Sign in to follow this  
OLOL

Rift between the PM Ghedi and Yeey

Recommended Posts

OLOL   

waxoo rabaa yeey inuu dagaal cusub ka abuuro xamar? ku lahaa aidiid jr- aan ku bedelaa Ghedi? yaa ka aqrisanaa warkaas? Ghedi xamar oow u soo socdaa - dadkiisaana wata -

 

yeey waa fuleey dhagaroow ah- ku lahaa xudur ha la geeyo caasimadda oo baydhaba ha lagu bedelo- beledweynana jowhar? amxaaro oow ka dhawaan rabaa day hee? yaa ka yeelaa?

 

 

Yeey asaaba u maleeysaa inoow godkiisa qodanaayo -

 

waa la ilbaxay- ma la joogo xiligii "qaybi oo xukun"

 

maskax mudugh weligeed ma lagu meel marin - soomaaliyana midaasaa murugo baday ee yaa mowloow mariirlkaan na mooti!!

 

 

Qilaafka soo if baxaaya oo ka dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra'isul Wasaaraha

 

Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi Oo Ka Baaqsaday Kulan Ay Isugu Imaan Lahaayeen C/Llaahi Yuusuf

 

Waraka ka imaanaya magaalada Nayroobi waxay sheegayaan in kulan ay shalay wada yeelan lahaayen madaxweynaha dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geedi uu baaqday. kulankaana ayaa la sheegay in uu u baaqday kaddib markii uu soo xaadiri waayay Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geedi.

 

Warar ayaa waxay sheegayaan in labada mas’uul ay isku khilaafsan yihiin qaabka ay ugu guureyso dowladdu dalka gudihiisa iyadoo Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geedi uu talo ku soo jeediyay in dowladdu ay guurto magaalada Muqdisho oo uu sheegay in ay tahay caasimada Soomaaliya halka C/llaahi Yuusuf uu ka diidan yahay in dowladdu ay degto magaalada Muqdisho.

 

Warar ayaa waxay sheegayaan in khilaafka uu sii xoogeystay markii C/llaahi Yuusuf uu soo jeediyay in labo magaalo oo ka mid ah dalka ay u guurto, kuwaasoo kala ah magaalooyinka Xudur ee gobolka Bakool iyo Baladweyne ee gobolka Hiiraan. Warar ayaa waxay sheegayaan in C/llaahi Yuusuf uu diidan yahay xitaa in dowladdu ay tagto magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

 

Ayaamaha

 

MADAXWEYNE C/LAAHI YUUSUF OO SOO JEEDIYEY IN GEEDDIGA BAYDHABO LAGU BEDDELO MID KA MID AH MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA (Waa Tee Magaalada Uu Korneylku Miiska Soo Saaray…?

 

Wararka ka imaanaya magaalada Nayrobi ayaa sheegaya in Madaxweyne C/laahi yuusuf uu soo jeediyey in magaalada Baydhabo dagitaankeedii dowladda lagu beddelo magaalada Xudur ee xarunta u ah Gobolka Bakool.

Sida ay sheegayaan ilo wareed oo u dhow dhow Madaxtooyada C C/laahi Yuusuf, Madaxweynaha ayaa qorsheynaya in ay dowladdisu xarun ka sameysato magaalooyinka Jowhar iyo Xudur maadaama magaalada Baydhabo dhibkeedu batay, layskuna haysto dagitaanka dowladda.

 

QARAN PRESS

 

Kulankii Cabdullaahi Yuusuf Iyo Cali Maxamed Geedi Oo Ku Dhamadaay Is Afgaranwaa

 

Kulan saacado qaatay oo ay lahaayeen madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’isul wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa ku dhamaaday is afgarad la’aan kaddib markii labada mas’uul ay ku heshiin waayeen qaabka ay dowladdu ugu guureyso dalka gudihiisa.

Iyadoo Ra’isul wasaare Cali Max’ed uu talo ku soo jeediyay in dowladda ay ka shaqeyso magaalada Muqdisho oo uu sheegay in ay tahay caasimadii Soomaaliya oo aan sinaba looga maarmin.

 

“Mas’uuliyiin fara badan oo dowladda ah ayaa tagay magaalada Muqdisho xitaa waxaa tagay Janaraal Max’ed Siciid Xirsi Morgan†ayuu si cad u yiri Cali Max’ed Geedi oo sheegay in sababaha ay dowladda haatan ugu guuri la’dahay gudaha dalka Soomaaliya ay tahay dhaqaale la’aan. Isagoo sheegay in balanqaadyaddii ay ka filayeen beesha caalamka aysan weli waxba ka soo bixin. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxa uu sheegay in dowladda aysan ku laaban karin gudaha dalka Soomaaliya ilaa ay ka hor maraan ciidamadii hore loo qorsheeyay kuwaasoo uu sheegay in horaanta bisha Juun ay dalka soo gaari doonaan. Isagoo ku adkeystay in dowladdu ka shaqeyn karto magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo. Waxaa la sheegay in madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha kulankoodu uu noqday mid aan waxba ka soo bixin.

 

Ayaamaha

 

Maxaa ka jira in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf qorshaynayo in Xilka ka qaado Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi?

