Sign in to follow this  
Suldaanka

Hadraawi: Xog, Talo Tusaaleyn for Ina Riyaale

Recommended Posts

Gudoomiyihii ergadii dhexdhexaadlnta Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa soo saaray warbixin dheer oo qoraal ah oo xanbaarsan talooyin culus oo si toos ah ugu socda Madaxweyne Rayaale iyo hoga tusaalayn guud oo ka dar-daar warinaysa xaaladda dhinacyada kala duwan ee dalku maanta ku suganyahay, oo u baahan ka hor tegid wax ka qabasho iyo toosin. Qoraalka Abwaan Hadraawi soo saaray oo aad u dheeri waxa uu u dhignaa sidan:

 

 

"Sida laga warqabo waxaa dhawaan magaalada Hargeysa laga aloosay abaabul ku wajahan dhexdhexaadinta dhinacyadii isku maandhaafay talada dalka. Gaar ahaan golayaasha, mucaaradka iyo muxaafidka ama axsaabta siyaasiga ah iyo madaxtooyada, Waxaa laysku deyey in dhinacyada is haya ee isu iman kari waayey ama iyagu heshiin kari waayee la isu soo jiido, khilaafka iyo waxay isku hayaana loo kuurgalo ama lala ogaado, si yuhuun, niyadsami wada shaqayni ka dhalato loo helo, taasoo maslaxad u noqon lahayd dalka iyo dadka. Dhexdhexaadintaas rag baa iyagu isu xilsaaray, umadduna way ku garab taagnayd.. Guddida dhexaadintu waxay ku dheeraatay dhabbadhabbayn iyo inay dhinac walba kol ama laba ama saddex goor gooni ula kulanto si ay u ogaato dareenka dhinac walba ka jira iyo waxa dhinac walba xal u arko. Dhinacyadii is hayey waxay muujiyeen dareen xanbaarsan yididiilo, waxay balan qaadeen in dhinac waliba fuliyo waxa guddida dhexdhexaadintu soo garato.

 

Ka dibna waxaa suuragashay in madaxtooyada, golaha wakiilada, golaha guurtida, labada xisbi siyaasi (UCID iyo KULMIYE) laysa soo hor fadhiisiyo, hawshaa iyada ah qaybtii macnaha weyn yeelan lahayd laguma guulaysan. Anigoo ka mid ahaa Guddida isu xil saartay waawaan raadinta waan ka warqabay in qalad meelo badan iyo siyaabo badan u jiro. Laakiin waxaan muddadii dhexdhexaadinta ku baraarugay in khaladka ugu weyni ka jiro madaxtooyada, madaxtooyaduna waxay ahayd inay noqoto wado xaadhan oo loo sii maro sixida khaladada jira. sidaan filayo khaladka madaxtooyada ka jiraa kulligii salka kuma hayo badheedh iyo qab-qab dhaafay, waxaa ii baxay in madaxtooyada aqoon la'aani ka jirto oo aanay kaba warqabin hannaanka dawladnimo iyo macnaha ay xanbaarsan yihiin ereyada dawladnimo iyo madaxtooyo. Waxaan ogaaday in aragtidada madaxtooyada ka jirtaa aanay dhaafsiisnayn, tuducan gabayga ah:

 

Garashadu hadday ruux latahay,

Suu u garanaayo,

Garaadkiisu suu qabo,

Haddii loola garan waayo,

Gardarruu u qaataa ninkii yidhi

gaaraadkiis.

Labada magac, dawladnimo iyo madaxtooyo waxaa haboon in si xeeldheer loo faaqido, ka dibna iyadoo qoraal ah lagu dhejiyo kursiga madaxweynaha hortiisa, balse iminka aan isku koobo dhawrkan qodob ee hoga tusaalaha ah.

 

-Madaxtooyadu waa huga, hoyga iyo haybadda umadda.

-Waxay astaan u tahay macnaha iyo milgaha dawladnimo

-Waa halbowlaha iyo xididada dhiigga is dhaafdhaafiya ee marba dhan u talowsha.

-Madaxtooyadu waa barta laga ilaasho, lagana saxo khaladka soo dhexgala hay'adaha dawladda

-Waa majaraha iyo majiiraha geeddi socodka qaranimo lagu jiheeyo,

-Waa muraayad gudaha iyo dibaddaba ku wajahan oo ummad qaranimadeeda laga daawado, wufuuda caalamka debeda ka timaada mar walba socodkoodu wuxuu ku salaysan yahay war doon.

