Sign in to follow this  
General Duke

Morgan Vs JVA, Alitixad and Arta factions

Recommended Posts

Tinikada C/qaasim Salaad Xassan iyo Yusuf Indha Cade oo dagaalka Jubbada Hoose kusoo biiray

Muqdisho:-

 

Ciidamada ka tagay magaalada Marka iyo magaalada Raas Kaambooni ayaa xalay weerar culus ku qaaday Ciidamada Gen. Morgan oo ay dagaalo dhexmarayeen maleeshiyada Dooxada Jubba.

 

Ciidamadan is aruursaday ee dagaalka kusoo biiray ayaa la sheegay in ay wataan gawaarida tiknikada ah oo lagu qiyaasay 45 waxayna kasoo galeen sadex goobood oo uu horey ugu jiray Gen. Morgan.

 

Dagaalka ay xalay makhribadii xoogeystay ayadoo uu saakana dib uga bilowday deegaanka Buulo Xaaji iyo Hosinguu.

 

Ciidamo ka yimid dhanka Raas Kambooni ayaa lagu soo waramayaa in ay hada ku sugan yihiin nawaaxiga deegaanka Hosingoo ayadoo ay halkaa dagaalo kharaar ku dhexmareen ciidamada Gen. Morgan oo horey ugu sugnaa deegaankaas.

 

Wararkii ugu danbeeyey ee aanu xalay ka helno Gen.Morgan oo HorseedNet u sheegay in ciidamo Raas Kambooni iyo Marka ka yimid in ay kasoo mareen dhanka danbe ee Koonfureed, wuxuuna

Wareysigiisii xalay ku sheegay in ay dagaalada sii socdaan asgaoo markaa ku sheegay ciidamada soo weeraray kuwo ay hogaaminayaan Xassan Turki iyo Xassan Daahir Aways

 

Dhanka kale ciidamo kamid ah kuwa ka yimid magaalada Marka oo ay ku jiraan tiknikada ciidamada C/qaasim Salaad Xassan iyo kuwao Yusuf IndhoCade oo ah ninka maamulka Magaalada Marka ayaa ku biiray kuwa Col. Bare Hiiraale oo saaka markale weerar ku qaaday tuul u jidha Buulo Xaaji 30km dhanka Koonfureed ee Dhoobleey.

 

Wararka aanu ka helayno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in dhaawac aad u badan maanta markale la keenay Isbitaalka Kismaayo ayadoo lagu qiyaasay dhaawacii ugu danbeeyey in ka badan 56 dhaawac ah.

 

Dhimashada dhanka Dooxada Jubba ayaa laga xaqiijiyey magaalada Kismaayo in ay gaareyso 34.

 

Dhanka Gen. Morgan ayaan laga heyn illaa iyo maanta war sax ah ayadoo ay xiran yihiin khadka taleefonada ee ciidamadaasi, taasoo astaan u ah wakhtiyada ay dagaaladu socdaan.

 

Waxaa ayaguna jira warar aan la xaqiijin oo aanu ka helayno dhanka Dooxada Jubba oo sheegay in Gen.Morgan saaka dib uga gurtay dhanka magaalada Hosingoo kadib markii ay xalay weeraro kusoo qaadeen ciidamadaas ka yimid dhinaca Raas Kambooni iyo Marka.

 

Wixii War ah oo soo kordha gadaal ayaan idiinka soo gudbin doonaa haduu Alle Idmo

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Muqdisho, Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

MR WD

 

No matter how victimized you think some people are, sometimes a war does more damage than good. All General Morgan Did was make a bad situation for some people in Kismayo worse. And it will get worse for these people if he is defeated. The returning-guys to the city later might take their rage on whomever is left in town just because they are related to Morgan by tribe. That happens a lot as I had been a witness to such tragic events before. A town gripped by fear and people pointing fingers at defenseless others just because some Godless warmonger is waging or have waged a war on their behalf. Next thing you know is people being killed for nothing. See how bad the situation can unfold? And you are here in your safety crying "Victory" while others are cowering in fear in their homes and praying that god saves them to see another day on earth?

 

Anyone who was there in the 1990s can tell you about the immeassurable terror people go through when such wars are taking place. The sadness and the abject gloom on people's faces, some of them crying in some dark corners praying to god, mothers holding on to their kids wondering if they will survive the torrent of bullets, the nights being more fearsome than the days, the uncertainties, God, speak of torment saxib.

