Sign in to follow this  
Suldaanka

Qubanaha Wararka Somaliland Ee Asbuuca

Recommended Posts

1. Somaliland & Ethiopia sign port deal

2. A strong ministerial delegation of 6 will hold talks with the American Congress

3. 10,000 trees to be planted in all the regions of Somaliland.

4. Somaliland oo laga Xusay Maalinta Joojinta Sigaarka

 

 

----

 

Somaliland iyo Ethiopia oo Heshiis kala saxeexday

“Horaanta Bisha July Ayaa La

Filayaa In Maraakiibtii Ugu

Horaysay Ku Soo Xidhaan Dekedda,

Gaadiidka Labada Dhinacna Way

Ka Wada Qaybqaadanayaanâ€

 

Hargeysa, May 29, 2005 (Haatuf) – Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa shalay kala saxeexday heshiis rasmi ah oo uu dalka Itoobiya ku isticmaalayo dekedda Berbera oo uu badeecadaha kala soo degayo, isla markaana uu ka dhoofsanayo wixii uu dibadda u dirayo. Heshiiskaasna waxaa qallinka ugu duugay dhinaca Somaliland Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), dhinaca Itoobiya-na Madaxa Kastamada Itoobiya Mr. Saleshi Gatechew.

 

Munaasabaddii saxeexa heshiiskaas oo shalay ka dhacday Hotel Ambassador waxa dhinaca Somaliland uga qayb-galay wasiirada Arrimaha Dibadda, Marwo Edna Aadan Ismaaciil, Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Ganacsiga Iyo Wershadaha Nuux Sh. Cumar Sh. Muuse Ducaale, Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda Siciid Maxamed Nuur, Wakiilka Somaliland u fadhiya Addis Ababa iyo masuuliyiin kale. Dhinaca Itoobiyana waxa uga qayb-galay xubnaha wafdigii Itoobiya ee afarta maalmood booqashada ku joogay Somaliland oo uu hogaaminayay Wasiiru-dawlaha Adeegyada Kaabayaasha Dhaqaalaha Mr. Haile Asegide, Wasiirka Cashuuraadka, Gatechew Balay, Agaasimaha Guud ee hay’adda Batroolka Yigzaw Mekonen, Agaasimaha Guud ee hay’adda Wadooyinka, Kasahun H/Mariam, Maareeyaha hay’adda gaadiidka Badda, Ambachew Abraha, Madaxa isticmaalka dekedaha iyo transit-ka, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Maraakiibta, Axmed Yaasiin iyo Wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland, Abdeto, waxaan halkaas hadalo kooban ka soo jeediyay qaar ka mid ah Masuuliyiinta labada dhinac, waxaanay masuuliyiintaasi ka hadleen ahmiyadda uu leeyahay heshiiskan oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid taariikhi ah oo sii xoojin doona iskaashiga iyo xidhiidhka fiican ee labada dhinac ka dhexeeya, iyagoo tilmaamay in loo baahan yahay in si wada-jir ah loogu hawl-galo dhaqaajintiisa iyo hirgelintiisa.

 

Munaasabaddaas heshiiska lagu saxeexay kadib, waxa xubno wafdiga Itoobiya qado-sharaf loogu sameeyay Hotel Xaraf, kaas oo ay ka qayb-galeen Masuuliyiinta labada dhinac ee goob-jooga ka ahaa munaasibaddii heshiiska lagu kala saxeexday.Waxaaana heshiiska masuuliyiinta labada dhinac gaadheen ka mid ah fududaynta dhinacyada kala duwan ee adeegyada dekedda sida dejinta, tacriifadda laga qaadayo iyo transit-ka badeecadaha dekedda Berbera uga soo degaya Itoobiya, dib-u-habaynta wadooyinka iyo waxyaabo kale ee qayb-qaadanaya fududaynta isu-gudubka badeecadaha labada dal.

 

Heshiiskan ay Somaliland iyo Itoobiya kala saxeexdeen ayaa ah mid ahmiyad weyn u leh wax is-dhaafsiga labada dal, gaar ahaana badeecadaha, iyadoo Itoobiya kordhinayso isticmaalkeeda dekedda Berbera, kana qayb-qaadanayso horumarinteeda iyo ballaadhinteeda, waxaanu dhaqan-galka heshiiskani bilaabmayaa sida ku talo-galku yahay in Maraakiibta ugu horeysaa ay bilaabmi doontaa bisha July horaanteeda oo ay ku soo xidhan doontaa dekedda Berbera sida la sheegay

Heshiiskan ayaa ka dambeeyay markii Arbacadii toddobaadkii hore ay wafdigii ballaadhnaa ee ka socday Itoobiya ee socdaalka 4 maalmood ah ku yimid Somaliland, ay booqasho qiimeyn ah ku tageen dekedda Berbera, meelo kale oo ay ka mid yihiin jidka isku xidha Berbera ilaa Jig-jigga.

Xubnaha wafdiga ka socday Itoobiya waxay shalay gelinkii dambe ka ambabaxeen dalka kadib markii ay u dhammaatay booqashadii afarta maalmood ahayd ee ay Somaliland ku joogeen, waxaana sii sagootiyay Wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland, oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Arrimaha Gudaha, Isgaadhsiinta, Warfaafinta iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo Wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Cawil Cali Ducaale oo ku sugan Madaarka Hargeysa ka hor intii aanay wafdi ka ambabixin dalka, ayay weriyeyaal ka tirsan warbaahintu wax ka weydiiyeen heshiiska labada dhinac ee Somaliland iyo Itoobiya kala saxeexdeen shalay, waxaanu isagoo arrintaas ka hadlaya yidhi: “Heshiiskani waxa weeye in dawladda Itoobiya dekedda Berbera isticmaasho wixii ay la soo degayaan iyo wixii ay dibad u dirayaan; in ay gacan inaga siiyaan wadooyinka hagaajintoodii, waxayna ballanqaadeen inay ilaa Kala-baydh noo hagaajiyaan oo ay ka soo wadaan ilaa Jigjiga. Waxa kale oo ay noo ballanqaadeen inay EU-da culays saaraan maadaama ay yihiin dawlad weyn oo la ictiraafsan yahay inay EU-du wax nagala qabato wadadaa Kala-baydh ilaa Berbera oo ah imika wado gabowday oo aan horena xoog u lahayn. Waxaan ku faraxsanahay in wixii tacriifad ee aanu ka wada hadalnay isku af-garanay, tii dekedda iyo tii transit-ka isku af-garanay.â€

 

Wasiirku waxa uu sheegay inuu heshiiskani u horseedi doono labada dal ee Itoobiya iyo Somaliland xidhiidhkoodii hore oo sii fiicnaada. “Heshiiskani waxaan qabaa inuu u horseedi doono inaga iyo Itoobiya xidhiidhkii hore ee awalba fiicnaa oo ka sii fiicnaada oo mid dhaqaale iyo mid siyaasadeed labadaba xoojiya,†ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu.

