Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu clan gathering supports TFG. PICS

Recommended Posts

Beesha ****** Cismaan oo si buuxda u taageertay Dowlada Federaalka iyo hawl galada ay nabad ugu raadinayso Caasimada Muqdisho

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 09/04/07

 

Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo Imaam Maxamuud Imaam Cumar.

 

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka kmg ee Somalia Prof. Cali Maxamed Geedi, Imaamka Beesha ****** Cismaan, Md. Imaam Maxamuud Imaam Cumar, Malaaqa beesha iyo Ugaaskoodaba, Xildhibaanada iyo wasiirada beesha ****** ugu jira Dowlada Federaalka iyo shacab aad u tiro baddan ayaa maanta waxaay ka qeyb galeen kulan qaddo ah oo lagu soo gaba gabeeyey shir maalmahan si kala gooni gooni ah ay jilibyada ****** ugu socday magaalada Muqdisho.

 

Kulankan ayaa waxaa ka hadlay qaar matalayey Jilibyada uu u qaybsamo ****** kuwaaso dhamaantood soo bandhigay inay si buuxda u taageerayaan dowladda Federaalka isla markaana ay raali ka tahay beesha in dowlada ay hawl gal ka samayso caasimada iyadoo jilibyadaasi ay balan qaadeen inay wareejin doonaan hubka u yaala guryahooda, isla markaana ay ka baxayaan guryaha dowlada iyo beerahii horey loo bililiqeystay.

 

Sidoo kale dadka halkaasi ka hadlay xaga siyaasiyiinta ayaa waxaa ka mid ahaa Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo la hadlayey Beesha ****** ayaa waxa uu ugu hanbalyeeyay in ay leeyihiin magaalada Muqdisho isla markaana ay tahay gogol ay soo gali karaan qof kastaa oo bani'aadam ah loona baahan yahay buu yiri in garab buuxa lala garab istaago dowlada Federaalka iyo qorshayaashooda.

 

Xaaji Muuse Suudi mar uu ka hadlayey caasimada Muqdisho waxa uu sheegay in deegaanada ku xeeran iyo caasimadaba ay leedahay beesha ****** ayna fidinayaan goggol cidkastaa ay soo gali karto isagoo ka reebay ama farta ku fiiqay Muqaawimo iyo Alqaacida inaysan boos ku lahayn magaalada Xamar oo ay la dagaalamayaan wuxuu qiray xaajiga in ururkaasi ay isaga ka rideen hogaamintii uu hogaamin jiray beeshiisa wuxuuna haatan sheegay in loo baahan yahay dowlad isla markaana la garab galo buu yiri.

 

Xaajiga wuxuu ku nuuxnuuxsaday in aysan jirin qabiil ay la dagaalsan yihiin ka ****** ahaan wuxuuna sheegay in Al-qaacidana aanan lagu riixayn beel gooni ah wuxuu qiray in beesha ****** ay leeyihiin kooxo gacansaar la leh Al-qaacida wuxuuna u sheegay in ay ka waantoobaan hadii aysan sidaasi yeelina ay la dagaalamayaan oo ay garab istaagayaan Dowlada Federaalka.

 

Waxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ah imaamka beesha ****** wuxuuna sheegay in isagoo ka wakiil ah beesha ****** codkoodana ku hadlaya ay si buuxda u taageerayaan dowladda federaalka kmg isagoo qiray inaysan ka mid ahayn kuwo sheeganaya beelaha ****** ee la dagaalamaya Dowlada iyo saaxiibadood dalka Ethiopia.

 

Wuxuu fariin gaar ah u diray beesha ****** ee ku nool Qurbaha inay iyagana dhankooda ka taageeraan dowlada Federaalka isagoo carabkiisa ku adkeeyey in ay yimaadaan dalka Somalia oo qeyrkood wax la qeybsadaan wuxuuna cadeeyey in kursigii ****** uu ku fadhiyo Prof. Cali Maxamed Geedi hadii ay jiraan wax ka maqan Hawiyena ay la xisaabtamaan si nabadgalyo iyo Wadahadal ah Ra'iisul Wasaaraha, Muqdisho waxaanu ka doonaynaa inaan gogol ugu fidino qoys walba oo dhibaato sheeganaya laakin ma ahan buu yiri in dagaal la qaado xili ay dhibaatooyin caafimaad, dhaqaale la'aan iyo barakac jiro.

 

Imaam Maxamuud oo shirbaya ayaa kusoo gunaanaday shirib kusocda beesha ******: (Inoow ****** hal noqdaa u hilihaa hagranamaa), iyo Duco uu u duceeyey dhamaan ummada Soomaaliyeed sidii ay ugu bixi lahaayeen qabiilka sida xun loogu adeegto.

