Sign in to follow this  
Wiilo

Documenti Sir Ah::: Fadlan Warbixintan Akhriso::: Jeelka Hargeisa Iyo Wadaada-da

Recommended Posts

Wiilo   

Documenti Sir Ah::: Fadlan Warbixintan Akhriso::: Jeelka Hargeisa Iyo Wadaada-da

 

(Laascaanood}30.09-06Documentigan ayaa ka xogwaramaya xaalada jeelka hargaysa iyo dadkii lagu eedeeyey in ay argagixiso yihiin waa sida uu maamulka lamagac baxay Somaliland ku tilmaamay. Documentigan ayaa waxa ka muuqda wadaado ku xidhan jeelka hargaysa oo sixun loo garaacayo, jidhdil foolxun ayaa lagula kacayaa wadaadan, Qoorta iyo Macdanta ayaa koronto lagag hayaa sida filimkan ka muuqata . ....................................................

 

Waxaa ka mid ah wadaadadan la jidh diloyo sheikh Maxamed Shiikh Ismaaciil oo ah wadaad hargaysa u dhashay .

 

Shiikh Maxamed Ismaaciil waxa uu ku dhushay magaaalada Hargaysa sanadku markii uu ahaa 1959 kii , waxbarashadiisii quraanka, dugsiga hoose, kandhexe iyo ka sareba waxa uu wadaadku ku qaatay magaalada Hargaysa .

 

1986 waxa uu ka baxay oo uu dhamaystay Jaamacadda Muqdisho kuliyadda Xnaanada Xoolaha.

 

Markii dawladii Soomaaliyeed burburtay waxa uu shiikhu kamid ahaa dadwaynihii Soomaaliyeed ee barakacay, waxana uu shiikhu bilaabay in uu shiikhu dadka baro culuumta shareecada islaamka .

 

Sanaddii 1995 teer iyo 1998 waxa uu shiikhu macalin ka ahaa Macadkii Islaamiga ahaa ee Ceerigaabo.

 

Sheekhu waxa uu ku soo bartay cilmiga loo yaqaan (saykoolajiyadda) .

 

Wakhtiyadii u danbaysayna shiikhi waxa uu ku caanbaxay soomaaliduna ay ku taqaanay in uu dadka ku daaweeyo Dibiga Islaamika dhirta daawada leh, oo waxa uu shiikhu hargaysa ka yagleelay xarun cilaaj oo balaadhan .

 

Hadaba jidhdilid xoogan ayaa sheeka iyo asxaabtiisaba loogu gaystaa jeelka hargaysa .

 

Muuqaaladan ku lifaaqan warkan waxay muujinayaa sida ay askartu u jidhdilayso wadaadka .

 

Waxaa kamid ah culimada kaleeto ee jeelkaa ku xidhan ee ciqaabta loogu gaysto.

 

Maxamed Maxamuud Nuur .

 

Daa’uud Saalax Iidle Cilmi

 

Jaamac Kuutiye

 

E.G Axmed Cilmi

 

Indhacadde - Oo isku dayey in uu jeelkaa ka baxsado, laakiin ay isuuroobi wayday-

 

Muuse Cali Yuusuf oo isga naafo culisi ay gacmaha ka soo gaadhay cadibka lagu hayey awgood.

 

Isku soo wada duub oo Shiikh Maxamed Shiikh Ismaaciil iyo ragiisa in la ciqaabo oo jidhdil loo gaysto waxaa Somaliland kaga danbaysa Itoobiya, hadaba toloow aayaha danbe ee ragani muxuu ku danbayn doonaa? Ma xabashi baa loo dhiibi doonaa, kadibna maraykan oo hoygoodu waxa uu noqon doonaa jeelka naxariista daran ee Gontanaaba bey?

 

Mise Akhristooow, ragan ahlu diinka ah xukuumada Hargaysa wadadooday u banayn doonaan ?

 

Shacabka reer waqooyiga iyagu ma raali bay ka yihiin waxyaabahan foosha xun ee lagula kacayo culimadooda ?

 

mise shacabku way ka diirilahaayeen oo waa shacab muslin ah, ee maba dhaadana xaqiiqda dhabta ah ?

 

 

Halkan Ka Daawo War Bixin Argagax Leh::::!

 

I don't think if this link works...but check this out plx.

http://www.widhwidh.com/html/modules.php?name=News&file=article&sid=5776

 

 

 

info@Widhwidh.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this