Sign in to follow this  
General Duke

Wedding of the century : He is 112 years young she is 17 years old

Recommended Posts

wedding-congratulations-mbs.jpg

 

112 jir ku guursaday Guriceel gabadh 17 jir ah oo uu ka waynyahay 95 sano.

 

Guriceel, Oct 29 - Arooskii ugu layaabka badnee ee ka dhaca waddanka Soomaaliya in ka badan qarni inta la ogyahay ayaa dhex maray nin 112 sanadood jir ah iyo gabadh 17 jir.

 

Boqollaal qof ayaa iskugu soo xoomay si ay uga qayb qaataan arooskaas oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo shalay ka dhacayay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee badhtamaha Soomaaliya.

 

Caruuska 112 jirka ah waxaa la yidhaahdaa Axmed Maxamed Dhoore, waxana uu guursaday gabadh uu ka wayn yahay 95 sanadood oo 17 jir ah lana yidhaahdo Safiya Cabdulle.

 

Axmed Maxamed Dhoore waxa uu sheegey in uu gabadhan yar ee uu guursaday isha ku hayay illaa intay ka soo koraysay, “Allaa igu caawiyay in aan xaqiijiyo riyadaydii” ayuu yidhi Dhoore, waxana uu intaa ku daray in aanuu khasbin ee uu khibraddiisa uu ka dhaxlay da’diisa wayn uu u adeegsaday in uu ku beero jacayl iyo kalsooni, kaddibna waxa ay isku raaceen in ay isguursadaan.

 

Ehelada gabadha caruusadda ah ayaa sheegey in ay inantooda si wayn ula dhacsantahay ninka ay is calmadeen.

 

Axmed Maxamed oo ah ninka da’da wayn ee qarniga ka wayn ee guursday ayaa waxa uu hore u soo dhalay 18 caruur ah oo ay u kala dhaleen 5 xaas oo hore oo uu guursaday, waxana mid ka mid ah carruurtiisa oo imika ku sugan guri Ceel oo ka qayb galay arooska aabihii uu jiraa 80 sanadood.

 

Safiya Cabdulle waxa ay arooskeedii ugu horeeyey si farxad leh kula wadaagaysaa Axmed Maxamed Doore oo ay u noqotay haweeneydii 6aad ee uu guursado.

 

Adam Shardi Axmed

Radio Daljir

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Waa lagaaga horeeyey saaxiib. Check general section :D:D:D

 

But anyway, was has he got to offer her? A couple years of cleaning his expired behind? :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

This old man has become my latest role model. I hope to grow up to be just like him once I become a centenarian, IA.

 

I always knew caano geel was capable of giving Viagra a run for its money... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inan waalidkeed iibsadey oo guunyo ku ilaawey

Oo oday gaboobey u qasbey oo aqalka loo geeyey

Oo howl ku aadey iyo shaqada oofin kari waayey :D

Oo eynigeeda iyo bulshada laga idleysiiyey

Abshirow usbuucyaba ma ladin elelig mooyaane

Cali Gurey

Laasqoray, 1998

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this