Sign in to follow this  
xiinfaniin

Muslim Scholars in Somaliland Call Acceptance of Election Resulst

Recommended Posts

Culimada Soomaaliyeed ee ku nool S/lland oo ka digay in khal khal la geliya nabadgelyada

Posted to the Web Jul 01, 14:41

 

 

Hargeysa:-Culimo,udiinka Soomaaliyeed ee ku nool S/lland oo gaaraya ilaa 45 culimo ah ayaa waxaa ay ugu baaqeen shacabka iyo dhamaan masuuliyiinta Axsaabta in ay ka foojignaadaan inay khalkhal galiyaan amaanka dalka.

 

Culimada Soomaaliyeed ayaa uga digay in dadweynuhu iyo masuuliyiinta kale duwan ee axsaabtu ay baylihiyaan nabadgelyada ka jirta S/lland,culimada ayaa waxaa ay ugu baaqeen in qoladii laga adkaado doorashada in ay is dhiibaan oo aysan abuuri fowdo iyo khalkhal.

 

Culimada ayaa waxaa ay khibrada ka qaateen burburkii iyo dagaalkii sokeeye ee ka dhacay dalka Soomaaliya markii ay dhacday dowladii Soomaaliya, dagaala daas ayaa horseeday burbur iyo dagaalo aan dhamaad lahayn taas oo ay ka faaiidaysteen dowladu daris la ah Soomaaliya oo hurinaya dagaalada ka socda Soomaaliya.

 

Culimo,udiinka S/lland ayaa lagu xasuustaa kaalintii ay ka qaateen joojin dagaal beeled ka dhacay S/lland xiligii Madaxweynaha uu ahaa S/lland Raiisul wasaarihii hore ee dalka Soomaaliya Cigaal ,culimada ayaa hishiis kala dhexdhigay beelihii dagaalku ka dhex socday oo khasaaro baahsan isku geystay

 

Bayaanka culimada ayaa ku soo beegmay xili shalay xisbiga talada haya ee UDUB uu sheegay in doorashadii lagu shubtay walow arinkaas oo raali gelin ka bixiyey madaxweynaha S/lland Daahir Riyaale Kaahin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this