Sign in to follow this  
General Duke

TFG names Mogadishu airport: Adan Cadde International

Recommended Posts

MUQDISHO: Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradaha Muqdisho oo loo bixiyay Aadan Cadde International Airport, magacaan oo noqonaya...

Posted to the Web Jun 09, 13:03

 

Muqdisho (PP) – Dolwadda Federaalka Soomaalyia ayaaa waxay shaacisay maanta inay u bixisay Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Muqdisho Aadan Adde International Airport, waxaana hadalkaan uu soo baxay kaddib geeridii shalay ku timid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in Magacaan ay u xusheen in loo bixiyo Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho xubnaha sarsare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay inay kala tashadeen ehellada iyo caruurta uu dhalay Marxuum Aadan Cabdulle arrinkaan.

 

Magacaan ayaa noqonaya magacii ugu horreeyay ee loo baxsho Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradaha Muqdisho, tan iyo intii la dhisay oo ay billaabeen diyaaraduhu inay soo cago dhigtaan kana duulaan, iyadoo lagu sharfay marxuumka in magaciisa loo baxsho Garoonka Diyaaradaha Muqdisho si aanu quluubta dadka Soomaaliyeed sinna uga bixin.

 

Marxuum Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) oo ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya sannadkii 1960-kii markasoo ay xornimo qaadatay ayaa shalay gallinkii dambe ku dhintay Isbitaal ku yaalla Nairobi oo uu ku jiray muddo ku dhow 30-casho.

 

Aadan Cabdulle ayaa ku dhintay da’da 99-sano jir, waxaana uu ifka kaga tagay 8-caruur ah oo uu isagu dhalay iyo wixii ay sii dhaleen, oo kala ah: 6-wiil iyo 2-hablood, waxaana kan ugu yar uu jiraan 52-sano. Iyadoo qaar ka mid ah caruurtiisa ay ku sugnaayeen Isbitaalka marka ay naftu daynaysay.

 

Waxyaabaha sida aadka ah loogu xusuusto Marxuum Aadan Cadde ayaa waxaa ka mid ah: Inuu ahaa Aabbihii Dimurqraadiyadda Afrika, waayo waxaa lagu xusuustaa inuu yahay Madaxweynihii ugu horreeyay ee xilka iska dhiiba kaddib doorasho looga xoog roonaaday.

 

Sidoo kale, waxaa lagu xusuustaa inuu ka mid ahaa aasaasayaashii Ururka Midowga Afrika ee kulmiya dalalka Afrikaanka ah oo dhan. Sidoo kale waxaa lagu xusuustaa inuu ahaa Madaxweyne guulo badan u soo hoyay Soomaaliya intii uu ahaa Madaxweynaha Soomaaliya.

 

Dhanka kale, waxaa lagu xusuustaa inuu ahaa mas’uul aan dalkiisa ka bixin tan iyo intii uu ka dagay jagada Madaxweynenimo ee Soomaaliya, sidoo kalena ay howlkarnimo ku ammaanaan Madaxdii isaga ka dambeysay oo dhan sida: ALLAHA u raxmadee C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Maxamed Siyaad Barre oo laduba ifka ka tagay.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: Jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

What a great move by the Somali government, fantastic news..

 

Adan Ade International Airoprt it is... the man is an Icon no Somali man doubts that...

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

Aadan Cade ilaahay ha u naxariisto.

 

I only hope that the TFG is not trying to use the legacy of this unique man, a man adored by all Somalis, to gain some legitimacy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Masuuliyiinta DFKM iyo Ehelada Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cadde oo ka wada hadlay sidii aas qaran loogu sameyn lahaa

Posted to the Web Jun 09, 12:33

 

 

Muqdisho:-Masuuliyiinta DFKM iyo ehalada madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusman oo shalay galab ku geeriyooday magaalada Nairobi ayaa ku heshiiyay in maydka madaxweynaha laga soo duuliyo magaalada Nairobi maalinta isniinta ah si loogu aaso magaalada Muqdisho.

