Sign in to follow this  
Som@li

General Salad Gabayre, General Ainanshe and Co. AbdulQadir Dheel

Recommended Posts

^Awowe you read a different text book.

 

This men were murdered long before any coup attempt, as soon as Siyaad overthrowed the old regime and took power these were first high officials he ordered to be killed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

[
Qeybtii Labaad ee gabagabadii qormadii ka hadleysay qabashadii Jen. Salaad Gabeyre, waxayna qeybtan ay tahay mid daba socoto oo ka hadleysa Khudbadihii uu jeediyay Jen. Maxamed Cali Samatar kana hadlaya sababibii dhaliyay qabashadii iyo dilkii Gabeyre waana dhamaad.

 

Muxaadaradii Samatar ee xaruntii Jaamacadda Ummadda, kuna tiil agagaarkii Shabeelle.]

 

Bil markii ay ka soo wareegtay shantii May 1971 xaraggii Salaad Gabeyre kadib, xaruntii hore Jaamacadda Ummadda ee ku tiil bartamaha magaalada Muqdisho, waxaa sheeko xiiso badan oo si weyn loo sugaayay, kuna saabsanayd xaraggii Salaad Gabeyre ka soo jeediyay Jeneraal Maxamed Cali Samatar oo markaas isku haayay xilka Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha XDS. Laakin muhiimadda halkaas Jen. Samatar u yimid waxay ahayd inuu ka hadlo mowduuc kale, kuna saabsanyd, "Aragtida siyaasadeed" ee dowladdiisa Militariga waqtigaas ka qabtay "Dagaalka Qabow" iyo loolankii u dhaxeeyay quwadaha waaweyn, marka loo fiiriyo xaaladda mandaqadda, kuna wajahan ahmiyadda istriitiijiyadeed ee Baddacas iyo Badweynta Hindiya.

 

Markii mowduucaasi dhammeeyay, su'aalo badana laga weydiiyay, ayaa ka soo qaybgalayaashii weydiisteen inuu ka hadlo inqilaabkii la sheegay bil ka hor in la fashiliyay, loona xiray Jeneraal Salaad Gabeyre, Jeneraal M. Caynaanshe Guuleed iyo Korneel Cabdiqaadir Dheel Cabdulle. Dhab ahaantii Jen. Samatar waa oggolaaday, inuu arrintaas faahfaahin ka bixiyo, isagoo xushmeeynaaya codsigaas shirka laga soo jeediyay.

 

Inta uu ka hadlin wuxuu si aad ah ugu dheraaday, shaqsiyadda Salaad Gabeyre, siduu ku yimid Kacaankii 21ka oktoober iyo doorkii Jeneral Salaad Gabeyre Kadiye qaatay. Wuxuu habeenkaas Gen. Samatar ku tilmaamay Jeneraal Gabeyre inuu ahaa, "sarkaalkii koowaad, ee ceynaanka u haayay howlgalkii lagu suurogeliyay, inuu Militerigu xukunka la wareego."

 

Isagoo intaasna raaciyay, "La'aantiisana ma suurowdeen in uu dhasho Kacaan aan dhiig ku daadan". Wuxuu ahaa ayuu yiri, "Sarkaalkii ugu awoodda sareeyay, laguna socday awaamiirtiisa, markii lagu guda jiray, aabubulka iyo howlgalkii xukun la wareegista".

 

Wuxuu ku tilmaamay, "Geesi naftiisa huray iyo inuu ahaa sarkaal sumcad iyo taariikh fiican ku lahaan jiray Xooggii dalka Soomaaliyeed, Saas darteedna, ciidamada dhexdooda wuxuu ku lahaa, heybad gaar ahaaneyd oo ay saraakiil iyo askarba qaddarin u haayen".

 

Markii la xaqiijiyay dalka oo dhan inuu xasilan yahay, amaaankiisa iyo xukunkiisana ku baaqi noqdeen gacmihii ciidamada qalabka sida, ayaa wuxuu hadadlkiisii raaciyay Jeneraal Samatar, "Wuxuu Salaad soo dhaweeyay islamarkaana taageeray Jaalle Mohamed Siyad Barre inuu noqdo hoggaamiyaha towradda iyo Madaxweynaha Gollahii Sare ee Kacaanka", Isna dhankiisa uu bilaabo inuu ku hamiyo qaadasha xilka Taliyaha XDS."