 

Mr. Cawil isagoo ka hadlay sida ay u arkeen xubnihii weftigu socdaalka ay ku yimaadeen Somaliland, waxa uu yidhi: “Wasiiradu aad bay ugu farxeen, nabadeenii bay arkeen dawladnimadii bay arkeen, Musawir aanay markii hore inaga haysan ayay arkeen, waxaanan filayaa inay ra’iisal-wasaarihii (Itoobiya) uga wargeyn doonaan. Markaa waxaan filayaa inay noqonayso xidhiidhkeenii fiicnaa oo sii ballaadha.â€

 

“Jigjigga waanu tagnay si fiican ayaa naloo soo dhaweeyay, Madaxweynihii Kililka 5aad baanu la kulanay, wuuna ku farxay xidhiidhkan aadka u sii fiicnaaday, wuxuu isna yidhi waxaan jecelahay inaan imaado [somaliland] oo waxa aad qabsateen aan arko, waxaanu rajaynaynaa in isaga iyo wafdi culusi inay dhowaan yimaadaan oo aanu dalka tusno oo inaanu walaalo nahay aan wax xumaani inaga dhaxayn arkaan oo nimankan la leeyahay baabuur bay gubeen ay arkaan inay yihiin niman uun carqaladaynaya xidhiidhka fiican ee aanay jirin wax dan gaar ah oo hoose oo beelnimo ahi,â€ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu, waxaanu intaas ku daray “Waxaanu qabnaa inaynu xidhiidhka jaarkeena xoojino weliba Itoobiya oo dadkeeni boqolkiiba 30-40 Itoobiyay ku nool yihiin, in mar walba xidhiidhkaasi fiicnaado xataa dadka halkaas ku jira u noqoto badbaadadooda iyo horumarkooda baa loo baahan yahay oo maskaxda lagu hayo.â€

 

Wasiirka mar la weydiiyay waqtiga uu dhaqan-gelayo heshiiskan ay labada dhinac kala saxeexdee, waxaa sheegay inuu dhaqangelayo horaanta bisha July, waxaanu intaas raaciyay oo uu yidhi: “Waanu tusnay meeshii aanu dekedda ka siinay, ilaa dhowr boqol oo baabuur baa imanaya, compound weyn baanu siinay, 500 oo baabuur baa dhigan kara halkaas, meelihii showers (meedhashada) iyo musqulihii baa looga samaynayaa iyo meelo ay seexdaan. Meel kale oo dekedda ka dambaysa baanu siisnay oo baabuurta habeenkaa la rarayo 20 iyo 30 waxay doonaan ha noqdaane soo dhiganayaan oo markaa rarkii halkaas ka gelaya dekedda. Kuwa 2 cisho joogayaana halkaas dambe meelihii cuntada loogu sameeyo oo wiixi adeeg ah aynu u samayno. Waxaan filayaa July inay Maraakiibta ugu horeysaa iman doonto.â€

 

Mar la weydiiyay wasiirka meelihii iyo adeegyadii gaarka ahaa ee ay dalbadeen weftigii intii ay Berbera joogeen oo uu Maareeyaha Dekedda Berbera ku ballan-qaaday inuu muddo bil ah ku dhammaynayo sida ay suurto-gal u tahay, waxa uu ku jawaabay oo uu yidhi: “Maanta [shalay] Maareeyuhu wuxuu u sheegay qolada wasiirada wefgtiga inuu hawshii bilaabay, muddadii bisha ahaydna ku dhameeyo wax alaale iyo wixii laga rabay oo dhan, taasi waa ballan uu qaaday.â€

 

Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Cawil Cali Ducaale isagoo ka jawaabay su’aal la weydiiyay oo ahayd “Itoobiya waxay wax kala soo degtaa dekedda Djibouti, markaa intee ayuu le’egyahay xadiga ay dekedda Berbera kala soo degaysaa?†waxa uu Mr. Cawil yidhi: “Anigu waxaan qabaa dekedeenu in imika waxa ay Itoobiya soo dejiso ama ay banaanka u dirto awoodeenu waxa ay noqonaysaa 20%, wixii intaas (20%) ka baxsan waxay noqonaysaa inaanu dekedii ballaadhino, casriyayno oo xataa taas ay ballanqaadeen inay gacan inaga siiyaan ballaadhinteedii, casriyaynteedii, meeshii amaahda laga helayay iyo iyagu wixii ay ku soo darsanayeen, inay dekedii noqoto deked ballaadhan oo intaa in ka ballaadhan qaadi karta.â€

 

Mr. Cawil Cali Ducaale, isagoo ka jawaabaya su’aal ahayd “Dhinaca Itoobiya waxa ku xidhan inay sameeyaan wadada isku xidha Wajaale ilaa Jigjiga, goormay dhammaynayaanâ€, wuxuu wasiirku ku jawaabay: “Way bilaabeen oo maalintii dhowayd jidkay na tusayeen, daamurkii baa u hadhay, dabadeed markay Tog-Wajaale keenaan ilaa Kala-baydh ayay inoo samaynayaan laamidaas, inaguna Kalabaydh ilaa Berbera inaynu samayno ayaa laynaga doonayaa, taasna inay lacagtii EU-da inooga keenaan oo ay naga caawiyaan.â€

