Sign in to follow this  
GAAROODI

The World Bank to invest in Somaliland ports, fishing, local government and business

Recommended Posts

GAAROODI   

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Isu duwida Hay’addaha Caalamiga ah Md. Cali Ibraahim Maxamed ayaa shaaca ka qaaday in la bilaabi doono Barnaamij Horumarineed oo kor loogu soo qaadayo tayada iyo Kobcinta Hantida dalka gaar ahaan ta ganacsatada iyo Shirkadaha gaarka loo leeyahay.

 

Wasiirka Qorshaynta Somaliland oo ka hadlayay kulan hal maalin soconayay oo manta kafurmay Hargeysa kaasi oo lagaga hadlayay sidii loo kobcin lahaa ganacsiga xorta ah iyo maalgashiga, waxa uu ka qaybgalayaasha wasiirku ku wargeliytay in Baanka adduunku oo wefti ka socdaa uu wakhtigan dalka ku sugan yahay ay hagayaan barnaamij wax loogu qabanayo dadka leh hantida gaarka ah iyo qaybahooda kaleba.

 

Kulankan oo hal maalin soconayay isuguna yimaadeen ganacsato, shirkadaha kalluumaysiga, beeyada, shirkadaha gaarka loo leeyahay, hay’daha wadaniga, kuwa caalamiga iyo hay’adda baanka Adduunka ee Caalamiga, iyadoo uu kulankani daba-socday mid ka hor Jabuuti ugu qabsoomay oo ay ka qaybgaleen ganacsatada Somaliland.

 

Wasiirka Qorsheynta oo ka hadlay shirkaasi wuxuu ku wargeliyey ka qaybgalayaasha in waftiga baanka Adduunku uu u yimid sidii wax looga qaban lahaa dadka leh hantida gaarka, shirkadaha iyo qaybahooda kaleba.

 

Mudane Cali Sanyare, waxa uu intaa ku daray in muddaba la waday hawshaa waxaanu sheegay in wqaftiga Baanka Adduunka ay u yimaadeen imika sidii ay ula kulmi lahaayeen ganacsatada qaybahooda kala duwan si loo hirgaliyo waxyaabihii hore loogu soo gooyey Jibuuti iyo siyaabihii loo wada shaqayn lahaa.

 

Waxa kale oo uu xusay qoshaynta qaranka ee JSL in barnaamijkani uu ku wajahan yahay meelo badan oo khuseeya shirkadaha gaarka, isagoo sidoo kale Wasiirku ****olka ka qaaday in mashruucani wax wayn ka tarayo dhinacayda kalluumasiga, beeyada iyo dakadda Berbera.

 

Meelaha kale ee Wasiirku tilmaamay in uu wax ka qabanayo barnaamijku, waxa uu ka xusay in uu wax la qabanayo hay’adaha ka hawlgala Nadaafadda magaalooyinka waaweyn oo uu sheegay Wasiirku inay hadda gacanta ku hayaan shirkado la shaqeeya Dawlada Hoose.

 

Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay mashruucu u qaybsan yahay laba qaybood, iyadoo uu sheegay wajiga koowaad si degdeg ah loo bilaabayo lana dhammaystiri doono badhtamah snnadka soo socda, sidaa darteed waxa uu Wasiirku xusay in la fuliyo wixii lagu heshiiyey si loo dhaqaajiyo mashruuca, ayuu hadalkiisu ku soo gabagabeeyey

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

Good News. However dont forget that Peopple are still waiting for the 3million Dollars ghost Investors Promised by Riyaale.Hope this one is genuine.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this