Sign in to follow this  
AYOUB

Maamulka Puntland oo dhoofiyay Makiinad lacagta faalsada ah lagu samayn jiray

Recommended Posts

AYOUB   

Maamulka Puntland oo dhoofiyay Makiinad lacagta faalsada ah lagu samayn jiray

Arbaco, February 25, 2009(HOL):  Maamulka DGPL ayaa markii ugu horaysay Dekadda Magaalada Boosaaso ka dhoofiyay makiinad lacagta faalsada ah lagu farsamayn jiray, taasi oo taallay xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada Boosaaso.

Wasiir ku Xigeenka Dekedaha DGPL Maxamed Ciise Lacle oo shir ku qabtay dekada Boosaaso ayaa qiray in Makiinaddan si qarsoodi ah loogu samayn jiray lacagta Shilin Somali been abuur ah,waxaana uu sheegay in iminka ay dhibaatooyin badan  soo kordhisay.

Makiinaddaan ayaa maanta barqanimadii laga dhoofiyay dekadda Magaalada Boosaaso, waxaana sida la sheegay loo dhoofiyay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta xili ay goob-joog ahaayeen qaar ka mid ah Bulshada Boosaaso.

Wasiirka ku xigeeka oo la waydiiyay waxa intaas oo dhan loo qarinayay makiinaddaan ayaa ka gaabsday in uu faah faahin ka bixiyo, waxaana hadalladiisi ku jiray in la dhimi doono Lacagaha soo gala Puntland.

Waa tallaabadii ugu horeysay oo uu maamulka cusub  qaado tan iyo intii talada uu la wareegay, waxaana tallaabadaan soo dhaweeyay bulshada rayidka ah ee Puntland ku dhaqan.

Dad badan ayaa ilaa iyo hadda shaki ka muujiyay dhoofinta makiinaddaasi, iyagoo sheegay in ay ka cabsi qabaan in lacago kale oo faalso ah lagu soo farsameeyo meel ka baxsan Gudaha Puntland, gaar ahaan imaaraadka oo ah halka makiinaddaasi loo dhoofiyay.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online

Bosaso, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bosaaso:- Waxa Habeenkii xalay ahaa dadka Warbaahinta laga tusay Sanaadiiq waa wayn oo la sheegay in ay tahay Warshadii Lacagta Faalisada ah taasi oo qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Puntland ay sheegeen in loo dhoofiyay Dalka Isu taga Emart-ka Carabta, Laakiin Shacabka Pl ayaan wali Rumaysnayn in Sanaadiiqaasi yihiin Qalabkii Warshada.

 

Kuteendharo aan si Buuxda loo shaacin waxa Gudaha ku Jira ayaa Maamulka Puntland Habeen xalay ahaa ka dhoofiyay Dekeda Bosaaso kuwaasi oo Markab u saaray Dalka Cumaan, lama Yaqaan Waxa gudaha ugu jiray Balse, Wasiir ku xigeenka Dekedaha Puntland oo saxaafada kula hadlay Xafiiskiisa ayaa sheegay inay waxa la dhoofiyay tahay Warshadii Lacagta soo saari Jirtay.

 

Wasiir ku xigeenka Dekedaha Pl Maxamed Siciid Lacle ayaa sidoo kale Dhoofitaanka Aladaasi Moorgaraysan ee aan la aqoon waxa ku jira ku Tilmaamay inay shacabka Puntland ku Qancinayaan in Maamulk dhoofiyay Makiinadii Lacagta soo saari Jirtay, taasi oo shacabka Puntland Curyaamisay ka dib markii ay Bateen Lacagaha Been Abuurka ah ee lagu daabaco Gudaha Puntland.

 

Masuuliyiinta Xukuumada Pl waxay sidii kale ****olka ka qaadeen in Qalabka Warshada loo dhoofiyay Dubai, iyada oo dooni kale laga sii saaridoono Gudaha Dalka Cumaan oo Haataan la sii Marindoono, Balse waxay Gaabsadeen inay si Faah Faahsan uga hadlay waxa loo sii Marinayo, Dalka Cumaan, Taasi oo shaki wayn ku Abuurtay Bulshada Reer Puntland in Hadhaw si Qarsoodi ah loogu soo Celiyo Gudaha Puntland.

 

Sidoo kale Maamulka Puntland ayaa Gabi ahaanba diiday inay Wariyaasha tusaan waxa sanduuqaasi La dhoofiyay ku Jira si dadku u Rumaystaan in warshadii la dhoofiyay, Shacabka ayaa si Waydiinaya inaanay ilaa haatan Xaqiisanayn in Warshadii la dhoofiyay Maadaaba hortooda, dab lagu qabadsiin waayay oo iyada oo Shaqaysanay loo dhoofiyay Dalka ay Xukuumada Puntland Ganacsi dhaw la Leedahay.

 

Dhawaan baa la Xasuustaa markii ay saxaafada qaarkeed Fashiliyeen Qorshayaal uu damacsanaa Maamulka C/raxmaan Faroole inuu dib Boodhka uga Jafo Warshada Daabacda Laacgat Balse, maamulka ayaa Arinkaasi Saxaafadu soo bandhigtay aad ugu Xumaaday iyaga oo qaar ka mid Warbaahintii Warkaas sheegtay ugu Hanjabay inay Maxkamda soo Tagaayaan.

 

Warshada daabada Lacagta ayaa waxay horay ugu furaan jirtay Gudaha Magaalada Bosaaso taasi oo ay Keenideeda ka danbeeyeen Masuuliyiin ka tirsanaa Xukuumadii Hore ee Cade Muuse, waxayna warshadaasi ku taala Xaafada New Bosaaso ee Koonfurta Magaalada Bosaaso.

 

Kacdoon badan oo ay sameeyeen Bulshada Reer Puntland waxa suurawday in Cade Muuse uu warshadaasi xidho, ka dib sicir Barar Baahsan oo Aafeeyee Puntland, Gen- Cade Muuse ayaa Go"aan adag oo uu la qaaday Culumada Puntland waxa uu ku xidhay Warshadaasi.

 

Hadaba Su"aasha meesha taala waxa weeyaan Madaxwayne Faroole oo lagu Xanto inuu yahay nin aad u Lacag jicil maka dhabaa inuu Warshadii Dhoofiyay Mise Isbuuc ka dib ayaa si dhuumaalaysi ah looga soo dejinayaa Gudaha Dekeda Bosaaso?......... hadka Reer Puntland ayaa Hadaladaasi ku Jaah Wareersan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^ :D

 

 

Originally posted by Nephissa:

Xaggee loo dhoofiyay? SL?
:D

All I ask is the chance to prove that money won`t make me happy ~ Spike Milligan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

Originally posted by peasant:

^ But was the machine in use or did faroole wanted to use?

 

 

Duhhh of course the machine was there ....

lool so what was the purpose of the Machine then ? and why have they being denying all a long?

 

Perhaps it was there for educational purpose ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by nuune:

Mashiinta xoolaha lagu qawraco ayey iila egtahay ee ma ahan tan lacagta

:D:D:D:D

 

Wa la iksu been gura dheh :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

Dhubad

 

How ****** can you be. This equipment was brought when Cade was in charge and ever since then it was in puntland but faroole admin never used and never wanted to use either..

 

 

Originally posted by Aw-Dhubad:

quote:Originally posted by peasant:

^ But was the machine in use or did faroole wanted to use?

 

 

Duhhh of course the machine was there ....

lool so what was the purpose of the Machine then ? and why have they being denying all a long?

 

Perhaps it was there for educational purpose
;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this