Sign in to follow this  
Suldaanka

President Riyaale to embark on a tour to the US

Recommended Posts

Madaxweyne Riyaale iyo wefti uu hoggaaminayo oo la filayo inuu booqasho ku tago Maraykanka

 

December 26th, 2007 [News] |

 

Hargeysa (Somaliland.org) - Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa la filayaa toddobaadka soo socda inuu u ambabaxo booqasho uu ku tegayo dalka Maraykanka.

 

Sida ay sheegeen warar ku dhowdhow Madaxtooyada, Madaxweyne Riyaale oo ay socdaalkiisa ku wehelin doonaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Caafimaadka, Caddaaladda iyo Wasiirkuxigeenka Qorshaynta, waxa ay martiqaad ka heleen Dowladda Maraykan.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda, mudane Cabdillahi Maxamed Ducaale oo ay weheliyaan Wasiirrada Caafimaadka, Caddaaladda iyo Wasiirkuxigeenka Qorshaynta ayaa iyagu hadda ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, halkaas oo la sheegay inay ka soo qaadanayaa fiisayaasha Madaxweynaha iyo weftigiisu ay ku tegayaan Maraykanka.

 

Socdaalkan ayaa noqonaya kii u horreeyey ee Madaxweyne Riyaale ku tago dalka Maraykanka. Waxaana la filayaa in ay martiqaadkan ka heleen saraakiisha ammaanka ee dowladda Maraykanka, iyada oo tibaaxaha u horreeya ee booqashadanina ay sheegayaan in Madaxweynaha lagala xaajoon doono Saldhig Milateri oo Maraykanku ka doonayo Berbera.

 

Cabdirisaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa.

 

E-mail: dubad@somaliland.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Rayaale oo Marti Qaad Rasmi ah ku tagaya Maraykanka(Updated:-(Thu.27.Nov.2007)

 

Hargeysa (Bnn) Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa la filaya inuu socdaal rasmi ah ku tago Dalka Maraykanka Horaanta sanadka cusub.

 

ilo xogogaal ah oo ku dhawdhaw qasriga Madaxtooyada ayaa Bnn u xaqiijiyey in marti qaad rasmi ah uu madaxweynuhu ku tagayo dalka Maraykanka kaas oo qaban qaabadiisa uu Wasiirka Arimaha Dibada SOmaliland u joogo magaalada Addis ee Caasimada Ethiopia.

 

siday ilahaasi xaqiijiiyeen Madaxweynuhu wuxu socdaalka ku tagi doona United States-ka Janaury sanadka cusub, waxayna Madaxweyne Rayaale iyo maraykanku ka wada hadli doonan danaha labada dal iyo iskaashi dhex mara.

 

wali ma jiro wax wara ah oo madaxtooyadu kasoo saartay marti qaadka Madaxweyne Rayaale u fidiyey Maraykanku, balse war saxafadeed uu xalay soo saaray Afhayeenka Madaxtoyada JSL ayaa lagu sheegay in wasiirka Arimaha dibada Somliland iyo wafti la socdaa uu casho sharaf u sameeyey Safiirka Maraykanka u Fadhiya Ethiopia,

 

Sidoo kale wafti reer Somaliland ah oo ka qayb galaya doorashooyinka dalka Kenya ayaa iyagana waxa casho sharaf u sameeyey Safiirka Maraykanka u fadhiya dalka Kenya.

 

Casha sharafooyinka safiiradu u sameeyeen Wufuuda somaliland iyo Safarka la filayo in madaxweyne Rayaale ku tago dalka Maraykanka waxay hor dhac u yihiin Jihada cusub ee siyaasada dalka maraykanka ee ku aadan Gobolka Geeska africa u jeedsatay, iyadoo bishan gudaheeda wasaarada Gashandhiga Maraykanka ee Pentagonka ay ka dhawajisay inay taageersan tahay Aqoonsi la siiyo somaliland.

 

Borama News Network

Hargeysa Office

Share this post


Link to post
Share on other sites

Safiirka Maraykanka ee Nairobi oo Shaaca ka Qaaday in Dawladdiisu ka Hawlgeli Doonto Aqoonsi Somaliland ka Hesho Caalamka

Thursday, 27 December 2007

 

Nairobi (Halganews)- Safiirka dawladda Maraykanka u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Ambassador Michal Ranneberger, ayaa markii u horreysay shaaca ka qaaday in dawladdiisu ka hawlgeli doonto sidii Somaliland aqoonsi caalami ah uga heli lahayd beesha adduunka.

