Sign in to follow this  
Som@li

Somalis came out for Unity!

Recommended Posts

Som@li   

Washington: Dibadbax lagaga soo horjeedo kala goynta Soomaaliya oo ka dhacay Washington

15. januar 2008

 

Washington:- Waxaa maanta ka dhacay magaalo madaxda wadanka Maraykanka ee Washington dibadbax lagaga soo horjeedo kalagoynta Soomaaliya. Kaasi oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Waqooyiga Ameerika ayaa waxa ka soo qayb galay dadweyne aad u tira badan. Waxa dibad baxa lagu qabtay laba goobodd oo kala ah: Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka iyo Daarta Barlamaanka ee Capitol Hill.

 

Dadka ka soo qayb galay dibadbaxaasi oo isugu jiray rag iyo dumarba waxa ay siteen boodhadh ay ku qornaayeen halku dhegyo ay ku muujinayaan dareenkooda iyo sida ay u diidan yihiin siyaasadaha kala goynta ku dhisan ee hormoodka ka yahay maamulka Somaliland. Waxa halkudhegyadaas ka mid ahaa : "Sool, Sanaag iyo Cayn ma ogola kala goynta, Soomaaliya; waa hal dal iyo hal dad iyo hal kudhegyo kale oo la macne la mid ah siday.

 

Dadweynaha mudaharaadka ka soo qaybgalay waxa muaasabaddaas ku weheliyay madax ay ka mid ahaayeen Md. Maxamed Cabdi Xaashi, iyo odayaal kale oo bulshada dhexdeeda magac ku leh. Md. Maxamed Cabdi Xaashi oo dadkii halkaa isugu yimi hadallo kooban u jeediayay ayaa sheegay. in midnimada ummmada Soomaaliyeed ay muqadas tahay isla markaana kala goynta wadanku aysan ahayn mashruuc ay ku jiraan shacabka gobolada Sool, Sanaang iyo Cayn.

 

Waxa dadweynihii dibadbaxa ka soo qayb galay qaarkood waraystay qaar ka tirsan saxaafadda Washington sida laanta af Soomaaliga ee VOA iyo kuwa ajnabi ahba.

 

Gebogabadii dibadbaxa ayaa aqalka Barlaamka xafiiska Senator Feingold iyo Colman uu Md. Maxamed cCbdi Xaashi ugu gudbiyay qoraallo tilmaamaya taariikhda midnimada Soomaaliya iyo in aysan gobollda waqooyi ku wada jrin mashruuca kala goynta Soomaaliya. Sidoo kale waxa qoraaldaasi loo gudbiyay xafiiska wasaradda arrimaha dibada ee Maraykanka u qaaiisan Bariga Afrika.

 

Dibabaxyadan ayaa lagu soo aadiyay imatinka madaxweynaha Soomaaliland Daahir Rayaale oo hadda booqasho shaksi ah ku jooga magaalada Washington.

 

Mohamed Ali Balcade

Jaliyada Somalida ee Washington, DC, metro

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

image9.jpg

 

Mohammed Abdi Haashi ,a great man, leads the rally!

 

Dibadbax lagaga soo horjeedo kala goynta Soomaaliya oo ka dhacay Washington

 

Washington:- Waxaa maanta ka dhacay magaalo madaxda wadanka Maraykanka ee Washington dibadbax lagaga soo horjeedo kalagoynta Soomaaliya. Kaasi oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Waqooyiga Ameerika ayaa waxa ka soo qayb galay dadweyne aad u tira badan. Waxa dibad baxa lagu qabtay laba goobood oo kala ah: Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka iyo Daarta Barlamaanka ee Capitol Hill.

 

Dadka ka soo qayb galay dibadbaxaasi, oo isugu jiray rag iyo dumarba waxa ay siteen boodhadh ay ku qornaayeen halku dhegyo ay ku muujinayaan dareenkooda iyo sida ay u diidan yihiin siyaasadaha kala goynta ku dhisan ee hormoodka ay ka tahay maamulka Somaliland. Waxa halkudhegyadaas ka mid ahaa: “Sool, Sanaag iyo Cayn ma ogola kala goynta Soomaaliya; waa hal dal iyo hal dad iyo hal kudhegyo kale oo macne la mid ah siday.

Dadweynaha mudaharaadka ka soo qaybgalay waxa munaasabaddaas ku weheliyay madax ay ka mid ahaayeen Md. Maxamed Cabdi Xaashi iyo odayaal kale oo bulshada dhexdeeda magac ku leh. Md. Maxamed Cabdi Xaashi oo hore madaxweyne uga ahaa maamul goboleedka Puntland, kana soo jeeda magaalada Laas Caanood ayaa dadweynihii halkaa isugu yimi hadallo kooban u jeediyay. Waxa uu Md. Maxamed Cabdi Xaashi sheegay in midnimada ummmada Soomaaliyeed ay muqadas tahay isla markaana kala goynta wadanka aysan ahayn mashruuc ay ku jiraan shacabka gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

 

Waxa dadweynihii dibadbaxa ka soo qayb galay qaarkood waraystay qaar ka tirsan saxaafadda Washington sida laanta af Soomaaliga ee Codka Marayakana (VOA) iyo kuwa ajnabi ahba.

 

Gebogabadii dibadbaxa ayaa aqalka Barlamaanka, xafiiska Senator Feingold iyo Colman uu Md. Maxamed Cabdi Xaashi ugu gudbiyay qoraallo tilmaamaya taariikhda midnimada Soomaaliya iyo in aysan gobollada waqooyi ku wada jirin mashruuca kala goynta Soomaaliya. Sidoo kale waxa qoraaladaasi loo gudbiyay xafiiska wasaaradda arrimaha dibada ee Maraykanka u qaabilsan Bariga Afrika.

