Sign in to follow this  
Suldaanka

Sanaag updates

Recommended Posts

Minister of Defence Arrives in Sanaag

 

-------------

 

Wasiirka Gaashaandhiga oo gaadhay ceerigaabo

Waxaa xalay gaadhay magaala Madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo wasiirka Gaashaandhigga ee Somaliland Mudane Aadan Mire Waqaf iyo saraakiil la socotay oo uu ka mid yahay ku xigeenka abaanduulka ee aagga bari Maxamed Abokor.

 

Weftigan oo uu taliyaha ciidanka Qaranka ee gobolka Sanaag Mudane Muuse Jaamac Delef uu kaga hortegey wadada ayaa markii ay soo gaadheen magaalada Ceerigaabo waxay kulan albaabadu u xidhan yihiin ay la qaateen madaxda ciidamada Qaranka ee ku sugan gobolka Sanaag, kulankaas oo ka dhacay taliska ciidanka Qaranka ee gobolka Sanaag.

 

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ayaa si weyn uga dhursugayey kulankan laakiin illaa iminka ma jiro wax saxaafadda looga soo bandhigay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

13 Wasiir Iyo Saraakiil Hay'adaha Samafalka Ka Socda Oo Booqashooyin Ugu Kala Baxay Deegaamada G. Sanaag Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 11 April, 2007

--------------------------------------------------------------------------------

 

Ceerigaabo (Somaliland.org) – Ilaa 13 wasiir oo ka socda xukuumadda Somaliland oo ay weheliyaan Agaasimayaal iyo saraakiil ka socda hay'adaha Samafalka Caalamiga ah ayaa maanta magaalada Ceerigaabo uga kala ambabaxay Afarta Jiho, iyaga oo kormeer ku soo maraya deegaamada gobolka Sanaag, si ay u soo dhammaystiraan hawlgalkii sahanka mashaariicda.

 

Wasiirradan iyo masuuliyiinta hay'adaha Samafalka Caalamiga ah oo loo kala diray Gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag ee Bariga Somaliland, si ay u soo sahamiyaan baahida dhinaca mashaariicda horumarineed ee goboladaas ka jirta ayaa isugu wada tegey magaalada Ceerigaabo, halkaas oo ay ilaa shalay ku sugnaayeen. Waxayna wufuuddaasi hawshooda dib uga bilaabeen Gobolkaas, iyada oo ay gobolkaas ka taagan tahay xaalad colaadeed oo ka dambeysey iska horimaad ciidamada Somaliland iyo kuwa Maamulgoboleedka Puntland ku dhexmaray degmada Dhahar ee Bariga Sanaag, halkaas oo lagu soo weeraray wefti ka socda Baarlamaanka iyo Xukuumadda Somaliland oo hordhac u ahaa weftiga wasiirrada iyo hay'adaha ee sahanka u ah mashaariicda horumarinta, isla markaana laga soo saaray degmadaas.

 

Wasiirada xukuumadda Somaliland iyo masuuliyiinta hay'adaha ayaa isu qaybiyey Afar koox oo u kala baxay maanta deegaamada Bariga, Galbeedka, Koonturta iyo Waqooyiga magaalada Ceerigaabo, si ay u soo sahamiyaan baahiyaha ka jira deegaamadaas.

 

Dhinaca bariga ayaa iska horimaadku ka dhacay ayaa la sheegay weftiga u baxay in ay gaadhayaan ilaa degmada Badhan.

 

Waxayna dib ugu soo noqonayaan magaalada Ceerigaabo marka Afartaa kooxood soo dhammeeyaan kormeerkooda.

 

Xaaladda ayaa haatan caadi ah deegaankaas, waxaana la sheegay in degmada Dhahar iyo deegaanka ku dhowiba ay si buuxda ugu gacangaleen maamulka Puntland, iyada oo shalay degmadaas laga dhisay gole deegaan oo maamulka Puntland ah.