 

War raadintooda waxay ku horeeyaan madaxtooyada sida la wada ogyahay, marka horeba waxay indhaha ku dhuftaan Madaxweynaha iyo xafiiskiisa. Inta aan arimaha rasmiga ah loo daadegin haasaawaha hordhaca ah ayey fekrad kaga qaataan madaweynaha. Marka rasimaga la gudo galo waxay u fiirsadaan abaarta madaxweynaha, arinta uu ka hadlayo iyo habka iyo hanaanka uu uga hadlayo. Haddii madaxweynahaas kalsoonidu ka lunto su'aalo iska soo hor jeeday ku weeraraan markaasay marba si u hor cararaan. Haday gawaan raac, marin hababin ama buunbuunin ka dareemaan waxaa u caado ah inay buruud shiilaan oo ay duur-xul dhaliilihiisa ugu sheegaan. Runta ay qiimayntooda ku salaynayaan waxay kala soo dhex baxaan beenta uu ku gabado hadba waxay madaxtooyada kala kulanto ayaa dadka iyo dalka faa'iido ama khasaare u ah.

 

-Marin habaabinta, buunbuuninta iyo beenta madaxtooyo sheegto ayey kala soo dhex baxaan runta iyo xaqiiqda dalkaas ka jirta

-Sida lagu yaqaano madaxtinimadu waxay leedahay milgo, asluub iyo astaan ilaalisa haybada kursiga iyo xilkaas madhaafaanka ah.

-Waxaa madaxtinimada lagu yaqaan is dhawrid iyo afgobaadsi iyo had iyo jeer abbaar sugan oo qorqoran.

-Erey kasta oo ninka umada u caleemasaarani yidhaahdaa waa rasmi, kefed iyo miisaan buu saaran yahay, wixii qadafa ama meel kadhaca lagama aqbalo.

-Ninka madaxda ah Hadalkiisu waa in aanu ku miimin hasaasaha iyo haloosiga suuqa dhex qaadaya.

-Madaxtinlmadu inta badan kama jawaabto wax kasta oo iyada wax ka sheegaya, haddii ay ka jawaabtana waxay kaga jawaabtaa hab iyo hanaan aan madax banaanayn lyo weliba hubsiimo si degan loo yidhaahdo.

-Madaxtinimadu ma beeniso mana dadafayso, muran ma geliso wixii gar ku ah. Hadii sidaas lagu barto waa dhaliil wayn oo lafa jab ah dhinaca kalena garashadu waxa ay ina bartay in aan run mutuxan xadhko caabiyaa jirin.

-Madaxtinimada erey kasta oo lagu yidhaahdaa kama hadliyo oo dareenkeeda ma shido.

-Jawaabta Madaxweyne bixiyaa ma haboona inay marwalba noqoto maya iyo ma jirto.

-Madaxtooyada iyo kursiga madhaafaanka ah nuxurka iyo dhadhankaa ka luma haday wax walba ka jawaabto, ama arimaha si fudayd ku jiro u gasho.

-Marwalba qofka Madaxtooyada wax ka sheegaa ma khaldana, canbaarayn iyo caardumina uma jeedo dhaliilaha runta ahna laguma horjoogsan karo ereyo afdhabaandhab ah iyo weliba dardaar werin aan cidna lagu didinkarayn.

-Madaxtooyadu iska mooska dhaliilaha loo soo jeediyo waxay u yeelataa

Wasiiro, kuxigeeno iyo af-hayeeno iyo cid Madaxweynaha uga fara dhuudhuuban oo arimahaas ka hadasha.

-Ma aha in marin laga dhigto in qofkasta oo hadla Madaxtooyadu boodhka ku liqdo si ay iyadu gar iyo gardaro u guulaysato.

-Macne kuma jiro in Madaxweynuhu noqdo keeb la yuurur runta ka indha qarsada.

-Qaranimadu halis bay ku jirtaa hadii ninka u bokhrani caado ka dhigto, anafo iyo aar goosi ama qaado cudurka la yidhaahdo kal-didsan oo uu arin kasta laalo si mar walba loo sii kala fogaado.