 

“Dhinaca cashuuraha kastamka maxaa isla gaadheen?†Su’aashaas isagoo ka jawaabaya wasiirku waxa uu yidhi: “Kastamiska waxaanu ku kala gaadhnay wixii laga qaadi jiray wixii transit-ka ayuun baanu ka qaadaynaa oo cashuur malaha, laakiin dekeddu waxay leedahay serfis, transit-ka wax yar baa laga qaadaa oo kastamisku qaadaan, taana waanu ka heshiinay wax allaala wixii aanu ka wada hadalnay tacriifad ha noqoto, waqtiga ay alaabta dhigan karaan, muddada ay ku hayn karaan dekedda, gebi ahaan waanu dhammaysanay.â€

 

Ugu dambeyntii Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo ka jawaabay su’aal ahayd “Gaadiidka badeecadaas qaadayaa ma waxa uu noqonayaa kuwa Itoobiya oo keliya, mise labadaba dhinacba?†waxa uu yidhi Mr. Cawil: “Labada dhinacba way noqonayaan. Waxaanu ku heshiinay in liisanka Somaliland la aqbalo, Liiskoodana aanu aqbalno, taarikada labada baabuur keenana aqbalaan koodana aqbalno, markaa baabuurtu waxay noqonayaan qayb oo waa la qaybsanayaa, waana lays wada raacayaa.â€

 

 

Wefti ka kooban 6 Wisiir oo Somaliland ah oo u kicitami Doona Dalka Maraykanka

 

Sida dhawaan la filayo wafti balaadhan oo ka kooban Wasiiro ka tirsan Jamhuuriyada Somaliland ayaa waxa la filayaa in ay socdaal shaqo ugu kicitimaan dalkaasi maraykanka.

 

Waftigaasi oo ilo xogogaal iigu warameen waxaa la sheegayaa in ay ka kooban yihiin 6 wasiir oo xukuumada ka tirsan.

 

Ujeedada socdaalkoodani waxaa la sheegayaa in ay la kulmi doonaan congreska mareykanka.

 

Waftigaasi ukicitimaya maraykanka wasiirada ilaa haatan la hubo in ay ku wehelinayaan weftigani waxay yihiin Wasiirka Wasaarada warfafinta iyo Wasirka arrimaha Debeda ee Somaliland.

 

 

10,000 trees to be planted in all the regions of Somaliland.

 

The Minister of environment and rural development Mr. Fuad Adan Ade speaking to media yesterday said that they are planting 10,000 trees in all the regions of Somaliland for the celebration of the world environment day which is usually held at 5th of June.

 

The Minister also stressed that they took the stigma of this year to fight against the Plastic Bags which is causing an environmental disaster in Somaliland.

 

Speaking to the Somaliland media the Minister said that this year they moved in to a smoother path from how the previous ceremonies were in past years, The minister farther said that the international communities are funding the ministry on environmental issues and also protecting the trees from the people who cut them for the use of charcoal.

 

 

Somaliland oo laga Xusay Maalinta Joojinta Sigaarka

 

Wasiirka wasaarada caafimaadka iyo shaqada ee Somaliland mudane Cismaan Qaasim Qodax ayaa shirjaraa’id saaka uu ku qabtay xafiiskiisa.

 

Waxa uu kaga waramay in maanta oo ahayd 31may loo aqoonsanyahay dunida maalinta joojinta sigaarka , waxaanu sheegay in aynu taasi awgeed ay Somaliland kala qayb galayso caalamka xuska maalintan.

 

Waxa kale oo uu sheegay Wasiirku in aan la qarin karin waxyeelada sigaarka, shirkan jaraaid ee maanta wasiirku qabtay ayaa wuxuu faahfaahin kaga bixiyey waxyeelada sigarka dhinacyada caafmaadka iyo dhaqaalaha’ba.

 

Waxaanu ku booriyey bulshada reer Somaliland in ay iska joojiyaan caadadani cabista sigaarka.

 

Wasiirku mar uu ka hadlayey siyaasada wasaarada ee ladagaalanka tobaakada waxa uu sheegay in wacyi gelin farabadan ay dadka ama bulshada ay siinayeen intii karaankooda ah sanadkani aynu jirno.

Share this post


Link to post
Share on other sites

50 journalists enrol in training courses

 

 

The first 50 journalists will be registered at the University of Hargeisa for the ilearn journalism training courses in May this year.

 

This initiative grew into a genuine effort for initializing the first journalism iLearn sessions as the university of Hargeisa and the BBC World Service Trust have both made an inter-meeting for equipping all Somali Journalists with access to the BBC World Service Trust online journalism training, a web portal resource.

 

The inter-meeting has taken place at the University of Hargeisa with Emma Gilliam, the new project director, on her recent working visit to Hargeisa. Early this year, the iLearn project of the BBC and the University of Hargeisa had signed an agreement on sustaining and enhancing the ilearn education through technology.

 

Both sides had acknowledged the agreement and have put to place the advance of launching an online ilearn training course in May.

 

BBC senior trainers will be facilitating the courses. Nick Reistrick, has trained a group of journalists from Somaliland and Mogadisho for the iLearn during the period of February and March. He is expected to run a second online course in Hargeisa this month.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khabiir sare oo lataliye u ah madaxweynayaasha Nigeria, South Africa iyo Gabon oo Somaliland yimid

 

Wararka nagasoo gaadhaya caasimada Somaliland ee Hargaysa ayaa sheegaya in khabiir sare oo lataliye u ah madaxweynayaasha NIGERIA, SOUTH AFRICA iyo GABON uu wadanka Somaliland soo gaadhay. ninkaas oo lagu magacaabo IMAAM CABAAS ayaa lashegay in uu kasoo qayb qaatay xalinta khilaafaadka AFRICA kuwii ugu adkaa.

 

Warku waxa uu intaas kudaraaya in khabiirkani lataliye u yahay ururada konfurta Africa, bariga iyo gobolka Saxil ee Africa, kuwaas oo uu dhawaana kudaray shirkooda ay kuqabsanayaan wadanka BURKINAFASO in laga doodo arinta Somaliland.