 

C/risaaq M. Dubbad, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bariga Sanaag Oo U Muuqata Meel Dagaal Lama Huraan Yahay

Somaliland.Org — Erigabo, Somaliland — 10 April, 2007

--------------------------------------------------------------------------------

 

Ceerigaabo (Somaliland.org) – Xaaladda deegaanka Dhahar ee Bariga Sanaag ayaa deggan ilaa shalay, kadib dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidanka Somaliland iyo kuwa maamul-goboleedka Puntland. Hase yeeshee, waxa deegaankaas laga soo sheegay dhaqdhaqaaq ciidan oo laxaad leh.

 

Wasiirro door ah oo ka tirsan Somaliland ayaa ku sugan magaalada Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag, waxaana la sheegay in ay shirar iyo wadatashi albaabadu u xidhan yihiin ay ku jireen ilaa maanta. Isla markaana waxa gaadhey magaalada Ceerigaabo iyo deegaamada bariga ka xiga ciidamo iyo tikniko xoog leh oo ka tegey magaalooyinka Burco iyo Hargeysa. Waxayna wararku ishaarayaan in xaaladda magaalada Ceerigaabo iyo xoojinta ciidamada Somaliland ee gaadhey halkaasi ay u muuqato in dagaal uu lama huraan yahay.

 

Saraakiil Milateri oo jooga Ceerigaabo ayaa iyaguna u sheegay Somaliland.org in ilaa saddex aag oo bariga iyo Koonfurta Ceerigaabo ah ay ku wajahan yihiin ciidamo laxaad leh oo Somaliland ah, dagaalna aan laga fursanayn.

 

Qof jooga magaalada Burco ayaa u sheegay Somaliland.org inay dhaafeen tikniko iyo ciidan fara badan oo u sii jeeda dhinaca Bariga xalay, waxana uu sheegay inuu arkay isagu kolanyo ilaa 16 gaadhi oo tikniko ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka%20Cayaaraha.jpg

 

Ciidamada Qarrank S/Land Ayaa Gallabta Isku Wareejiyey Magaalada Dhahar Iyo Wefdigii W/Cayaaraha Oo xingaloo Lagu Soo Dhaweeyey

 

 

Hargeysa (Harowo.com) April 12 -07- Wasiirka wasaaradda gaashandhiga Somaliland Mudane Aadan Maxamed Mire Waqaf iyo saraakiil ka tirsan taliska guud ee ciidanka Qarranka Somaliland oo ay horkacayaan guutooyin ka tirsan Ciidanka Qarranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa la sheegaya inay gallabta gaadheen deegaanka Shimbiraale oo 12 Km Waqooyi galbeed kaga beegan Deegaanka Dhahar ee beriga gobolka Sanaag.

 

 

Dhaqdhaqaaqa Ciidanka Qarranka Somaliland Oo Kululaya Deegaanka Dhahar

 

Weriye Mustafe Maxamed Ciise oo ka tirsan Telefishanka Madaxa bannaan ee HCTV oo aanu goor dhawayd khadka telefoonka gacanta kula xidhiidhnay isagoo la socda cutubyada ciidanka Qarranka somaliland ee hadda ku sugan deegaanka Shimbiraale ayaa noo xaqiijiyey in ciidanka Qarranka Somaliland ay go'doomiyeen cidhifyada koonfureed, waqooyi iyo galbeed ee magaalada Dhahar isla markaana laga yaabo inay caawa goor danbe kululaan badhtamaha magaalada Dhahar oo ay dorraad dib uga soo laabteen, weli aagaasi lagama soo sheegin wax iska hor imaadyo ah balse gudaha magaalada Dhahar ayaa laga dareemaya cabsi weyn oo laga qabo dagaalo qadhaadh oo ka dhex qarxa iyagoo dadweynaha iyo odayaasha magaalada Dhahar-na ka dalbanaya maleeshiyaadka Maamul goboleedka ******teeniya ee halkaasi ku sugan inay iskaga baxaan magaalada.

