Sign in to follow this  
General Duke

Sharif Xasan arrives in Mogadishu with a reduced group+ Warlords unity falters

Recommended Posts

Nairobi:Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo xubno ka tirsan baarlamaanka oo u kicitimay magaalada Muqdisho

- Sunday, May 15, 2005 at 11:28

 

Nairobi(AllPuntland)-Guddoomiyaha Baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo kor u dhaafaya 20 xubnood ayaa saaka 11:00 subaxnimo ka dhoofay garoonka dayuuradaha ee Wilson Airport ee magaalada Nairobi iyaga oo ku sii jeeda magaala madaxda Muqdisho.

 

Guddoomiyaha oo intii aanu ka dhoofin magaalada Nairobi saxaafadda ugu warammayey garoonka dayuuradaha dhexdiisa ayaa u sheegay saxaafadda in ujeedada socdaalkoodu la xiriiro arrimaha dib u heshiisiinta ,isla markaana uu dhiirri gelinayo hawlaha ammaanka iyadoo buu yiri ay haddaba ku dhaqaaqeen xubnaha isugu jirey labada gole ee hore ugu sugnaa magaala madaxda oo gaadiid faro badan oo dagaal iyo maleeshiyooyin soo aruuriyey si ay magaalada uga saaraan oo ammaanka loo sugo,waxana uu sheegay inuu dib ugu soo laabanayo Nairobi marka ay soo dhammaystiraan arrimaha dib u heshiisiinta ee ay u tegayaan.

 

Waxaa kale oo Guddoomiye Shariif Xasan sheegay inay qabanayaan shirkii ka dhici lahaa magaalada Muqdisho 17ka bishaan haddii uu buuxsamo kooramka(Caddadka) suurtagelin kara fadhi baarlamaan,iyadoo buu intaa raaciyey aysan ujeedadoodu ahayn in lagu waxyeelleeyo dawladda iyo dedaalada dib u heshiisiinta.

 

Guddoomiyaha oo la weydiiyey su'aal ahayd inay samaynayaan afgenbi ka dhan ah xukuumadda iyo madaxweynaha haddii ay kulankaas qabtaan ayaa arrintaas ku tilmaamay mid aan jirin isagoo sheegay in dawladdu tahay hal mid oo keliya balse ra'yiga lagu kala duwanaan karo.

 

Guddoomiyaha baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa ku tilmaamay fadhigii ay 11kii bishaan isugu yimaadeen xubno ka tirsan baarlamaanku magaalada Nairobi mid aan sharci ahayn wixii ka soo baxayna ay ahaayeen waxba kama jiraan.

 

Iimaan Cali Cabdi

 

AllPuntland,Nairobi

Share this post


Link to post
Share on other sites

The true believers are getting worried...

Shacabka reer Muqdisho oo si weyn ay u niyad jebiyeen saakay hoggaamiyeyaasha hubeysan ee magaalada Muqdisho kadib markii ay soo xaadiri waayeen........ iyo sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Mareykanka ee ilaaliyaha xeebaha gaaska Afrika oo sheegay in Soomaaliya ay joogaan dad argagixisa ah. Ruunkinet 14/05/05

 

Shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa maanta isugu soo baxay garoonka kubadda cadga ee Stadiyo Muqdisho si ay u arkaan ciidamada iyo gawaarida tiknikada ah ee ay ballan qaadeen hoggaamiyeyaasha hubeysan oo ay qaar kood ka mid yihiin labada gole ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay isugu keenaan halkaasi.

 

Dadkan oo aad u tira badan sida uu noogu soo waramay wariyaha Ruunkinet ee magaalada Muqdisho ayaa saakay isugu soo uruuray garoonka Stadiyo Muqdisho ayagoo lulaya ceeleymo qoyan iyo boorar uu ka mid yahay calanka Soomaaliya si ay u dhiiri geliyaan maleeshiyada hubeysan ee ballan qaaday in ay difaacayaan dhulkooda haddii lagu soo duulo islam markaana sugaya ammaanka Muqdisho.

