Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Development Started - Officially Announced

Recommended Posts

Waxaa maanta lagaga dhawaaqay shir maanta la isugu yimi xarunta Gobolka ee magaalada Laascaanood in dibudhis lagu samaynayo xarumaha Dawlada ee ku yaal Gobolka intooda badan oo ay hadda ay soo baxeen mashaariicdaasi iyo waliba wadada laamiga ah ee min Guumays ilaa Tukaraq.

 

 

Mashaariicdan oo hadda soo baxday ayna wadeen wafdidii maalintii shalay soo gaadhay magalaada Laascaanood ayaa waxaa laga dhigay sadex madax oo loo kala dhiibay saddex masuul oo kasoo kala jeeda beelaha loo qaybsaday mashaariicda Gobolka.

 

 

 

Mashaariicdan ayaa waxaa kamid noqonaya dibudhis lagu samaynayo saldhiga dhexe ee magaalada,guriga Gobolka,guriga qaybta Police-ka iyo waliba wadada laamiga ah inta u dhaxaysa Guumays ilaa Tukaraq taas oo aan helin wax dayac tir ah tan iyo intii ay dhacday Dawladii dhexe ee dalka.

 

 

 

Mashaariicdan oo hadda si dhaqso ah uga bilaabmaya Gobolka ayaa waxa ay noqon doonaan wajiga koobaad ee mashaariico fara badan oo ku saabsan hurimarinta Gobolka Sool taas oo ay dadku si wayn usagayeen una soo dhawaynayaan.

 

 

 

Hadaba maashaariicdan maanta lagaga dhawaaqay in labilaabayo guriga Gobolka sida ugu dhaqsaha badan maalmaha fooda inagu soo haya ayaa waxa ay noqon doonaan mid ay dadka deegaanku si wayn usoo dhaweeyaan haddii sida loogu talo galay ay ubaxaan lagagana dhabeeyo wax qabad mashaariicahaasi.

 

 

 

Ehem

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this