 

Kadibna wuxuu u wareegay Jeneraal Samatar, inuu ka sheekeeyo sababihii saaxiibkii Salaad ku kalifay inuu ku fakiro, islamarkaana diyaariyo, inqilaab kale. "General Salaad Gabeyre, wuxuu damcay" buu Generalka yiri, "Markii uu dareemay, inaan rajo badan lahayn, damaciisa taliyonimada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halka Jaalle Siyaad looga doortay, inuu noqdo Madaxweynahii GSK," ayuu bilaabay, inuu qorsheeyo inqilaab kale. Wuxuu tibaaxay Samatar, "Salaad inuu aad ugu adkeystay xaq iyo abaalba inuu u leeyahay jagadaas". Laakin waxaa jirtay saraakiil kale oo taliyanimada XDS damac kaga jirtay ayuu yiri, Jaalle Samatar.

 

"Salaad Gabeyre, markii uu si aad ah, ugu dooday xilkaas, ayaa waxaa bilaabmay kala shaki iyo tuhun marka loo fiiriyo damaciisa saa’idka ah", waxayna fure u noqotay buu yiri, "Inuu dhasho, welwel iyo cabsi xoog leh, oo isaga laga qabo".

 

Sidaas darteed, waxaan ku fekernay, sidii aan uga gaashaaman lahayn, khatar kasta oo xaggiisa ka imaan karta, waxaan soo jeedinay, Salaadna ka dhaadhicinay in jagadaas la geliyo tartan. Taasi, waxaan uga gon lahayn, buu yiri, "In laga hortago fursad kasta Salaad Gabeyre ku noqon karo taliyaha XDS".

 

Waxaa markaas Samatar ku celceliyay, "Anagoo taxadar badana qabno ayaan waxaan ku guuleysanay Salaad inaan oggoleysiino inuu u tartamo, inkasta weli la arkaayay inaan haddana ka muuqan qanac hubaal ah". "Ugu dambeyn iyada oo dadaal badan la bixiyay, feejignaan, dheeri ahna la qabo ayaa waxaa la tartamay Jeneraal Max'ed Caynaanshe Guuleed iyo aniga" ayuu yiri. Ugu dambeyntiina waxay noqotay codkii aqlabiyadda inaan aniga ku guuleysto," ayuu sii raaciyay Jeneraal Samatar.

 

Markaas kadib, Salaad waxaa lagu maslaxay buu yiri, "In uu qaato jagada wasiirka difaaca, oo haddane mar kale la dareemaayay inuusan ku qanacsanayn".

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jeneraal Samatar, habeenkaas dad badan oo dhageysanaayeen, ayuu ku dooday, Jeneraal Salaad, inay saaxiibo, isku dhow ahaan jireen, aad isku jecel, kalsooni badana ka dhaxayn jirtay.

 

Hadalkii Samatar waxaa ka mid ahaa, "Bil kama soo wareegin markii talada aan qabanay in Salaad bilaabo ku fikirka inqilaab kale". Wuxuu yiri, "Tiro shan jeer ah ayaan daresay, ballan ka bixiddisa waxay noqotay mid soo noq noqota". Waxaa markii u taag weynay, lana kala aamin baxay kadib waxay dan kaliftay buu yiri, "Ugu dambeynta, inaan bilabno tabaabulsho lagaga hortagaayo, inaan suurogal noqon, talaabada inuu ku hormaro oo dabcan rabay inuu isagana, sida u qoorsheesnayd maalinta aan qabanay habeenkeeda, inuu howshiisa fushado.

 

"Sidaas darteedna, nasiib wanaag, waxaan ku guuleysanay inaan kaga hormarno, sidaas ayay ku suurogashay inaan qabano 5tii Maajo 1971 oo aan xirno, isaga iyo intii kale oo ku talagaleysay inay gacan ku siiyaan mu'aamaradiisa," ayuu Generaal Samatar hadalkiisa intaas ku dhaafay.

 

Wuxuu markaas Max'ed Cali Samatar u gudbay inuu ka hadlo doorkii Generaal Max'ed Caynaanshe Guuleed, oo inta aan Salaad Gabeyre lala qaban ku magacaawnaa Madaxweyne ku xigeen Golahii Sare ee Kacaanka "GSK". Sheekada Caynaanshe waxay u ekeyd, xusuusteyda, mid Samatar muhiimad badan siin. uguna dheeraan, si la mid ah sida Salaad Gabeyre oo kale.

 

Jen. Samatar wuxuu yiri, "Jeneraal Caynaanshe, oo ahaa Taliye ku xigeenkii koowaad ee XDS, waxba kala ma socon habeenkii aan dalka qabanaynay".

