Sign in to follow this  
General Duke

Dr.Khaalid Cumar Cali: Sharif Xasan knows nothing about constitution

Recommended Posts

Nairobi: Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Mudane Khaalid "Guddoomiyaha Baarlamaanku aqoon uma laha ama waa iska indha tirayaa waxyaabaha ku qoran Axdiga Qaranka iyo Xeer Hoosaadka Baarlamaanka ..." Warsaxaafadeed--

- Saturday, May 14, 2005 at 13:15

 

Nairobi(AllPuntland)- Warsaxaafadeed uu maanta ka soo saaray xafiiskiisa magaalada Nairobi Wasiiru dawlaha Madaxtooyada DFKMG ah ee Soomaaliya Mudane Khaalid Cumar Cali ayuu kaga jawaabayey waraysigii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka FKMG ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan siiyey Idaacadda BBCda laanteeda afka Soomaaliga oo uu ku sheegay insaysan sharci ahayn go'aankii ay golaha baarlamaanku gaareen 11May 2005,ta warsaxaafadeedkaasina waxa uu u qornaa sidaan:

 

Bayaan

 

Anigoo tixraacaya waraysigii afhayeenka baarlamaanka Soomaaliyeed uu siiyey Idaacadda BBC-da laanta Af Soomaaliga shalay oo taariikhdu ahayd 13 May 2005 ee uu ku sheegay in aan Madaxweynuhu sharci u lahayn in uu Baarlamaanka isugu yeero iyo in aanu sharci ahayn go'aammadii golaha Baarlamaanku gaaray 11 May 2005,ayaa waxan halkaan ku cadaynayaa in Afhayeenka Baarlamaanku aanu ogayn ama uu iska indha tirayo waxyaabaha ku qoran Axdiga Qaranka iyo Xeer hoosaadka Baarlamaanka.

 

Haddaan u gudbo muujinta iyo soo bandhigida qodobada sharci ee ay ku qotomaan tallaabooyinkii Madaxweynaha,Xukuumadda iyo Baarlamaanku qaadeen 11 May 2005 waa sidaan hoos ku qoran:-

 

1) Sharcinimada kulan aan caadi ahayn oo Madaxweynuhu isugu yeero Baarlamaanka

 

a)-Qodobka 34-aad farqadiisa 2-aad ee Axdiga Qaranka KMG ah wuxuu qorayaa in kulan aan caadi ahayn ay Baarlamaanka isugu yeeri karaan Madaxweynaha ama 1/3 xubnaha Baarlamaanka,labada codsiba Afhayeenka gacanta ayaa laga geliyey ,waana diidey.

 

b)-Qodobka 5-aad farqadiisa T,J iyo X ee xeer hoosaadka Baarlamaanka wuxuu qorayaa in kulanin kulan aan caadi ahayn ay Baarlamaanka isugu yeeri karaan Madaxweynaha ,Xukuumadda iyo 1/3 xubnaha Baarlamaanka,saddexda codsiba Afhayeenka gacanta ayaa laga geliyey ,waana diidey.

 

2) Sharcinimada kulan Baarlamaan oo qabsooma Guddoomiyaha oo aan ka soo qaybgelin

 

a)-Qodobka 38 farqadiisa B iyo C ee Axdiga Qaranka wuxuu qorayaa in haddii Afhayeenka Baarlamaanku fadhi Baarlamaan ka maqnaado ay fadhiga jeerinayaan(Guddoominayaan)mid ka mid ah labadiisa ku xigeen ,haddii ay saddexdooduba maqnaadaana in goluhu iska dhex dooranayo shir guddoon KMG ah.

 

b)-Qodobka 12-aad farqadiisa 1-aad iyo 3-aad ee xeer hoosaadka Baarlamaanku wuxuu qorayaa in haddii Afhayeen ka maqnaado fadhi Baarlamaan sabab kasta ha u maqnaadee in hawshiisa ay qabanayaan ku xigeennadiisu,haddii saddexdooduba maqnaadaana goluhu iska dhex dooranayo shir guddoon KMG ah.

 

Haddaba ,iyadoo ay habboon tahay in mas'uuliyiinta Qaranku ay ka dhowrsadaan ku xadgudubka iyo been ka sheegidda shuruucda dalka ayaa waxaan filayaa in Ummadda Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkuba ay si cad u fahmi karaan in kulankii uu Baarlamaanka Soomaaliyeed yeeshay 11 May 2005 iyo go'aanadii ka soo baxayba ay sharci ku qotomaan isla markaana aanay shuruucda Adduunka iyo kan Soomaaliyeedba aanay jirin meel ay ku qoran tahay in shaqada iyo danaha ummadu qof u xayirnaadaan.

 

Wa Bilaahi Towfiiq

 

Md.Dr.Khaalid Cumar Cali

 

Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada

 

 

 

Warintii wariye Iimaan Cali Cabdi

 

AllPuntland, Nairobi

 

 

 

War La Xiriira

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoomiyihii Baarlamankii C/qaasim oo ku baaqey in xilka laga xayuubiyo Shariif Xasan

 

Xudur-14.May.2005 Guduumiyihii Baarlamankii Xukuumadii uu Madaxweynaha ka ahaa C/qaasim Salaad Xasan oo haatan ah Wasiirka Dastuurka iyo arimaha Federaalka ee DFKMG ah ee Soomaaliya Cabdalla Deerow ***** aya ka Hadley arimaha la isku hayo ee ka taagan fadhigii ugu dambeeyey ee dhawaan ay yeesheen Xildhibaanada baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya.

 

Cabdalla Deerow ***** oo isagoo ku sugan Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool la soo xiriirey Idaacada SBC ayaa wuxuu si kulul u dhaliiley Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan waa sida hadalka uu u dhigey’e in uu ku xadgudbey qodobo ka mid ah Axdiga KMG ah ee Soomaaliya.