 

Iyadoo weli jiro khilaafka Siyaasadeed ee u dhaxeeya xubnaha Labada Gole ayaa haddana waxaa soo baxaya warar hordhac ah oo ku saabsan in Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Wasiirkiisa koowaad Cali Maxamed Geeddi soo dhex galay Khilaaf Siyaasadeed,iyadoo Labada Nin isku maandhaafeen arrimo ku saabsan Gobolka Banaadir iyo halka dowladda degi doonta sida ay sheegayan warar lagu kalsoon yahay oo laga helay magaalada Nairobi oo Labada nin ku sugan yihiin.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa waxaa miiska u saaran hadda qorshu ah haddii Prof. Cali Maxamed Geeddi ku adkeysto in dowladda u guuri doonta magaalada muqdisho uu xilka ka qaadi doona,iyadoo weliba qorshahan uu yahay mid si weyn u wada dareemeen xubnaha labada gole ee jooga magaalada Nairobi.

 

Warar kale ayaa sheegaya in Geeddi marka xilka laga qaado jagadaas loo Magacabi doona ninka hadda ah wasiirka Arrimaha Gudaha ahna Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Xuseen Maxamed Caydiid oo isna ka soo jeedo Beesha ****** .

 

Lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Yuusuf Azhari ayaa beeniyay arrimahan inay jiraan in kastoo wararkan dhawr Ilo oo muhiim ah laga helay.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
OLOL   

Ghedi baaqa odayaashiisa oow qaatay - xamaroow soo abaaraa- bareekiyo buubtoow soo raacaa beriga beri ah!

 

wax kasta waa la ogaaday sanadkaan biseeylka dadka ee dhinaca siyaasadda wuxuu gaaray ineey ka hor dagaan fikir xun ee qabqablayaasha iyo qowleeysatada tigreega ku qaraabtaan.

 

 

hadii geedi xamar imaado waxoow soo wadanaa ku dhawaad 50 xildhibaan - ku dar 140 soomaliay gudaheeda joogta - iyo 20 jinni boqor hore u qalqaashay - yaa u soo haraayo Yeey ? shaati gaduud, deeroow iyo xasan abshir?

 

 

asaaba xilka la xayuubin doonaa!

 

 

we will see who will be the shot caller and the most influential -

 

markii yeey laga taqaluso - bari iyo boosaaso haduusan boowe cadde muuse ku bariiqan beejo aa igu taal!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
OLOL   

Ma dhici kartaa in madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf uu xilka ka qaado Ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi..??

 

June 03, 2005. HornAfrik. Mogadishu, Somalia.

 

Faarax Aadan Rooble.

Muqdisho, Soomaaliya.

 

Kullamada madaxweynaha dowladda federaalka KMG ee Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed uu ka wado magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo ah halkii lagu doortay welina saldhigga u ah, waxaa ugu dambeeyay kullankii uu beesha Sacad kula yeeshay guriga uu dagan yahay 2diii June 2005, kullankaasoo laga dhex arki karo qaabka madaxweynuhu u isticmaalayo dibu heshiisiinta la sheegay inay tahay mabda’a koowaad ee dowladda federaalka ay ku shaqeyneyso.

 

Waxaa kale oo beryahanba ay soo baxaysay in Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka ah uu damacsan yahay inuu xukuumadda uu u soo raro caasimadda Muqdisho, kadib markii caqabado badan ay ka hor yimaadeen go’aankii ahaa in dawladda ay fadhiisin ka sii dhigato magaalooyinka Baydhabo iyo Jowhar, kadib markii dagaalo ay lug ku leeyihiin madaxda sare iyo xildhibaanada kasoo jeeda Bay iyo Bakool ay isku qabteen inay dastuuri tahay ama Axdiga KMG ah qorayo inay dowladda meel aan ahayn Caasimadda ay ku sii negaan karto, taasna u madaxweynuhu ka biyo diidsan yahay.

 

Inkastoo aan faahfaahin buuxda laga helin waxa dhabta ah ee kullankaasi uu ku saabsanaa, haddana madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf waxa uu sheegay in uu kala hadlayey beesha waxyaabo dan u ah maslaxadda ummadda Soomaaliyeed.

 

Wararka laga helayo ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya inuu madaxweynuhu kusoo qaaday waxgaradkii uu la kulmay sida ay u arkaan haddiiuu Ra’iisal wasaare uu u magacaabo Xuseen Maxamed Faarax “Ceydiid†oo hadda ka ah xukuumada Ra’iisal wasaare ku xigeen iyo wasiirka arrimaha gudaha, fekerkaa oo dad badan u qaateen inu madaxweynuhu mar kale qalqaalinayo dagaal sokeeye oo mar kale beelaha ay ka soo kala jeedaan Ra’iisal wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo ku xigeenkiisa Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid, sida horeba Baydhaba uga dhacday.

 

Waxeyse dad badan oo aqoon u leh arrimaha sharciga iyo axdiga KMG is weydiinayaan sida ay suurta gal ugu noqoneyso madaxweynaha xil ka qaadista Ra’iisal wasaaraha, iyada oo aan u fududeyn sida uu markii hore u soo magacaabay oo kale.

 

Xil ka qaadista Ra’iisal wasaaraha ayaa ku iman karta kadib marka xubnaha baarlamaanka la soo hordhigo mooshin lagu eedeynayo waxqabad la’aanta xukuumadiisa, ayna cod hal dheeri ah ama “Simple majority†isku raacaan in xukuumadiisa kalsoonida lagala noqdo taasoo uu Ra’iisul wasaaruhuna la dhacayo xukuumadiisa.

 

Si kastaba ha ahaatee haddii ujeeddada madaxweynuhu ay sidaa u dhacayso, waxaa muuqaneysa in ay ku jirto mabdi’ii caalamku mar hore iska nacay ee “Qaybi oo xukunâ€.

bulshada Somaaliyeedna ay gaareen bisayl ay kula xisaabtamaan tallaabo kasta oo dawladdu qaadeyso ha ahaadaan xildhibaano, wasiiro, iyo madaxda sare ee uu ku jiro madaxweynuhu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this