 

Sidaan marar badan u idhi madaxtinimadu:

 

tooghayn iyo feejignaan bay leedahay,

odoros iyo awaal-deyis bay leedahay,

samir iyo dulqaad bay leedahay,

tasaamux iyo tanaasul bay leedahay,

Isla day-dayid iyo maxay dantu ku jirtaa bay leedahay,

Siday nolol iyo nabad gelyo ku jiri kartaa bay leedahay,

In lafaha laguro xaragana aan laga tegin bay leedahay,

Dugsi iyo daar gobanimo bay leedahay

Xishmo iyo is xaqdhawr bay leedahay

Xirib iyo xeer ilaalin bay leedahay

Cadaalad iyo garsoor la dugsaday leedahay

Erey la dhaafiyo dib u dhigashay leedahay

Dugaal iyo damal la hadhsaday leedahay

Digtoonaan iyo daymo fog bay leedahay

Intaas iyo in ka badan bay leedahay.

 

 

Hadal sal buu leeyahay, biyo gororka sheekada iyo ujeeddada aan maqaalkan uga gol leeyahay, waa in madaxtooyada digtooni iyo aqoon siyaasi ahi ka jirto oo aanay indhaha shacabka iyo indhaha caalamka maro xuub caaro ah (khafiif ah) ka hagoogan. Waxaan madaxweynaha mar kale ka codsanayaa in raga miisaanka leh ee Qaran si niyadsamiyi ku jirto uu u sii daayo, waxaan ogahay in madaxweynuhu sidaa yeeli karo isagoo aan geed ku xoqosho iyo cudur daarro keenin, mar haddii hannaanka dalku ku socdaa yahay qarba-boosh, xeer jajab, gola ka fuul, la jiifiyaa iyo la joojiyaana banaan. Waxaan mar kale madaxweynaha u soo jeedinayaa in ragaas si xushmad leh loo sii daayo oo aan xorriyaddooda lagu sii dhegin, xaquuqda siyaasiga ahna aan waxba lagu gudbin.

 

Madaxweyne, waxaan kugu baraarujinayaa inaad qodabadan hoga tusaalaha ah dhinaca wanaagsan iska taagto si aad u ogaato inaan adiga kula jiro oo aanan kaa soo horjeedin. Madaxweyne aniga hay Jawaabin ee qaranimada kuu yeedhaysa u jawaab. Qof kasta oo dareeen wadaniya leh waxaa kashiisa lulaya werwer ku saabsan xaalada dalka iyo dadku ku sugan yihiin, haddii culayskaas dadka saarani sii foondhaafo waxaa la filaaba waa in xaajaba faraha ka baxdo, waana masuuliyad aan berito laga baxsanayn ama aan si fudud lays kaga leexin karayn. Nin kasta oo masuul ah waxa uu isu min guuriyey iyo malihiisu waa been hadii masuuliyada uu hayaa ay lunto. Masuuliyada ugu weyn ee dalka iyo dadku waxay saaran tahay Madaxweynaha iyo golihiisa wasiirada xaajo cad iyo xisaabtana way danbeeyaan haddii la noolaado.

 

Dhiilada aan guud ahaan umadda ku baraarujinayaa waxa weeye, sida ay u sii gurmayso iyo sida ay u baraad la'dahay waa kaaf iyo kala dheeri, arintu halka ay ka fadhidaa waa kaalinta hogaaminta iyo shacabka oo aan meel laba ka soo gelin talada dalka.

 

Qofba wuxuu ku dagan yahay

Halkuu daacad kaga hadho

Nin kastoo dardaro kulul

Dabar lagu ceshaa jira

Diin kastuu la soo shiro

Dacwad baa ka furan kale

Dunta Bili nin lagu xidhay

Dabin loogu yimi bahal

Haddii aano loo dilo

Doqoniimo ugu filan

Cirka sare nin degeshaday

Dayixiyo marmarijirey

Xiddigaha la deriska ah

Markuu hoos u soo dego

Dhulku wuu dirsoocaa.

