Sign in to follow this  
Mr. Somalia

Puntland Minister denies being kidnapped by Pirates.

Recommended Posts

Faahfaahin Weerarkii lagu qaadey wasiirka iyo beenin warar shegaya in wasiirka la afduubey

 

Jariiban(Puntlandi.com) Wasiirka dekadaha iyo Gaadiidka Bada Puntland Saciid Maxamed Raage oo maanta ay koox burcadbadeed ahi weerartey ayaa iminka ku sugan magaalada Jariiban, wararka sheegaya in wasiirka la afduubeyna waxba kama jiraan.

 

Wasiirka ayaa hada kusugan Jariiban wuxuuna la joogaa odayaasha iyo Maamulka Degmada Jariiban, Dhinaca kalw weerarkii maanta lagu qaadey kolonyo baabuur ah oo wasiirku watey ayaan aheyn warku sida loo buunbuuninayo, dhimashadu waa 2 qof iyo laba dhaawac ah.

 

Gudoomiyaha Degmada Jariiban ayaa hada noo xaqiijiyey in Wasiirku uu iyaga la joogo, Wasaarada Arimaha Gudaha Puntland oo iyana hada ka hadashey Weerarka Wasiirka lagu qaadey ayaa sheegey in weerarku uu ahaa mid aan saas usii weyneyn , halqaf oo ilaalada wasiirka ah ayaa dhintey iyo halqof oo dadka deegaanka degan ah oo xabadihii ku dheceen dhaawucuna waa labo qof oo kaliya.

 

Source:

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg Deg ah:Wasiirka Dekedaha Puntland & ilaaladiisa oo ay gacanta ku dhigeen Koox Burcad Badeed ah.

 

Garacad:(Allpuntland)-Wararka imika APL kasoo geeraya lawaaxiga degmada Jiriiban ee gobolka Mudug ayaa kusoo waramaya in Koox Burcad Badeed ah oo kasoo kala gurmatay Degmooyinka Jiriiban,Gaalkacyo,Burtinle & Deegaanada Bursaalax & Bacaadweyn oo aad u hubaysani ay goordhaweyd si rasmi ah gacanta ugu dhigeen Wasiirkii Dekedaha & Gaadiidka Badda ee dawlada Puntland oo saaka ay Dagaalo kala duwani ku qabsadeen deegaano kamid ah gobolka Mudug.

 

Warar ay APL ku kalsoontahay oo ay ka helayso Deegaanadaas ayaa kusoo warmaya in Ilaalada Wasiirka & Wasiirku ay nabad qabaan islamarkaasna laga qabsaday Deegaanka Bali Kumeel oo 30-Km ujira Degmada Burtinel islamrkaasna dhexeeya Degmada Burtinle ee gobolka Nugaal & Deegaanka Malaasle islamarkaasna ay Kooxdu la aaday dhanka Degaanka garacad.

 

Gudoomiye Xigeenka Degmada Jariiban ee gobolka Mudug Cabdullaahi Cabdiraxmaan ayaa APL u xaqiijiyey Warkan,waxaana uu sheegey in ay wadaan dadaalo lagu baadi goobayo Wasiirka oo aanan weli la ogeyn halka ay geysteen Kooxdii qabsatay,isagoo sheegey in ay imika weli hubin halka lala aaday Wasiirka Dekedaha Puntland.

 

Wasiirka Dekadaha & Gaadiidka Badda ee Dawlada Puntland Eng,Siciid Maxamed Raage ayaa dagaalo culus maanta waqtiyo kaladuwan ay weeraro xoogani dhexmareen isaga & Kooxo Burcad badeed ahi,waxaanan la hubin halka uu imika Wasiirku kusuganyahay.

 

 

Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda ee Dawlada Puntland oo ay APL iskudayday inay la xiriirto ayey suurto gali weyday Taleefoonadiisa oo shaqayn la’Owgeed.

 

Source:

Share this post


Link to post
Share on other sites

War Deg Deg ah:Wasiirka Dekadaha Puntland oo imika soo gaaray Jariiban.

 

Jiriiban:(Allpuntland)-Waxaa Goordhaweyd oo Caawa ah Degmada Jiriiban ee Gobolka Mudug soo gaaray Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda ee Dawlada Puntland & Saraakiil kale oo saacadihii lasoo dhaafay ay haysteen Koox Burcad Badeed ah oo maanta Duhurkii gacanta ku dhigay xili ay kusugnaayeen deegaano katirsan Gobolka Nugaal ee Puntland.

 

Siideynta Wasiirka & Saraakiisha lasocota ayaa timid kadib markii ay Dadaal xoogan oo ay sameeyeen Cuqaasha Gobolka Mudug & Saraakiisha Maamulka gobolka oo qaarkood galabta kulan ku qaatay Guriga Islaan Bashiir Islaan Cabdille Islaan Faarax oo kamid ah isimada Puntland kuwaas oo xiriir lasameeyey Cuqaasha & Waxgaradka kusugan Deegaanada lagu haystay Wasiirka & Saraakiisha kale.