 

Dibabaxyadan ayaa lagu soo aadiyay imaatinka madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale oo hadda booqasho shaksiyeed (Private Visit) ku jooga magaalada Washington.

 

Xigasho: Wardheernews.com, Xaquuqda Sawirada Wardheernews.

Share this post


Link to post
Share on other sites
stoit   

Dadaw somalidu isla shaqaynta ayaysan aqoonin baan umaleeyay. Inkastoo hada dadkaani ay wanaag doonayaan hadana wa dad aad uyar.

 

Websiteyada badanaa waan kukulanaa ,kudoodnaa markaasna kukalatagnaa. Dadku yaabbayleeyihiin ,lacag way isla shaqaysiin kartaa, laakiin daruuf iyo aragti dheer o kasoo horjeed dhibaato lagayaabo in ay kuimaadaan way adagtahay in ay intay isku raacaan wax isla qabtaan ayagoo wadajir u ah.

 

Hada maanta qof haduu intuu istaago maal iyo waqtiba markii ay kagalunto natiijo fiican hadii u keeno dad lashaqeeya waayi maayo. Hadii lacaglay uu yahay o u dad intu qoro ay lacag kushaqeeyaana way lashaqayn lahaayeen.

 

Mushkilada meesha taal ayaa waxay tahay nadaamkaas u malayn mayi hadii u shaqeeyo xataa in uu guusha sida loorabo u keenayo.

 

Kasoo qaad hada madax wayne 30 sano ama kabadan halgan dagaal ah kusoo jiray oo xukun u kuraadinayo, markii u kuguulaysto xukunka iyo dawlada iyo dalkaba asaga iyo dadka laleba waxay u haysanayaa in uu xaq ulahaanayo sida uu asaga rabo in lagu maamulo.

 

Dhibaatada nadaamkaan ka imaanaya ayaa wuxuu yahay hal qof dal malahaan karo mana maamulikaro. Hadii u lahaansho umaamulana waxay ubadantahay in guushii guud meshaas lagu waayo.

 

Shirkadaha wadamadaan galbeedka badanaa noocaas ayay ayagana kushaqeeyaan (fakradayda)oo waxaad arkaysaa kuwa maamulka haya in lacag ama mushaar qaracaadi ah dhufsanaayaan shirkadii oo burburaysa.

 

In kastoo shirkad iyo dal aan laisku mataali karin ,hadana qaarkood meelay iska shabahaan baan umalaynayaa.

 

Hada xaalada somaliyeed inkastoo ay dawr iyo toban sano soo jiitamaysay oo dad aad ubadan iyo maal wixii lalahaa iyo wixii lasuubin karayba uu meeshaas lagu waayay, waalawaayay dad somaliyeed oo isxilqaama o dhinacooda intii tabartooda ah wixii ay awoodaan -wakhti ,qarash ama aqoon intay isku biiriyaan ay dhinac kasoo jeestaan.

 

Anigu waxaan kufakaraayay websiteyadaan in aysan isku imaasho iyo dood kaliya aan loo isticmaaline ,qayb hawlgal ah in ay yeeshaan. Mataal dhibaatooninkeena badanaa hadii an isku raacno in ay fakrad qabiil in ay kasoo aas aas maan. Sidee dadka looga dhaadhicin karaa in aysan dan ugu jirin ? oo xaqiiqdii maamul sharciyeed iyo dawlad awood leh anagoo dhan ay danta noogu jirto !!

 

Dabcan dad badan oo taarikhda somaliyeed ,ama dhaqankeena guud ama diinteena nagawada dexaysa yaqaan ayaa nagu jira.

 

Intii aqoon leh hadii ay aqoontooda ujeedada ah midaw iyo kalsooni galin in uu wanaagu wax ladoorto waxa ugufiican yahay, in xaqu uu xaq darada kafiican tahay oo natiijadeedana aduunka adba kalakulmaysid oo aysan qasab ahayn in aakhiro aad sugatid inkastoo aakhirona nalaka abaalmarindoono insha ALLAH.

 

Dhalinyaro ama dad waaweyn sidaydoo kale oo diyaar u ah ay jiraan in aan video isku dayno in aan ubadalno hadii aan helno sawiro ama clips aan kubuuxin karnana aan kudarno insha ALLAH.

 

Siday anigu ilatahay guulihii ugu waawaynaa oo binu aadanka ay gaareen ilaa hada waxa kamid ahayd in dadku ay magac suubsadaan (kambani ama shirkad) oo nin walba uu raali kanoqdo in uu amaantii asaga uu gooni uqaadan lahaa uu magacaas kuwareejiro.

 

Mataal,

 

Shirkadaha ugu waaweyn sida warshadaha- Ford oo baabuurta suubisa ,bangiyada waaweyn etc inkastoo magicii u wali jiro dadkii bilaabay oo soo aas aasay hada majoogaan dad kale ayaa hada kafaaidaysanaya. (Mataalka si fiican uma sharixin lakiin qoraalka oo dhan mid aan isla hada maskaxdayda kaqorayay buu ahaa-raali ahaada)

 

Gabagabeentu waa walaalayaal yaanan tabarteena iyo waxqadkeena midna yaraysanin ee sikastaba hautabaryaraate isla shaqaynta oo kasoo go'day garshada danta guud oo nagadhexaysa waa qaali in aan noolaynona waa wax lagama maarmaana ha.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Som@li   

Originally posted by Northerner:

Wow. 5 people!

Actualy over 200 attended, many couldn't come out cuz of the cold. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this