Sign in to follow this  
General Duke

HE President Yusuf's speech at the opening of NRC

Recommended Posts

shir2.jpg

 

Muqdisho: Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo khudbad dheer ka jeediyay furitaanka shirka dib u heshiisiinta Qaran “Khudbadii oo sideeda u qoran”

15. July 2007

 

Muqdisho (AllPuntland)- Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta khudbad dheer ka jeediyay furitaanka shirka dib u heshiisiinta Qaran oo maanta si rasmi ah ugu furmay magaalada Muqdisho,iyadoo khudbadii bilowgeeda uu Madaxweynaha ku dheeraaday ka sheegeynta Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan isagoo ergadii shirka ka codsaday in hal daqiiqo loo istaago loona aqriyo Faatixo, waxaana aqristayaasha sideeda ugu soo gudbineynaa khudbadii Madaxweynaha waxayna u qorneyd sidan:

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Speech of the leader part 1

 

“Tan iyo markii ay Dowladda Federaalka KMG ah dalka u soo guurtay, waxaa la inkiri karin in Soomaaliya uu isbedel la taaban karo ka dhacay, waxaan maanta aragnaa magaaladii caasimada ahayd ee Muqdisho oo isku furan, mideysan, noloshii iyo adeegyadiina ay soo noolaanayaan. Sidoo kale ammaanka guud ee dalka waa sii fiicnaanayaa, dagaaladii beelaha iyo xaafadaha Muqdisho iyana waa soo afjarmeen.

 

Dowladnimo iyo sharciyad baa maanta ka talisa dalka haddii Eebbe idmana waa sii xasili doontaa Soomaaliya, hase yeeshee howsha Soomaaliya ee ammaan iyo siyaasadeed weli ma dhameystirna, waxaan go’aansanay inaan intii karaankeena ah dadaalno, wixii nagu cuslaadana aan ugu qanacsanahay shacabka Soomaaliyeed u soo bandhigno lana kaashano, waayo waxaan si buuxda ugu qanacsanahay in shacab weynaha Soomaaliyeed uu wanaag doonayo dalkiisana badbaadinayo haddii fursad loo siiyo” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

 

“Dowladda Federaalka KMG ah waxay idiin ballanqaadeysaa:

 

•Iyadoo lagu shaqeynayo axdiga KMG ah ee Qaranka, talooyinkii wax ku ool ah ee shirweynuhu isku raaco inay tixgelin doonto, rabitaanka dadweynaha Soomaaliyeedna fulin doonto.

 

•In qof kasta oo idin ka mid ahi uu leeyahay ra’yigiisa, xorriyaadkiisa oo buuxa iyo xuquuqdiisa wadaninimo.

 

•Inaan qof Soomaali ah oo xaqiisa, qeybtiisa iyo kaalintiisa la duudsiin doono ama la dafiri doono aanu jirin. Dowladduna ay diyaar u tahay wax qeybsi ku saleysan miisaanka Axdiga iyo maslaxad caam ah.

 

Waxaan maanta shirweynaha isugu nimid inaan adduun weynaha u caddeyno in Soomaalidu ka talin karto aayaheeda wanaagsan iyo inaan muujino inaan ummadnimada iyo wadaniyadii Soomaaliya ayan dhiman, halkaan waxaan ku kala tegi doonaa haddii Eebbe idmo inagoo ka xaajo boganay sida ugu fiican ee dowladdani ku dhaqi lahayd Soomaaliya mudada KMG ah nabadana uga islaaxi lahayd Soomaaliya iyo inagoo isla meel dhignay oo isla garanay sida dowladdani dalka ku dhaqi doonto kuna gaarsiin doonto doorasho xor ah.

 

Mudanayaal iyo marwooyin, markii shirweynahan laga reebo marar badan oo kale ayaa dowladdani ku qasbanaan doontaa inay shacabka Soomaaliyeed rabitaankooda weydiiso kuna dhaqanto, waxaan jeclahay inaan idin la wadaago barnaamijka dowladdu fulin doonto mudada KMG ah sida uu farayo Axdiga KMG ah, waxaa halkaa idinka cadaan doonaa in mudada KMG ah sideedaba loogu talagalay in shacabka Soomaaliyeed ka taliyo aayihiisa, mar haddii ay taasi idiin cadaatana ma jirto wax ku qasbi kara in qof Soomaali ahi dagaal joogto ah oo macne la’aan ah uu sii wado.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Speech of the Leader Part 2

 

Dowladdani waxaa horyaala inay fuliso howlahan soo socda:-

 

•In la dhiso dowlad goboleedyo ku saleysan rabitaanka dadweynaha.

 

•Inay si degdeg ah u diyaariso dastuurkii lagu dhaqi lahaa Soomaaliya iyada oo la kaashaneysa hay’ado iyo khubaro caalami ah ugu dambeyneysa guddi wadani ah oo dastuuri ah oo axdigu u xilsaaray dadweynaha iyo degaankaba, waxaa la weydiin doonaa ra’yigooda.