 

Dhinaca kalana Wasiirka wasaaradda Cayaaraha Somaliland Mudane Maxamuud Siciid Maxamed iyo wefdi uu hogaaminaayo oo iskugu jira xildhibaano iyo golaha guurtida ayaa ku sugan deegaanka Xingalool oo waqooyi beri kaga beegan magaalada Dhahar iyagoo halkaasina kula hadlay shacabka reer xingalool duhurnimadii maanta wefdiga wasiirka ayaa waxaa la socda guddi qiimayn ah oo xallaytoole lagu magacaabay shir albaabadu u xidhnaayeen oo ay golaha wasiiradda somaliland ku yeesheen magaalada Ceerigaabo.

 

Wasiirka Cayaaraha Somaliland Md. Maxamuud Siciid Maxamed ayaa u sheegay dadweynaha reer Xingalool inay Dawladda Somaliland ka go'antahay sidii gargaar dhinac walba leh looga gaysan lahaa deegaanka xingalool iyadoo ayuu yidhi la dhisi doono kaabayaashii dhaqaalaha iyo bulshada sida iskuulada, xarumaha caafimaadka, waddooyinka iyo in xigalool lagu xidhi doono dhammaanba degmooyinka kale ee somaliland gaar ahaana deegaanada gobolka Sool.

 

Boqolaal qof oo reer xingalool ah ayaa iskugu soo baxay isla markaana si weyn usoo dhaweeyey wefdiga uu hogaaminaayo Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Somaliland Mudane Maxamuud Siciid Maxamed waxaana la sheegaya inay wefdigu u ambabaxaxyaan deegaano kale maalinta berritoole ah.

 

Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa u noqotay xarun ugu yaraan 29 Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland iyo weliba 30-meeyo mudane oo iskugu jira xildhibaanada golayaasha guurtida iyo wakiiladda iyagoo kulano is daba joog ah ku yeesha xarunta madaxtooyada ee magaalada Ceerigaabo, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali Ciro ayaa kulanadii xallay ay golaha xukuumadda ee ku sugan magaalada Ceerigaabo iskugu yimaadeen guddoominaayey.

 

Wixii ku soo kordha xaaladda Deegaanka Dhahar iyo weliba wufuudda wasiiradda iyo masuuliyiinta somaliland kala soco shabakadda Harowo.com oo heegan kuugu ah .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banaanbax Lagaga Soo Horjeedo Ciidamada M/Goboleedka Puntland Oo Ka Dhacay Magaalada Dhahar Gallabta

 

Hargeysa (Harowo.com) April 11 -07- Dadweynaha ku dhaqan magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag ayaa banaanbax kala hor yimid ciidamo tikniko u badan oo xallay soo gallay magaaladaasi kuwaasi oo ka soo gallay dhinaca magaalada Garoowe.

 

 

Khadka telefoonka gacanta oo aanu goor dhawayd fiidkii kula xidhiidhnay Weriye Mustafe Maxamed oo ka tirsan Telefishanka Madaxa bannaan ee HCTV kuna sugan deegaanka Xingalool ayaa noo sheegay in maanta gelinkii danbe ay dadweynaha reer dhahahar oo ay horkacayaan odayaasha dhaqanka ee deegaanka Dhahar ay banaanbax kala hor tageen ciidamo halkaasi soo gallay kuwaasi oo uu hor kacaayo Wasiir ku xigeenka Gaashandhiga Maamulka Puntland waxaana ay Ciidamada ******teeniya ee halkaasi ku sugani ay ku fureen rasaas nool, waxaana ku dhaawacmay halkaasi wiil yar oo 16 sanno jir ah xaaladda ayaa qasan caawa iyagoo ciidamada ******teeniya ee halkaasi soo gallayna ay diideen inay dib uga baxaan.