 

Wuxuu yiri, "Ilaa waqtigiisa caadiga ah, uu ka seexanaayo,isha ayaan ku haynay". Subaxdii, markuu soo toosayna, ayuu kuu ku soo baraarugay xaaladda oo si kale ula muuqatay. Wuxuu ugu horeynba isku dayay inuu teleefoon kula hadlo Ra’iisulwasaare Max'ed Ibraahim Cigaal oo waqtigaas si sugan baaqi ugu ahaa xarig, iyadoo dhanka kalena ka yiri, "Isla waqtigaas xataa waxaa nasiib wanaag go’naa teleefoonnadii iyo khadadka kale ee isgaarsiinta dalka oo dhan".

 

Markuu si fiican waagu u soo if baxay, meel kasta dalka ka mid ahna hubaal noqotay inay ku jiraan gacmaheenna ayaan u dhaqaaqnay," ayuu yiri, "Inaan u sheegno Jeneraal Caynaanshe taladii iyo xukunkii dalka inaan la wareegnay, una soo jeedinay inuu nagu raaco". Dabcan duruuftii waa xaqiiqsaday, si cadna waa ugu muuqatay, xaaladda halka ay taagan tahay arrinkana, ma joogin meel looga leex leexdo, sidaas dartedna waa ku qasbanaday, inuu na soo raaco, safkana nala soo galo," ayuu Gen. Samatar sheegay oo intaasna ku daray, "Isagana markii dambe waxay noqotay in lagu xushmeeyo qaadashada xilka mid ka mid ah, labadii jago ee heer Madaxweyne ku Xigeen. Jeneraal J. M. Qorsheel markii la xiray kadibna kaligii ayaa ku haray xilka Madaxweyne ku xigeenimada."

 

Samatar wuxuu sheegay, "In Caynaanshe doonaayay, wax badana golaha weydiistay Madaxweynahana, kala hadlay in laga dhigo safiir (ambassador), beddelka jagada madaxweyne ku xigeenimada, wuxuuna si toos ah, ama si dadbana u muujin jiray inuusan ku qanacsanayn, xubin ka sii ahaansha GSK". Wuxuu kaloo, Samatar yiri, "Waxaan istusnay odayga inuu wax kale damacsan yahay, wuxuuna isweydiiyay, "Yaa arkay nin Madaxweyne ku xignimo ka doorsanaayo safiir". ayuu yiri Jen. Samatar. Wuxuu intaas raaciyay, "In la arkaayay isagoo yareeyay ama ka gaabinaya kaalintiisa iyo xilka uu haayaba, iyada oo shirarka qaarkoodna muujin jiray in uuba ka soo xadari waaya".

 

Salaad iyo isaga ayaa noqday wafdi Golihii Sare Kacaanka u metalaayay ka qaybgalkii Shirweynihii, Xisbiga Shuuciga dalkii hore ee Jarmalkii Bari, "German Democratic Republic". Labada oday waxay isku heleen, fursad qaali ah, oo ay isku wareystaan. Oday Caynaanshe oo yaaban iyo Salaad oo mu'aamaradiiska ka fekeraaya ayaa waddada iska helay. Salaad wuxuu ku guuleystay inuu oggoleysiiyo Caynaanshe kala qaybqaadashada inqilaabka uu diyaarinaayo. Sidaas, ayay labadooda isku fahmeen, iskuna dhaarsadeen," ayuu Samatar hadalkiisa ku soo gunaanaday.

 

Habeenkaas dad badan ayaa fidhiyay qolka shirarka Jaamacadda qaybta hore ee Shabeelle. Waxaana Samatar dhinac fadhiyeen xubno dharkii militiraga ku joogay ee ka tirsanaa GSK, sida Jeneraal Cabdalle Max'ed Faadil, Muuse Rabiile Good iyo Max'uud Geelle Yuusuf. Waxaa shirkaas gudoominaayay, hadalkana qaybinaayay, martina loogu ahaa Shariif Saalax Max'ed Cali, oo isna markaas ahaa guddoomiyihii Jaamacadda Ummadda.

Xigasho [Maqaalka waa tifaftiray see aqrinteeda u sahlanaato.]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ilaahay ha u naxariisto, dembigiisana ha dhaafo. Salaad Gabayre have asked the Somali people to forgive him right before his death.