 

Dadweynaha ku sugan garoonkaasi oo la dhididaya cadceed aad u kulul ayaa ilaa haatan waxaa u soo xaadiray maleeshiyada Muuse Suudi Yalaxow, qaar ka tirsan kuwa Cismaan Caato iyo Enj. Caddow in kastoo 33ka gaar ee tiknikada ah ee halaasi ilaa iyo haatan joogta uu 29 ka mid ah leeyahay Muuse Suudi, saddexna Caato halna uu leeyahay Enj. Cadddow, ayadoo weli ay goobtaasi ka maqan yihiin maleeshiyooyinka Maxamed Qanyare oo ah wasiirka amniga qaranka, Xaaraan ku naax oo ah wasiirka maleeshiyooyinka, kuwa Furux, Indhacadde iyo qaar badan oo horay u ballan qaaday in ay maanta usugu keeni doonaan goobtaasi maleeshiyadooda ku hubeysan tiknikada si loo sugu ammaanka gobolka Banaadir ayadoo weli laga sugayo in ay keenaan maleeshiyadii ay ballan qaadeen si loo helo 85 gaari oo tiknika ah maanta.

 

Warka ayaa intaasi ku daraya in Xaaji Muuse Suudi oo kali ay uu halkaasi ka muujiyay daacadnimo dheeraad ah asagoo xitaa keenay maleeshiya taageersan oo horay u joogtay degmada Balcad.

 

Dhinaca kale, Jeneraal ka tirsan ciidamada Mareykan ee ilaaliya xeebaha geeska Afrika ee saldhig ka dhigtay dalka Jabuuti ayaa sheegay in qaar ka tisan shabakadda AlQaacidda ay ku sugan yihiin Soomaaliya.

 

Jeneraalkan ayaa warkiisa ku daray in dowladda Soomaaliya cagan lagu siiyo sidii ay wax uga qaban lahayd argagixisada uu sheegay Jeneraalka.

 

Cabdullahi Xuseen, Ruunkinet, London

Share this post


Link to post
Share on other sites

Warar la xaqiijiyey ayaa sheegaya in xildhibaan Furux uu gacan ula tagay Muuse Suudi ka dib markii uu ku yiri hadalo uu ka carooday. :: (285 Reads)

 

Posted by webmaster on Saturday, May 14, 2005 - 11:33 AM

 

 

Arrintan ayaa la sheegay in ay ka dambeysay kadib markii uu Furux geeyay dekedda Xamar raysul wasaaraha dowladda federaalka ah mar uu dhawaan booqasho ku tagay magaalada Muqdisho.

 

Siyaasiyiinta joogta magaalada Muqdisho ayaa ku waramaha in masuuliyiinta ka tiran dowladda federaalka ah ee Soomaaliya in ay ka gaabiyeen howshii ay isu xil saareen ayadoo la sheegayo in Qanyare iyo Safir ay ka fikrad duwan yihiin inta badan xildhibaannada kale ee ku sugan magaalada Muqdisho.

 

Idamaale News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hogaamiye kooxeedka Muqdisho oo 17 Tikniko ah isugu geeyey Stadium Muqdisho

 

Muqdisho :- Hogaamiye kooxeedka Muqdisho iyo xubnaha kamid ah labada Gole ee dowlada kana mid ah kooxaha hubeysan ee magaalada Muqdisho ayaa shalay markii ugu horeysay isku keenay tiro gaadiid dagaal ah.

 

Gadiidkan loo yaqaan Tiknikada ayaa qeyb ka ahayd qorshaha nabadeynta magaalada Muqdisho.

 

Gawaaridan Tiknikada ah oo isugu jira nooca waaweyn iyo kuwa yar yar ayaa gaarayey 17 waxaana shalay la isugu geeyey stadium Muqdisho.

 

Hogaamiye kooxeedka Muqdisho oo shalay intooda badan booqday goobtaasi ayaa sheegay in ay ka dhabeyn doonaan qorshahooda ayadoona ay jirtay cadaadis hogaamiyaashaasi kasoo fuulay beelahooda oo si weyn uga niyad jabay habacsanaantii lasoo gudboonaatay hawlahan todobaadyadii lasoo dhaafay.