 

Khabiirkan oo soodhawayn wayn loosameeyay ayaan wixii war ah ee kasoo kordha wakhtiyada soo socda idiin soo gudbin doonaa sida ugu dhakhsaha badan.

 

maandeeqnews

 

 

Political advisor to Nigerian & South African presidents Arrives in Somaliland

 

A delegation headed by Imam Abbas, a Malian national and highly influential personality in Africa, arrived this evening at the Egal International Airport, Hargeysa.

 

Imam Abbas, who is on a four-day visit to Somaliland in order to familiarize himself with the situation there, will be holding talks with the country's authorities. Imam Abbas is currently the advisor to the presidents of South Africa and Nigeria on issues of political settlement in Africa.

 

Somaliland's Vice-President Hon Ahmad Yusuf Yasin, will tonight host dinner for the delegation at Hotel Mansur, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
STOIC   
4. Somaliland oo laga Xusay Maalinta Joojinta Sigaarka

 

 

Suldanka i can't read all the somali written part but i did pick the cigarrette part! When are they celabrating the "No smoke day"?.This is great for Somalilanders-i am proud of them!.Next we will have Maalinta Joojinta Jaadka!.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ but the sad thing is, it is still in name only.

 

 

BOOQASHADA WEFTIGA SWISS-KA AH AY KU YIMAADEEN DALKA JSL

 

Wefti ballaadhan oo Swiss ah oo uu hogaaminayo Thierry Regaenass qunsulka arimaha Gobolkan ee safaaradda Swisska, oo ay ka mid yihiin Julian Hottinger, oo ah Constitutional Expert DFA Berne Switzerland iyo , Jacques, oo ah , country Director of SDC in swiss Embassy –Nairobi, ayaa shalay socdaal booqasho ah oo qaadanaysa afar maalmood ku yimid dalkan JSL>

 

Weftigaas oo ay hannaanka booqashooda hogaaminayo Akaadamiyada Nabadda iyo Horuminta , waxay ku soo dageen Hotelka Mansoor, halkaasi oo ay u soo diyaarisay Hay’adda Swiss-group iyo Madaxda Akaadamiyada Nabadda iyo Horumarintu.

 

Waxay saaka la kulmeen wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Adna aden Ismaaciil abbaaro 8:30 Subaxnimo ilaa 9:30 Subaxnimo, dabadeedna waxay uga gudbeen dhinaca xafiiska Wasiirka Maalliyada Cawil Cali Ducaale , oo ay isgana la joogeen saacadii xigtay, kadibna waxay u gudbeen shir guddoonka golaha wakiilada , oo ay la kulmeen kuxigeenka gudoomiyaha golaha wakiilada Mudane C/Qaadir Jirde, waxayna uga sii gudbeen dhinaca Komishinka doorashooyinka qaranka , oo ay kulankooda ku soo gebogebeeyeren qeybtii hore ee maanta.

 

Bacda qadada oo ah Hoteelka Mansoor Hotel, waxay la kulmayaan Madaxda Xisbiga Kulmiye marka ay saacadu tahay 2:15 duhurnimo, ugu danbeyntana waxay ku soo gebogebaynayaan kulano ay kula yeelanayaan ilaa caawa halka ay ka degan yihiin hotelka Mansoor xubno ka kala socda Xisbiga UCID, iyo madaxda Akaadamiyada Nabadda iyo Horumarinta oo ugu danbeyn doonta ilaa galabta 5:00 Galabnimo.

Waxay weftigu ilaa berri soo booqan doonaan hawlaha iyo mashaariicda ay Hay’adda Swiss-groupka fulisay nawaaxiga magaalada Hargeysa.

 

Somaliland Future online

 

Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Komishinka Doorashooyinka oo wali kumaqan kormeerkoodii Gobolada

 

Waxa beryahanba ku maqnaa Gobolada dalka Xubnaha Komishinka Qaranka oo ay weheliyaan Xubno ka kala socda seddexda Xisbi Qaran, oo ay caawinayaan Gudoomiyeyaasha Gobolada iyo Degmooyinka Dalku.

 

Ujeedada socdaalkan ayaa ah mid la xidhiidha sidii loo soo furi lahaa Xafiisyadii Komishinka Doorashooyinka ee Gobolada dalka, iyo Kuwii Degmooyinka, isla markaasna loo soo xuli lahaa shaqaalihii ka hawlgeli lahaa, kuwaas oo ka ah Gudoomiyeyaashii iyo Kuxigeenadii komishinka ee heer Gobol iyo Degmo, oo ay weheliyaan xoghayeyaashoodii.

 

Dhinaca kale , socdaalkani waxa uu la xidhiidhaa sidii loo heli lahaa goobihii codbixinta ee dalkoo dhan, iyadoo la doonayo inay asxaabtuna goob joog ka ahaadaan goobaha loo magacaabayo inay noqdaan meelihii dadku ka codayn lahaa guud ahaan dalkoo dhan.

 

Dhanka kale Asxaabta Qaranka ayaa iyaguna dhankooda ka xulanaayey wakiiladoodii goob jooga uga ahaan lahaa Xafiisyada Komishinka ee Gobolada iyo Degmooyinka. Waxa la filayaa inay hawshani ku soo dhammaato 10ka Cisho ee soo socota , iyadoo komishinku hore ugu dhawaaqaan inuu ku dhaqmayo jadwalka Doorashada.

 

Somaliland future online

Hargeysa

Share this post


Link to post
Share on other sites

1. Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Xadhigga Ka Jaray Xarunta Hay’adda NERAD

 

2. Wasiirka Qorsheynta Oo Soo Kor-Meeray Mashaariic Boorama Ah

 

3. Hargeysa: Libaaxyada Waran-Cadde Oo Nin Dhaawacay Iyo Dad Ku Sumoobey Caano

 

4. Wasiirka Waxbarashada oo shaaca ka qaaday waqtiga loo fadhiisanayo imtixaanka sannad-dugsiyeedka 2004-2005 ee dugsiyada sare iyo dhexe

 

5. Hay’adda SWISS GROUP oo Wareejisay Mashaariic ay fulisay

 

 

----------

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Xadhigga Ka Jaray Xarunta Hay’adda NERAD

 

Hargeysa, June 3, 2005 (Haatuf) – Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa shalay xadhigga ka jaray xarun cusub oo ay leedahay Hay’adda U Diyaar-garowga Aafooyinka Dabiiciga ah ee Somaliland (NERAAD).