 

dhinaca kalana Ciidamada Qarranka Somaliland oo xallay fiidkii dib uga soo baxay deegaanka Dhahar isla markaana qaatay hadal ka soo baxay odayaasha deegaanka Dhahahar ayaa la sheegaya in caawa fiidkii ay dib ugu ruqaansadeen dhinaca dhulka keynta ah ee ku dhereren deegaanka Dhahar.

 

Dhinaca kalana Sida wararka naga soo gaadhaya magaalada Ceerigaabo tibaaxayaan waxaa halkaasi gaadhay ugu yaraan 15 Wasiir oo ka tirsan golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Somaliland waxaana wararku ay noo xaqiijiyeen in maanta gelinkii danbe ay gaadheen 10 wasiir oo uu horkacaayo wasiirka arrimaha Deegaanka Somaliland Mudane Fu'aad Aadan Cadde, waxaana wararku tibaaxayaan in maalinta berri ah ay wasiiradaasi booqan doonaan deegaano ku teedsan gobolada Sool iyo Sanaag iyadoo sidoo kalana laga cabsi qabo in dagaal horleh marlabaad uu ka qarxo aagagaaasi ay wasiiraddu booqanayaan oo aan maamulka Somaliland si adag u hoos imanin.

 

 

Qaybta 26-aad ee Ciidanka Qarranka Somaliland ayaa sida warar xogogaal ahi tibaaxayaan waxaa xallay hore loogu rarary aagga beriga iyo waqooyi Beri ee gobolada Sool iyo Sanaag iyadoo lagu xoojiyey cutubyo ciidamada Qarranka Somaliland ah oo hore halkaasi u joogay.

 

Wararka caawa naga soo gaadhaya dhinaca magaalada ceerigaabo ayaa sheegaya in xubnaha golaha Wasiiradda somaliland ee halkaasi ku sugani ay caawa fiidkii lahaayeen kulan albaabadu u xidhnaayeen kaasi oo saxaafadda gebi ahaanba loo diiday, iyadoo ilo xogogaal ahina u xaqiijiyeen Shabakadda Harowo.com in wasiiradda Somaliland ay ku soo kordhiyeen qorshahoodii socdaalada ay ku tagayaan deegaanada hoos yimaadda gobolada Sool iyo Sanaag tuulooyin cusub oo aan hore qorshaha ugu jirin.

 

Xaaladda Saansaanta dagaal iyo xiisadaha ayaa laga dareemaya tuulooyin badan oo ku teedsan beriga gobolka Sanaag sida Xingalool, Xadhka lagu xidh, Laasqoray iyo kuwa kale oo ku teedsan.

 

wixii warar ah ee ku soo kordha xaaladdaha wefdiyada wasiiradda Somaliland kala soco Shabakadda Harowo.com

 

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Harowo.com, Hargeisa, Somaliland

Email: diridhaba@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi balaadhan oo SL ah oo kusugan Buuhoodle iyo banaanbaxyo kadhan ah oo ka dhacay.

 

Warkii 11-Apr-2007 iyo Qormadii: afnugaalnews

Waxaa magaalada Buuhoodle soo gaadhay wafdi balaadhan oo kasocda Somaliland oo u dhashay Gobolka Cayn oo xilal looga soo magacaabay Hargeisa wafdidaas ayaa waxa ay kusugan yihiin magaalada Buuhoodle ilaa maalintii shalay ee lasoo dhaafay iyaga oo markii hore aan wax cilad ah la kulmin.

 

 

Wafdidan ku sugan Buuhoodle oo xilal sarsare kahaya SL oo ka mid ah kuwa ciidanka iyo ka Gobolka loo soo magacaabay ayaa waxaa kamid ah C/rashiid Raaf, Xamse gaadaweyne, C/raxman Caydiid & Cumar Jubuq oo hada dhamaantood ay kusugan Degmada buuhoodle.

