Sign in to follow this  
juma-nne

Somaliland presidential Election could be posponed again

Recommended Posts

Thankful   

They will ,, just a matter of time sxb.

 

LOOOOOL :D .......no specific date, just keep waiting guys, it's coming sooooon.

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

HILLAAD-GAABKUNA

 

Badheedhaha:Fiinta Qaylinaysa Ma Maqlaysaan, Mise Waa Dhegahayga

June 23rd, 2009: Somaliland.org

 

 

95Maalmood oo keliya ayaa ka hadhsan maalintii u dambaysay ee loo ballamay inay dhacdo doorashada madaxtooyadu, waxayna mudadaasi ku salaysan tahay mudadii ay guurtidu xilka u kordhisay xukuumadda madaxweyne Rayaale.

 

Marka la eego sidii ay wax u dhaceen muddo-kordhintii u dambaysay waxay ahayd sheeko dad badan qaadan-waa iyo lama-filaan ku noqotay, waayo golaha guurtida oo ay tiradoodu tahay 82 mudane waxa caado u ahayd inay mooshin kasta oo ay xukuumaddu wadato gar iyo gar-darroba hal dabala’ afarta adin-ba ugu taagaan. Waayo ayaamihii ay aloosnayd dooddii muddo-kordhinta guurtidu waxa taagnayd xiisad weyn oo khilaaf xanbaarsan, xiisaddaasina waxay ka taagnayd korodhsiimada xukuumadda loo samaynayo, taas oo ahayd mawduuc khaati laga joogsaday, sidaa darteedna murran adag ayaa ka dhacay muddo kordhintii u dambaysay.

 

Marka laga yimaaddo qaylada ay xisbiyada mucaaradku ka dhigeen muddo-kordhintii u dambaysay waxa wax walba ka sii darnaa khilaafkii iyo murrankii kululaa ee ka dhex-oogmay mudanayaasha golaha guurtida, kuwaas oo si aan hore loo arag ugu kala jabay muddo-kordhinta, waxayna sheekadu maalmaha qaarkood isa soo taagtay qir iyo qir, waxayna kooxihii ka soo horjeeday oo ay taageerayaan mucaaradka iyo inta badan dadweynuhu iyo kooxihii u ololaynayey muddo-kordhinta oo ay taageerayeen xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB foodda isdareen dagaal aad u qadhaadh, hase yeeshee aakhirkii aqlabiyad aad u yar ayey ku badiyeen kooxihii u ololaynayey muddo-kordhinta. Inkasta oo ay maalmahaa xiisaddu cirku isku shareertay, hadana aakhirkii xaaladdu way iska degtay, markase la eego jawigii siyaasadeed ee ay arimuhu dugsanayeen waxay dadka badidiisu u arkayeen inay mudada loo kordhiyey xukuumadda Rayaale ee lixda bilood ahayd iyo maalinta loo cayimay doorashada madaxtooyada ee 27-ka Sebtambar, 2009 inay dunidii korodhsiimadu halkaa ku soo afjarrantay oo ay amminta la qabtay kama dambays. Hase yeeshee su’aasha iswaydiinta lihi waxay tahay, suurtagal ma tahay inay doorashada madaxtooyadu mar kale dib u dhacdo, mise taasi waa . Waxa kale oo ay iswaydiintu tahay hadii ay doorashadu dhici-waydo amminta loo cayimay ee 27-ka Septambar sidee bay noqonaysaa xaaladdu.

 

Inta aynaan su’aashan jawaabteeda tumaatiyin, aynu marka hore waxoogaa ka taataabano dhacdooyinkii u dambeeyey ee ku soo kordhay geedisocodka arimaha doorashada.

 

Deeq-bixiyayaasha Somaliland ka caawiya dhinaca doorashooyinka ayaa doraad soo saaray digniin nuxurkeedu yahay inay faraha ka qaadi doonaan arimaha doorashada Somaliland hadii aan xal iyo heshiis degdeg ah laga gaadhin xaaladda murugsan ee doorashada, waxaana maalmahan si weyn isu soo tarayey warar sheegaya inay deeq-bixiyayaashu dayro iyo walaac weyn ka muujinayaan rajada doorashada, wuxuuna dhawaaqa ka soo yeedhay deeq-bixiyayaashu ka dambeeyey, ka dib markii ay waxba ka suurtageli-waayeen shuruudihii ay soo jeediyeen ku saabsanaa arimaha doorashada. Iyadoo ay xisbiyada iyo mucaaradka iyo xisbiga xukuumadda ee UDUB isku mari-waayeen googol-xaadhka arimaha doorashada, dabadeedna ay iska kala dhaqaaqeen.