 

Munaasibaddaas xadhigga laga jaray xarunta NERAAD, waxa ka soo qayb-galay wakiilo ka kala socday qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay (UN) iyo kuwa Caalamiga ah ee ku sugan dalka iyo qaar ka socday ururrada Wadaniga ah ee kala duwan.

 

Xaruntan oo ay dhismihiisa ugu deeqday hay’adda caalamiga ah ee OXFAM GB, waxay kooban tahay dhowr xafiis iyo dayr, kuwaas oo dib u habayn lagu sameeyay, waxaanay sidoo kale hay’adda OXFAM GB isla shalay ku wareejisay qalab kumbuyuutaro iyo birintaro isugu jira iyo hal gaadhi oo nooca Land Cruiser-ka la yidhaa ah.

 

Ugu horeyn waxa munaasibaddaas hadal ka jeediyay Maareeyaha Hay’adda NERAAD, Maxamed Muuse Cawaale, waxaanu yidhi: “Hay’addan waxa la dhisay oo digriito Madaxweyne ku soo baxday August 2003, markii la ogaaday inaan wadamadan Afrika ama Geeska Afrika ama aduunyadiiba cimiladii is bedeshay, roobkiina waqti uu da’ayo la garanayn, abaartiina aan cidi ogeyn oo wixiiba noqotay wax had iyo goor diyaar inaad u noqoto ah, ayay noqotay in hay’addan la abuuro, anigana sharaf ahaan lay magacaabo.â€

 

Maxamed Muuse waxa uu u mahadnaqay hay’adda OXFAM GB oo uu sheegay inay muddo sannad iyo badh ahba gacanta ku haysay, ilaa maanta sidii gacanta ugu haysa. Waxa kale oo uu iyagana mahadnaq u soo jeediyay ururrada wadaniga ah ee ay ka mid yihiin HAVOYOCO iyo NAGAAD.

 

Sidoo kale, waxa isna halkaas hadal kooban ka jeediyay Maamulaha hay’adda OXFAM GB ee Somaliland iyo Somalia, C/laahi Maxamed Yuusuf, kaas oo ka waramay waxqabad hay’addaasi ka qabato dalka gudihiisa, barnaamijyada u qorshaysan inay mustaqbalka ka qabato dalka, gaar ahaan wuxuu C/laahi Maxamed sheegay in barnaamijka ay ku caawinayaan hay’adda NERAAD socon doono laba sannadood.

 

Ugu dambayntii waxa isna halkaas ka hadlay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Axmed Yuusuf Yaasiin, waxaanu amaan u soo jeediyay amaan Maareeyaha NERAAD, Maxamed Muuse Cawaale oo uu sheegay inuu waqtigii uu ahaa Wasiirka Horumarinta Reer Miyiga ahaa oo isaga lagu bilaabay uu shaqo fiican ka qabtay oo uu hawl-geliyay, maanta buu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku: “Waa kan bilaabay hay’addan NERAADâ€, waxaanu intaa ku daray “â€Waxaanan leeyahay ku dayasho fiican buu leeyahay oo qofku marka uu wadanka wax u qabanayo waxaa la arkaa waxqabadkiisa, waxaynu u badannahay inaynu ka fikirayno uun waxaynu hunguriga marin lahayn, laakiin waa in qofku taas ka taggaa,†ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku, isagoo dhinaca kalena mahadnaq u soo jeediyay hay’adda OXFAM GB.

 

“Waxaan filayaa hadii aynu qabsan lahayn biyaheena oo boqolka doox ee ku rogmada badda la qaban lahaa in aynaan aragneen Aafaba. Waxaan soo jeedinayaa waa la arkay maanta dhir goyntii faraha badnayd, waxay keentay dhirtii la jaraayay inay samaysmaan boholo, waxay keentay in ciiddeenii badda galaan, waxanay keentay dhulkeenii oo dhami inuu noqdo qarfooyin in loo baahan yahay shicib iyo dawlad-ba layska gargaarsado oo arrinkaas laga hor-tago,†ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenku, waxaanu intaas raaciyay “Marka dhirtu dhammaato roobkuna wuu yaraadaa, markaa aafooyinkan aynu ka yeelano iskaashi dheer sidii loo qaban lahaa.â€

 

Ugu dambayn Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu mahadnaq ballaadhan u soo jeediyay hay’adda OXFAM GB, waxaanu yidhi:â€Waxaan u mahadnaqayaa OXFAM GB iyo hay’adihii arrinkan fuliyay oo maanta midho-dhalkoodii la arkayo. OXFAM waxay ahayd hay’adii ugu horeysay ee gacan ka geysatay markii biyo soo-saarka Geed-deeble uu khatar galay, hay’adii markiiba na aqbashay markii aanu warqadda u qornay, mahad baan u celinayaa hay’addaas degdegga noogula hawl-galeen iyo dhammaan hay’adaha iyaga la xidhiidhaba.â€

 

“Waxaan leeyahay maanta NERAAD, waxay furtay xafiis cusub, xafiiskani horta wuxuu hoos yimaadaa xafiiskayga, dhismahana xukuumad ahaan Madaxweynuhu wuu ka qayb-galay. Waxaan Illaahay u baryayaa inuu xafiiskani noqdo mid wax ka tara mustaqbalka dhow oo ka hawl gala dhibaatooyinka ina haysta.â€

 

Wasiirka Qorsheynta Oo Soo Kor-Meeray Mashaariic Boorama Ah

 

