Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: President Yusuf led delegates land in Bay meets with MP's

Recommended Posts

C/laahi Yusuf oo gaaray Magaalada Baydhabo.

 

Madaxweyneha dowladda KMG ah C/laahi Yusuf Axmed iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.Madaxweyneha ayaa sheegay inuusan jiri doonin wasiir uusan ansixin isagu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Deg Deg:Madaxweyne Yuusuf & wafdi uu hogaaminayo oo Baydhabo tagey

 

Madaxweynaha dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhaweyd waxay ka degeen magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

 

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa ka soo duulay magaalada Jabuuti ee caasimada Jabuuti halkaasi oo ay ku sugnaayeen ilaa iyo maalinimadii shaley, waxaana socdaalka C/laahi Yuusuf uu ku soo aadayaa xili halkaasi uu dhaqdhaqaaq ka wadey Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) oo xusul duub ugu jira sidii Baarlamanka KMG ah uu u ansixin lahaa xubnaha wasiirada cusub ee uu magacaabay.

 

Warar dheeraad kala soco SBC International

Share this post


Link to post
Share on other sites

yusuf1.jpg

M/weyne C/Yuusuf oo soo gaaray Baydhabo

 

Baydhabo, Somaliya (Calanka.com) 05-Desember-08

 

Madaxweynaha dowladda federalka SOmaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa goor dhaweyd kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, halkaasoo ey kusoo dhaweeyeen masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda.

 

Diyaaradda madaxweynaha iyo wafdigiisa keentay Baydhabo ayaa la sheegayaa in ey kasoo qaaday magaalada Jabuuti oo uu ku sugnaa mudo hal cisho ah.

 

Amaanka wadooyinka iyo xarunta madaxtooyada ayaa la adkeeyay, waxaana wafdiga madaxweynaha loo kexeeyay xarunta madaxtooyada ee magaalada Baydhabo.

 

Magaalada Baydhabo ayaa xarun u ah barlamaanka Somaliya, waxaana ku sugan inta badan xildhibaanada barlamaanka iyo gudoomiyahooda.

 

Safarka madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya xilli uu jiro khilaaf aad u weyn oo u dhexeeya isaga iyo ra`iisal wasaaraha dowladda federalka.

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Yuusuf & wafdi uu hogaaminayo oo ka dagay Magaalada Baydhabo .

 

Madaxweynaha dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhaweyd waxay ka degeen magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

 

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa ka soo duulay magaalada Jabuuti ee caasimada Jabuuti halkaasi oo ay ku sugnaayeen ilaa iyo maalinimadii shaley, waxaana socdaalka C/laahi Yuusuf uu ku soo aadayaa xili halkaasi uu dhaqdhaqaaq ka wadey Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) oo xusul duub ugu jira sidii Baarlamanka KMG ah uu u ansixin lahaa xubnaha wasiirada cusub ee uu magacaabay.

 

Email Story Printable

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Yuusuf & wafdi uu hogaaminayo oo ka dagay Magaalada Baydhabo .

 

Madaxweynaha dawlada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhaweyd waxay ka degeen magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyey.

 

Madaxweynaha iyo wafdiga la socda ayaa ka soo duulay magaalada Jabuuti ee caasimada Jabuuti halkaasi oo ay ku sugnaayeen ilaa iyo maalinimadii shaley, waxaana socdaalka C/laahi Yuusuf uu ku soo aadayaa xili halkaasi uu dhaqdhaqaaq ka wadey Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) oo xusul duub ugu jira sidii Baarlamanka KMG ah uu u ansixin lahaa xubnaha wasiirada cusub ee uu magacaabay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Yusuf "Wasiiro aan aniga ansixin Wasiiro ma noqon karaan, cidii sharciga ku xadgudubta mas'uuliyadeeda ayay qaadeysaa" .

 

Decembar 5 2008 Radiofreesomalia.com

 

Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yusuf Axmed ayaa mar kale muujiyay heerka uu taagan yahay khilaafka baahsan ee u dhaxeeya isaga iyo Ra'iisul Wasaaraha, isagoona mar kale ku celiyay inaan aanay Xukuumad dalka ka jirin.