 

Marka la eego dhawaaqa cusub ee ka soo yeedhay dhinaca deeq-bixiyayaasha waxay dadka arimahan u dhuun-daloolaa tibaaxayaan inuu dhawaaqa kan xigaa noqon doono wax walba faraha ayaanu ka qaadnay ee nabaddeey, waxayna dad badani rumaysan yihiin inay sheekadu sidaa ku dambayn doonto oo aanay ciddina waxba ka qabanayn arimaha ay wax ka qabashadooda dal-banayaan deeq-bixiyayaashu.

 

Waxa kale oo ay iyagana fiintu dhexmiranaysaa guddiga doorashooyinka qaranka iyo hayadda Interpeace ee deeq-bixiyayaasha uga wakiilka ah arimaha doorashooyinka, gaar ahaan arimaha dhaqaalaha iyo agaasinka hawlaha doorashada, waxaana Interpeace iyo hayadda komishanka doorashooyinka dhex-yaal khilaaf gaamurray oo ay dadka arimahooda xog-ogaalka u ahi ku tilmaamaan mid ay maarrayntiisu adag tahay, iyadoo dhinaca kalena ay saraakiisha Interpeace hadh iyo habeen olole ugu jiraan sidii ay inta badan ama dhamaantood u khaarajin lahaayeen xubnaha komishanka doorashooyinka.

 

Waxa kale oo isna wax walba ka sii darran khilaafka iyo kala daadsanaanta dhextaal xubnaha komishanka laftooda, taas oo ay tub iyo talloba ku seegeen sidii ay lig-ligga isu haysteen, waxaana khilaafka komishanka kabriidka ku sii qabatay talaabadii ay dhowaan ku eryeen laba xubnood oo ka mid ah, taas oo uu madaxweyne Rayaalena ku waafaqay. Hase yeeshee golaha wakiilada oo awood badan ku leh ansixinta eriga ama magacaabidda xubnaha komishanka ayaa u muuqda inuu arintaa ka horyimi, welise sheekada labada xubnood way taagan tahay oo dhinacna uma dhicin.

 

Waxa kale oo iyana mushkiladaha miiska saarran ee doorashadu u xanibban tahay macluumaadkii diiwaangelinta oo ku huursan aalad Serfar la yidhaahdo oo ay gacanta ku hayaan saraakiisha Interpeace, taas oo ay dad badani walaac ka qabaan waxa ka soo bixi doona, ilaa hadana aan la ogayn halka ay sheekadaasi marayso.

 

Shuruudaha ay dalbanayaan deeq-bixiyayaashu waxa ka mid ah inay xukuumaddu sanduuqa xisaabta doorashada ku soo shubto lacag xaddigeedu gaadhayo ugu yaraan laba milyan iyo badh dolar ($2.5 million dollar), lacagtaas oo ah saamigii xukuumadda ka qabtay kharashka doorashooyinka, noqonaysana 25% kharashka doorashada ku baxaya, halka ay deeq-bixiyayaasha ajnebigu sheegeen inay 75% kale bixinayaan. Hase yeeshee lacagtaasi way ka soo bixi-wayday dhinaca xukuumadda, mana ay sheegin masuuliyiinta xukuumaddu sababta ay lacagtaasi uga soo bixi-wayday, dabadeedna qolyaha deeq-bixiyayaashu waxay leeyihiin hadii ay xukuumaddu lacagtaa bixin-waydo anaguna wax lacag ah oo aanu bixinaynaa ma jirto.

 

Inkasta oo ay masuuliyiinta xukuumadda Rayaale iyo xisbiga UDUB had iyo jeer ku celceliyaan weedho ay ka mid yihiin “doorashadu way dhacaysaa, anagu doorashada diyaar baanu u nahay”, hadana qolyaha mucaaradku taa waxay u arkaan hadal afka baarkiisa ah, waxayna aaminsan yihiin inay dhinacyada xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB ku shaqaynayaan siyaasad daba-jiidaysa qabsoomidda doorashada, sidaa darteedna ay arin kasta caqabad ku noqon karta qabsoomidda doorashada baarka u salaaxayaan.

