Sign in to follow this  
General Duke

TFG names Mogadishu airport: Adan Cadde International

Recommended Posts

http://www.carmooyin.com/News/modules.php?op=modload&name=News&file=article&sid=1533&mode=thread&order=0&thold=0

 

Sidee loo meel mariyay go'ankii golaha wasiirrada ee ahaa in garoonka Muqdisho loo bixiyo Aadan cadde International Airport??? {Garoonka oo lagu dhajiyay Tabeelle ay ku qoran tahay Aadan cadde Airport}

 

Maalin kaddib markii lagu dhawaqay geerida madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Soomaaliya oo Shalayna la aasay Aadan cabdulle Cusmaan (Cadde) ayaa golaha wasiirrada dalak Soomaaliya waxaa uu soo saaray go'an ah

 

 

 

Maalin kaddib markii lagu dhawaqay geerida madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Soomaaliya oo Shalayna la aasay Aadan cabdulle Cusmaan (Cadde) ayaa golaha wasiirrada dalak Soomaaliya waxaa uu soo saaray go'an ah in garoonkaa loo bixiyo Aadan cadde International Airport, laakin inasktoo go'ankaa meelo badan laga hirgeliyay ayaa hadana waxaa Idaacadaha qaran diidku ay wali kasii madax adeygayaan in ay magacaa garoonka ugu yeeraan.

 

Dhawaqa Aadan cadde International Airport ayaa markii ugu horeysay waxaa laga maqlay idaacadda Qaranka ee radio Muqdisho,iyadoo kadibna ay qaateen Idaacadaha ay ka midka Yihiin:Banaadir, Somaliweyn iyo VOD,hase ahaatee idaacadaha qaran diidka ah ayaa wali ka sii gaabsanaya in ay garoonkaa ugu yeeraan magacii ay dowladda Soomaaliya u bixisay

 

Maamulayaasha Garoonka ayaa durbaba qaatay go'anka golaha wasiirrada,waxaana dusha sare ee garoonkaa looga jeedayaa boor aad u weyn oo ay ku qoran tahay (AADAN CADDE INTERNATIONAL AIRPORT OF MOGADISHU),iyadoo sidoo kalana daafaha garoonka lagu dhajiyay sawirrada madaxweynihii ugu horreeyay dalka Soomaaliya Aadan cadde oo shalay aaskii ugu dadka badnaa loo sameeyay .

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee idaacadaha qaran diidka ayaa waxaa muuqata in dowlad diidnimada ay qabaan oo aad u fogaatay awgeed ayan xitaa xushmeyn u heynin Aas aasihii qaranka Soomaaliyeed Aadan cabdulle Cusmaan oo ahaa nin wadaniyaddu ku fogaatay dalka Soomaaliyana waligii laga xusuusan doono.

 

 

Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqidhso

 

Contact:info@carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this