 

Madaxweyne Yusuf ayaa Magaalada Jabuuti ka sheegay in Wasiir uusan isaga ansixin aanay Wasiir noqon karin, waxaana uu ka digay in cidii ku xadgudubta sharciga ay qaadeyso mas'uuliyada darada ka timaada ansixinta Wasiiradaas oo uu haatan loolan ugu jiro Ra'iisul Wasaaraha.

 

"Wasiiro aan aniga ansixin Wasiiro ma noqon karaan, cidii sharciga ku xadgudubta mas'uuliyadeeda ayay qaadeysaa, sharci iyo dastuur ayaa dalka noo yaala, waana eegi doonaa Baarlamaanka waxa uu ka yiraahdo"ayuu yiri Madaxweyne Yusuf oo intaa ku daray inuu isagu uusan cidna cambaareyneyn isla markaana uu aamusan yahay

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo: Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo ka dagey Magaalada Baydhabo ee xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

5. december 2008

 

Baydhabo(AllPuntland)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed oo duhurnimadii maanta ka soo duulay Magaaladan Jabuuti ayaa diyaaradii siday ay caga dhigatay Magaalada Baydhabo ee xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed waxaa siweyn ugu soo dhaweeyey Magaalada Baydhabo mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee ku sugan Magaaladaasi iy dadweyne fara badan.

 

Amaanka Madaxweyne Yuusuf ayaa aad loo adkeeyey maanta, waxaana la xiray inta badan wadooyinka soo gala Magaalada Baydhabo, waxaana amaanka adkeeyey ciidamada qalabka sida ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Yuusuf ayaa bilaabay kulamo kala gedisan oo uu la leeyahay gudoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna kala hadlayaa xaaladaha qalafsan ee ka taagan gudaha dalka Soomaaliya, siiba khilaafaadka dhinaca Sharciga ah ee ka taagan Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 6-dii saacadood ee lasoo dhaafay joogay dalka Jamhuuriyada Jabuuti, waxa ayna kula kulmeen dalkaasi Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay kala hadleen sidii wax looga qaban lahaa dibu heshiisiinta dalka Soomaaliya.

 

Imaanshaha Madaxweynaha Soomaaliya ee Magaalada Baydhabo ayaa markale ka dhigaya Magaalada Baydhabo, goob xarun ah Siyaasada dalka Soomaaliya siiba waxaa lafilayaa in ay todobaadka soo socda baarlamaanka Soomaaliya yeeshaan kulamo xasaasi ah oo wax looga qabanayo xaaladaha Siyaasadeed ee Soomaaliya.

 

Intii ay baarlamaanka Soomaaliya kooramkiisu joogeen Magaalada Baydhabo, wuxuu Madaxweyne Yuusuf usheegay Mudanayaasha baarlamaanka ee waqtigaasi ku sugnaa Nayroobi in ay si deg deg ah ugu laabtaan dalkii Soomaaliya si loo dhiso Xukuumad Qaran.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Baydhabo ka degay

 

Jimco, December 05, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo saacadihii aynu ka soo gudubnay ku sugnaa Dalka Jibouti ayaa maanta wuxuu degay magaalada Baydhabo oo fariisinka KMG ah u ah Baarlamaanka Soomaaliya.

 

Madaxweynaha oo ay la socdeen xubno Xildhibaano ah oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweeyay mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo Baydhabo horay u sii joogay.

 

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay sabab la xiriirta socdaal uu madaxweyne Yuusuf ku tegay. Lama oga in Madaxweynaha uu waqti dheer sii joogi doono Magaaladaas iyo in uu meelo kale uga sii gudbi doono.

 

Socdaalka uu Madaxweynaha ku tegay magaalada Baydhabo ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo la qorsheynayo in Baarlamaanka Soomaaliya la hor-geeyo Heshiis awood qeybsi ah oo ay Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta garabka Jibouti, kaasi oo qodobadiisa uu ka mid yahay in la sameeyo Dowlad Midnimo Qaran oo xubnaha Baarlamaankeeda uu gaarayo 550 Mudane.