 

•Markii qoritaanka dastuurka la dhameystiro waxaa loo qaadi doonaa afti caam ah oo Soomaaliya oo dhan ah si loo dhaqan geliyo ama loo diido aftida furan oo caamka ahi waxay iyana muujin doontaa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo waxa ay u rabaan inay sharci iyo xeer ka dhigtaan.

 

•Waxaa Soomaaliya oo dhan laga fulin doonaa tirakoob ballaaran oo caam ah.

 

•Arrintaasi waxay suurtagelin doontaa in Soomaaliya loo qeybiyo kuraasta Baarlamaanka si siman iyadoo lagu saleynayo tirada shacabka, waxay kaloo asaas fiican oo laga cabiraad qaato u noqoneysaa in Soomaaliya laga hirgeliyo nidaamka federaalka ah.

 

•Markii intaas la fuliyo waxaa la furayaa xisbiyada siyaasiga ah oo nidaam hufan oo aan hubeysneyn iyo keli talisnimo toona ku saleysneyn.

 

•Taasina waxay dalka gaarsiineysaa markii mudada KMG ahi dhammaato in doorasho caam ah oo xor ah ay Soomaaliya ku soo doorato dowladeeda iyo madaxdeeda.

 

Walaalayaal muwaadiniin, waxaan idiin caddeynayaa in Soomaaliya jujuub iyo xoog wax ku raadin ay ka dhammaatay, waxaa dadweynuhu ka caban jireen dowlad Soomaaliyeed oo ra’yigooda tixgelineyn xoogna ku maamuleysa arrimahooda iyo aayahooda.

 

Hadda waxaa taagan taa bedelkeeda oo ah in dowladdii kari la’dahay qeybo shacabka ka mid ah inay xaqooda ku qaataan si loo ogol yahay oo nabad ah oo dimoqraadiyad buuxda ah, talada haboon ee Soomaaliya waxay ka bilaabataa fadhigiinan maanta, inkasta oo wakhti badani inooga lumay is qabqabsi macno darro ah oo aan loo baahneyn, waxaa loo baahan yahay in wakhtigan adag ee na soo food saaray ugu gudubno si nabad ah oo dulqaad iyo isu samir leh.

 

Dad badan oo shisheeye iyo sokeeyaba lihi wadnaha ayay farta ku hayaan iyagoo ka baqaya in taladu na seegto oo is dilida iyo dagaalka macno darrada ah sii wadno kaddibna nabadda Soomaaliya baaqato.

 

Shaki iigama jiro in shirweynahan Qaran sii xoojinayo kalsoonidii ummadda Soomaaliyeed soona noolaaneyno rajadii beesha caalamka uu ka qabay in shacabka Soomaaliyeed dhibaatada heysata uga bixi karo markii talada faraha laga soo saaro shacabka.

 

Mudanayaal iyo marwooyin, hadaan nahay mas’uuliyiinta Soomaaliya, dalkeeniina uu ku sugan yahay xaaladda aan kor ku soo sheegay waxaa inala gudboon inaan ummadda u horseedno soo celinta nabaddii, Qaranimadii iyo midnimadii wadanka iyo sidii ay u hanaqaadi laheyd Soomaalida cusub, iyadoo lagu fulinayo marxalado kala duwan, lana door bidayo adeegsiga dariiq kasta oo nabada, dulqaad iyo degenaan ah.

 

Waxaan adduun weynaha iyo hay’adaha caalamka iyo dowladaha aan saaxibka nahay ka codsanayaa inay nala garab galaan meel marinta qorshaha degdegta ah ee aan ku dhiseyno tayada hay’adaha dowladda, qorshaha dhexe ee aan ku soo celineyno nidaamka iyo kala dambeynta, kuna dhalineyno nabad waarta iyo qorshaha ku aadan dib u dhiska iyo horumarinta dalka.

 

Waxaan kaloo ka codsanayaa inay wax nagala qabtaan abaaraha ba’an ee ka jira gobolada dalka qaarkood oo ay gurmad degdeg ah oo xag walba ah u fidiyaan dadka tabaaleysan.

 

Waxaan mahad ballaaran u soo jeedinayaa shacabka Soomaaliyeed oo meel walba oo dowladdu tagtay si qiiro iyo bogaadinba leh ugu soo dhoweeyay tan iyo intii ay u soo guurtay dalka, waxaa jiritaanka dowladda udub dhexaad u ahaa taageerada shacabka Soomaaliyeed oo muruq iyo maalba leh iyo samirka iyo biseylka ay muujiyeen waa inaad kalsooni buuxda ku qabtaan inaan ku howl jirno badbaadintiina iyo sidii karaamadiinii iyo sharafteenii u soo noqon lahayd, waxaan shacabka Soomaaliyeed ka codsanayaa inay nabadda qaataan oo ay soo afjaraan colaadaha sokeeye ee ka oogan gobolada qaarkood, waxaan ku rajo weynahay kuna dadaaleynaa in haddii Eebbe idmo sanadkani noqdo kii ugu dambeeyay oo ummadda Soomaaliyeed ku hoos noolaato colaad iyo ammaan darro.