 

Ugu danbayntii waxaa halkaasi ka hadlay Ra'iisul Wasaare Prof. Cali Maxamed Geedi wuxuuna beesha ****** weydiistay inay bilaabaan hubka inay dhigaan maadaama uu isaga ka dhashay wuxuu kaloo ka codsaday in ay ka baxaan guryaha dowlada iyo beeraha aaysan xaqa u lahayn wuxuu markaasi sheegay in lagu dayan doono, wuxuu kaloo ku nuuxnuuxsaday inaanay suuragal ahayn oo loo jeedo kuwii hoobiyaha tuuri jiray hadana bilaabay inay godod ka qotaan caasimada goobaha ay wali ku hareen iyadoo ku googooyey caro iyo dhagxaan jidadka, taasi ma suura galayso waana wax loo jeedo oo la iska celin doono hadaysan ka waantoobin waxa ay wadaan.

 

Xaq maaha kuwa afka duubta oo sheeganaya muqaawimo iyo argagaxiso waxaana beesha ****** looga fadhiyaa buu yiri inay iska celiyaan kuwa xaafadahooda xabadaha ka dhex tuuraya waayo buu yiri jawaabta meeshaasi waxay noqonaysaa bartilmaameen lala beegsanayo cidii meeshaasi wax kasoo riday waana inaan raali laga noqon kuwa qas wadayaasha ah ee raba inay dhibaato u soo jiidaan ummada Soomaaliyeed.

 

Ra'iisul Wasaaraha waxa uu sheegay kuwa ka tirsanaa Maxaakiimta inay isaga baxaan dhibka ay ku jiraan oo kusoo biiraan miiska Wadahadalka oo ay sheegtaan dhibaatooyinka ay tabanayaan waxaana loo fidinayaa Cafis hana kasoo qeyb galeen buu yiri shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed oo dhawaan la qaban doono wuxuuna si cad u cadeeyey in shirkaasi uu u furan yahay cidkastoo Soomaali ah.

 

Dowladu ma ogola in Qabiil qabiil la isku dilo oo ay isu gumaysato raalina kama ah, Beer ninkiisa gubaya ma jirto taasi waxaan ula jeedaa shacabka Soomaaliyeed waxay noo yihiin Beerteenii oo aan doonayno inaan ka ilaalino dugaaga iyo Tuugada, Jid baa furan ee hasoo marto cidii wax sheeganayso sidaasi waxaa yiri Prof. Cali Maxamed Geedi.

 

Shirkani ayaa jawaab u ahayd beesha ****** oo laga sugayay inay cadeeyaan mowqifkooda ku aadan arrimaha Dowlada waxaana baryahaan loo shirayay beel beel iyadoo beesha ay ka kooban tahay 9 sagaal ****** ayaa hadan waxaa loo fariistay Sedex qeybood oo kala ah ***** ******, Wacbuudhan iyo Wacaysle iyagoo dhamaantood ay diyaar ku ahaayeen siyaasiyiintooda meesha shirka ka dhacayey ee Hotel Lafweyne oo ku yaala degmada Kaaraan agagaarka Fagax.

 

Siyaasiyaanta kasoo qeyb gashay ayaa ahaa kuwo horey looga yiqiin masraxa siyaasada waxaana ka mid ahaa Maxamed Dheere, Shiikh Muudeey Gacal, Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, Xildhibaan Hilowle Imaam Cumar, Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga Salaad Cali Jeele, Wasiirka Ganacsiga Prof. Afrax, Xildhibaano kale oo ka mid ah beesha ******.

 

 

Bidix Xaaji Muuse Suudi iyo Prof. Gedi oo is marxabaynaya

 

Midig Ugaaska Beesha ****** Maxmed Cali Ugaas dhexda Imaamka bidix R. Wasaraha

 

Bidix Marwada Ra'iiul wasaaraha Marwo Faaduma Xasan Barow iyo Walaasheed

 

Xubnaha ka soo qeyb galay kulanka qadada Beesha ****** cismaan

 

Nin kor u haya sawirka Geedi iyo Mele Sanawi

 

Haweenka Beesha ****** oo kor usida sawirada Raysul Wasareyaasha Somalia iyo Ethiopia

 

 

Gabar kasocota Jaaliyada Dibada oo beesha ****** u dhalatay oo taageradeda mujisay

 

Xaaji Muuse Suudi Yalaxow

 

 

Imaam Maxamuud Imaan Cumar

 

Kasoo qeyb galayaasha oo taageeradood dowladda Muujiyey

 

Maxamed Cabdulle Xasan (Siidi)

siidmohamed@hotmail.com

siidi@somaliweyn.com

Somaliweyn Media Center

Muqdisho - Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho: Warbixin faah faahsan oo ku saabsan kulankii beesha ****** ee maanta.