 

 

 

Wafdidan ayaa markii ay yimaadeen waxa ay shirar kala gedisan la yeesheen qaar katirsan bulsshada gobolka Cayn oo ay si gooni gooni ah ula kulmeen iyaga oo aan wax dhib ah aysan kaga imaan Bulshawaynta Gobolka Cayn.

 

 

 

Hadaba maanta ayaa waxa ay wafdidani la kulmeen mudaharaad balaadhan oo lagaga soo horjeedo iyaga oo ay dadkii halkaa ku mudaharaadayay ay ku dhawaaqayeen haka baxeen magaalada iyo ereyo lamid ah inkastoo ay joogitaankooda ay Buuhoodle joogaan kaliya ku macneeyeen haddii ay iscasilaan.

 

 

 

Mudaharaadkan ayaa ahaa mid si wayn looga dareemay Degmada buuhoodle iyada oo ay dhamaan kasoo qayb galeen masuuliyiinta Puntland ee kusugan Gobolkaasi oo si wayn uga soo horjeeda joogitaankooda ay joogaan Buuhoodle rag Somaliland ah.

 

 

 

Ugu danbayntii ayaa wararka naga soo gaadhayaa sheegayaan Buuhoodle in ay hada socdaan waanwaan ladoonayo in ay nimankaasi kaga baxaan magaalada waanwaantaas oo ay wadaan odayaasha dhaqanka ee Buuhoodle oo doonayn in wax dhib ahi ay kayimaadaan hawlahan hada taagan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

xaf1.JPG

 

Wasiirka A/ gudaha Sland oo dhismayaal cusub xadhiga ka jaray

 

asiirka arimaha gudaha Mr Claahi Cirro oo ay weheliyo wasiirka cayaaraha iyo sport-ga Mr Maxamud Siciid iyo xildhibaanadii gobolka laga soo doortay’ maamulka degmada iyo madax kale oo badan ayaa maanta xadhiga ka jaray, dhismayaal cusub oo ay hay’ada UNDP u dhistay maxkamada gobolka iyo saldhiga booliiska ee daalo.

xaf3.JPG

 

Xafladaas oo ay ka soo qayb galeen dadweyne faradan iyo maamulka degmada, iyo gudoomiyaha maxkamada Gobolka iyo ka degmaduba.

Ayaa manta lagu qabtay magaalada ceergaabo. Waxa shirkaa furay maayarka degmada Mud: Ismaaciil X Nuur isaga oo u mahad naqay,hay’adii dhistay. Waxa kale oo iyana ka hadashay wakiilka hay’ada Marwo Faadumo Siciid oo hadalo kooban ka jeedisay. waxa soo gebagebeeyey Wasiirka isaga oo mahad naq u soo jeediyey Hay’ada UNDP wuxuu kale oo ku booriyey garsoorka maxkamaduhu inay ku dedaalaan sidii ay caddaalada u sugi lahaayeen isaga oo ugu maahmaahay: hadhkaa qobow ee aynu joogno kulayl haw bedelina isaga oo u jeedey caddaalada ilaasha.

 

Waxaa kale oo wasiirku uga si gudbey saldhiga Daalo oo isna dhisme kale oo ay hay’adu dhistay xadhiga ka jaray .

 

xaf2.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mayor of Dhahar Mr. Ali Kilwe Osman spoke to Ogaal Newspaper over the phone while he was in Dhahar.

 

 

-------------

Cali Kilwe Cismaan, oo sheegay in uu yahay Maayarka Degmada Dhahar ayaa waraysi aanu khadka isgaadhsiinta kula yeelanay shalay kaga hadlay arrimo la xidhiidha dagaalkii Isniintii ka dhacay Dhahar iyo sida imika xaaladu tahay

Waraysigaas aanu khadka telfoonka kula yeelanayna wuxuu u dhacay sidan.

 

S.maayar bal nooga waran sidii ay wax u dheceen,?