 

Waxaan magaciina mahad ballaaran ugu jeedinayaa dalalka saaxibka ah iyo beesha caalamka ee taageeray nabadeynta iyo dib u soo nooleynta gobanimada ummadda Soomaaliyeed, mudanayaal iyo marwooyin dhammaantiin waad mahadsan tihiin

Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG Soomaaliya

Cabdullaahi Yuusuf Axmed

Share this post


Link to post
Share on other sites

“Stop the fear, you will die when your destiny ends” said president Yusuf when Ali Mahdi Mohamed, the chairman of the reconciliation conference whispered to him to finalize the speech as mortar shells slammed in an area not far from the conference venue.

A tough man indeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The former website of warlords, clan courts and looters as usual try to play up the violence.

However this was the latest from Dayniile.com

 

Illaa 4 madfac oo Hoobiyeyaal ah oo ku soo nawaaxiga madasha shirka dib u heshiisiinta xilli uu khudbad jeedinayay M/weyne Yuusuf

(Madaxweynuhu ma naxay oo khudbadii ma joojiyay mise wuu sii watay.?

The answer.

 

Madaafiicdan ayaa ku dhacday qeybo ka tirsan degmooyinka C/casiis iyo Shibis, kuwaasoo aan ku dhoweyn goobta shirka balse si weyn ay u maqlayeen xubnihii ka qeyb galayay shirka dib u heshiisiinta Qaranka.

 

Markii ay dhaceen qaraxyadan ayaa madaxweynaha laga codsaday inuu soo gaabiyo khudbadiisa furitaanka aheyd oo aad u dheereyd, balse wuxuu yiri madaxweynuhu.

“Adeer naf walba goortii ALLE u qadaro ayay go’eysaa, ee adinka ma baqdeen” ayuu yiri madaxweyne Yuusuf oo sii watay khudbadiisii illaa uu ka dhameysto

Share this post


Link to post
Share on other sites

the motar shellings start during the speech. he didnt even finish the speech.

 

as usually, some one came and whispered into his ear..."its raining again", then the whole thing was folded.

 

sorry homie, better luck next time. i feel you pain brotha, all that clan dreams up in smoke. lol

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia interim president Abdulahi Yusuf said today he had finished three years in the office with political violence and will stay in power for the next two years with boldness and unyielding rule as the national peace conference was adjourned to Thursday after today’s mortar attack around the venue of the talks.

Adeer we provided the text of the speech in full, stop clutching to straws. :D

 

Here is saxix ala Dayniile.

 

Markii ay dhaceen qaraxyadan ayaa madaxweynaha laga codsaday inuu soo gaabiyo khudbadiisa furitaanka aheyd oo aad u dheereyd, balse wuxuu yiri madaxweynuhu.

 

“Adeer naf walba goortii ALLE u qadaro ayay go’eysaa, ee adinka ma baqdeen” ayuu yiri madaxweyne Yuusuf oo
sii watay khudbadiisii illaa uu ka dhameysto.

Rudy dont get desperate now adeer ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed,qudbadii uu ka jeediyey madasha shirka

“Tan iyo markii ay Dowladda Federaalka KMG ah dalka u soo guurtay, waxaa la inkiri karin in Soomaaliya uu isbedel la taaban karo ka dhacayaudio

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Yeey-Axmaar: ““Waan ogahay dad ku fekeraya waqtiga ka dhameeya Dowladda Federaalka
DABADEENA IDINKU WAX QABSADA
, u suurtoobi meyso, weligeedna kala bixi meyno haddeysan hadda nabadda qaadan oo aysan dadkooda dhinac ka raacin”

Caqli xumaa wuxu!!!dugaag waaba ka liitaa. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Indeed he is sending the right message.

 

shir14.jpg

 

"In 2 years and 9 months, I have humbled all the warlords including Xasan Dahir, Qaynyare, IndaCade and others.

 

Today I sit in Mogadishu doing the national job of restoring peace security and governance.

 

I have two years left, thus if you think you will spoil it think again. Every trick you play, I have others much better.

 

Go on do send your cries from Asmara

 

Who else has the balls to sit through mortars everyday and yet succeed. :D

 

"

 

Only ina Yey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

Originally posted by rudy:

the motar shellings start during the speech. he didnt even finish the speech.

 

as usually, some one came and whispered into his ear..."its raining again", then the whole thing was folded.

 

sorry homie, better luck next time. i feel you pain brotha, all that clan dreams up in smoke. lol

The word resistance Rudy in my little pocket dictionary has a very close meaning to that....

 

RESISTANCE: A Darwiish force that makes its goal to oppose Dabodhilifs or cuts clanish fervor and speeches shorter very fast..

 

Six months and counting, what is the exit starategii yaa DAbodhilifs????

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^What success mortars that killed or maimed innocent families?

 

You must be having a laugh, its Mogadish that hosts 1300 delegates from across the country and all you have are fireworks. :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this