 

Tiradii tiknikada ee horey loogu heshiiyey ayaan weli la dhameystirin ayadoo heshiisku ahaa in 85 tikniko ah la keenay hadana ay diyaar yihiin wax aan gaareyn 20 tikniko ah.

 

Balse tilaabadan ayaa ah mid si weyn ay shacabka magaalada usoo dhaweeyeen isla markaana ah midii ugu horeysay oo la taaban karo oo ay muujiyeen hogaamiyaashan.

 

Hadaba tilaabada xigta ee hogaamiyaashan laga sugayo ayaa ah in ay maleeshiyooyinkaasi iyo tiknikadaasi ay hawlgalaan.

 

Dadweynaha Muqdisho ayaa ayagu daneenaya in dhaq dhaqaaqan uu noqdo mid miro dhala oo magaalada ka dhiga meel xasiloon.

 

Xaafadaha Muqdisho ayaan weli laga dareemayn wax is bedal ah ayadoona ay jiraan isbaarooyin weli u yaal hogaamiyaasha sheegay in ay nabad kusoo dabaalayaan magaalo madaxda Soomaaliya.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Muqdisho, Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyaha baarlamaanka iyo wefti uu hoggaaminayo oo ka dhoofay Nairobi

Posted to the Web May 15, 11:13

 

 

Nairobi:-Guddoomiyaha baarlamaanka FKMG ah Shariif Xasan Sh.Aadan iyo wefti uu horkacayo oo ka koobnaa 20-29 Xildhibaan oo ka tirsan Xubnaha baarlamaanka ayaa waxay ka dhoofeen 11:00 Subaxnimo Garoonka diyaaraha ee Wilson Airport ee Magaalada Nairobi.

 

Guddoomiyaha baarlamaanka iyo Xubnaha la socda oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Cumar Maxamuud Maxamed(Filish),Zakariye Maxamuud X.Cabdi,Cabdi Cabdille Siciid ayaa waxay u kicitimeen Muqdisho,waxaana Shariif Xasan shirjaraa'id oo uu ku qabtay Wilson Airport ku sheegay inay u socdaan dib u heshiisiin,islamarkaasna u tagi doonaan Caasumadda sidii loo dhiiro galin lahaa hawlaha nabadaynta ah ee socda,isagoo ku tilmaamay Go,aankii 11kii bishaan gaareen Xubnihii baarlamaanka ee uu shirgudoominayey Dalxa mid sharci darro ah.

 

Hase yeeshee Wuxuu Guddoomiyuhu sheegay inaysan u tagi doonaan Muqdisho inay kala qaybiyaan Dawladda,isagoo tilmaamay inuu dib ugu soo noqon doono Nairobi si markaasi loo dhameystiro hawlaha dhiman balse mar wax laga weydiiyey inuu kulankii 17ka bishaan baarlamaanku la isugu imaan lahaa Mbagathi ka dhici doono Muqdisho ayaa Shariifku muujiyey inay ku xirnaan doonto kooramka oo buuxsama,islamarkaasna aysan doonayn inay burburiyaan Dawladda FKMG ah.

 

Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa wuxuu ku eedeeyey Madaxweynaha Jamhuuriyada FKMG ah inuu isku darsanayo awoodiisii iyo middii Guddoomiyaha baarlamaanka,islamarkaasna baarlamaanka fariisiyey,isagoo aan u marin habkii sharciga ahaa,taasina wiiqi karto hanaanka Soomaaliya loogu soo celinayo nadaamkii iyo kala dambeyntii.

 

Xubnaha kale oo ka tirsan baarlamanka ayaa waxay wararku sheegayaan inay Muqdisho soo dhoofi doonaan Arbacada soo socota,iyagoo ku biiri doona Xubnihii ka koobnaa labada Gole ee ku sii sugnaa halkaas.

 

Sikastaba ha ahaatee,Ku laabashada Guddoomiyaha ee Muqdisho ayaa waxay ku soo beegantay xili uu cirka isku shareeray khilaafkii u dhexeeyey Xubnaha sar sare ee Dawladda FKMG ah,islamarkaasna 11kii bisha kulan uu shirgudoominayey Guddoomiye ku xigeenka 1aad baarlamaanka Dalxa yeesheen Xubnaha baarlamaanka lagu ansixiyey inay dalka yimaadaan Ciidamo ka socda Suudaan iyo Uganda iyo inay Dawladdu ku hakato Magaalooyinka Baydhabo iyo Jawhar,kaasoo Shariif Xasan ku tilmaamay mid aan sharci ahayn .

