Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Minister Dismissed

Recommended Posts

Hargeysa (Qaran)- Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta xilkii ka xayuubiyay |Wasiirkii Deegaanka iyo horumarinta Miyiga, Md. Fu'aad Aadan Cadde, ka dib markii uu dhaliilay gobolada iyo degmooyinka cusub ee dhawaan la magacaabay.

 

Madaxeynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ku eedeeyay wasiirkaasi inuu ku xad-gudbay anshaxa iyo akhlaaqiyaadka wasiirnimo ee uu ka hayay xukumada.

 

Warsaxaadeedka xilka lagaga qaaday wasiirkii deegaanka ayaa u qornaa sidan "Wareegto uu Maanta soo saaray Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo ku saabsan Xil ka qaadista Wasiirkii Horumarinta reer Miyiga Fu'aad Aadan Cadde .

 

Waxa uu ku sheeay ka dib markii wasiirkaasi uu ku xad gudbay anshaxa iyo akhlaaqiyaadka wasiirnimo , isaga oo mar walba isaga hadla wixii afkiisa ku soo dhaca , wax badana Madaxweynuhu uu ka gaabsaday in uu tallaabo ka qaado xad gudubyadaasi uu ku kacay , waxa uu gartay in xilka Wasiirkii Wasaarada Horumarinta Reer Miyiga ee uu Qaranka u hayay laga qaado Laga bilaabo Taariikhda Maanta.

 

Madaxweynuhu waxa kale oo uu wareegtadaasi ku sheegay , maadaama xilka laga qaaday wasiirkaasi in uu u madax banaanaado hadalada macno darada ah ee uu maalin walba ku hadlayo, isaga oo madaxweynuhu faray sida ugu dhakhsaha badan uu xilka ugu wareejiyo si niyad sami ah wasiir ku xigeenka Wasaarada Horumarinta Reer Miyiga , inta aan wasiir hanta xilka wasaarada loo Soo Magacaabayo''.

 

Dhanka kalena ila hada wax hadal ah oo la xidhiidha eedaymahaasi xilka lagaga qaaday kama ay soo yeedhin dhanka wasiirka xilka laga qaaday oo ah rugcadaa siyaasi ah, mudane Fu'aad Adan Cadde waxa uu ahaa wasiir had iyo gooraale dhaloola xukumada uu ka tirsanaa, waxa aanu aad ugaga duwanaa madaxda kale ee golahii wasiirada ee uu ka tirsanaa waxa uu aaminsanaa in xoog iyo qori caaradii gobolada Sool lagaga kiciyo maamulkii Puntland ee qabsaday gobolka Sool, taasi oo uu xukumada Rayaale dhowr jeer ku dhaliilay in ay xoog lagu kiciyo ka door bidayso in siyaasad la adeegsado.

 

Xidhiidhka madaxweyen Rayaale iyo Fu'aad Adan Cadde waxa ay aad u u sii kala f******** tan iyo intii uu madaxweyne Rayaale magacaabay gobolada iyo degmooyinka cusub, taasi oo khilaafkooda ugu weyni uu salka ku hayo, taasi oo laga yaabo in ay jiraan waxyaabo kale, Fu'aad Adan Cadde waa masuulka kaliya ee qaadacay ama ka soo horjeestay xukamdii uu ka tirsanaa siyaabaha ay ugu magacwday degmooyinka iyo gobolada cusub, xaga golaha wasiirada intiisa kale ay soo dhaweeyeen.

 

Qarannews

Hargaysa

Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yes, not only those gobollo but he also talked some other issues ..... i've read the interview and was not up to a Minister's standard ,, :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

War-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Somaliand Siciid Cadaani Mooge, oo arrintaa ka hadlaaya ayaa waxa uu u qornaa sidan:-

 

‘’Wareegto uu Maanta soo saaray Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo ku saabsan Xil ka qaadista Wasiirkii Horumarinta reer Miyiga Fu’aad Aadan Cadde .

 

waxa uu ku sheeay, ka dib markii Wasiirkaasi uu ku xad gudbay Anshaxa iyo Akhlaaqiyaadka Wasiirnimo , isaga oo mar walba isaga hadla wixii afkiisa ku soo dhaca, wax badan-na Madaxweynuhu uu ka gaabsaday in uu tallaabo ka qaado xad gudubyadaasi uu ku kacay, waxa uu gartay in xilka Wasiirkii Wasaarada Horumarinta Reer Miyiga ee uu Qaranka u hayay laga qaado Laga bilaabo Taariikhda Maanta [03/04/08].