 

J. Isniintii ayay nagu soo duuleen, xoog ayaana lagu qabsaday shacabka, dhibaatooyin fara badanbaa loo gaystay, dhinac dhaqaale, dhinac karaamo iyo dhinac sharafeed intaba waa lagaga ciyaaray, dadweynaha meesha dagan waxgaradkiisa iyo guud ahaantiiba waa dad reer Somaliland ah dalkuna waa Somaliland. Nimankaasna deris ayaan la nahay, waayo, xuduudkaa nagu dhow, markaa, waa nagu soo duuleen walina waa na haystaan oo nagama foga,

 

S. Adiga, maayarnimada Somaliland ayaa kuu magacowday miyaa,?

J. Anigu, waxaan ka soo baxay golaha deegaanka, Degmada ayaana I dooratay.

 

S.Khasaaraha Dagaalku gaystay waa intee in leeg.?

J. dhimasho iyo dhaawac wuxuu kala gaadhay ciidamada, hase yeeshee dhimasho iyo dhaawac shacabka ah imika kuuma sheegi karro laakiin, hadday naxdin tahay, hadii ay baqdin hada jirta tahay iyo hadii ay suuqyada dhaqdhaqaaqooda tahayba, saamayntiisu way badantahay.

 

S.Ciidankii Somaliland ee meesha ka dagaalamay hadda xaguu ku suganyahay,?

J. Ciidankii nagama foga.

 

S.waxa la sheegayaa in ciidankii Somaliland ee dagaalamay Ceerigaabo ku soo noqday, taasi ma jirtaa?

J. Ma iman ciidankaasi Ceerigaabo, mana tagin, howlihiisii ayuu wataa ciidanku, howgal ayuu ku jiraa, kamana foga Dhahar.

 

 

S. Markaa miyaa laga itaal roonaaday ciidanka Somaliland?

J. Wallaahi ciidankani ciidan dagaal ku talo galay ma ahayn, wuxuu ahaa ciidan meesha kormeer u yimi, isagoo ciidanku wax-badan ilaalinaya nabadgalyada, masiirka umada iyo si aan magaaladu u burburin ayay dib u gurasho sameeyeen oo ceebina kama raacin.

 

S.Halkay joogaan imika?

J.Nagama foga oo degmada gudeheedana way joogaan shacabkuna wuu sugayaa.

 

S.Wasiirkii ciyaaraha iyo qoladii halkaa idiinku timi waxa la sheegay in markii dagaalku dhacay ay Ceerigaabo dib ugu soo noqdeen, bal ka waran taa?

J. Waa runtaa oo way naga tageen, imikana Ceerigaabo ayay ku suganyihiin, talo ahaana way ku tageen oo Odayaasha, Cuqaasha iyo waxgaradka degmada ayaa go’aan gaadhay oo yidhi naga baxa labadiina qoloba, si aan shacbiga dhibaato u gaadhin, Somaliland-na way yeeshay.

 

S. Gudoomiyaha Baarlamanka maamul goboleedka Puntland wuxuu sheegay in ay maamul u sameeyeen Dhahar ma jirtaa taasi?

J.waxba kama jiraan, dadka wax garadkiisa iyo cuqaasha iyo ururada bulshada degmadu may ogayn, iyadoo shir lagu jiro, xaalada dhacdayna ay ka shirayaan dadka wax ka ah wadanku, ayay dad qaadlayaal ah iyo kuwo aan macno lahayni meelahaa wax ka taagtaageen, arintaana waxba kama jiraan, arin iska taagtaag ah oo aan macno lahayn ayay ahayd.

 

S. Ciidanka Puntland ayaa haysta magaalada miyaa imika?

J.qayb ayaa joogta.

 

S.Markaa hadii odayaasha magaaladu yidhaahdeen labada dhinacba hanaga bexeen ma dhinaca Puntaland ayaa iska dhaga maray?

