.Mohamed Hassan Barre ayaa sheegay in muhimaddu tahay in burcadbadeeda lagula dagaalamo dhulka dushiisa isla markaasna la tageero Dawladda Puntland.

 

John Limmen

 

John Limmen ayaa ka mid ahaa ragii halkaas ka jeediyey khudabadaha Mr Limmen ayaa sheegay in uu la socdey xalka Soomaaliya gaar'ahaan Puntland tan iyo markii ay dhacdey aafadii Tsunami sanadkii 2004. Mr.Limmen ayaa doodiisa saldhig uga dhigey in loo baahan yahay in wax laga qabto, arimaha dhaqaalaha taas oo noqonkarta xalka keliya ee wax looga qaban karo Burcadbadeednimada.

 

 

Intaas kadib shirku waxa uu galay fasax yar waxaana loo dareeray cabitaan iyo cunitaan.

 

 

Christoffer Brandt MP Denamark

 

 

Kadib markii laga soo laabtey fasaxii yaraa waxaa shirka lagu furey Xildhibaan katirsan baarlamaanka dalka Denmark isla markaana ah Hogaamiyaha xisbiga Konserfetivka Mr. Christoffer Brandt, mudanahan ayaa ka hadley doorka dalka Denmark ee ku aadan sidii wax looga qaban lahaa burcadbadeeda, waxa uu sheegay in dalkiisa todobaadkii ugu danbeeyay warbaahintiisa ay haysteen arimaha Soomaaliya, waxaana uu balanqaadey in uu kala hadlaayo meelaha ay khuseyso sidii dadka Soomaaliyeed wax loogu qaban lahaa si ay uga baxaan dhibta haysta taas oo ay sababtey colaadaha iyo fakhrigu.

 

Ambasador Yusuf Baribari

 

Waxaa sidoo kale shirka ka hadley Yusuf Maxamed ismaaciil Baribari, Safiirka u fadhiya dlka Soomaaliya Xafiiska Qaramada Midobey ee Dalka Switzerland, Safiir Yusuf Baribari ayaa ka hadley xaaladaha ugu danbeeyay ee Dawladda Soomaaliya iyo sida ay uga hortagayso burcadbadeeda, Safiirka ayaa ka hadley sababaha keenay burcadbadeeda iyo waxa ay ku bilaameen, waxa uu aad uga dheeraadey in caalamku in badan iska indha tiraayo xaqiiqada burcadbadeednimada, khubadadda Safiirka oo ahayd mid aad u xiiso badan ayuu doodiisa gundhig uga dhigey in aaney burcadbadeedu ku istageyn qaabka aduunka hadda uga hortagaayo, waxaana uu sheega sababaha burcadbadeedu in ay ka mid yihiin kaluunka Soomaaliya ay qaniga ku tahay ee la boobaayo isaga oo farta ku fiiqay maraakiibta waaweyn ee jariifaya kuna tilmaamey in ay tahay gardaro garab og oo aan waxba laga qabanay.

 

Gen.Cabdullaahi Axmed Jamac

 

Gen.Cabdullaahi Axmed Jaamac Wasiirka arimaha gudaha ee Puntland oo in badan ay sugeysey khudbadiisa ayaa goobta ka akhriyey khudbad uu wakiil uga yahay Madaxweynaha Punland, Wasiirka ayaa sheegay in ay xabsiyada ku hayaan 300 oo qof kuwaas oo lagu eedeeyay burcadbadeed. Wasiirka ayaa tibaaxay in ay isticmaaleen waddo kasta oo ay kula diriri karaan burcadbadeeda, waxa uu sheegay in ay isticmalaan culimada iyo odey dhaqameedyada si loo waaniyo oo looga saaro shaqada burcadbadeednimada taas oo culimada diintu ay wax badan ka qabteen.

 

Mudane Ilkajiir ayaa sheegay in burcadbadeednimadu ay la timid dhaqan aad u xun sida mukhaadaraadka iyo cudarada faafa.

 

Wasiirka ayaa sheegay in loo baahan yahay in la garab istaago Dawladda Puntland la dagaalanka Burcadbadeeda, waxyaabaha loo baahanyahay waxaa ka mid ah:

 

Ciidan gaaraya 600 oo askeri oo loo tababaro hawlgalada burcadbadeeda

 

Qalabaynta ciidanka Badda ee Puntland ka hawlgalaya

 

Samaynta xirfado iyo shaqooyin lagu dhaqan celiyo burcadbadeeda

 

Joojinta kaluumeysiga sharcidarada ah ee lagu hayo biyaha Soomaaliya.

 

 

Wasiirka ayaa khudabdiisa ku soo afmeeray in Puntland ay istaagtey mawqif cad oo muuqda xalka burcadbadeedana ay keentay caalamkanaka looga doonaayo in ay garab istaagaan xalkaas.

 

 

Waxaa sidoo kale shirka ka hadley Nin u dhashey dalka Holland isla markaasna ahaa Generaal ka tiranaan jirey ciidanka Badda ee Holland Ret.Gen Henny vad der Graaf Royal Duch Navy.

 

Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere) oo ahaan jirey wasiirkii arimaha gudaha Soomaaliya ayaa ka hadlay in Gobalada dhexe ee Soomaaliya inta badan dhalinyaradu ay shaqo ka dhigteen Burcadbadeeda, marka laga yimaado Puntland ay tahay meelaha ay saamynta ugu weyn ku yeesheen isla markaana loo baahan yahay in wax laga qabto ee aan indhaha laga daawan, qaabka caalamku ay u waajahayaana uu yahay mid aan miro dhal lahayn.

 

Ugu danbeyntii waxaa bilaamatay wadahadal ama dood dhexmartey ka soo qaybgalayaashii shirka iyo martidii khudbadaha ka jeediyey, waxaana ka soo qaybgalayaashii ay weydiiyeen su'aalo badan, sidoo kale waxaa comments laga bixiyey waxyaabihii ay ka hadleen.

 

Xiriiryaha shirka Prof. Salihi ayaa hoosta ka xariiqay gunaanadkii shirka in uu jiro xiriir weyn oo ka dhexeeya fakhriga, shaqo la'aanta baahsan iyo burcad badeed nimada, hawgalada mileteriguna ay uga sii darayan arinta ee aysan xal ahayn waxaana loo baahan yahay in lala dagaalamo wixii sababay burcadbadeedni mada taas oo ah fakhriga, shaqo la'aanta iyo kaluumaysiga aan sharciga ku dhisneyn ee lagu samaynaayo biyaha dalka Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAAROODI   

no need to be invited because clearly its about piracy and its effects on the world...there is no piracy in Somaliland. It amazing how we have no piracy and you remain the hub of pirates. it shows you are incapable of anything, piracy,human trafficing, social breakdown, civilian being shot on a daily basis, no water.

 

its a sad time to be in Bari right now. sad indeed, however i ask what will change after this meeting, will piracy come to an end................. naaaaaaaaaah !

 

loooool, i dont think so.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this