 

Jaamac Ismaaciil Dharbaaxo

Puntlandpost,Nairobi,Kenya

Share this post


Link to post
Share on other sites

So Sharif left naked from Nairobi and landed in the arms of Qaynyare in Dayniile. How many are with him, now thats a very interesting question. I belive the figure is around 10 and his staff which makes it around 20 folks but no more than 10 MP's. I might be wrong but why dont they publish the names of all the names???

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi Uu Hogaaminayo Afhayeenka Baarlamaanka Oo Muqdisho U KicitamayIiyo Gen.Morgan Oo Isna U Socda Magaalada Muqdisho

 

Waxaa saaka abaarihii 11:10 daqiiqo ka duulay gaaroonka diyaaradaha ee Wilson Airport gudoomiyaha baarlmaanka Shariif Xasan Sh Adan iyo xildhibaano gaaraya ilaa iyo 38 xildhibaan.

 

Waxaa Gedonet u soo ragashay inaay qolka VIPda ee Wilson Aiprort aan ku weydiinayo gudoomiyaha baarlmaanka suaalo dhowr ah oo ay kamid ahaayeen inay shirkii 17 bishan uu sheegay inuu qabanayo iyo in kale iyo walibba siduu u arko kalfadhigii maalintii dhawayd ay iskugu yimaadeen xildhibaanddu.

 

Shariif Xasan waxaa uu sheegay inuu qabanayo 17ka bishaan kalfadhigii uu sheegay inuu iskugu yeerayo xildhibaandda waa haddii kooramka xildhibaanadda loo baahan yahay ay buuxsamaan.

 

Sidoo kale waxaa uu shariifku u sheegay Gedonet in aan lagu tilmaamin shirkii maalinkii dhawayd kalfadhi xildhibaano waayo waxaa uu yirri t"iradda rasmiga ah oo kasoo qayb gashay shirkaasi ma ahayn tirro rasmi ah". Dhanka kale, waxaa uu shariif xasan sheegay inuu soo laabanayo balse ay ku xiran tahay soolaabshadiisa shaqadda uu u tagayo hadba inta ay qaadanayso. waxaa kaloo uu sheegay inuu dhiirigalinayo hub aruurinta laga waddo muqdisho oo uu kaqayb qadanayo.

 

Waxaa ay saxaafdadu waydiisay Shariif Xasan su aal ahayd haddii uu muqdisho taggo inuu afgambinayo xukuumadda oo cod uqaadayo in la riddo madaxwaynaha in ay jirto iyo in kale, waxaana uu Shariifka sheegay inaay taasi tahay mid been ah waayo waxaa ii yirri anigu taas hadda kuma dhawaaqayo mana dhahayo cod aan uqaadno in madaxwaynaha l ariddo.

 

Isku soo wada duuboo waxaa ayagana la filayaa in maalinta arbacadda ah ay baxaan wafdi ay ka mid yihiin Maxamed Casharo iyo walibba Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Morgan waa sidda ay ii sheegeen masuuliyiintaasi.

 

sidoo kale, waxaa asna shir saxaafadeed qabtay ambasador Kipligatt oo sheegay inuu yahay qilaafka u dhaxeeya dowladda dhexdeeda ay ku dhisan tahay xan iyo ismaan dhaaf, iyo weliba Mr.Kipligat oo sheegay in soomalidda meel walba oo ay heshiiis ku tahay lagu heshiisiinayo xataa ha ahaato South Afrika. Mr.Kipligat oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Soomaliya loo dirayo ciidammo ka socda Ugaandha iyo Suudaan oo uu sheegay inaan loo diraynin cidamadda safka hore.

