Sign in to follow this  
RedSea

Homeland defense news: 10 invaders killed in a new offensive.

Recommended Posts

RedSea   

10 Tigray soldiers killed in the wake of the new offensive to counter the invaders.

 

 

Toboneeyo tigree ah oo saaka ku bakhtiday Suuqa xoolaha kadib markii ay galeen beer miino ah oo mujaahidiintu dhigeen.

 

Gaalo badan oo Tigree ah oo marayay goob ku dhow suuqa xoolaha ayaa saaka halaag la kulmay kadib markii ay galeen beer miino ah oo ay Mujaahidiintu wakhti hore goobtaas ku beereen, si ay ugu halaagsamaan gaalada iyo murtadiintu.

 

Markii halkaa ay soo gaareen iyagoo raxan raxan ah ayaa mar kaliya waxaa qabsaday qaraxyo isdaba joog ah oo midba midka kale ku xigay, maadaama ay ahaayeen qaraxyo isku xiran oo midba midka kale qarxinayay.

 

Dad goobjoogayaal ahaa ayaa sheegay in ay arkeen toboneeyo tigree ah oo halkaa ku bakhtaday iyo qaar badan oo dhaawac ah, waa ilaahay fadligiisa mar haddii gaaladii soo duushay maydkooda la waray wadooyinka magaalada Muqdisho.

 

Xirfaddan ayaa ah mid cusub oo mujaahidiintu la yimaadeen oo ka mid ah xirfadaha badan ee ay ku laayaan gaalada murtadiinta.

 

Allaahu akbar Allaahu akbar

 

Sabti, 25, Aug,2007

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Wararkii Muqdisho:- Qaraxyo saakay lala beegsaday ciidamada Ethiopian-ka.

 

-------------------------------------------------------------------------------

hadhwanaag 2007-08-25 (Hadhwanaagnews) Muqdisho(HWN) Ciidamada Ethiopian-ka ee ku sugan qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa saaka kooxo hubeysan waxa ay ku qaadeen weeraro ay u adeegsadeen bambooyinka gacmaha lagu tuuro ee F1 loo yaqaan.

 

Ciidamadaan Itoobiyaanka oo xiliga la weeraray ku sugaa xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho, ayaa lagu soo waramayaa in qasaaro ay kasoo gaartay weerarkaasi, balse lama sheegi karo ilaa xiligaan qasaaradaha rasmiga ah ee kasoo gaartay.

 

Ciidamadaan la weeraray ayaa la sheegay inay ka yimaadeen xerada Maslax oo fariisin xoogan u tahay xiligaan qeyb kamid ah ciidamada Ethiopian-ka ee Muqdisho ku sugan, iyadoo saddex bambo gacmeed oo is xig xiga lagu tuuray gawaari ay wateen ciidamadaan.

 

Dadweynaha deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in ciidamada Ethiopian-ka ay fureen rasaas xoogan kadib markii qaraxyada lala beegsaday, iyadoo rasaastii ay tuureen ay ku dhaawacmeen qaar kamid ah dadweynaha ku sugnaa agagaarka uu falka ka dhacay.

 

Labo qof oo rayid ah ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen rasaasta ay fureen ciidamada Ethiopian-ka, iyadoo haweeneey dhaawac kasoo gaaray rasaasta markii dambe ay u geeriyootay.

 

Qaraxyadaan ayaa sababay in gabi ahaanba uu istaago isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo ganacsiga, waxaana wadada laamiga ah meelaha qaar ku sugan ciidamada Ethiopia oo baaritaano xoogan halkaasi ka wada.

 

Isku soo duuboo, Kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda Siyaasada Dowlada KMG ah ee Somalia isla markaana ku sugan Muqdisho waxa ay wateen isbuucyadii lasoo dhaafay weeraro fool ka fool ah oo ku qaadayaan ciidamada DF iyo kuwa Ethiopian-ka ee caasimada ku wada sugan.

"""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""""

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tahliil   

The only mistake these poor Tigraynan boys made was that they've jumped head first into an inferno that everybody in this wolrd have best understood to stay away from it...They are not the first ones in history thou to commit a grave and deadly error. pple, smarter and better than they've been, walked into the same dark alleys and get punished for it.

 

But the critical question still stands, will they survive, will the Tigraynan tyrany survive from this catastrophic blunder in the face of the increasing distance between them and the US government.

 

http://www.hiiraan.com/news2/2007/aug/ambassador_deplores_u_s_congress_bill_on_ethiopia.aspx

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this