Wasiirka qorsheynta axmed Xaaji Daahir oo muddo rtoddobaad ku dhawaad ahba Boorama ku sugnaa ayaa shalay soo kormeeray sida uu u socdo hawsha jidka isku xidhja Camuud iyo Garoonka dayuuradaha Boorama oo ay hirgelinayaan Dawladda Hoose ee Boorama iyo Habitat.Wasiirka o uu la socdo Duqa Boorama C/raxmaan Sh.Cumar ayaa waxay tegeen halka jidkaasi oo dhererkiisu yahay ilaa toddoba kiiloomitir kasoo bilaabatay iyo goobta uu haatan socdo carratuurku oo ah magaalada Boorama dhexdeeda ,kaddibna waxay la hadleen hawlwadeenada shaqada jidka oo uga warramay dhibaatooyink jidkaasi socosiintiisu ay kala kulanto dadweynaha reer Boorama .Warbixinaha lagu siinayey halkaasi ayaA waxa kale oo ku jiray sidii taageero dhaqaale oo dheeraad ah looga heli lahaa xukuumadda maadaama hay'adda Habitat ,dawladda Hoose ee Boorama,iyo shicibka magaaladuba ka qayqaadanayaan dhismaha jidkaasi oo aha kan ugu xun jidadka Boorama ,baahidiisuna ugu xoiogbadantahay.Wasiirka qorsheynta ayaa isagu Duqa Boorama ugu ballanqaaday in wax kasta oo lagusii xoojin karo socodfka hawsha jidka uu dhinaca xukuumadda ka hadli doono,wixii awood ahna anan waxba laga hagran doonin maadaama sida uu sheegay uu hawshan u arko mid muhim ah isla markaana dedaalka shicibka iyo dawladda hooseba anu ahayn wax la qarin karo.Kormeerkan wasiirka qorsheynta waa kii ugu horreeyey ee laga arko wasiirada reer Boorama uga wakiilka ah xukuumadda dhexe oo ay gobolkan ugu dambaysay markii Xisbiga UDUB ku guuleystay hoggaanka dalka.

 

 

Hargeysa: Libaaxyada Waran-Cadde Oo Nin Dhaawacay Iyo Dad Ku Sumoobey Caano

 

Hargeysa, June 3, 2005, (Haatuf) Libaaxyada la taliyaha arrimaha bulshada ee madaxweyne Rayaale Cali Maxamed Warancade ayaa habeen hore dhaawac culus soo gaadhsiiyey nin suufi ah oo reer Hargeysa oo ugu galay beerta ay ku jiraan ee guriga Warancade ee magaalada Hargeysa.

Ninkan oo magaciisa la yidhaahdo Xuseen Maxamed (Dhega-Case) waxa hadda lagu daweynayaa cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxaanu dhaawac culus oo afar miciyood ah ka qabaa madaxa, iyada oo uu cudbi ay kaga jirto halka ay ka galeen miciyaha libaaxu. Hase yeeshee Axmed Cali Sheekh Muxumed Saasaale oo ahaa dhakhtarkii xalay joogay gaadhka cusbitaalka oo aanu weydiinay inta uu gaadhsiisan yahay dhaawaca ninkani ayaa sheegay inaan la ogeyn inta uu gaadhsiisan yahay dhaawaca ninkani ilaa hadda, iyada oo waqti dhaw oo galabtii ah loo keenay, isla markaana maanta ahaan marka X-ray-ga ama baadhitaanka lafaha la saaro la ogaan doono inta uu dhaawac qabo ninkan libaaxu dhaawacay.

 

Dad ka ag dhaw halka lagu hayo libaaxyadan ayaa sheegay inuu ninkan libaaxyada Warancade dhaawaceen uu yahay kii saddexaad, iyada oo aan la ogeyn halka ay ku dambeeyeen labada qof ee uu hore u dhaawacay libaaxyadan Warancade.

 

Mid ka mid ah ehelada ninkan ay dhaawaceen libaaxyada Warancade oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Dhega-Case ayaa sheegay inay ******** dhaawaca dhibanahan libaaxyadu dhaawaceen shalay 2-dii duhurnimo, iyaga oo xiligaas ka soo qaaday beerta ay ku xidhan yihiin libaaxyadani oo ku taala bariga Hargeysa isaga oo wakhtigaa kooma (miyir-doorsoon ku jira), isla markaana ay u sheegeen dad ka ag-dhawaa goobtaasi, iyaga oo sheegay inuu aad u qaylyey dhibanahani markii uu libaaxu qabtay. Hase yeeshee lama oga inay cidi ka riday iyo inkale.

 

Hase yeeshee mar aanu weydiinay Maxamed inuu dhibanuhu u galay libaaxyadan iyaga oo furan, waxa uu sheegay in libaaxyadan oo tiradooda lagu sheegay lix ay laba ka mid ahi furan yihiin, kuwaasi oo yar yar, balse ay afar waaweyni xidhan yihiin, hase yeeshee ay ninkan dhaawaceen labada furan midkood.

 

Dhinaca kale ugu yaraan 8 qof oo ay saddex isku qoys yihiin ayaa la keenay xalay cusbitaalka guud ee magaalada ka dib markii ay ku sumoobeen caano ay cabeen.Sideedan qof oo u badnaa carruur ayaa guryahoodii lagu celiyey ka dib markii loo sameeyey gargaar deg deg ah.

 

Agaasimaha guud ee cusbitaalka Hargeysa Dr. Yaasiin Carab oo aanu xalay kula kulanay cusbitaalka oo aanu wax ka weydiinay arrintaasi ayaa noo xaqiijiyey dadkan ku sumoobay caanaha. Hase yeeshee mar aanu Dr Yaasiin weydiinay waxa keenay in lagu sumoobo caanaha waxa uu sheegay inay la xidhiidhi nadaafada kaydinta caanaha, waxaanu sheegay inay xataa mararka qaarkood dhacdo in caagadaha caanaha lagu soo qaado dib loogu rido lacagta lagu iibiyo, iyada oo laga yaabo inay dhici karto in caagadihii oo aan la maydhin haddana lagu soo shubo caanihii cusbaa.

Dr. Yaasiin waxa uu intaa raaciyey in qoyskan ku sumoobay caanuhu uu yahay qoyskii todobaad ee usbuuc gudihii la keeno cusbitaalka, iyaga oo ku sumoobay caano, iyada oo laga yaabo in qoyska ugu yari uu ka kooban yahay dhawr iyo toban qof.