----------------------------------------------

Guddoomiyaha baarlamaanka “Nin kasta oo Xamar yimid oo inta aan arkay soo arkay, wuxuu ogaanayaa magaalada dadka joogay in ay tashan karaan, go’aanna leeyihiin, aragtidoodana ay tahay mid isku mid ah oo ay yihiin dad walaalo ahâ€(Khudbadii uu Jeediyey & Sawiradii soo dhoweynta)

Muqdisho

Waxaa maanta duhur-nimadii ka soo degay garoonka dayniile ee magaalada Muqdisho wefdi isugu jira xubnaha labada gole, uuna hor kacayey guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo imaatinkiisa Muqdisho ilaa maalmahan laga hadal-hayey

Ammaanka garoonka dayniile ayaa maanta ahaa mid ka duwan siduu ahaa, kadib markii halkaasi laga waayey wax tikniko ah waxaana booskii tiknikada bedelay baabuurta yaryar oo ay wateen dadka soo dhoweynayey guddoomiyaha baarlamaanka, iyadoo tiro ka badan 500 oo baabuurta yaryar ah ay ka qeybgaleen soo dhoweynta guddoomiyaha baarlamaanka.

Wefdiga guddoomiyaha baarlamaanka ayaa markii ay ka soo degaan garoonka dayniile loo soo galbiyey Ex. Xaruntii XHKS halkaasoo ay ku sugayeen xubnaha labada gole ee dowladda ee Muqdisho ku sugan & dadweyne aad u fara badan, waxaana soo buux dhaafiyey garoonka dayniile ilaa xarunta xisbiga oo ah halka farriisinka u ah xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan dadweyne watay boorar ay ku dhigan yihiin hal ku dhigyo ay ku soo dhoweynayaan wefdiga guddoomiyaha.

Guddoomiye Shariif Xasan oo kula hadlayey xarunta xisbiga dadkii ka soo qeybgalay soo dhoweyntiisa, ayaa wuxuu sheegay in uu ku faraxsan yahay ku soo laabashadii magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, isagoo sheegay in imaatinkiisu ku soo beegmay xilli xubnaha labada gole ee Muqdisho ay guda-galeen howlihii nabadeynta.

Guddoomiye Shariif wuxuu sheegay in ay dhibaato weyn ku tahay shacabka dowlad la’aanta, wuxuuna ka codsaday shacabka Muqdisho, gaar ahaan ganacsatada in ay gacan siiyaan dowladda, kalana shaqeeyaan howlaha suggida nabadgelyada & coo celinta sharciga & kala dambeynta.

Munaasbada 15-ka Mey oo maanta ku beegan waxaan hambalyo & bogaadin u dirayaa dhalinyarada Soomaaliyeed, oo aan ka codsanayo in ay maskaxdooda geliyaan sidii ay dalkooda & dadkood wax ugu qaban lahaayeen taariikhdana ay baal wanaagsan kaga geli lahaayeen, maanta dalku wuxuu u baahan yahay dhalinayaro wadaniyiin ah oo badbaadiya, meel kasta oo joogaana ay is walaashaadaan oo wixii dhacay ay xalay dhalay ka noqdaan†ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhinaca kalena si weyn ugu mahadceliyey xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan & howlihii ay qabteen, wuxuuna shacabka Muqdisho ku bogaadiyey gacantii ay siiyeen dedaalada lagu nabadeynayo Muqdisho.

 

“Walaalayaal waxaan dooneynaa in aan is cafino ILLAAHEYN u towbad keeno maadaama Soomaali is dishay dhibaato-na ay dhex-martay, haddii aynaan towbad keenin wax noo soconaya ma lahan, dad Muslim ah ayaan nahay waana gefnay waana in aan niraahnaa ILLAAHEY TOWBA†ayuu yiri Shariif Xasan oo weydiistay shacabka in ay ka towbad keenaan gefkii, wuxuuna sheegay haddii aysan Soomaalidu is xalin in qolo kale oo dano gaar ah leh ay oran doonaan annaga ayaa idin xalineyna.

 

“Caalamka oo dhan anaga ayaa dowlad la’aan ka ah, haddii aysan dowladi wax anfac ah laheyn caalamku ma qaateen dowladnimada, adeegii dowladnimado ee Soomaalidu meel kasta oo ay joogtay ay u baahneyd ayaa la waayey, haddii caafimaad, waxbarasho & nabadgelyo la waayana wax jira ma lahan†ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka oo intaasi sii raaciyey.

