Sign in to follow this  
Kamalu Diin

Beelaha Mogadishu oo kala hadlay Ethiopia in ay garbaduuka ay ku hayso ka siidayso

Recommended Posts

Saraakiisha ciidamada Itoobiya oo kulamo qarsoodi ah la qaatay qaar ka tirsan waxgaradka beelaha ****** ee Muqdisho

 

Saraakiisha sar-sare ee ciidamada Itoobiya kuna sugan magaalada Muqdisho oo kulamo xasaasi ah oo looga hadlayo amniga iyo xasiloonida magaalaada la leh qaar ka tirsan siyaasiyiinta iyo waxgaradka beelaha ****** ee ku dhaqan Gobolka Banaadir.

 

Kulamadan oo ah kuwo joogto ah oo in muddo ahna socday ayey labada dhinac uga wada hadleen sidii laysaga kaashan lahaa arimaha amniga loogana hortego lahaa kooxaha weerarda ka geystagoobaha ay ku sugan dowladda federaalka iyo ciidamada Itoobiya, waxaana si saraaxad leh ay ay labada dhinac isku dhaafsadeen fikrado aaraa kala duwan oo la xiriirta qaabka ugu haboon ee leysaga kaashaan karo nabadgelyada oo mudooyinkii ugu dambeeyey faraha ka sii baxeysay.

 

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay oo kulankaasi ka soo baxay Beelaha ****** ayaa saraakiisha Itoobiya u soo jeediyay inay joojiyaan waxa ay ugu yeereen garbaduubka ay ugu qabanayaan beelo kale, waxayna u balan qaadeen inay gacan ka geysnayaan xasiloonida magaalada iyo joojinta barakaca, waxaana laga codsaday saraakiisha Itoobiyaanka ah inay ka joojiyaan shacabka madaafiicda xad dhaaf ah ee ay ku garaacayaan marka kooxaha hubeysan ay hoobiyaha la dhacaan barahooda.

 

Waxaa kale oo ay soo jeediyeen beelaha ****** inay luntay awood qeybisgii iyo isku dheeli tirkii xubnaha dowladad qeybeheeda kala duwan, oo ay sheegeen in madaxda dowladdu ay ku koobeen beelahooda iyo weliba jufooyinka ay ka soo kala jeedaan, waxayna ku war geliyeen saraakiishaasi Itoobiyaanka in aaney wax cadaawad gooni ah kala dhaxeyn shacabka Itoobiya iyo dowaldeedaba, ayna joojiyaan.

 

Warkan ayaan ka soo xiganay ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan ilo lagu kalsoon yahay oo ka mid ah ka qeyb galayaashii kulankaasi oo diiday in magacooda la xuso, waxaana arintani ay ku soo beegantay xili habeenadii la soo dhaafay aaney w ax qaraxyo ah ka dhicin Muqdisho marka laga reebo dilalka gaadmada ah ee dadka rayiodkaa ah loo geysanayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

From dayniile.com

 

saraakiisha Itoobiya u soo jeediyay inay joojiyaan waxa ay ugu yeereen garbaduubka ay ugu qabanayaan beelo kale, waxayna u balan qaadeen inay gacan ka geysnayaan xasiloonida magaalada iyo joojinta barakaca

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this