Sign in to follow this  
Saxardiid

Wafdigii Dowladda KMG ah oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Let the game begin!

 

Wafdigii Dowladda KMG ah oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

 

Wafdigii ka socday Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho kadib markii ay ka soo kictimeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo dadweyne aad u fara badan dhooban yihiin Banaanka hore ee Hotel Saxafi, halkaas oo wafdiga dowlada degi doonan.

 

Wafdigan oo ka kooban 28 Xubnood ayaa waxaa ka mid ah Xaaji Muuse Suudi, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf), Maxamed Cabdi Yuusuf iyo xubno kale ayaa waxaa soo dhaweeyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo boqolaal Baabuurta Dagaalka ee loo yaqaano Tiknikada.

 

Dadka meesha isugu yimid oo u badnaayeen Dumar iyo Carruur ayaa waxay wateen boorar ay ku muujinayeen sida ay u taageersan yihiin imaansha dowladda KMG ah ee Soomaaliya Magaalo madaxda dalka ee muqdisho.

 

Wafdiga ayaa waxay ku sugan yihiin Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho halkaas oo lagu soo dhaweeyay, iyadoo Maamulka Gobolka Banaadir muujiyeen sid

 

Xildhibaan C/llaahi Geeddi Shadoor oo ka mid ah xubnaha Wafdiga ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qaabka loo soo dhaweeyay wafdiga, wuxuuna ugu baqaay dadka reer muqdisho inay sidoo kale soo dhaweeyaan dowlada inta ka harsan.

 

:Aad baan ugu farax sanahay sida la noo soo dhaweeyay, sidoo kale dadka waxaan leeyahay waxaa joognaa dalkeena hooyoâ€ayuu yiri Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka mid ahaa wafdiga Dowladda federaalka ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

 

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Sabtida imaan doona Magaalada Muqdisho

 

Sida uu Maanta Bogga midnimo u sheegay Prof Maxamed Cumar Dalxa oo ah Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka soomaaliya maalinta sabtida ayaa la filayaa in 50 xubnood oo ka kala tirsan Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada oo uu hogaamanayo Guddoomiyaha Baarlamaanka shariif Xasan soo gaaran Magaalada Muqdisho.

 

Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa la sheegay inay socdaalkoda daba socda kan maanta muqdisho ku imaanayaan xubnaha Dowladda federaalka soomaaliya ayaa waxay doonayaan inay dadka muqdisho kala hadlaan imaanshaha dowlada xaruunta dalka soomaaliya, in laga guuro goobihii hantada Guuud iyo arrimaha nabadgalyada.

 

Mr Dalxa waxaa uu sheegay in socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka ay muhiim u tahay dowladda KMG ah, sidoo kale waxaa uu sheegay in 37 xubnood oo ka kala tirsan Baarlamaanka iyo Wasiirada ay booqan doonan magaalooyinka Maamul Goboleedka Puntland.

Midnimo Information Center

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wafdi ka Socda DKMG ah Oo Maanta Muqdisho soo Gaaray

 

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta soo gaaray wafdi xildhibaanno iyo wasiirro ka kooban oo uu hogaaminayey gudoomiye ku xigeenka la baad ee baarlamaanka federaalka kmg ah ee Soomaaliya, Md Cismaan Boqorre.

 

wafdigan ayaa ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Balli doogle ee gobolka shabeellada hoose halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta gobolka Banaadir oo maalmihii la soo dhaafay diyaar garow aad u ballaaran ugu jiray sidi ay wafdiga u soo dhawaayn lahaayeen.

 

Dad wayne aad u fara badan oo soomaalila ah ayaa waxa ay isugu soo xoomeen dacallada wadada ka timaadda Ballidoogle ilaa hoteel Saxafi ee magaalada Muqdisho oo wafdigu ay haatan ku suganyihiin.

 

Markii ay soo galeen magaalada Muqdisho waxaa qaar ka mid ah xildhibaannada wafdiga la socdayi ay u gacan haatinayeen dadka soo dhawayntooda aawadood dacalka waddada u

soo tubtay, caleemo qoyan qaar badan oo ka mid ahi lulayeen.