 

Heshiiskan ayaa waxa uu yimid kadib wadahadal dhex maray madaxda sare ee dfkmg iyo qoyska marxuum Aadan Cadde oo ku sugan magaalada Nairobi halkaas oo shalay galab uu ku xijaabtay madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Soomaaliya markii Soomaaliya ay qaadatay xoriyada sanadkii 1960kii.

 

 

Madaxweyne Yuusuf iyo ra'iisal wasaare Geedi ayaa xiriir dhinaca taleefanka ah la sameeyay reerkii uu ka tagay Aadan Cabdulle Cusman madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Soomaaliya ayagoo ka wada hadlay sidii aas qaran loogu sameyn lahaa madaxweynaha geeriyooday.

 

C/llaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi ayaa tacsi u diray guud ahaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii uu ku tagay Aadan Cabdulle Cusman, ayagoo sheegay in maamuus qaran loo sameyn madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Soomaaliya oo noqday hogaamiyihii ugu horreeyay oo African ah oo xilka si nabad gelyo ah isaga wareejiya kadib markii doorasho looga adkaaday.

 

Halgan.net

C/qaadir Osman

Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Bilaal, Sxb it is done in respect to the great leader, please don't politisize the issue, the man was great Somali leader and not for only one group, he kept his sheet clean while in/off power and in the long years of the civil war...

 

Let us give our respect without any bickering or political connotation, at least for today, keep your politics for another day if you wish...

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

^I've paid my respects to this unique man and i'm not trying to politicize the issue. Its the TFG which appears to be doing just that. This announcement could have been made at any other time. Why today?

 

In anycase, lets leave it at that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I like it. Good move!

 

The man is a hero to all of us. To me it doesn't matter when it is done or who does it. I am happy our biggest airport is named after this great president.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoonka Muqdisho oo loo baxshey Aadan Cabdulle.

9 Jun 9, 2007 - 7:40:13 PM

 

Madaxweynihi ugu horeyay Somalia Aden Cabdulle Cusman

War maanta ka soo baxey DFKMG ah ayaa lagu sheegey in Garonka diyaaradaha Muqdisho loo baxshey Aadan Cadde International Airport ama gagida diyaaradaha Adan Cadde

 

garonkamuqdisho.jpg

 

1965somalia500shillingsobv240.JPG

 

I really like this seal, it should be incorpoated into the airport logo in the future.

 

As well as the new Somali currency.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garoonka Muqdisho Oo Loogu Magac Daray Aadan Cadde

Written by Abdullahi Shiine Saturday, 09 June 2007

 

Ra`iisal wasaaraha Somaliya mudane prof. Cali Maxamed Geedi ayaa shaaca ka qaaday maanta in garoonka caalamiga ee diyaaradaha magaalada Muqdisho loogu magac daray madaxweynihii ugu horeeyay ee Somaliya marxuun Aadan Cabdulle Cismaan oo shalaytoole ku geeriyooday magaalada Neirobi ee dalka Kenya.

 

 

Dowladda federalka ayaa isku raacday kalana tashatay ehelada marxuun Aadan Cabdulle Cusmaan in ey u bixiyaan magaciisa iyagoo ku xurmeynaya madaxweynihii nabadda Somaliya, sida uu sheegay Geedi.

 

Garoonka caalamiga Muqdisho ayaanan laheyn wax magac ah tan iyo sidii loo dhisay waxaana ey dadku iska oran jireen "Garoonka Muqdisho".

 

Waxaa inta badan caalamka loogu magac daraa garoomada qaranka ee diyaaradaha dadka ama shaqsiyaadka dalkaasi u soo hoyay guul ama laga xushmeeyo, waxaana ey noqoneysaa talaabtan mida ugu horeysa ee loogu magac daro muwaadin Somaliyeed garoon caalami ah sida kan Muqdisho.

 

Masuuliyiinta dowladda, ehelada marxuumka iyo dhamaan shacabka Somaliyeed ayaa soo dhaweynaya magac loo bixiyay garoonka ee lagu sharfayo madaxweynihii ugu horeeyay ee Somaliya marxiim Aadan Cabdulle Cismaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this