Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Madaxweyne Rayaale Iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Saaka Barqadii U Jarmaaday Berbera

Recommended Posts

hadhwanaag 2007-06-25 (Hadhwanaagnews) Hargeysa (HWN) Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo Wefti uu hogaaminayo ayaa saaka barqadii u ambabaxay magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera, halkaas oo la sheegay in socdaalka Madaxweynaha ay ka dambeysay isaga oo dhagax dhigi doona Dhismaha Warshada Sibidhka Cusub, taas oo laga dhagax dhigayo agagaarka Warshadii hore ee Sibidhka.

Dhismahan Warshadan Cusub ee Sibidhka ayaa waxa hirgelin doona shirkad Jarmal ah oo weftiga Madaxweynaha ay ka mid yihiin Madax ka socota shirkadaasi. Ma jiraan warar rasmi ah oo xukuumadda Somaliland ka soo saartay safarka uu madaxweynuhu ku tagay magaalada Berbera in uu dhagax dhigistaa ku eekaan doono iyo inkale.

Arrintan dhagax dhigista Warshada Sibidhka ee Cusub ayaa dad badani waxay hoos ka xariiqeen in ay ka mid tahay olole siyaasadeed oo la xidhiidha dhaqdhaqaajinta mashaariic dhowr ah oo ay tan warshadu ka mid tahay, taas oo ah sida xukuumada Madaxweyne Rayaale looga bartay marka ay soo dhowaadaan ololaha doorashooyinku in ay talaabooyinkan oo kale qaadan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

hadhwanaag 2007-06-25 (Hadhwanaagnews) Berbera (HWN):- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin iyo wefti uu hogaaminayey ayaa caawa u hoyday Magaalo Madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera, kadib markii uu si kadis ah barqadii ugu jarmaaday halkaasi, isla markaana uu gaadhay duhurkii.

 

Madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayey ayaa sida uu ku soo waramayo weriyaha shabakada wararka ee Hadhwanaag ee magaaladaasi inay halkaasi ku soo dhaweeyeen Madaxda iyo masuuliyiinta sar sare ee Gobolka, kuwaas oo ay horkacayeen boqolaal gaadiida oo ay wateen dadweynihii soo dhaweynayey Weftiga Madaxweynaha.

 

Dadku waxay taagnaayeen wadooyinka hareeraheeda, iyaga oo lulayey calanka Somaliland iyo caleemo qoyan oo ay ku soo dhaweynayeen weftiga Madaxweynaha.waxaana weftiga Madaxweynaha la dejiyey aqalka Martida ee magaalada Berbera.

 

Socdaalka uu Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale iyo Weftiga uu hor-kacayo ku tagay Magaalada Berbara ayaa la sheegay inay u jeedadiisu tahay inuu Madaxweynuhu dhagax dhigo Warshada Sibidhka ee magaalada Berbera, oo ay maal-gelisay Dawlada Jarmalku.

 

Xubno ka kala socday Dawlada Jarmalka iyo Koox Wasiiro ah ayaa galabta si wada jira u soo calaamadiyey goobtii la dhisi lahaa Warshada cusub ee Sibidhka, ila markaana ah agagaarka warshadii hore ee Shamiitada.

 

Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga uu hogaaminayo ayaa Caawa u hodey Magaalo Madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera, isla markaana sida ay tibaxayaan wararka naga soo gaadhaya Magaalada Berbera inuu Madaxweynuhu aroorta oo ay ku beegan tahay xuska 26 june markii ay somaliland xor-numada ka qaadatay maxmiyadii Ingiriiska oo haatan laga joogo dhow iyo afartan sanadood, uu Madaxweynuhu dhagax dhigidoono Warshada Sibidhka ee Magaalada Berber.

 

Dhinaca kale, sida ay sheegayaan dad badan oo ay rumeysan yihiin inay tahay olole Siyaasadeed oo la xidhiidha dhaqdhaqaajinta Mashaariic dhowr ah oo ay ka kow tahay tan wershada Sibidhku, sida looga bartay Xukuumada Somaliland waxay had iyo jeer bilowdaa ololaha markay doorashooyinku ay soo dhawaadaan, iyada oo ay mudooyinkan danbe ay jireen dhaqdhaqaaqyo ay xuno ka mida Golaha wasiirada ee Madaxweyne Rayaale ku tageen qaar ka mida Gobolada oo ah Burco iyo Boorame.

 

Weftiga Madaxweynaha waxa ku wehelinayey Wasiirada, Maaliyada Xuseen Cali Ducaale [Cawil], Macdanta iyo Biyaha Qaasim Sheekh Yuusuf, Xanaanada Xoolaha Idiris Ibraahin Axmed, Waxbarashada Xasan Xaaji Maxamuud Warsame [Xasan Gadhweyne], Wershadaha Maxamed Saleebaan Maxamed iyo Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir Cilmi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this