 

Dr. Yaasiin waxa uu aad uga dayriyey xaalad khatar ah oo laga qaadi karo sumow caanaha oo aan si wanaagsan loo kaydin ama weelka lagu kaydinayo la nadiifin.sidoo kale waxa ay warar aan la xaqiijini sheegeen inay jiraan dad u dhintay caano ay ku sumoobeen, hase yeeshee Dr. Yaasiin oo aanu arrintaa wax ka weydiinay waxa uu sheegay inaanay iyagu ogeyn ilaa hadda cid u dhimatay caano ay ku sumoobeen, hase yeeshee waxa uu sheegay inay taasina dhici karto.

 

“Waxa ay caanuhu u baahan yihiin baadhitaan lagu sameeyo sababta rasmiga ah ee keenta sumowga caanaha, haddii aan la baadhina khatartoodu way sii badan doontaa†ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Dr. Yaasiin.

 

Arrinta kale ee xiisaha badan lihi waxa ay tahay Tifaftiraha Wargeyska the Republican oo xalay cusbitaalka joogay, isaga oo halkaa u joogay qof qoyskiisa ah oo la qalayey ayaa sheegay in marka ay gaadho fiidkii ay ragga soo booqanaya bukaanka cusbitaalka ku jira ay sii yaraadaan, halka ay dumarkuna soo bataan, balse aanay tirade booqdayaasha bukaanka ee dumarka ah ee badan faa’iidadoodu yartahay, iyaga oo aan xataa sharaab yarna u sidin bukaanka cusbitaalka ay ku soo booqanayaan.

 

 

Wasiirka Waxbarashada oo shaaca ka qaaday waqtiga loo fadhiisanayo imtixaanka sannad-dugsiyeedka 2004-2005 ee dugsiyada sare iyo dhexe

 

Hargeysa (Jam)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, Md. Xasan X. Maxamuud Warsame (Xasan-gadhweyne), ayaa shaaca ka qaaday in imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo kuwa dhexe uu si rasmi ah u bilaaban doono 25 June, 2005, guud ahaanba dalka Somaliland.

 

Md. Xasan-gadhweyne, oo shalay saxaafadda ugu warramayey xafiiskiisa waxa uu sheegay in imtixaanka ay u fadhiisan doonaan dugsiyada sare ardayda fasalada 4aad oo tiradoodu dhan tahay 1501 arday, halka dugsiyada dhexena ay u fadhiisan doonaan 3793 arday, taas oo tirada guud noqonayso 5295 arday.

 

Wasiirku waxa uu xusay in ay imtixaanka ku jiraan dugsiyada gaarka ah shan dugsi oo sare iyo toban dugsi oo hoose/dhexe.

 

Md. Xasan-gadhweyne, waxa uu intaa ku daray Wasaarad ahaan in ay gobollada iyo degmooyinka dalka u diri doonaan telefoono, si ay ugu wargeliyaan maalinta imtixaanka loo fadhiisanayo. “Sida oo kale,†ayuu yidhi; “waxa aanu u soo jeedinaynaa inta ay khusayso imtaxaanka in ay u diyaargaroobaan.â€

 

 

Hay’adda SWISS GROUP oo Wareejisay Mashaariic ay fulisay

 

Hargeysa (Jam)- Hay’adda Caalamiga ah ee Swiss Group ayaa shalay ku wareejisay Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Dugsi Hoose/Dhexe iyo Labaatan Baytalmay [suuli] oo ay ka dhistay Tuulada Gatitalay oo ka tirsan degmada Oodweyne ee Gobolka Togdheer.

 

 

Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay Duleedka Bari ee Tuuladaas looguna tallo galay in lagu wareejiyo Mashaarciidaas ay SWISS Group ka hirgelisay deegaankaas, ayaa waxa ka soo qayb galay Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Somaliland Md. Ismaaciil Muxumed Madar, Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Md. Cabdi Xuseen Dheere, Maayarka Degmada Oodweyne, Dadweynaha Deegaanka Gatitalay iyo Maamulka iyo Shaqaalahay Hay’adda SWISS Group.

 

 

Maareeyaha Mashruuca Biyaha iyo Fayo-dhawrka ee Hay’adda SWISS GROUP Mr. Alfred Mink, oo Munaasibadaas hadal kooban ka jeediyay, ayaa ugu horayn uga mahadnaqay dadweynihii ka soo qayb galay Munaasibadaas, isaga oo markiiba muujiyay sida uu ula yaabay uuna ugu faraxsanyahay Deegaanka Gatitalay oo hadda barwaaqo ah.

 

 

Mr. Mink, waxa uu sheegay in Hay’adda SIWSS GROUP, shaqo badan ka fulisay deegaanka Gatitalay, “Waxa laga dhisay Dugsi ka kooban Laba Fasal, Suuliyo iyo Berkado lagu sameeyay dib u cusboonaysiin, waana shaqo wanaagsanâ€, ayuu yidhi Mr. Mink, waxaanu intaas raaciyay in Hay’adda SWISS GROUP, aanay ahayn Qandaraaslayaal, “Laakiin,†ayuu yidhi; “Waxaanu nahay Taageerayaal wax taageera, oo hawsha dad ayaa qabta laakin annagu dusha ayuun baanu kala soconaa kana taageernaa. Idinkana (Reer Gatitalay) la’aantiin waxba lama qaban karo markaas waxaanu idinka doonaynaa taageero badan.â€

 

 

Mr. Mink, waxa uu sheegay in wixii baahiyo ah ee jira ay dadka deegaankaasi ku soo gudbiyaan qoraal, isaga oo xusay in Hay’adu marka ay deristo qoraalada ay soo diyaariyaan ay wax ka qaban doonto wixii ay wax ka qaban karto.

 

 

Maareeyuhu waxa uu guud ahaan dawladda Somaliland ka codsaday inay yeeshaan tallo wadaag si ay uga wada shaqeeyaan Horumarinta Baahiyaha jira.

 

 

Ugu dambayn waxa uu marlabaad u mahadnaqay dadweynaha Reer Gatitalay.