J. Halkii qolada Somaliland ay go’aanka ka qaadatay, iyagu dagaal ayay ku keceen, Caalamkuna waa ogyahay saxaafaduna waa ogtahay, waxaanu leenahay xuduudaha Somaliland ha ka bexeen.

 

S. Caawa (Xalay) wax shaqaaqooyin ahi ma dheceen?

J. Anigu inta aan ka warhayo kolay ciidamo ayaa is hor fadhiya, warka aan hayana ilaa imika waxba ma dhicin, laakiin, goor kasta dagaal wuu dhici karaa waayo, dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa jira.

 

S. Wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiiro kale oo badan ayaa ku sugan Ceerigaabo adigu wax xidhiidh ah mala samaysay?

J. Haa, waan la xidhiidhay oo wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka gaashaandhiga, badhasaabka iyo sirdoonka qarankaba waan la xidhiidhay.

 

S.Maxaad is tidhaahdeen markii aad ka wada hadasheen arrintan?

J.Arrintan waxa loo arkaa in lanagu soo duulay, waxa weeye waajibka kaliya ee jiraa oo dastuurka qaranka qodobkiisa 9-aadna sheegayaa, in la difaaco dalka oo cadowga laga difaaco, qodobkaas ayaa la qaatay, oo taladu tahay oo aanu yeelaynaa.

 

S. Sowdigan ii sheegaya in codsigii ay aqbashay Somaliland iyo in aanay halkaa tagin.?

J. Dadkaasi waxay ahaayeen dad yar oo baaq nabadgalyo jeediyay, waxaanay lahaayeen magaaladu yaanay burburin dadkana yaan wax gaadhin.

 

S.Markaa taasi waxay ka dhigantahay in dagaal loo diyaargaroobayo dhinaca Somaliland, miyaa?

J.hadii aanay ka biixin oo ay ku dhiiradaan wadanka in ay ku sii jiraan.

S. Hadda adigu ma degmadii aad maayarka ka ahayd ee Dhahar ayaad igala hadlaysaa?

J. Haa dhahar ayaan joogaa degmada meel ka tirsan ayaan joogaa.

 

S. Ciidan intee leeg weeye maleeshiyada Puntland ee meesha joogtaa.?

J. Anigu tiradooda ma garanayo.

 

S.markii aad dhinaca xukuumada la soo xidhiidhay talada kaaga timid waa in dagmada la difaaco sow maaha,?

J. waa qodob distooriya, hadii dalka la soo weeraro.

 

Ogaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaladda oo Deggan iyo Sansaan colaadeen oo la dareemayo

 

Xaaladda Gobolka Sanaag ayaa deggan ayaamahan, iyada oo la dareemayo dhaqdhaqaaq milateri oo ka socda Gobolka Sanaag.

 

Sida ay noo soo tebinayaan weriyayaasha Sanaagweb.com ee ku sugan gobolka Sanaag ayaa waxay sheegayaan in dhaqdhaqaaq milateri laga dareemayo agagaarka Magaalada Dhahar, iyada oo cabsi laga dareemayo guud ahaan magaaladaas. Saacad kasta waxa la fili karaa inay xaaladdu faraha ka baxdo, uuna bilaabmo dagaal.

 

Waxaa jira khilaaf ballaadhan oo kala dhex galay wax garadka iyo odayaasha Dhahar oo si xooggan uga soo horjeestay maamul la sheegay in ay maaleeshiyaddii Puntland khalkhal ku gelinayeen magaalada dhahar oo ay magcaabeen, haba yaraatee maamulkaas ayay waxba ka socon waayeen ka dib markii golihii deegaanka ee degmada dhahar ee Somaliland uu si kulul u cambaareeyey.

 

Sanaagweb.com

Ceerigaabo

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Hadii ay dhab tahay in ciidanka Somaliland uga soo baxeen Dhahar kabacdi amar ay ka qaateen odayaasha beeleedka, waa wax lagu mabsuudo sida nabada ay ulaaliyeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this