Sign in to follow this  
MoonLight1

ONLF Marines land in Somaliland.

Recommended Posts

Ciidan ka soo degay xeebta Awdal

 

Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, Maxamed Cabdi Gaboose

Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ciidamadoodu ay ku hareereysan yihiin ciidan gaaraya ilaa laba boqol oo ka soo degay xeebta u dhexeysa Lughaya iyo Seylac.

 

Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, Maxamed Cabdi Gabboose, ayaa BBC u sheegay in dadka deegaanku ay arkeen baabuur ilaa saddex gaareysa oo ciidan ka soo qaaday dhinaca xeebta, kadibna ku daadiyay dhul u dhaw buuraleyda Maarmaar, halkaasi oo uu sheegay inay galeen.

 

Gabboose ayaa sheegay in ciidamadu ay haatan kula hareereysan yihiin dhulka buuraleyda xadka u dhexeeya Somaliland , Ethiopia iyo Jabuuti.

 

Waxa uu sheegay in ay heleen hub iyo waraaqo ay ka tageen ciidamadaasi oo uu sheegay inay ku qornaayeen af Soomaali iyo af Amxaari, laakiin aanu xaqiijin karin cidda ay u malaynayaan, ilaa baaritaan lagu sameeyo.

 

Waxaa jira warar sheegaya in ciidamadaasi ay ka tirsan yihiin jabhadda ONLF ee la dagaalanta dowladda Ethiopia.

 

bbcsomali.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Doonyo La Sheegay Inay Qalab Milatari Sideen Oo Ku Soo Xidhay Xeebka Buul-Cadde Ee Saylac

 

Saylac, September 13, 2010 (Haatuf) – Taliyaha Ciidanka Qaranka ee dagan Caasimada Gobolka Salal ee Saylac Cabdi Xudhuun iyo Taliyaha Ciidanka ilaalada xeebaha Gobolka Salal Cabdi Qayre oo fadhiisinkoodu yahay Magaalada Saylac ayaa la sheegay inuu muran xooglihi soo kala dhex galay ka dib markii laba doonyood oo la sheegay inay qalab milatari sideen ay ku soo xidheen xeebta Gobolkaas.

 

Murankan labada taliye ayaa yimid kadib markii doonyahan oo la sheegay inay sideen qalab milatari oo aan la sheegin nooca uu ahaa si qarsoodi ah gawaadhi loogaga daad guryeeyey iyadda oo aanay ogayn ciidamada ilaalilada xeebaha iyo kuwa Milatariga ah labaduba.

 

Sida uu wargeyska Haatuf ka soo xigtay Berberanews, ayaa sheegtay in Wariye Madax-banaan oo jooga Magaalada Saylac, ayaa soo sheegay in labada ciidan ay ogaaday in qalabkii ay sideen labadaa doonyood loo raray dhinaca dalka Itoobiya oo ay xidhiidh dhow leeyihiin Somaliland, sidaas daraadeedna taliyaha ciidanka Milatariga ayaa sida la sheegay ku doodaya in ilaalida xeebaha ay u xilsaaran yihiin, sidaas daradeed masuuliyadda dhibaatada amni daro ee ka timaada qalabka ay sideen doonyahaasi uu ka masuul yahay ciidanka ilaalida xeebaha Gobolka Salal oo uu taliye u yahay Cabdi Qayre.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in gawaadhida labada doonyood lagaga daad-gureeyay qalabka ay sideen ay u kolonyeysteen deegaano dhanka galbeed ka xiga gobolka Salal, halkaana ay ku dajiyeen qalabkii ay sideen.

 

Ilaa hadda war rasmi ah lagama hayo halka ay ka yimaadeen doonyahan ku soo xidhay Badda Gobolka Salal iyo cidda ay u wadeen qalabka la sheegay inay sideen.

 

Waxaa suurto gali weyday in aanu ku helo khadka telefoonka taliyaha ciidamada Ilaalada xeebaha Somaliland Axmed Cismaan, si aanu arimahaasi waxa uga weydiino.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamo Hubeysan Oo Aan Haybtooda La Aqoonsan Ayaa Ka Degay Gobolka Awdal, Somaliland [Dhegayso]

 

September 13, 20104 comments| leave your own!