 

Madaxweynuhu waxa kale oo uu Wareegtadaasi ku sheegay , maadaama xilka laga qaaday Wasiirkaasi in uu u madax banaanaado hadalada macno darada ah ee uu maalin walba ku hadlayo, isaga oo Madaxweynuhu faray sida ugu dhakhsaha badan uu xilka ugu wareejiyo si niyad sami ah Wasiir ku xigeenka Wasaarada Horumarinta Reer Miyiga , inta aan Wasiir hanta xilka Wasaarada loo Soo Magacaabayo’’.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha S/lland Daahir Riyaale oo xilkii ka xayuubiyey W/ horumarinta S/lland Fu,aad Aaden Cadde

Posted to the Web Apr 03, 17:39

 

 

Laascaanood:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa ku soo waramaya in xilkii laga xayuubiyey wasiirka horumarinta iyo reer miga Fu,aad Aaden Cadde iyo ka dib markii ay uu khilaafeen aragtida siyaasadeed ee ku aadan Gobolka Sool iyo deeqaha la geynayo soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweynaha S/Land Daahir Riyaale.

 

Khilaafka ayaa waxaa uu bilaawdey markii uu Fu,aad Aaden Cadde ka biyo diiday qaabka loo maareynayey lacago canshuur ah oo loogu talo galay abaaraha ka jira gobalka Sool iyo Ciidamada ka talin doona deegaanada Sool.

 

Fu,aad Aden Cadde ayaa waxaa asal ahaan uu ka soo jeedaa Gobolka Sool waxaa uuna ahaa ragga aad ugu ololeyn jiray ama qeybta weyn ka qaatay in magaalada Laascaanood ay ka mid noqoto Maamulka S/land.

 

Madaxweynaha S/land Daahir Riyaale Kaahin ayaa waxaa uu sheegay in xilka looga qaaday Fu,aad Aaden Cadde hadalo uu ka sheegay saxaafada gudaha S/land taas oo ah mid masuuliyo daro ah oo aan looga baahnayn in uu ku hadlo qof wasiir ah.

 

Fu,aad Aden Cadde ayaa waxaa u diiday in ciidamo aan u dhalan Sool la geeyo Laascaanood taas oo laga diiday waxaana Masuulinta S/land u sheegeen in ciidanka S/land la geynayo meel kasta oo ay maamulkooda hoos yimaada.

 

Waxaa dad badan saadaalinayaan in sida caadada u ahayd siyaasiyiinta Reer Sool qaar ka mid ah ay marka Maamulka ay ka caroodaan ay ka tagaan kuna biiraan maamulka kale ee ka soo horjeeda kii ay ka mid ahaan jireen.

 

M_M Deeq

Halgan.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fu'aad Aadan Cadde Oo Xilkii Laga Caydhiyey, Ka Dib Markii Riyaale Sheegay In Uu Afxun Yahay, Akhri Waraysiga Uu Bixiyey Fu'aad Ee Xilka Looga Qaaday

 

 

 

Apr 03, 2008 By:

Hargeysa(Jidbaale.com):-War maanta ka soo baxay goobta looga taliyo Malayshiyada SNM ee Hargeysa uuna ku saxeexan yahay afhayeenka goobtaasi ayaa waxa lagu eryey oo xilkii uu hayey laga qaaday Fu'aad Aadan Cadde, isaga oo uu Riyaale sheegay in uu Fu'aad Noqday nin aan xishoon oo wuxuu doono ku hadla

 

 

Wareegtaddii xilka lagaga qaaday ayaa sidan u qornayd.

 

"Wareegto uu Maanta soo saaray Daahir Rayaale Kaahin oo ku saabsan Xil ka qaadista Wasiirkii Horumarinta reer Miyiga Fu’aad Aadan Cadde, waxa uu ku sheegay ka dib markii Wasiirkaasi uu ku xad gudbay Anshaxa iyo Akhlaaqiyaadka Wasiirnimo, isaga oo mar walba isaga hadla wixii afkiisa ku soo dhaca, wax badana Madaxweynuhu uu ka gaabsaday in uu tallaabo ka qaado xad gudubyadaasi uu ku kacay, waxa uu gartay in xilka Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga ee uu Qaranka u hayay laga qaado Laga bilaabo Taariikhda Maanta.

 

Riyaale waxa kale oo uu Wareegtadaasi ku sheegay, maadaama xilka laga qaaday Wasiirkaasi in uu u madax bannaanaado hadallada macno darrada ah ee uu maalin walba ku hadlayo, isaga oo Madaxweynuhu faray sida ugu dhakhsaha badan uu xilka ugu wareejiyo si niyad sami ah Wasiir ku xigeenka Wasaarada Horumarinta Reer Miyiga , inta aan Wasiir hanta xilka Wasaarada loo Soo Magacaabayo’’.

 

Fu'aad Aadab Cadde oo hore loogu yaqaanay in uu afkiisa wixii ka soo baxa ku hadaaqo, isaga oo Hargaysa u hiilinaya ayaa maanta dhirbaaxo siyaasadeed aanu filayn kaga timi kii uu cid walba u seegay, iyada oo si fool xun looga xayuubiyey xilkuu sheegan jiray.

 

Jidbaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this