 

“Madaxtinimada aan isku riix-riixeyno aan inta meel iska dhigno u tuurrno mustaqbalka ilmaheena & waalidiinta Soomaaliyeed, haddii aanan sidaa la yeelanna waxaa run ah in taariikhda berri baal madow laga galayoâ€.

 

“Talaabadii ay shalay qaadeen xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan ee ay hubka & maleeshiyada banaanka uga saareen magaalada adduunku oo dhan waa uu ka hadlay si weyn ayaana loo soo dhoweeyey, waxeyna ku tilmaamay talaabo wanaagsan oo horay loo qaaday†ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Aadan

 

“Nin kasta oo Xamar yimid oo inta aan arkay soo arkay, wuxuu ogaanayaa magaalada dadka joogay in ay tashan karaan, go’aanna leeyihiin, aragtidoodana ay tahay mid isku mid ah oo yihiin dad walaalo ah†ayuu yiri Shariif-ka

 

C/shakuur Cilmi Xasan Muqdisho-Soomaaliya

 

cabdishakuur48@hotmail.com

 

 

Ku noqo beejka

 

 

webmaster@dayniile.com

---------------------------------

 

Muqdisho :- Maanta duhurnimadii ayey soo gaareen magaalada Muqdisho wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Md.Shariif Xassan Shiikh, wafdigan ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey xarunta xisbiga oo uu khudbad ka jeediyey Guddoomiyaha.

 

Wafdigan ayaa duhurnimadii kasoo degay Airporka Dayniile ee uu gacanta ku hayo Wasiirka Arrimaha Amniga Maxamed Qanyare Afrax oo ahaa ninkii maanta qaabilsanaa soo dhaweynta wafdigan.

 

Amaanka nawaaxiga Airporka ayaa si weyn loo sugay ayadoo sidoo kale aagaasi laga fogeeyey Tiknikadii iyo maleeshiyooyinkii faraha badnaa ee lagu yaqaanay soo dhaweyn walba oo ka dhacda Muqdisho.

 

Maleeshiyooyinka ayaa ku sugnaa banaanka Airporka ayagoo halkaasi kasoo gelbiyey markii danbe Shariifka iyo xubnihii la socday oo ay wehliyaan xubno kamid ah labada gole ee Dowlada oo horey ugu sugnaa.

 

Guddoomiyaha Shariif Xassan ayaa ku hormaray Xarunta xisbiga oo ay ku sugnaayeen dad aad u badan oo isugu jira xildhibaano iyo shacab kale.

 

 

Guddoomiyaha oo halkasi si diiran loogu soo dhaweeyey ayaa khudbad gaaban halkaasi kula hadlay shacabkii soo dhaweeyey,

 

Shariif Xassan ayaa sheegay inuu magaalada Muqdisho u yimid sidii uu ulla xaajoon lahaa xubnaha kamid ah Baarlamaanka iyo Wasiirada si markaa ayuu yiri horey loogu wado hawlaha mas'uuliyiintaasi horyaal.

 

Shariif Xassan ayaa ku dhawaaqay in dowlada Soomaaliya aysan labo garab u kala jabin balse ay mid qura ay tahay, walow uu sheegay in ay jiraan aragtiyo iska soo horjeeda oo ay kala heystaan xubnaha kamid ah dowlada.

 

Waa markii labaad oo uu shariif Xassan safar ku yimaado magaalada Muqdisho tan iyo intii loo doortay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Federalka ee lagu dhisay shirkii dib u heshiisiinta ee ka socday dalka Kenya.

 

Sida ay noo xaqiijiyeen xubno ku dhow dhow Shariif Xassan ayaa sheegay in qodobka ugu muhiimsan oo uu kala hadli doono xubnaha Muqdisho ku sugan ayaa ah in go'aano laga soo saaro qoraaladii ay ansixiyeen xildhibaanadii todobaadkii tagay ku shiray Nairobi oo ansixiyey in dalka la keeno ciidamo.