 

 

Waxa iyana Munaasibadaas ka hadashay Mrs. Maria Huger, oo ka mid ah Madaxda Sare ee Hay’adda SWISS GROUP, taas oo ka timid dalka Switzerland, waxaanay ugu horreyn muujisay sida ay ugu faraxsantahay Munaasibadda loo sameeyay Mashaariicda Hay’adeedu wareejisay.

 

 

Waxa ay sheegtay in marka la eego, dhismayaasha kala duwan ee SWISS GROUP, ka fulisay deegaankaas ay muuqato in isbedel weyni ku soo kordhay guud ahaan dadka ku nool Tuuladaas, gaar ahaan dhinacyada Caafimaadka, Biyaha iyo Waxbarashada.

 

 

Mrs. Maria, waxa ay sheegtay in caawimadu ay tahay arrin muhiim ah, iyada oo sheegtay inay waajib tahay in la iscaawiyo oo la is kaashado si loo kala faa’iidaysto loona gaadho jid Horumarineed, “Dadku waxa ay Gacanta ku bartaan Maskaxdana ay ku hayaan waa wax weligii jiraya oo noqon kara dhaxal looga tago Ubadka,†ayay tidhi Mrs. Maria, waxaana ay intaas ku dartay, “Hawshan ay SWISS GROUP wadaa waa in marka hore ay farsamada keento dadkuna ka bartaan, marka dambena ay dadku halkaas hawsha ka sii ambo qaadaan.â€

 

 

Ugu dambayn, Mrs. Maria, waxa ay sheegtay inay aad ugu qushuucday qaabka shalay loola kala wareegay mashaariicdaas iyada oo sheegtay inay rajaynayso inay mar kale ku soo noqoto dalka Somaliland.

 

 

Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Somaliland, Md. Ismaaciil Muxumed Madar, oo Munaasibadaas goob joog ka ahaa, ayaa si guud mar ah uga waramay marxaladihii kala gedisanaa ay soo martay Waxbarashada Somaliland, “Markii burburku dhacay, ka dib waxa dib loo aasaasay waxbarashada Somaliland sannadkii 1993, Ardaydii lagu bilaabayna waxa ay ahayd 10,000 Arday, Dugsi dhisanina ma jirin oo Geed ayaa Sabuuradda la sudhayay Ardayduna dhagaxaan ayay ku fadhiisanayeen,†ayuu yidhi Wasiir ku xigeenku, isaga oo intaas ku daray, “Maantana Ardayda Dugsiyada Hoose ku jirtaa waxa ay marayaan 120,000, kuwa Dugsiga Sare ku jiraana waxa ay ku dhow yihiin ilaa 20,000 oo Arday.â€

 

 

Guddoomiyaha Gobolka Togdheer, Md. Cabdi Xuseen-Dheere, oo isna Munaasibadaas hadal kooban ka jeediyay, ayaa sheegay in Maadaama uu yahay Guddoomiyaha guud ahaan Gobolka Togdheer uu si weyn ugu faraxsanyahay Mashaariicda Hay’dda SWISS GROUP ka hirgelisay Gatitalay.

 

 

“Marka hore waxaan anigu u Mahadnaqayaa Illaahay marka labaadna hay’addan SIWSS GROUP, ee Mashaariicda ka hirgelisay Gatitalay,†ayuu yidhi Md. Cabdi Xuseen-Dheere.

 

 

Guddoomiyuhu waxa uu ka codsaday Maamulka Hay’adda SWISS GROUP, inay sii kordhiyaan dedaalka dhinaca Mashaariicda ah ee ay wadaan, “Waxaan ogahay guud ahaan in SWISS GROUP gobolkan Togdheer wax ka badan qabteen iyo Tayadda Dugsiyada ay sameeyeen inuu ka wanaagsanyahay dhisamayaasha ay fuliyeen Hay’adaha kale ee wadanka joogaa, waanay ku mahadsanyihiin. Waxaan leeyahay mar haddii aanu ka mahadnaqayno wixii aad noo qabateen isku daya inaad kordhisaan,†ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.

 

 

Waxa isna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Tuulada Gatitalay Oday Yuusuf, oo si weyn ugu mahadnaqay Hay’adda SWISS GROUP, isla markaana ka codsaday inay sii wadaan Mashaariicda ay ka fuliyeen deegaanka uu odayga u yahay ee Gatuutalay.

 

 

Waxa kulanka shalay ka hadashay Marwo Nuura Magan oo ah Madaxa SWISS GROUP, ee Hargeysa, waxaanay dadweynaha reer Gatitalay uga mahadnaqday sida ay ula shaqeeyeen mudadii ay hawsha Mashaariicda wadeen, “Anigu waxaan jeedinayaa Mahadnaq aan u dirayo dadka reer Gatitalay oo aan uga mahadnaqayo sida ay u soo qaban qaabiyeen,†ayay tidhi Marwo Nuura, waxaanay intaas ku dartay oo ay kula dardaarantay dadweynaha Gatitalay inay daryeelaan dhismayaasha laga hirgeliyay deegaankooda. Waxa ay Marwo Nuura si gaar ah ugu mahadnaqday Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Togdheer, Mr. Ibraahim, oo ay sheegtay inuu yahay shakhsigii u horeeyay ee ka codsaday inay dugsiyo ka dhisaan Deegaanada Gobolka Togdheer.

 

 

Waxa iyana Munaasibadaas hadalo kooban ka jeedisay Marwo Saciida Cabdillaahi Askar, oo ka mid ah Saraakiisha SWISS GROUP.

 

 

Dadweynaha Reer Gatitalay ayaa iyagu shalay soo bandhigay ciyaaro hiddo iyo dhaqan ah, iyaga oo madashii Munaasibadu ka dhacday ka horsameeyay ciyaaro hiddo iyo dhaqan ah oo dadkii Martida ahaa ay jeclaysteen.

 

 

Ardayda Dugsiga SWISS GROUP dhistay wax ku barta ayaa iyaguna halkaas ku soo bandhigay Riwaayad ka hadlaysay Nadaafadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this