Sign in to follow this  
Cowke

Construction Of New Bridge To Connect Bendar Ziyada and Bossaso. Pictures

Recommended Posts

Cowke   

Q21.jpg

 

Q7.jpg

 

Q5.jpg

 

Q111.jpg

 

Q10.jpg

 

Waxgaradka iyo Qurbe Joogta Degaanka Bandar Siyaada oo Bilaabay Dhismaha Buundada ‘Jaanka’ ee Isku Xirta Bari iyo Sanaag (Sawiro)

 

Bandar Siyada (RBC Radio) Beesha degaanka Bander Siyaada (Qaw) oo ka tirsan gobolka Bari iyo jaaliyadaha dibada ee degaankaasi ayaa xariga ka jaray mashruuc wado loogu sameynayo degaanka Bandar Siyaada taasi oo isku xiri doonta magaalada Boosaaso ee gobolka Bari iyo degaanka Bandar Siyaada.

 

Kulan ballaaran oo lagu qabtay hotelka ‘International Village’ ee magaalada Boosaaso oo ay ka qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan dowlada Puntland, isimo, culimo, waxgarad iyo qurbe joog ka soo jeeda degaanka Bandar Siyaada ayaa si rasmi ah xariga looga jaray dhismaha wado dheer oo isku xiri doonta degaanka Bandar Siyaada iyo magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Waxaa gaar ahaan dhismahan uu yahay mid lagu furayo dhul dhan 120-mitir oo dherer ah iyo 10-mitir oo ballac ah oo ay biyo xireen kana mid ah wadada isku xirta Boosaaso iyo Bandar Siyaada.

 

Wadadan oo oo isku xiri jirtay Boosaaso iyo degaanka Bandar Siyaada ayaa dhowrkii bilood ee u dambeeyey noqotay mid xiran ka dib markii biyaha baddu ay kala gooyeen, taasi oo hakad gelisay isu socodka gaadiidka isku xira labada magaalo isla markaana muhim u ahaa isku xirka gobolada Bari iyo Sanaag.

 

Kulamo xiriir ah oo ay mudooyinkan lahaayeen waxgaradka, ganacsatada iyo xubnaha jaaliyadaha dibada ku nool ee beesha Bandar Siyaada ayaa ugu dambeyn lagu go’aamiyey in buundo ay baabuurto marto laga dhiso halka lagu magacaabo “JAANKA” oo ah halka ay biyuhu xireen meeshaasi oo magaalada Boosaaso qiyaastii ka xigta 70-km dhinaca galbeedka. Iyadoo maalintii shaley booqasho ay waxgaradka iyo xubnaha jaaliyada ee degaankaasi ay ku tageen Bandar Siyaada si rasmi ah loo dhagax dhigay dhismaha buunada Jaanka laga dhisayo.

 

 

Wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada Puntland Cabdi Maxamed Goobe, Suldaanka guud ee beesha Bandar Siyaada Suldan Siciid Irbad, xildhibaan ka tirsan barlamanka dowlada federaalka, odayaal iyo xubno qirbe joogta ka mid ah ayaa booqasho ay ku tageen degaanka waxay ka qeybgaleen dhagax dhiga dhismaha buunada isku xiri doonta Boosaaso iyo Bandar Siyaada.

 

Kulanka ballaaran oo daba joogay dhagax dhiga buunada ayaa maanta lagu qabtay hotelka ‘Village’ ee magaalada Boosaaso, waxaana kulankan lagu marti qaaday madaxda dowlada ee joogta Boosaaso iyadoo uu dhinaca kalena kulanku xiritaan u ahaa shirkii ay lahayd beesha degaanka Bandar Siyaada.

 

 

Xubnihii dowlada ka socday gaar ahaan wasiirada dowlada, maamulka gobolka iyo kan degmada Boosaaso ayaa ballanqaaday inay taageeri doonaan mashruucan lagu horumarinayo degaanka Bandar Siyaada.

 

Wasiirada amniga, dekedaha, arimaha gudaha iyo ganacsiga ayaa kulanka ka ballanqaaday in mid kasta uu si gaar ah wax uga qabanayo arimaha ay wasaaradiisu u xilsaaran tahay taasi oo si weyn loo soo dhoweeyey.

 

Ganacsatadii kulankan joogtay ayaa iyaguna ballanqaaday in adeegyada ganacsiga oo ay isgaarsiintu ugu horeyso ay deg deg u geyn doonaan degaan Bandar Siyaada taasi oo shirkada Golis Telecom Somalia ay si gaar ah u ballanqaaday.

 

 

Intii uu socday shirkan looga hadlayey horumarka degaanka Bandar Siyaada waxaa lagu soo banshigay naqshada cusub ee degaanka dhismihiisu uu yeelanayo iyadoo la raacayo habka caalamiga ah ee magaaleynta (town planning and master planning).

 

 

Xubnaha qurbe joogta degaanka oo kulanka qaarkood ka hadleen isla markaana bixinaya dhaqaalaha ku baxaya mashruuca dhismaha wadada ayaa iyaguna sheegay inay sii wadi doonaan dhameystirka wax kasta oo ku saabsan dhismaha degaanka Bandar Siyaada, iyadoo dhinaca kalena ugu baaqay qurbe joogta kale ee weli dibadaha ku maqan inay muujiyaan wadaniyad oo ay dalkooda maalgashadaan.

 

 

Mashruuca magaaleynta degaanka Badar Siyaada oo magaalada Boosaaso dhinaca galbeed qiyaas ahaan 100-km u jirta ayaa soo bilawday sanadkii 2006, waxaana hadda uu ku dhow yahay gabagabo iyadoo dhismayaashii muhimka ahaa sida dugsiga waxbarashada, xarumaha caafimaadka iyo suuqyo laga hirgaliyey deganka sida uu RBC Radio u sheegay gudoomiyaha degmada Rashiid Xabiib.

 

 

Cabdalle Muumin

RBC Radio, Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this