9. April 2007

 

Muqdisho(AllPuntland)- Kulan ballaaran oo galabta ay isugu yimaadeen Hotelka Lafweyn Xubnaha beesha ****** ugu jira dowladda KMG ah ee Soomaaliya, waxgarad, odayaasha dhaqanka iyo ganacsato kaasoo looga hadlayey sidii aragti mideysan looga qaadan lahaa arimaha ka ka socda magaalada Muqdisho iyo sidii loo taageeri lahaa dowladda federaalka KMG iyo howlgalada ciidamada dalka Itoobiya ay ka wadaan Muqdisho.

 

Kulankan ayaa xubnihii ka soo qeybgalay ka mid ahaa Ra'iisul Wasaaraha dowladda KMG Prof. Cali Maxamed Geeddi, Wasiirka Ganacsiga, Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga, Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow, Xildhibaan Cumar Filish, Xildhibaan Hiwlowle Imaan Cumar, Taliye ku xigeenka booliska Cabdi Maxamed Fiidow Joon, Imaamka beesha ****** Imaam Maxamuud Imaam Cumar iyo xubno kale.

 

Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku baaqday dib u heshiisiin hase ahaatee ka hor inta uusan qabsoomin shirka dib u heshiisiinta ay dowladda nadiifin doonto caasimada Muqdisho isagoo intaa raaciyay in ay la dagaalami doonaan kooxo uu ku sheegay argagixiso yar oo Muqdisho ku sugan.

 

Geeddi ayaa ka codsaday beesha ****** in ay garab siiyaan dowladda Soomaaliyeed isla markaana waxaa uu ka codsaday in hubka ay hayaan ku soo wareejiyaan iyadoo beeshana ay balan qaatay in ay hubkooda ku wareejin doonaan isla markaana ay garab geli doonaan sidii looga hortegi lahaa kooxaha ka soo horjeeda dowladda.

 

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda KMG Soomaaliya aysan raadsaneyn beel gaar ah balse dad doonayo arimo kale in ay arimahaasi ku hadlayaan.

 

Ra'iisul Wasaaruhu mar uu ka hadlayey arrimaha shirka dib u heshiisiinta iyo qaabka looga qeybgalayo ayaa waxaa uu sheegay in shuruud looga baahan yahay xubnihii ka tirsanaa maxkamadaha, shuruudahaasi ayuu sheegay in ay ka mid yihiin sadax qodob oo kala ah.

 

1-"Waa in uu ka baxo shidada uu ka qeybgalay ama maxaakiimta wixii lagu magacaabi jiray, cadeeyaana mar danbe wax dagaal ah uusan sameyn".

 

2-"Inuu aqoonsan yahay dowladda Federaalka Soomaaliya".

 

3-"Inuu shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ku soo fariisto isagoo beeshiisa ka mid ah" ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha oo intaa raaciyay in muwaadinka Soomaaliyeed ee buuxiya shuruudahaasi uu ka soo qeybgali karo shirka isagoo maraya wadadaasi.

 

Sidoo kale waxaa kulankaasi ka hadlay Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo sheegay in beesha ****** ay si cad u taageersan tahay dowladda KMG ah ee Soomaaliya isla markaana wax walba ay ku taageereyso, wuxuuna tilmaamay in cidii ka soo horjeesata nabada dhinac laga mari doono.

 

Nabadoon Cumar Dheere ayaa sheegay in beesha ****** 100% ay taageersan tahay dowladda iyo howlgalada Muqdisho ay ka wadaan ciidamada Itoobiya, isagoo sheegay in beesha ****** ay tahay gogosha caasimada dalka ee Muqdisho dadka ku dhaqan ee u dhashay gobolada kale ee ka soo horjeeda nabada iyo nidaamka dowladnimada ayuu ugu baaqay in ay tagaan goboladooda oo ay ka diidaan dowladda iyo nidaamka nabada.

 

Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in caasimada Muqdisho ay tahay caloosha dalka isla markaana ay deeqdo cid kasta oo Soomaaliyeed hase ahaatee waxaa uu yiri " Muqdisho Soomaalida oo dhan ay deeqdaa laakiin shan muqaawamo ah iyo anaga nama wada deeqdo", wuxuuna intaa raaciyay in ay u istaagi doonaan sidii xasiloonida loogu soo celin lahaa dalka loogana saari lahaa wax uu ku sheegay kooxo afka soo duubtay.