 

Ansixintaasi oo uu si weyn uga soo horjeedo Guddoomiyaha oo shirkaasi aanan tagin ayaa hada doonaya inuu taageero ka helo xildhibaanada Muqdisho ku sugan oo ay isku aragti yihiin.

 

Maxamed Cabdi

HorseedNet.com

Muqdisho, Somaliya

--------------------------------------------

Do these people look disappointed general duke?

 

http://horseednet.com/images/horseednet/shariifka_xamar_soodhaweyn2.jpg

http://www.horseednet.com/images/horseednet/shariifka_xamar_soodhaweyn.jpg

http://www.dayniile.com/sawirda/Shariif2.JPG

http://www.dayniile.com/sawirda/Shariif1.JPG

http://www.dayniile.com/sawirda/sharifka9.JPG

http://www.dayniile.com/sawirda/sharika3.JPG

http://www.dayniile.com/sawirda/Shariif1.JPG

http://www.dayniile.com/sawirda/shariifka8.JPG

http://www.dayniile.com/sawirda/sharika4.JPG

http://www.dayniile.com/sawirda/Sharifka6.JPG

http://www.dayniile.com/sawirda/shariifka5.gif

http://www.dayniile.com/sawirda/sharifka7.JPG Shariif Xassan iyo xubnihii la socday oo si weyn loogu soo dhaweeyey Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ No my noble kinsmen they do not. A couple of Dayniile.com article would only give confidence to me. Let me give one peace of info to you my dear boy.

 

Hussain Aydeed +Furux, +Mohamed Dhere+Abdiqadir Beebe +Abukar Cadani= nothing can move in Xamar untill the government says so. :D

 

Sharif and his bosse in Dayniile will not do nothing for one is a joke the other has minority guns.

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Somali warlords disarm

 

 

May 16, 2005

 

MOGADISHU: Somali warlords have started surrendering weapons for the first time in 14 years in a major disarmament aimed at restoring stability in the lawless African nation.

 

 

The warlords gathered in Mogadishu yesterday and handed over dozens of battle wagons -- utes with anti-aircraft artillery or machineguns mounted -- and hundreds of machineguns to the country's Deputy Prime Minister, Mohamoud Abdullahi Jama.

 

The warlords are also ministers in the transitional government exiled in Kenya.

 

 

"These are not our weapons any more, they belong to the Somali people," warlord Musa Sudi Yalahow said.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The fact that they are collecting weapons no matter tge size or quality shows that A/Y has had some kind of impact on them.

 

As each day goes by their level of fear increases by a percent or two and they happen to be loosing confidence by the hour.

 

Let the show begin!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamadii AU-da oo si Deg-Deg ah Soomaaliya Tagaya

 

Wakiil u hadley Guddiga Amniga ee Midowga Afrika ayaa sheegey in Soomaaliya la Geynayo ciidamo ka socda Uganda iyo Sudan oo gaaraya 1700 oo askari.

 

Sidoo kale Ra’ssiul wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa isaguna cadeeyey in Dawladdu Soomaaliya u guureyso dabayaaqada Bisshaan haddey helaan Ciidamo iyo haddii kaleba. Warar kale oo iyagana la helayo mas’uuliyiin ka tirsan Dawladda Soomaaliya ayaa cadeeyey in Dawladdu u guureyso magaalooyinka Baydhdabo iyo Jawhar oo in muddo ah afka lagu hayey.

 

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa gacanta ku haya Xaabasade oo isagu kasoo horjeeda in Dawladda la keeno Baydahabo, waxaase jira warar sheegaya Sheekh Adan Madoobe iyo Shaati Gaduud iney damacsanyihiin iney xoog ku qabsadaan magaalada, sida warku sheegayana waxey ciidamo ku ararsanayaan meel aan saas uga fogeyn magaalada Basydhabo.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa lagama maarmaan ah in Dawladdu Soomaaliya dib ugu laabato lagana maarmo baryada Hogaamiyayaasha Muqdisho oo aan marnna dooneyn in xasilooni ka dhalato oomaaliya.