 

Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu isna Baydhabo gaaray Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), iyadoo safarka Baydhabo ee labada mas’uulna ay dad badan ku fasirayaan in uu la xiriiro sidii ay u kasban lahaayeen kalsoonida Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya. Wararkii ugu dambeeyay ee Baydhabo naga soo gaarayna waxay sheegayaan in uu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde uu isna Baydhabo soo gaari doono saacadaha soo socda.

 

Ugu dambeyntiina, Ammaanka Magaalada Baydhabo ee uu ku laabtay madaxweyne Yusuuf ayaa dhawaanahan wuxuu ahaa mid ay ka dhacayeen falal nabadgelyo darro ah oo isugu jira dilal, qaraxyo iyo weliba weerarro lagu qaado guryaha ay degan yihiin mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Gobolka Bay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

This was to be expected. We have been here before when the novices get excited.

 

The news from Baidoa is very posative, the President is in consultation with the MP's.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwayne cabdilaahi Yuusuf Axmed ayaa Gaarey magaalada Baydhaba ee Fariisinka u ah Dowlada Somaliya

 

Baydhabo-Madaxwaynaha Dowalada Somaliya Mudane Cabdilaahi yuusuf Axmed ayaa Gaarey Magaalada Baydhaba Ee Xarunta Dowalada ku Meelgaarka ah ee Somaliya Waxaana loogu soo Dhowayey Magaalada Badhaba ee Fariisinka u ah Barlamanka somaliya Madaxwayne Cabdilaahi Yuusuf Si heer sare ah,Madaxwayne yuusuf ayaa safarkiisan kaga soo laabtay Dalka Jabuuti ee Jamhuuriyada Jabuuti.

 

Mudanayaasha Baarlamanka ayaa Waxa ay wada leeyihiin kulamo hoose Madaxwayne cabdilaahi yuusuf Axmed Mana jirto cadaymo dhab ah oo ka soo baxaya kulamadaasi iyadoo ay suurta gal tahay in mihiimada ugu wayn ee ay ka wada hadli karaan mudane yuussuf iyo Mudanaysha Baarlamaanku inay tahay xaalada Djabuuti ee wayhanba la hadal hayey.

 

Amaanka Guud ee Magaalada Badhaba ayaa la adkeeyey xiligii uu Madaxwayne cabdilaahi yuusuf ka soo degey garoonka diyaaradaha Ee Magaalada Baydhaba ilaa haatan ma jirto wax Amaandaro ah oo ka dhacay Xarunta Baarlamanka Magaalada Baydhaba.

Mudane yuusuf uma uusan faahfaahin imaashihiisa saxaafada balse waxaa la filayaa inay warar ku aadan Heshiiskii jabuuti iyo hadalo kale oo ka soo baxaya Xarunaha Xukuumada Federalka ah inuu faahfaahin ka bixindoono Madaxwayne yuusuf.

 

 

Maxamed Axmed Ciise

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwaynaha dawlada soomaaliya oo safar kadis ku yimid magaalada baydhabo

Posted to the MOL December 5, 2008, 1:03 pm

 

 

madaxwaynaha dawlada soomaaliya cabdulaahi yuusuf axmed ayaa safar aan horay loo sii shhaacin ku tagay magaalada xarunta u ah baarlamaanka soomaaliya ee baydhabo isagoo kasoo kicitimey dalka jabuuti oo uu safar uguy anbaxay doraad.

 

 

madaxwyeynaha ayaa waxaa kusoo dhaweeyey airportka baydhabo xildhibaano farabadan iyo dadwaynaha baydhabo wuxuuna islamarkiiba kulamo kala gooni gooni ah la yeeshay xubanaha baarlamaanka soomaaliya isagoo kala hadlaya waxyaabihii uguy dambeeyey eesiyaasada dalka soomaaliya iayadoo la anbaqaadayo dhisida xukuumad qaran maadaama haatan aysan jirin xukuumad sharciyana baarlamaanka iyo madaxwaynuhuna aqoonsanayn.

 

 

magaalada baydhabo ayaa waxaa ka socon doona maalmahan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed.

 

 

rabiile Gabanow

 

 

Mudugonline.com Boosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this