 

Arimahaa aynu ku soo xusnay iyo arimo kale oo badaniba waxay muujinayaan bidhaamo walaac leh oo farta ku fiiqaya inay doorashada madaxtooyadu mar kale dib u dhacayso.

 

Waxa kale oo maalmaha huluulaha guntimaha siyaasadda lagu xidh-xidho ka soo neefayey xanshaashaq odhayana muddo-kordhini waa lama huraan.

 

Sidaa darteed hadii aynu dib ugu noqonno su’aasheenna koowaad ee ah suurtagal ma tahay inay doorashadu mar kale dib u dhacdo, jawaabta oo koobani waa Haa, hase yeeshee mar hadii uu walaaca caynkaas ahi muuqdo waxa inala gud-boon inta ay goori goor tahay aynu tallada caynka u guujinno inta ayna dabayl-xagaagu ugu soo dhicin, hadii kale goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ayaa la iswaydiin doonaa waaryaadheheen xagee baynu cuskannaa.

 

Su’aasha labaad ee odhanaysa maxaa dhacaya hadii ay doorasho dhici waydo, taasna waxay jawaabteedu tahay, waa lama huraan inuu buuq iyo khilaaf miiska imanayo, waxa kale oo miiska imanaya muddo-kordhin, aan la isla ogolayn, taas oo noqonaysa dhufayska ugu dambeeya ee marka ay xaaladdu xumaato ay xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB-na jil-baha aasan doonaan, halka uu dhinaca mucaaradkana soo hadal-qaadkeedu noqonayo cirka dab ka raac, dabadeedna hadii aan wax meel laga sii dhiggan waxa foodda la isdarrayaa goor aan habeenna ahayn, maalin ahayn.

 

Ugu dambayn arimuhu sida ay u dhici doonaan illaah baa og, hase yeeshee ninba ninka uu ka il-dheer yahay marna hareeraha ayuu eegayaa, marna wax-buu dhega-nuugsanayaa oo wuxuu kor ugu sayaxayaa“Fiinta qaylinaysa ma maqlaysaan, mise waa dhegahayga”, markaasuu hillaad-gaabkuna leeyahay “mayee waa dhegahaaga”.

:confused: :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

This is a good development.

 

 

hadhwanaag 2009-06-24 (Hadhwanaagnews) Egland-{HNWS} Waxaa maanta laxaqiijiyay in Xukuumadda Somaliland shubtay lacagtii doorasha ee ahayd 25% lacagtaas oo qayb ahaan u qabatay Dawladda Somaliland yadoo 75% ay bixiyeen Dawladdaha daneeya doorashooyinka Somaliland.

 

 

Bixinta lacgtan ay bixisay Xukuumadda Somaliland ayaa noqonaysa marka wadar ahaan laysu geeyo Laba Milyan oo Doollar {2 Milyon Dolar}, wararkay Hadhwanaagnwes helayso ayaa ah in lacagtaas gabi ahaan lashubay oo hadda ay ku jirto kootada Guddida doorashoyinka.

 

 

Waa Markii u horeysay ee ay Xukuumaddu bixiso lacagta laga sugaayay dhawaan ayay ahayd markii ay Nayrobi ka soo laabten Wasiirada kala ah Maaliyada Xuseen Cali Ducaale iyo Arrimaha debedda Cabdillahi Maxamed Ducaale kuwasoo sida warbaahintu sheegtay kusoo hungoobay qorshe ay ula tageen waddamada deeqda bixiya waxayna taasi soo dedejisay shubida lacagtan Dawladda Somaliland laga sugaayay. Xisbiyada Muacaairdka Somaliland ayaa yagu ku adkaysanaayay iney doorashadu dhacayso wakhtigii loo-qabtay.

 

 

Waddamada aduunka ee daneeya Dimquraadiyadda Somaliland ayaa ilgaara ku eegaya sidey u dhacdo doorashada lafilaayo iney qabsoonto 27 Semtemper, Waxayna noqonaysa lacagtan maanta lashubay talaabo hore looqadey.

 

 

Muniir Axmed Cigaal

Hadhwanaagmedia Eglan/Uk.

Email muniir10@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this