 

Wararku waxay sheegayaan in Wasiirku uu nabad Qabo islamarkaasna la geeyey goob gaar ah oo loo diyaarshay halkaasna ay kulamo uga socdaan Isaga & Saraakiisha Maamulka kuwaas oo soo dhaweeyey,Waxaana la rajeynayaa in Saacadaha soosocda uu Wasiirku ku hadlo Dagaaladii kala duwanaa ee maanta ku qabsaday Deegaano kamid ah gobolka Mudug.

 

Wasiirka Dekedaha & Gaadiidka Badda ee Dawlada Puntland oo ay APL isku dayday inay la xiriirto ayey suurtoo bi waysay,Waxaana saraakiisha lasocota ay sheegeen in saacadaha soosocda u Wasiirku hadli doono.

 

Eng,Siciid Maxamed Raage ayaa maanta ay qabsadeen koox Burcad ahi,waxaana sidoo kale ay isaga & Saraakiil lasocota ay saaka Aroor hore soo gaareen Degaano kamid ah Deegaano Xeebeedka gobolka Mudug halkaas oo uu Wasiirku u tagay Kormeer shaqo walow aysan taasi suurtoobin,lamina yaqaano in Wasiirku uu sii wadi doono Kormeerka & in uu halkaas kusoo afjarayo.

 

Source:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Islaan Bashiir Oo Amrey In Xoriyadiisii Dib Loo Siiyo Wasiirka Dekedaha Puntland

 

Gaalkacyo (RBC Radio):- Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa kulan deg deg ah waxaa uu isugu yeeray mas’uuliyiinta maamulada degmooyinka iyo maamulka gobolka Mudug, kuwaasi oo uu kala hadlay sidii deg deg loogu sii deyn lahaa isla markaana xoriyadiisa dib loo siin lahaa Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Maamulka Puntlad oo galabta koox burcad badeed ah ay qafaasheen.

 

Islaan Bashiir ayaa kulanka uu isugu yeeray xubnaha maamulka waxaa uu ka dhacay Aqalka Issinka uu ka degan yahay magaalada Gaalkacyo halkaasi oo si weyn looga hadley sidii loo sii deyn lahaa Wasiirka isla markaana arintaasi dadka ku dhaqaaqey talaabo looga qaadi lahaa.

 

Issinka ayaa magacaabay guddi Odayaal ah oo ku sugan degmada Jariiban ee gobolka Mudug, kuwaasi oo uu amar ku siiyey in ay Wasiirka ka soo wareejiyaan gacanta kooxaha burcad badeeda ah ee qafaashay, isla markaana ay dejiyaan meel gooni ah ugu dambeyna soo amba bixiyaan si sharaf leh.

 

Guddiga uu Islaan Bashiir Islaan Cabdulle u magacaabay hawsha sii deynta Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Puntland Mudane Siciid Maxamed Raage ayaa waxaa ay durbadiiba galeen hawshii Issinku u diray, waxayna la soo wareegeen Wasiirka oo ay dejiyeen mid ka mid ah hotelada magaalada Jariiban ku yaala, waxayna sheegeen in xaalada Wasiirku ay tahay mid wanaagsan, isla markaana ay soo amba bixin doonaan balse caawa uu nasanayo oo uu ku sugnaan doono degmada Jariiban.

 

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle ayaa door weyn ka ciyaarey sii deynta Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Puntland Mudane Siciid Maxamed Raage oo maanta gelinkii dambe koox burcad badeed ah ay ka qafaasheen deegaano aan sidaa uga fogeyn degmada Jariiban, waxaana arintani ay fajac ku noqotay dadweynaha Puntland oo ogaadey heerka awoodeed ee burcada ku sugan gobolka Mudug ay leeyihiin.

 

Source:

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qudhac   

duke is having heart attack trying to put a good spin on all these bad news coming from the pirate enclave.

 

mr somalia you not helping duke either....

 

that minister learned a big lessomn dont cross into rival cartels territory.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Originally posted by Qudhac:

duke is having heart attack trying to put a good spin on all these bad news coming from the pirate enclave.

 

mr somalia you not helping duke either....

 

that minister learned a big lessomn dont cross into rival cartels territory.

Like Silanyo learned....don't leave the triangle, especially Sool and Awdal!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Hales   

Its been obvious that Faroole took part in the pirate bussiness after he accepted bribes of the pirates in his election campaign and has been and has not taken action against the pirates.

 

Its possible that A.Yusuf has already giving his views to Faroole and possibly urged or ordered an attack on the pirate base in their meeting.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this