Share5 Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Dr.Maxamed Cabdi Gaboose ayaa sheegay in ciidamo si xoogleh u hubeysan ay soo gaareen gobolka Awdal, Wasiirka ayaa u sheegay Warbaahinta BBC-da in ciidankan ay ka soo dageen xeebta u dhexaysa Saylac iyo Lughayha, kadib waxaa kaalmeeyey dad ku sugaayey dhanka xeebta, waxaana ay galeen buuraleyda Maarmaar, Wasiirka ayaa sheegay waqtiga ay soo gaareen gobolka Awdal in ay ahayd Habeenimadii Axaadda oo ku beegnayd 12.09.2010

 

Dhegayso Waraysiga Wasiirka (BBC) :

 

Dr.Gaboose ayaa sheegay in ciidankaas lagu sheegay qiyaastii 200 oo nin kuwaas oo hubeysan, waana lagu hareeraysan yahay, waxaana wasiirku sheegay in ay qabteen qaar ka mid ah hubkii ay wateen oo ay ka mid ahaayeen Baasuukayaal badan, iyo weliba dukumenti aad u muhim ah kaas oo ku qoran luuqada Soomaaliga iyo Amxaariga.

 

Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa saxaafadda u sheegay in xeebta ay ka soo qaadeen saddex gaari oo ah nooca waaraadka, kuwaas oo laba kamid ah dadkii iskalahaa iyo gawaaridiiba gacanta lagu hayo.

 

Dhanka kale ciidamada Itoobiya iyo kuwa Jabuuti ayaa xirey xadka waxaana halkaas la soo dhoobey ciidamo badan.

 

Wararka maanta magaalada Hargeysa la isla dhexmaraayo ayaa sheegaya in ciidankan ay yihiin ONLF ku soo tababartey dalka Ereteeriya, inkasta oo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland uu sheegay in ay ka warsugayaan baaritaanka, waxaana uu caddeeyey in mar dhaw hawlgal lagu qaadi doono buuraha Maarmaar ee ay ku jiraan.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararka maanta magaalada Hargeysa la isla dhexmaraayo ayaa sheegaya in ciidankan ay yihiin ONLF ku soo tababartey dalka Ereteeriya, inkasta oo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland uu sheegay in ay ka warsugayaan baaritaanka, waxaana uu caddeeyey in mar dhaw hawlgal lagu qaadi doono buuraha Maarmaar ee ay ku jiraan.

Be carefull what you wish for comes to mind..

Share this post


Link to post
Share on other sites

I doubt the caanoboore cretins of the ONLF are capable of undertaking such an operation in Awdal. I believe it's the former mugger of Marfishland who is behind this. And only time will time, why!

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

^Some secessionist sites are claiming these are ONLF soldiers, some are stating these are Islamists. I say let's wait and see how this news unfolds.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland forces 'surround ONLF rebels near Ethiopia' About 200 suspected rebels are surrounded by Somaliland's forces near the border with Ethiopia, a Somaliland minister has said.

 

Interior Minister Mohamed Abdi Gabose told the BBC the men had arrived in the territory by boat and then travelled overland to the border.

 

He said documents the men left behind suggest they belong to the ****** National Liberation Front (ONLF).

 

Somaliland has declared its independence from the rest of Somalia.

 

Its secession has not been internationally recognised but is far more stable than the rest of the country and in July held an election which saw a peaceful handover of power.

 

Mr Gabose said the armed group were surrounded in the mountainous region which borders Ethiopia and Djibouti.

 

The ONLF is fighting for the self-determination of ethnic Somalis in eastern Ethiopia, and has not yet commented on the allegations.

 

Eritrea has previously been accused of training ONLF rebels - charges it denies.

 

Eritrea and Ethiopia have a long-running border dispute.

 

Somaliland has previously helped the Ethiopian government in its fight against the ONLF.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Originally posted by Thankful:

These guys know Puntland would be a bad choice, they see what is happening to Atam.

OH PUHLEASE!

 

 

Btw last time I checked Atom was still in Galgala area, as a matter of fact, a new fighting has broken out in GalGala today.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

So if he is still in the Gagala region why does he need to hide his face? Why is he trying to convince people to join him and fight? He even said he left for he sake of the people...he is hiding in the mountains, scared to even show his face.

 

Mountains are difficult terrain for even the most sophisticated military's....one thing is for sure Atam base was taken in a day and these guys that just arrived in in NW Somalia now it.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this