 

Only someoneone so far removed from the realities of war supports a war.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hoosungo:Xoogagga SPM/SRRC oo goobohoodii ku sugan iyo maleeshiyooyin kala duwan oo Al Itixaad ku jiro oo weeraray taliska SPM/SRRC

- Friday, September 17, 2004 at 16:14

 

Hoosungo (AllPuntland)- Wararka naga soo gaaraya tuulada Hoosungo oo ka tirsan gobolka Jubadda hoose,galbeedkana kaga aaddan magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in shalay galabnimadii iyo saaka dagaallo ba'ani ku dhex mareen xoogagga SPM/SRRC ee ku sugan aagga tuulada Hoosungo iyo maleeshiyooyin kala duwan oo isugu jira Samatabixinta, Dooxadda Jubba, Maleeshiyada Shiikh Yusuf Indho Cadde ee haysata gobolka Shabeelaha, Xaabsade iyo Saransoor , kuwa ka yimid Muqdisho oo ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga ah ee hogamiyo Xasan Daahir Aways.

 

Maleeshiyooyinkaas ayaa waxay weeraradooda la beegsadeen taliska ciidanka SPM/SRRC ,iyagoo ka koobnaa ciidammo farabadan oo wata baabuurta dagaalka.

 

Dagaalkaan oo aad u cuslaa ayaa waxaa markii hore loo awood sheegtay shalay galab kuwii weerarka soo qaaday oo labo jeer la jebiyey weerarkoodiina dib loo waabiyey, iyadoo taasina ay keentay in saraakiishii halkaa ku sugnayd ay sameeyaan dib u gurasho.

 

Dagaalkaan shalay ayaa waxaa ka qaybqaatay ninka lagu magacaabo Xasan Turki iyo maleeshiyo uu wato oo hore loogu fadhigoodu ahaa Raaskambooni, Xasan Turki ayaa ku jira liiska dadka Maraykanku u haysto argagaxisada faracooda Soomaaliya, waxaana horay loogu eedaynayey inuu ka danbeeyey dilal loo geystey dad ajnabi ah oo aan waxba galabsan oo uu ku jiro ganacsadihii u dhashay wadanka Australia ee lagu magacaabo Morris.

 

Xasan Turki ayaa shalay maleeshiyadiisu waxay la safteen kooxaha ka soo duuley dhanka Muqdisho iyo Marka, waana nin ka tirsan kooxaha argagixisada caalamiga ah, taasina waxaa loo aanaynayaa inay tahay sababta keentay inuu dagaal la galo dadka deegaanka ,isagoo ka baqo qaba in haddii deegaanka lagu soo celiyo kala danbayn iyo maamul loo gudbin doono bulshada caalamka si maxkamad caalami ah loo saaro ,taasina waxay keentay inuu si cad ula safto dhinaca duullaanka ku soo qaaday dadka deegaanka si uu cimri dherer uga sii helo kooxahaas xoogga ku haysta magaalada Kismaayo oo dhammaantood dani ugu jirto maamul la'aanta iyo kala danbayn la'aanta, isagoo adeegsanaya baabuurta dagaalka ee qolada sheegata Maxkamadaha Islaamiga ah ,iyadoo la ogyahay ninkaan oo ku andacooda dhanka diinta inuu hadana garab siiyey kooxo qaarkood la ogyahay inay daroogada ka ganacsadaan kuna beeraan deegaanka Jubbooyinka.

 

Haddaba war laga sii daayey idaacadda BBCda qaybteeda afka Soomaaliga maanta ayaa sheegayey in ciidanka SPM/SRRC hoggaankeedii uu ka gudbey magaalada Dhoobley ee xadka Kenya iyo Soomaaliya ku taal,arrintaas oo mar aan wax ka weydiiney saraakiisha SPM/SRRC ee ku sugan tuulada Buulo Xaaji ay noo xaqiijiyeen inaan warkaas waxba ka jirin ,ciidammada SPM/SRRC duna ay ku sugan yihiin goobohoodii ,waxayse qirteen in qaar ka tirsan saraakiisha oo taliska ku sugnaa ay dib ugu gurteen isla meel aan ka durugsanayn halkii ay ku sugnaayeen ka dib markii kooxahaan oo dib kaga yimid ay soo weerareen,iyagoo intaa ku daray inay ku soo biireen ciidammada haatan oo ay bed qabaan dhammaantood iyo gaadiidkii ay wateenba.

 

Wararka ka soo baxaya saraakiishaas ku sugan aagga hore ee dagaalka ayaa caddaynayan in saaka dagaallo aad u kharaari ku dheceen.

 

Dagaalka ayaa la filayaa inuu sii ballaarto oo ku sii fido meelo kale, maadaama ciidammada SPM/SRRC iyo kuwa ay iska soo horjeedaan ee kooxaha badan ka koobani ay isku horfadhiyaan saddex aag oo ka tirsan deegaanka Jubbada Hoose.