 

Early in the morning of October 21st, 1969, Gabayre, Gaashaanle Dhexe at the time, was the energetic operative who led the infantry that overthrew the civilian government at a period when Ibrahim Egal and his team were caught up with picking the next government. A brave young military man , Salaad Gabayre detained anyone who had any part in the civilian administration, including Ibrahim Cigaal who was at the time, only few days away from forming a national government. Gabayre even arrested the retired former president Aadan Cadde, his own inlaw.

 

When the “Afgembi group” took a quick vote for a leader, the best part of the 26 plotters selected Siyaad who was the most senior and oldest. Gabayre, an ambitious young man, would later regret his failure to enlist enough supporters of his within the initial 26 maniacs who took the vote.

 

Eventually, Siyaad Barre executed this young officer for the precarious crime of “plotting a coup”, the same offence that propelled Siyaad Barre to the top. Most Somalis remember; “sama-diidoow dabin baa kuu dhigan lagugu dili doonee”.

 

Right before his death in 1972, Gabayre was privately asked what he wanted to say to the nation. He begged the Somali people to forgive him as he was the man who, in his own words, “executed the coup and gave their nation away to Siyaad Barre”.

 

Ironically, the execution of Gabayre and his men is what initiated the nation’s downward spiral towards ruin. This is the period when politics of fear and tyranny, the hallmark of the old regime, became institutionalized for good.

 

Everything else is history.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Originally posted by Ducaysane:

Soo Joog ninkii laga waayo. Soo jiifsaa laga helaa.

Waa billaabatay! Siyaad Barre ayaa dembi galay maba la dhihi karo miyaa? Malaha sidaad iskula saxantahay markii aad rabtid inaad ka sheekeysid wixii 1991-kii iyo ka dib dhacay, wixii ka horreeyeyna aad indhaha ka saabato. Ilaah ha u naxariisto intii Soomaali xaqdarro ku dhimatay oo dhan xilligii Siyaad Barre, Kii ka horreeyey iyo kii ka dambeeyeyba.

Runtii Elite badan oo maanta Soomaali u baxsan lahayd isagaa baabi'iyey wixii ka dambeeyeyna intii hartay bay raaciyeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

First and foremost, Col. Abdulqadir Dheel was not even a member of the SRC but an alleged accomplice of the said attempted coup to bring down the new SRC government. And I beg to differ, it's far more complex than how you painted the death sentence of these 3 officers.

Here is what Ismail writes in his book Governance, "the defenestration of Qorshel cleared the way for further defenestration of SRC members. Colonel Ahmed Mahamoud Adde was incarcerated, Major Bashir Yusuf Elmi was imprisoned and morally destroyed, and Brigadier General Ainanshe and Lieutenant Colonel Salad Gabayre (son in law of former president Aden Abdule Osman) were accused of plotting a coup, tried by the National Security Court----under Law No. 54 of September 10, 1970."

 

Actually, it was Lieutenant Colonel Salad Gabayre who "sponsored and introduced" the death penalty legislation before the Supreme Revolutionary Council right after the arrest of Major General Qoorsheel (the 2nd chief architect of the coup) who at the time had held multiple important portfolios: the VP and the Interior Ministry. It was to deter junior officers.

 

It's important to look at the conditions that actually led to the SRC coup. People were indeed tired of the civilian government and they had longed for a radical change and away from the corrosive behavior and the widespread corruption at all levels of the government, violence as a result of fraudelent elections, discriminatory political appointments, and crude nepotism, all of which created an uncertain future and political upheaval for the civilian administration. Besides, Premier Egal annointed Muse Boqor to be Sharmarke's replacement and had wanted the parliament to convene and vote for him. He had also wanted Major General Bare to be superannuated or to banish him to the Soviet Union "under the guise of training." Prior to the coup, Korshel was severely humiliated by the Prime Minister ad interim, Mr. Yasin (cousin of the assassinated president) for failing to protect President Abdirashid since he accompanied him to Las Anod. How could Korshel shield him from the bullets of his bodyguard? Yet Mr. Yasin went below the belt and insulted Major General Korshel at the airport upon return from Las Anod and he also threatened him with these words, "Now you will see what we will do". There and then, Egal also wanted to reinstate Major Gen. Abshir as the chief commander of the armed forces (the police & the military) in order to keep everything under control since he and Barre were not getting along well. It was at this particular circumstance that the two Major Generals (Qorshel and Barre) together saw a common threat and "were resolved to craft a common destiny. For the first time ever, the two, who had never been close before, were seen driving together and keeping company constantly for three days. Apparently, Barre had disclosed the military's planned coup to Qorshel," according to Ismail.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this