Sign in to follow this  
Member-sol-

warlord C/qeybdiid oo tababr u furi doona maleeshiyada maxkamadaha

Recommended Posts

Tababar loo furayo Ciidamada Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya

 

Arbaco, February 11, 2009(HOL): Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen.Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in inta aysan dhamaanin bishan tababar loo furi doono ciidamada Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya.

 

Jen. Cabdi Qeybdiid waxaa uu sheegay in ay mar hore bilaabatay xareynta ciidamada mileteriga dowladda, dhawaanna ay bilaaban doonto xareynta Ciidamada Booliska, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay Ciidamadaas ka kala imaanayaan Dowladdii TFG-da iyo Xoogaggii ka soo horjeeday oo haatan ku wada midoobay Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya.

 

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa uu sheegay in Ciidamadaas marka uu tababarka u soo dhamaado ay wax weyn ka qaban doonaan ammaanka dalka Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

 

Dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa u qorsheysan in ay 10 kun oo Ciidamo Soomaaliyeed ah ay wax uga qabato arrimaha Soomaaliya, kuwaasi oo qaabeyntooda ay haatan gacanta ku hayaan guddiyo ammaanka qaabilsan oo ka tirsan Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Dowladda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa shalay isagoo warfidiyeenno kula hadlayay Xarunta Villa Somalia waxaa uu sheegay in gacanta lagu hayo qorshayaal wax looga qabanayo amni darrada ka jirta Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, wuxuuna rajeeyay in si dhaqsi ah ay dadka Soomaaliyeed u dareemi doonaan amni iyo kala dambeyn.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhagaxtuur iyo Shaaweeye oo kamid ah gudiga amaanka ee Sheekh Shariif magacaabay

 

-------------------------------------------------- ------------------------------

Published: 11 February 2009

 

 

KN:Gudi ka kooban 9 xubnood oo la sheegay inay tunka u ridanayaan nabadgaliyada magaalada Muqdisho ayaa waxaa magacaabay madaxwayanaha TFG Sheekh Shariif, waxaana gudidaasi Cabdifataax Ibraahin Shaaweeye iyo Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur.

 

 

Gudidan oo gudoomiye u yahay Dhagaxtuur ayaa Sheekh Shariif u igmaday inay gacan bir ah ku qabtaan amniga gobolka Banaadir. Dhagaxtuur ayaa ka mid ahaan jiray Isbahaysigii Ashahaado la dirirka ee dagaalka adag la galay horaantii 2006 Maxkamaddaha Islaamiga ee Sheekh Shariif Amiirka u ahaa xiligaasi.

 

 

Dhagaxtuur iyo Shaaweeye waxay sidoo kale ka qayb qaateen xasuuqii shacabka Muqdisho u gaysteen gumaysiga macatab ku dirirka ah, waxayna ka mid ahaayeen ragga darbiga u ahaa ciidamadii Itoobiya ee wadanka ka qaxay kadib markay u adkaysan waayeen dhamacda iyo cadaabka ay dhadhansiinayaan Mujaahidiinta Soomaaliyeed.

 

 

Lama oga sababta ku kaliftay Sheekh Shariif inuu amaanka magaalada u magacaabo raggii danbiga wayn ka galay Shacbiga Soomaaliyeed, waxayse u muuqataa talaabo kale oo Sheekh Shariif u qaaday dhinac dalab leh.

 

 

Sheekh Shariif ayaa soo booqday caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa kadib markii loo doortay xilka madaxwaynenimada dawladda TFG taasoo dad badan ay ku noqotay fajac, amakaag iyo filanwaa. Ilo ku dhaw Sheekh Shariif ayaa tibaaxaya inuu xilka ra’iisul wasaarenimada u magacaabayo Cabdirashiid Cirro oo ahaa nin ay aad isugu dhawyihiin dawladda Itoobiya iyo madaxwaynihii hore ee TFG Col. Cabdullahi Yuusuf.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Isbaarooyin ay leeyihiin saraakiisha dowlada KMG ah oo si aad ah loogu dhibo dadka

 

 

Waxaa baryahan danbe aad u soo badanaya cabashada ka soo yeereysa dadka iyo wadayaasha gaadiidka ee isticmaala wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

 

 

Ilaa 2 Isbaaro oo aad isugu dhow ayaa yaala wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan Ex Kontorol, Isbaarooyinkan waxaa jooga dhalinyaro xiran dareyska ciidanka, waxayna dadka ka qaadaan lacago baad ah oo aad u fara badan, iyadoo ay intaasi dheertay hanjabaadyada ay u soo jeedinayaan dadweynaha.

 

 

" Magaraneyno marka aan ka baxeyno dhibkaan, xoogaagii aan ciyaalkeena u soo shaqeysano ********taan baa naga qaadata, aawey muqaawamadii may naga qabtaan tuugtaan" sidaas waxaa ku catowday haweeney degen Ceelasha biyaha oo xoogaa ay wadatay looga dhacay Exkontorool.

 

 

Dhinaca kale waxaa si xowli ah ku soconaya dhaca dadka loogu geysanayo qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, meelaha dadka sida aadka ah loogu dhibaateeyo ayaa kala ah, Waaberi, X/Jajab, X/weyne Shangaani iyo Shibis, waxaana goobahaas dadka ku dhaca Maleeshiyaadka dowlada KMG ah.

 

 

Arimahan ayaa ku soo beegmaya xili Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed uu magacaabay gudi amni oo Madax looga dhigay Gudoomiyaha gobolka Banaadir, mana jirto wax ilaa iyo hada laga qabtay xaga amaanka.

 

 

Dailypuntland Station

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this