 

Wixii warar ah oo dagaaladaas ka soo kordha waxaan idiinku soo bandhigaynaa wararkayaga danbe haddii ALLE idmo.

 

Waxaa isku soo duway Qaybta wararka AllPuntland.com ee Nairobi, Soomaaliya iyo xarunta

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xarago   

Originally posted by Mr WD:

-
SNA Alliance of USC/Caydiid and Jees

 

but we defeated them!

 

-
ASF Alliance of USC, SNF and Jees

 

but we defated them!

 

-
JVA Alliance of SNF and USC

 

but we defeated them

 

-
JVA Alliance of SNF and USC with Carta faction

 

about to defeat them right now!!! :cool:

Sometimes I wonder whether you are blind to reality, but then your writing confirms it to me. Defeat...eh eh eh..do you know what it means?

Well let me give you a picture..all these alliances you so demean have kicked you out from Mogadishu to Kismayo and made you live in between the God forsaken land between north Galkacyo and Bosaso over the last 14 years. So tell me how did you defeat them. You guys are discovering the lands of your origins for the last 14 years. Hotels, houses, bussiness centres are popping up in place where before was no mans area, so look on the bright side the alliances did you a favour.And on the 22 Sep. your dream to exodus back to the south will come to an end.

In the mean tine keep on fantasising...it is not a crime..eh..eh..eh :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dalabkii Beesha ****** ee ahaa inuusan dagaalku saameyn ku yeelan iyaga & dagaankooda oo aan dhag loo dhigin iyo dagaanka waamo iyo jubooyinka oo ololaya...17/09

 

 

Waxaa sida aad la socotaan maanta galinkii hore dagaal ku soo qaadey magaaladda Libyo ee dagaanka waamo ciidan taageersan Barre Hiiraale oo uu hogaaminayo ninka lagu magacaabo Yuusuf indhacade.

 

Ciidankan oo sida la sheegey dhabar jabin xun ku sameeyey xoogagii Gen. Morgan, ka dibna qabsadey Hosungo oo saldhig u ahayd, ayaa ku soo daqaaqumey degmadda Liboya oo ay u geystaan dhibaato badan.

 

Sida la sheegayo ciidamo u badan reer muqdisho iyo tikniko uu leeyahay ninka lagu magaacaabo Xassan Daahir Aweys, ayaa qeyb lixaad leh ka qaatey dhabar jabintaas culus ee loo gaystey Morgan iyo ciidankiisa.

 

Si kastaba, waxaa wali aamus ku urursan odayaasha iyo siyaasiyiinta beesha ****** oo aan wali ka geysan midnaba wax hadal iyo ficil ah arrintan cusub ee ay ku talaabsadeen ciidmada dooxadda Jubba, oo sidii odorsku ahaa ku dhaqaaqey bulshada rayidka ah ee ku nool dagaanka waamo.

 

Dadweynaha Degmadda Liboya oo is-taageersanay ayaa iska caabiyey ciidankii ku soo duuley, oo dib uga saarey dagamadda. Tan iyo hadana wararkii ugu danbeeyey waxay sheegayaan in uu dagaalku socdo oo uu u sii siqayo dhanka hosungo oo ah halkii uu Morgan deganaa oo ay gacanta ku dhigeen ciidamadda dooxadda jubba saakadii hore.

 

Dagaalkan oo aanay beesha ****** markii hore dhana tageerin ayaa hada u muuqda in ay absamaha qasab ku tahay inay dhan uun raacaan si ay u badbaadiyaan bulshada rayidka.ciidamadda Barre Hiiraale ayaa si badheedh ah dagaal ugu soo qaadeen Degmadda Liboye ka dibna ay ku laayeen halkaas dad rayid ah oo nabad ku waa bariistey.

 

Odayaasha iyo Siyaasiyiinta beesha ****** ayaa horaanba u sheegay in aanay ogoleyn in uu dagaalku saameyo degaanka beeshooda, balse waxaa dhacdey in aan dhag loo dhigin oo degaankooda lagu fushanayo dantii la doono.

 

 

Affey..

Somalitribune.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhaawac iyo dhimasho aad u badan o la keenay magaalada Kismaayo ...

 

 

Wararka aanu ka helnay Kismaayo ayaa sheegaya in mayd iyo dhaawac aad i tiro badan ilaa saaka kolba la keenayo magaaladao Kismaayo..

 

Warku wuxuu sheegayaa inuu buuxsamay isbitaalkii magaaladu.

 

Dhinaca kale ayaan la garanaynin dhinaca ay ula carareen dhimashadooda iyo dhaawacooda maadaama meelihii ay geeyn lahaayeen uu dagaalo ka socdaan..

 

Somalitribune.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this