 

U danbayn, maansadan waafaqsan dulucda ujeedada iyo xaalada jirta, waxay ka hadlaysaa xeerka nolosha iyo waajib gudashada Bani'aadamka korkiisa la saaray iyo haddii waajibkaa la gudan waayo guul-darrada imanaysa, maansadan soo socota magaceeda waxaa la yidhaahdaa:

 

 

Maansadan soo socota magaceeda waxaa la yidhaahdaa:

 

SARDHO KULUL

 

Marka hore salaantii

Socotada u meel tiil

Marka xiga sideedii

Duni iyo su’aasheed

Labadeeda sooyaal

Sidig nirig wadaagtiyo

Isa saaran maahee

Samo xumo hor joogiyo

Laba kala sokeeyoo

Kala seeran weeyaan,

 

 

Haddaan suubban loo deyn

Sumaddeeda dhalashada

Kala sooca labadaas

Duni lagula saayirin

Sinji doorinteedaan

Runta laga sal gaadheyn

 

 

Haddii fool sawaabkiyo

Lagu wado far iyo suul

Waxa Aadmi soli kara

In siyaasad lagu furo

 

in sabaansab lagu furo

Nin ku seexday waa yaab

Xaqu waa sunniyo faral

 

Marna waa sir iyo caad

Misna waa sal iyo baar

Camalkaa sed lagu xidhay

Qofba saami mudan yahay,

In sinnaanta laga dhigo

Kala soof in gudashada

Qofba dhinac ku sare kaco

Rabbi waa Samaalee

In samaan u xilashada

Samihiisa lagu helo

Samo samo la dhaafishiyo

Sare iyo tu hoosiyo

Isa sudhan ha noqotaa

Sababuhu u dhacayaan

 

 

Noloshuna ka samirkiyo

Ha sabbayso maahee

Sifo lagu daryeeliyo

Suxul lagu ilaashiyo

Sacab lagu horjoogiyo

Suntan malab ka luliddaa

Hiyi lagu sarbeebaa

 

 

Sebennada xujeynta ah

Wakhtiyada saboolka ah

Qofku inu sarriigtiyo

Inu saanta raransado

Sabirkaw dhexeeyoo

Sado waxay macaantahay

Marka loo sid tiriyoo

Qofba saakadiisaa

Ku sargo’an runtiisee

Waxan suuro geli Karin

In yaqiinta lagu sugo

Marba xadhig la soohiyo

Haddaan seeto loo hayn

Naftu way sawaxantaa

Hadday saar ku nool tahay

Marka saabku madhan yahay

Saxarkay ka gubataa

Subaxday gurracantahay

Haddba surin qalloociyo

Salawgay ku dhacantaa

Marba suun in lagu xidho

Laga jiro su’aalaha

Sal fudaydku weheshado

Cishadeeda lagu simo

Sooryaadeedu waa taas

 

 

Duni iyo sureerkeed

Iyo sawrac guurkeed

Sabo lagu negaadiyo

Sumbbo aan dab lagu shidan

Hadba kay ku sugan tahay

Innagaa ka sahanoo

Dabinkiyo sursuuraha

Ha ku socoto maahee

Haddii suurka loo tumo

Saymaheeda meel yaal

Innagaa ku Soconoo

Qof sansaanka muuqdiyo

Sadarada akhriyayaa

Belo saadin maayee

Sanqadh buu ka digayaa

Selel lagu dareemee

Hadba taan la sidan Karin

Sahal lagama yeeshee

Ku saliya Rasuulkii.

 

Run-saluugga fara badan

Suruc baa ka beermoo

Kol hadday ku sabayaan

Col sariirta diidiyo

Saqda dhexe fal-gunudadu

Talo kuuma sarinsana

Siduu doono yeeloow

Kol haddaanad suurayn

Sababaha lurkaaga ah

Runi kuuma saafnee,

Sannadaha cimrigu galo

God sagaal jir lagu dedo

In siddeetan lagu qodo

Ka sadqayso weeyee

Kol hadday ku seegeen

Saddexdii ammaanood

Sayidnimadu sheekiyo

Iska sidasho maahee

Sidaad doonto yeelkaa

 

 

Sixir baa hor kacayee

Kol haddii mugdigu simay

 

Sumuc loogu mala deyey

Soddonkeeda maalmood

Sahwi iyo xanuun tahay

Ninka lihi ka saahiday

Culimada safkeediyo

Weliyada sancayntiyo

Nin siraata yeelkii.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this