 

Wasiirka Dastuurka iyo arimaha Federaalka Cabdalla Deerow ***** wuxuu ku tilmaamey Shariif Xasan in uu yahay Nin jeebka gashadey dastuurkii, isla markaana ay haboon tahay in si deg deg ah xilka Gudoomiyaha Baarlamanka looga xaytuubiyo.

 

Cabdalla Deerow ayaa doodiisa ku aadan in xilka laga xayuubiyo Shariif Xasan wuxuu ku tilmaamey ama uu cuskadey isagoo waa sida uu hadalka u dhigay’e iska dhaga tirey dalabyo ku aadan in uu kulansiiyo Xildhibaanada Baarlamanka KMG ah ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay in mudo 2 bilood ah uu diidanaa in baarlamanku uu fariisto si buu yiri ay uga hadlaan danaha qaranka iyo maslaxada Ummada.

 

Cabdalla Deerow wuxuu ugu dambeyntii ku eedeeyey Gudoomiyaha Baarlamanka KMG Shariif Xasan in uu doonayo burburinta DFKMG ah ee Soomaaliya oo dhismaheeda laga wadey dalka Kenya mudada labada sano.

 

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamanka KMG ah Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa wuxuu ku adkeysanayaa in isugu uu ku taagan yahay dhabaha saxda ah, isla markaan auu yahay kan isugu yeeri kara Xildhinaanada Baarlamanka KMG ah, isagoo saxaafada wareysiyo kala duwan oo uu siiyey ku eedeeyey Madaxweynaha waa sida hadalka uu u dhigeye in uu ku xadgudbey shaqadiisii, balse taasi Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Dastuurku uu fasaxayo in uu isugu yeero Baarlamanka.

 

C/qaadir Maxamed Nuunow

SBC Monitoring.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Waxaa ayaandarro lala yaabo ah in Deeroow oo isagu ku doodayey in xilligii Dowladdii Carta ay si ka baxsan sharciga xilka uga qaadeen C/Qaasim iyo kooxdiisu markii uu khilaaf soo kala dhexgalay uu haddana maanta ku talinayo in muwaadin Soomaaliyeed oo kale oo xil haya sidaas oo kale loo galo. Waxaaba taas ka sii daran in Deeroow lagu eedaynayo in isaga iyo rag kale oo dowladda wasiirro ka ah ay dagaal ka abaabulayaan degaannada Bay iyo Bakool.

 

Arrimahan kor ku xusan iyo kuwo la mid ah oo mar kasta dhacaba waxay marag ka yihiin ninka Soomaaliga ah indho-adaygiisa iyadoon weliba wax diiwaan ah oo qofka Soomaaliga ah falkiisa iyo oraahdiisa la geliyo aysan jirin oo ruux waliba wuxuu shalay ahaa iyo wuxuu geystayba aan la fiirinayn waxayse dhabtu tahay inta aan saan ku jirno in riyada rajo-soo-celinta Soomaaliya ay tahay mid aan caqli gal ahayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ Sharif is wrong and if he is unable to do the job then he must go. Just because he is Somali does not mean he has the right competency for the job. Its up to the Parliment but I agree with Deerow on this. If the dude continues with this type of behaviour then he must exit as soon as.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Brother Duke Sharif might appear wrong on your eyes and others like Deerow but not to many. Anyway, my comment was not to say whether Sharif was right or wrong but to show you the total hypocrisy and contradiction surrounding the Somali politics.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salaan...

 

There is a widely circulated rumour that within weeks the old man's, C/llaahi Yuusuf's, shrewd plan of unseating Shariifka will be tried; but to the contrary of widespread belief, Sheekh Aadan Madoowe won't be who is going to replace, but an outsider, who isn't a member of exiled parliament yet. However, the old man is going to fall at his own set trap, and surely his nominal "admistration" will be toppled by none other than the underestimated Shariifka.

 

The old man hasn't changed, isn't flexible and compromising enough and still does act in his old dictatorship, Soviet-schooled mentality: bullying, intimidating and exhorting. As I wrote before, again and again: Meeshuu ku gaaro dabeecadaas hala arko. Awkoombe wuxuu horay u dhahay, "Ninkii soo joog laga waayo soo jiif ayaa laga helaa."

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^MMA, Sharif's card was Mogadishu a no go zone he belived the warlords would protect him, however Geedi proved Mogadishu is accessable and that with Aydeed Jr and Mr Dheere they have enough muscle to be rechoned with. The Igad troops are coming adding more clout to the government position.

 

Its not Shariff but the Mogadishu big men who will be the big target, for this man is only a tool, once they feel the heat they will no doubt abandon him..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by General Duke:

^^^ Sharif is wrong and if he is unable to do the job then he must go.

Loooooooool...! What job do u want him to do, suck up to your uncle..? Once agin you clearly demonastrate how naive you are in politics. You thing everything good circles around your uncle...dont worry you will wake up to reality soon. Yeey has played his card and now Sharif has the upper hand...sit and watch how things are done and learn.. :D:D

Mogadishu is accessable and that with Aydeed Jr and Mr Dheere they have enough muscle to be rechoned with.

Onjce again like a coward you are counting on the powers of others .. :D .

And hey what were you looking for in Geedi's visit to Xamar, for him to be killed or wat? Just cause he was welcomed and went and returned safely does not satisfy you?

Share this post


Link to post
Share on other sites

In shalaah I want to see Jum And Duc when these game finishes where they stand as somalinimo.

 

 

Daroogo iibshe/beenaale Shariifxasan ----> Jum

 

Dhiigya cab/kaligii taliye C/Yusuf------> Duk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this