 

Waxaa wasiirradan iyo xildhibaannada dowladda ka tirsani ay sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay dalka dib ugu soo laabtaan ka dib muddo labo sano ku dhow oo ay wadahadallo dib u heshiisiineed u joogeen dalka Kenyaoo wali saldhig u ah dowladda federaalka kmg ah ee soomaaliya oo la filayo xilliyada soo socda in ay dalka dib ugu soo laabato.

 

Qaar badan oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ayaa sheegay in aysan filaynin in muqdisho ay sidan tahay sidaasi daraadeedna ay aad ugu faraxsanyihiin xaaladda ammaan ee magaalada oo ay sheegeen in ay aad uga duwantahay muuqaalkii horay maskaxdooda ugu jiray ammaankeeduna uu yahay mid la isku hallayn karo

 

Liibaan Cabd Cali

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Thanks for sharing this with us Saxardiid and Duke_Valantino. I think this will proof A/Yusuf wrong that the government needs foreign forces in order to go back to the country. I beleive that this sort of wellcome will take place on many places around the country.

 

Marka meeshaan marmarsiiyo ma yaallaane orda oo dalka taga haddii aad dowladdii tihiin oo ummaddaan hogaanka u bugta wax u qabta, haddii kale sheekadu waxay noqonaysaa hoteello ku yaal dalal shisheeye oo qaboow iyo cunto macaan baan rabnaa inaan 5ta sano ku dhammaysano adduunkana aan weelal badan oo lagu tuugsado la wareegno ummadda xaqeedana ku cunno.

Share this post


Link to post
Share on other sites

WAFDIGII KA SOCDAY (DFKMF) SOOMAALIYEED OO MAANTA SOO GAARAY MUQDISHO

 

W.D. Abuukar Yaasiin Xaaji

Muqdisho, Soomaaliya

abuukarsom@hotmail.com

 

Wafdi ballaaran oo uu hor kacaayo ku xigeenka labaad ee golaha baarlamaanka DFKMG mudane CISMAAN CILMI BOQORRE ayaa maanata soo gaaray magaalada muqdisho wafdigaan oo kasoo dagay saaka gagida diyaaradaha ee BALI DOOGLE ayaa waxaa halkaas kusoo dhaweeyay maamulka gobolka banaadir oo uu hor kacaayeen gudoomiyaha gobolka FIRINBI iyo duqa magaalada muqdisho SHAAWEEY ayadoo ey wehliyeen qaar kamid ah urrurada bulshada waxaana wafdigu uu kusoo dagay hotelka SAXAFI oo sida lasheegay qaar kamid ah wafdiga ey dagi doonan.

 

Banaanka hore ee HOTELKa ayaa waxaa buux dhaafiyay dadweyne badan oo u yimid soo dhaweynta mas'uuliyiintii imaaneysay markii ey soo wada xaroodeen wafdiga ayaa waxaa dadweynaha la hadlay hogaamiyaha wafdiga mudane cismaan boqorre oo dadweynaha iyo mauulyiintii soo dhaweysayba uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ey usoo dhaweeyeen isagoo intaas ku daray in wafdigoodaan uu horudhac u yahay dowladii oo dhan oo imaan doonto waddanka gudihiisa

 

Wafdiga ayaa xubnihiisa waxaa kamid ahaa waziirka ganacsiga Al-xaaji MUUSE SUUDI YALAXOOW oo isaga markii uu soo dagay dadweynuhu in badan u sacabba tumeen isla markaana u salaameen isaguna uu uga mahad celiyay soo dhaweyn tooda waxaana xusid mudan in xubnaha wafdiga marka laga reebo xaaji muuse iyo C/RAXMAAN IBBI oo iyagu waziirra ah intiisa kale eey ahaayeen xillibaanno baarlamaan

 

Dhanka kale waxaa muuqatay in HOTELKA SAXAFI oo ah meeshii wafdigu kusoo dagay anan siweyn loo habeyn habsami udajinta wafdiga iyo waliba warsiinta saxaafadda oo ey muuqatay in wariyayaasha qaar loo diiday galitaanka albaabka hoose ama gudaha HOTELKA oo ey ka dhageysan lahayeen wararka ey bixnayaan masuuliyiinta.

 

W.D. Abuukar Yaasiin Xaaji

Muqdisho, Soomaaliya

abuukarsom@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this