 

Kulankan ayaa xubnihii ka soo qeybgalay ay si wada jir ah iskula af garteen in la taageero dowladda iyo howlaha ciidamada Itoobiya ay ka wadaan Muqdisho, waxayna ugu baaqeen kooxaha kale in ay nabada qaataan cidii ka soo horjeesatana aysan ka aqbali doonin.

 

Kulankan ayaa waxaa uu daba socday kulamo maalmahan ka dhacayey Muqdisho oo ay jufooyinka beelaha ****** ku yeelanayey Magaalada Muqdisho, wuxuuna ku dhamaaday jawi degan.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kulankan ayaa xubnihii ka soo qeybgalay ka mid ahaa Ra'iisul Wasaaraha dowladda KMG Prof. Cali Maxamed Geeddi, Wasiirka Ganacsiga, Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga, Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow, Xildhibaan Cumar Filish, Xildhibaan Hiwlowle Imaan Cumar, Taliye ku xigeenka booliska Cabdi Maxamed Fiidow Joon, Imaamka beesha ****** Imaam Maxamuud Imaam Cumar iyo xubno kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Beesha Muddullood oo maanta yeelaneysa kulankii ugu ballaarnaa ee lagu taageerayo dowladda Soomaaliya

 

Maanta ayaa lagu wadaa in kulan qado ah oo noqonaya kii ugu ballaarnaa ee lagu taageero dowladda Federalka Soomaaliya uu ka dhoco hotelka Lafweyn ee magaalada Muqdisho

 

Maanta ayaa lagu wadaa in kulan qado ah oo noqonaya kii ugu ballaarnaa ee lagu taageero dowladda Federalka Soomaaliya uu ka dhoco hotelka Lafweyn ee magaalada Muqdisho,kulankaas oo ay isugu imaanayaanm dhamaanba qeybaha kala duwan ee bulshada ku abtirsata beel weynta Muddullood ,waxaana lagu wadaa in ay ka qeyb galaan in ka badan 1000 ruux.

 

Kulankan ayaa waxaa uu daba socdaa kulamo wada tashi ahaa oo shalay ka kala dhacay Hotellada Lafweyn,Banaadi iyo Global oo ay ka qeyn galeen xubnaha labada gole ee dowladda Soomaaliya ugu jira beesha Muddullood,waxana lagu wada in kulanka maanta dacaya lagasoio saaro war murtoyedkii ugu cuslaa ee lagu tageero dowladda Soomaaliya iyo barnaamijyadeeda.

 

Kulamadii shalay ayaa waxa ka hadlay masuuliyiin uu ka mid yahay Maxamed Cumar xabeeb (Dheere) oo sheegay in beesha Muddullood ay si aad ah uga go'antahay in ay taageerto oo la shaqeyso dowladda Soomaaliya wixii isku daya in ay dowladda ka hor yimaadaana ay beeshiisu dagaal toos ah kala hortagi doonto.

 

"Anagu waxaan rabnaa dowald iyo kala dambeyn,laakin hadii walaaleheeen aysidaa diidan yihiin ka yeeli meyno waxaana cod dheer ugu sheegeynaa in xageena ay dagaal ka tahay oo aan ku abtirsanno dowladda cidii diidana dowladda ka hor anaga ayaa dagaal kala hortageynma" erayadaas iyo kuwo kale oo aad u kul kulul ayaa ka mid ahaa kalimadihii uu maxamed Dheere kulan kii gogol xaarka ahaa ee shalay ka jeediyay.

 

Xafiiska warqabadka shabaakdda wararka carmooyin.com ee Muqdisho.

 

Contact:info@carmooyin.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxamed Dheere: ““Waxaan dooneynaa inaan ku noolaano nidaam, sharci, kala dambeyn iyo dowladnimo si caruurteenu u helaan mustaqbal wanaagsan si taas loo gaaro waa inaan taageernaa qorshaha dawlada KMG ah”

Posted to the MOL April 9, 2007, 8:50 am

 

 

Maxamed Dheere oo ka mid ahaa hogaamiyaashii sayaasada Somalida walina ah gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa shalay ka qayb galay shir ay lahayeen beelaha ******. Shirkaas ayaa waxaa looga hadlayay sida beesha ****** u taageeri lahayd dawlada kmg ah loona so afjari lahaa dagaalka aan wali laga heshiin ee ka socda magaalada Muqdishu.