 

Ambassador Michal Ranneberger oo la hadlayey wefti ka socda Somaliland oo Kenya u tegay inay goob-joognimo uga qaybgalaan doorashooyinka Khamiista maanta ka dhacaya dalkaas, waxa uu xubnaha weftiga ku wargeliyey in dawladda Maraykanku si buuxda uga hawlgeli doonto sidii Somaliland aqoonsi diblomaasiyadeed uga heli lahayd beesha caalamka.

 

Mr. Cumar Jaamac Faarax, Xoghayaha Siyaasadda ee xisbiga UDUB oo xubin ka ah weftiga Somaliland ee goob-jooginimada uga qaybgalaya doorashooyinka dalka Kenya, ayaa warsaxaafadeed uu shalay khadka internetka saxaafadda u soo mariyey waxa uu faafhaahin kaga bixiyey kulankii weftigooda dhexmaray Safiirka Maraykanka u jooga Nairobi Ambassador Michal Ranneberger.

 

“Dawladda Maraykanku waxay si fiican u gacansiin doontaa Somaliland sidii loo aqoonsan lahaa, waxana loo baahan yahay in waddamada AU-da culays badan lagu saaro arrintaas, annaguna waxaannu diyaar u nahay in aannu raacno dawladda u horreysa ee ku dhawaaqda arrintaas oo aanu gacan ka geysan doono,” ayuu yidhi Safiirku.

 

Wefiga ka socda Somaliland oo isugu jira xubno ka kala socda Komishanka Doorashooyinka, saddexda xisbi qaran iyo saxaafadda madaxaabannaan, ayaa Isniintii dorraad gaadhay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay kulamo kula yeesheen masuuliyiin iyo madax ka kala tirsan beesha caalamka.

 

Weftigan oo ujeeddada booqashadiisa Nairobi ku qotonto sidii ay goob-joognimo ugaga qaybgeli lahaa doorashooyinka la filay inay maanta ka dhacaan dalka Kenya, ayaa waxay habeen hore kulan casho-sharaf ah la yeesheen Safiirka Maraykanka u fadhiya Nairobi, Ambassador Michal Ranneberger.

 

Xubnaha weftiga ka socday Somaliland oo ka degay madaarka caalamiga ah Jomo Kentatta Airport ee magaalada Nairobi, waxa halkaa ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan Mac-hadka International Republican Institute oo suurtogeliyey safarkooda Kenya, kuwaas oo u gelbiyey guriga uu deggan Ambassador Michal Ranneberger, kaas oo isaguna si diirran u soo dhoweeyey .

 

Waxa kale oo Safiirku kulankaa ku soo hadalqaaday wufuud kala duwan ka kala socda waddamo dhawr ah oo goob-joog ka noqon doono doorashooyinka Kenya, isaga oo dalalkaas si gaar ah carrabka u dhejiyey inay ka mid yihiin Somaliland iyo Bosnia Helsagovena.

 

Casho-sharaft Safiirku u sameeyey weftiga Somaliland waxa kale oo uu ugaga warramay aragtida dawladdiisu qabto aqoonsi Somaliland ka hesho beesha caalamka, isaga oo tilmaamay Somaliland in wax badani iska beddelay aragtida dawladda Maraykanka ee dalkii Soomaaliya, isla markaana Somaliland si fiican uga gacansiin doonaan sidii ay u heli lahayd aqoonsi. “

 

Waxa weftiga iyo sifiirku ka wada hadleen waxyaabaha Somaliland kaga duwan tahay Soomaaliya iyo siday ku hanatay nabadda ay haysato, iyaga oo weftigu u sheegay in dadka reer Somaliland dhaqan u leeyihiin nabadda, lagana soo bilaabay geed hoostii, go’aanna ay ku gaadheen inay dhistaan qaran la yidhaa Somaliland.

 

Sida oo kale waxa ay weftigu shalay booqasho ku tageen goob lagu dhaqo xayawaanka oo lagu magacaabo (Safari Parka), waxaanay subaxnimada hore ee saaka u ambabixi doonaan degaannada Northeast Garisa oo ay goob-joogayaal ahaan uga qaybgeli doonaan doorashooyinka madaxtinimada, iyaga oo weftigu u kala qaybsami doonaa saddex aag oo kala ah Nairobi, Massay dhulka Massaydu degto iyo Garisa oo ah degaanka Soomaalida Kenya, halkaas oo ay joogi doonaan muddo laba maalmood ah.

 

 

 

AA.Sheekh, Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A.J.   

Im not too sure whether this is a good development or not. Riyaale and others have gone on numerous tours from which nothing has ever really been gained so i am not too sure whether one more is gonna add much.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this