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
SOO MAAL   

Somalia Speaker off to Mogadishu

--------------------------------------------------------------------------------

 

By Ken Ramani

 

 

A section of the Somali MPs at the Wilson Airport before they departed for Mogadishu yesterday.

 

The Speaker of Somalia’s Parliament left Nairobi yesterday morning for Mogadishu accompanied by 30 legislators.

 

The Speaker, Sheikh Hassan Aden, and the politicians travelled in a chartered plane from Wilson Airport.

 

At hand to see off the Speaker were Kenya’s Assistant Minister for Regional Co-operation, Joseph Nyagah and the Special Envoy to Somalia Peace Talks, Mr Bethwel Kiplagat.

 

Also present were Somali politicians, General Morgan, Dr Abukar Abdi Osman and Awad Ashara.

 

Sources said 20 more MPs will on Wednesday and Saturday leave Nairobi to join their colleagues in Mogadishu, a city said to be the most dangerous in Africa.

 

Yesterday’s departure increased to 132 the number of MPs in the camp that is pushing for the relocation of their government to Mogadishu.

 

If the 20 MPs make good their promise to travel this week, the number will hit 150.

 

Somalia’s parliament has 275 MPs and to form a quorum, 139 members must be present.

 

During an interview with The Standard, Aden maintained he will chair a parliamentary session tomorrow in Mogadishu.

 

He said the priority of his moving to Mogadishu will be to lobby his countrymen to make the city safe by withdrawing militiamen.

 

The Speaker denied reports that he is leading the faction that is critical of President Yusuf. "I am the Speaker of Somalia’s National Assembly. I can’t take sides as that will be against parliamentary standing orders observed all over the world," said Aden.

 

The Speaker disclosed that he will work with other like-minded Somalis to ensure reconciliation structures are created to bring on board all groups.

 

Meanwhile Reuters news agency reported yesterday that warlords had withdrawn 600 gunmen from Mogadishu to persuade jittery colleagues the lawless capital is safe enough to serve as the administration’s base.

 

Officials of three prominent warlords from the big ****** clan who also hold cabinet positions said 600 of their fighters and 54 battlewagons, flatbed trucks mounted with heavy machineguns or with anti-aircraft guns fired horizontally, had been moved to two camps outside the city.

 

Aides to the three, Osman Ali Ato, Muse Sudi Yalahow and Mohammed Qanyare, said 66 more battlewagons would be moved to the camps at Hilweyene 30 km (20 miles) to the north and Lantaburo 60 km (38 miles) to the south in coming days.

 

The move does not affect so-called freelance militias -- mostly gunmen working for private firms or Islamic courts.

 

Concerning the legality of parliament’s resolutions to be made in Mogadishu, Aden said: "As far as I am concerned, consensus is the most important goal that must be urgently achieved. The rest are details that will follow later."

 

Ashara criticised the Kenyan Government for allowing President Yusuf to convene a parliamentary session at KICC, last week, yet the warring factions had agreed that no more such sessions should be held before their differences are resolved.

 

He argued that President Yusuf’s violation of the Charter was frustrating efforts to reconcile factions within parliament.

 

During a parliamentary session held in Nairobi last Wednesday, MPs present approved the deployment of Ugandan and Sudanese peace - keepers.

 

The MPs, majority of whom were President Yusuf’s supporters, also agreed to invite Arab League peace-keepers to beef up the AU efforts to secure the transitional government and restore peace.

 

The MPs also resolved that the government temporarily relocate to Baidoa and Jowhar and possibly move to Mogadishu once the security situation improves.

 

In an interview with The Standard, Kiplagat explained that last Thursday’s resolution by the African Union that endorsed the idea of a peace-keeping force was a milestone.

 

"I am now sure that the United Nations Security Council will approve the deployment of peace-keepers and donors will also release the funds they pledged to help in the reconstruction of Somalia," said Kiplagat.

 

The relocation of the transitional government must include plans and resources for the restoration of essential services such as sanitation, water, electricity, health and education services.

 

The Speaker said Mogadishu-based warlords had agreed to handover the airport and seaport to the new government when it relocates there.

 

He said the warlords had already started withdrawing their militia, trucks and weapons to make Mogadishu safe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this