Shirkaas ayaa waxaa ka hadlay odayaal iyo aqoonyahano ka tirsan beesha ****** oo cadeeyay in ay asbuucaan soo saarayaan war cad oo ku saabsan mawqofkooda dagaalka Muqdishu iyo taageerada dawlada KMG.

 

Waxaana shirkaas isna ka hadlay Maxamed Dheere oo ah siyaasi si weyn Somaliya looga yaqaan beesha ******na ku leh magic weyn. Maxamed Dheere ayaa sheegay in ujeedada shirkaan tahay sidii beeshu uga hadli lahayd dawladnimo iyo sidii fawdada looga bixi lahaa. Wuxuu yiri; Dalkaan wixii dhib ka dhacay hadda cid moogi ma jirto, dhiigna waa la daadshay ddeef badana waa la dhacay, dhaqan daro xuna 16 sanno ayay socotay, in taas laga baxo oo nabad loo baxo oo la heshiiyoo, oo la iscafiyoo, dawlad noqono ayaan go’aansanay – taas oo ka timid dawlada federaalka ah.

Wuxuu sheegay Maxamed Dheere isaga iyo ra’iisal wasaarahu inay Nayroobi u aadeen sidii ay colaada iyo dagaalka nabad ugu soo dhameyn lahaayeen oo qaar ka mida madaxdii qolyaha wax qarxiya aan ugu tagnay. Wuxuu sheegay inay dadaalkoodii faramarnaan kala soo noqdeen iyagoo buu yiri kuwa Muqdishu ka dagalamaya waraaqo u qoreen madaxdooda ay leeyihiin heshiis ha qaadanina, waxaan goor dhow furan doonaa taangiyada iyo hubka ciidanka itoobiya. Hadday tangiyo qabsanayaana waaba la isku joogaa ayuu intaas sii raacshay Maxamed Dheere.

 

 

““Waxaan dooneynaa inaan ku noolaano nidaam, sharci, kala dambeyn iyo dowladnimo si caruurteenu u helaan mustaqbal wanaagsan iyo waxbarasho si taas loo gaaro waa inaan taageernaa qorshaha dawlada KM ah” Ayuu yiri Maxamed Dheere.

Go’aanka beesha ****** ee barri soo bixi doona waa in aan si wada jira u taageeraa ayuuna Maxamed Dheere ku soo gabagobeeyay hadalkiisi.

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiin, well it was always about clan, though some got fooled with the whole fake religious movement for a time.

 

Nabadoon looter, Culusow, Abdiqasin are all fighting for what cause? The clan they have long droped their religious robes and put on the clan denim..

 

Here are your insurgents saxb..

Odayaasha Beelaha ****** oo iska fogeeyay xiriir ay la leeyihiin Maxkamadaha

http://shabelle.net/2007/April/n11213.htm

.........................................................

 

One welcomes this meeting all the traditional, religious and even their warlords are all coming out in support of the national government..A good development

Share this post


Link to post
Share on other sites

Given uncle Sam's commitment, that's the new strategy for the shabaabs.

 

The insurgency is real adeer. Your tfg calls it terrorists. It has no solution for it. Reason is tfg is not allowed to talk to these leaders. As for Ina Diiriye’s comedy and his clannish froths, well that’s tolerable, I say, given Ethiopia’s military intervention. As you know the old man had his share on this type of breathing out exercise…

 

The stand off continues. And that says a lot about tfg’s current status and strength.

Share this post


Link to post
Share on other sites

This is one of the biggest developments. I salute them for their courage as they have now clearly shown their unwavering support for this government, that is headed by the Prime Minister of Somalia, Professor Cali Maxamed Gheedi.

 

This is a crucial and very important development that was needed a long time ago. Now is the time or never, I say.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xiin the Shabaab have become Kabab long ago, it was no more than a media created "army" who when the bullets started fled. The leaders of your insurgency now is Mr Diriye & Culusow by all means go join them and defend their looted property.

 

History will highlight how the clan courts helped this government in many ways..

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol@go join them and defend their looted property!

 

That’s too simplistic Dukow…

 

The tfg is reduced to a mere form for America’s anti-terror plot. The fight is on adeer. As always I cant help but sense your hardened stance against certain Somali clans.

 

I agree that this Diiriye dude is funny and so is your Minster Jeelle :D !

Share this post


Link to post
Share on other sites

Not as simplistic as your argument dear lad, in which you are creating soem noble cause when it is led by Nabadoon Looter .

 

Our Minister is hawk, and while his words I do not agree with, he is defending the national governemnt and not looted properties.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this