Sign in to follow this  
Xargaga

'Reer Muqdisho Ayaa Ka Danbeya Dagaalka Dhahar' Madaxweyne-Xigenka Puntland

Recommended Posts

Xargaga   

Boosaso (Somaliland.Org) Madaxweyne ku-xigeenka Maleeshiyo beeledka Puntland, Xasan Dahir Afqudhac ayaa shalay khudbad ka jeediyey shir ka dhacay magaaladda Boosaso, shirkaas oo lagaga hadlayay sidii loo sugi lahaa amaanka Garowe iyo Boosaso.

 

Md Af Qudhac oo shirkaas ka hadlaya ayaa waxa uu khudbadiisi ku sheegay in dagaaladdii dhowaan ka dhacay Dhahar ay ka danbeeyen dadka reer Muqdisho oo raba inay dawladda federaalka ah bur buriyan

 

 

"Waxaa dagaalkii Dhahar ka masuul ah oo dabada ka wada reer Muqdisho oo hadda ku sugan Hargeysa. Kuwa dagaalka horinaya waa kuwo aan doonayn oo ka soo horjeeda dawlada Soomaaliya, waxanay ka shaqaynayaan sidii loo wiiqi lahaa dawlada federaalka, markaa maadaama aan anagu dawlada taageerno ayaa la doonayaa in Puntland dhibaato loo gaysto"ayuu yidhi Afqudhac oo xamaasadaysani.

 

 

Afqudhac ayaa waxa uu sheegay inay dagaaladaas dabada ka wadaan dawlado shisheye kuwaas oo aanu magacaabin,

 

 

"Ma aha cidda la soo weeraray madaxweynwaynahayaga, kuxigeenka oo aniga ah iyo dawalada Puntland, laakiin waxaa la doonayaa in la burbuiryo waa umada Puntland" ayuu yidhi Afqudhac oo hadalkiisa sii wata.

 

 

Dhowaan aya waxa dagaalo ka dhaceen degaanka Dhahar dagaladas oo ciidamadda Somaliland ku jebiyeen weerar gaadmo ah oo kaga yimi maleeshiyo beeled kazoo duushay degaanka *****teniya. Hase yeeshee ciidamada Somaliland ayaa kadib guuushas hadana dib uga gurtay degaanadii iyo goobahii lagu soo weeraray.

 

 

© Somaliland.Org News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Originally posted by nabadshe:

"Waxaa dagaalkii Dhahar ka masuul ah oo dabada ka wada reer Muqdisho oo hadda ku sugan Hargeysa. Kuwa dagaalka horinaya waa kuwo aan doonayn oo ka soo horjeeda dawlada Soomaaliya, waxanay ka shaqaynayaan sidii loo wiiqi lahaa dawlada federaalka, markaa maadaama aan anagu dawlada taageerno ayaa la doonayaa in Puntland dhibaato loo gaysto"ayuu yidhi Afqudhac oo xamaasadaysani.

 

"Ma aha cidda la soo weeraray madaxweynwaynahayaga, kuxigeenka oo aniga ah iyo dawalada Puntland, laakiin waxaa la doonayaa in la burbuiryo waa umada Puntland" ayuu yidhi Afqudhac oo hadalkiisa sii wata.

Puntland might self-destruct in the future without Muqdisho playing a role. Af-Qudhac and Cade Musse will ensure that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

...ciidamada Somaliland ayaa kadib guuushas hadana dib uga gurtay degaanadii iyo goobahii lagu soo weeraray.

naf..naf... nin daad qaaday xumbo cuskay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

loool........iska hadal iga dheh. Waa aabow kan yar iga celi aan ka weyn iska celiyee. Waa ayaan darro dagaalka degaankaas sidiisaba oo Ilaah Soomaalida ha kala qaboojiyo waayo ma ahan kan Muqdisho Koofurta ka jira oo dad Soomaali iyo Islaam sheeganayaa ay Amxaaro iyo Gaalo ka gees dagaalamayaan iyagoo Muslimiin Soomaali ah dabka u wata.

 

nimankaan meeshan Puntland la yiraa hoggaanka u hayaa(anigoo aaminsan in shabka badankiis ay ka soo horjeedaan laakiinse aysan lahayn awood ay wax uga qabtaan amaba sheeko iyo durbaan qabiil loo tumay) Itoobiyaan jacayl dartiis waxay keeneen inay qori dab leh la wareegaan oo dalka meel kasta dagaal ka ridaan. Riyaale laftiisu Itoobiyaanka ayuu la shaqaystaa in kastoo inta anigu aan ogahay uusan hadalo xun-xun ku hadlin.

 

Kolleey waxaan isleeyahay waxaa dani ku jirtaa in ummaddaan Soomaaliyeed aan la isku layn ee halka cadow ee dalkeenna burburka ku haya meel looga soo wada jeesto waa Itoobiyaankee iyo kuwa daba-dhilifeenta ah qabiil iyo degaan kasta oo ay ka soo jeedaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

WAXAAN IDINKU WARGELINAYAA IN DAGAALKII ADHI-CADEEYE AY KU JIREEN CIIDAMO KA TIRSAN ONLF

 

HAR(HAR)-Wasiirka Warfaafinta Somaliland Md.Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Jabhadda Ogadeenka ee ONLF ay ka qayb galeen dagaalkii Maalintii Jimcihi ku dhex maray Adhi-cadeeya ciidamada Somaliland iyo ciidamada ------------- ee Cabdillaahi Yuusuf.

 

 

Kulan lagu gorfaynayay qaab dhaqameedka Saxaafadda ee xilligan oo kale iyo hubinta wararka dagaalka iyo meesha laga helayo wararka rasmiga ah ee xukuumadda, oo uu Wasiirku saaka Xafiiskiisa kula yeeshay Madaxda Saxaafadda dibadda iyo ta gudaha ee Somaliland, waxa uu ka sheegay in ciidamadaas ka tirsanaa ONLF, ee dagaalkii Adhi-cadeeye ka qayb galay ay ---------- u yimaadeen Hiil Isir ahaan ah, “Horta dagaal saaka kama socdo Jiidda hore, waxaanse idinku wargelinayaa in dagaalkii Adhi-Cadeeye ay ku jireen ciidamo ka tirsan Jabahadda ONLf oo hiil iyo isir ahaan uga qayb galay, iyada oo imikana ay la doonayo in qaybo ka mid ah kililka shannaadna laga keeno ciidamo kale oo Isir ahaan loo soo abaabulayo”. Ayuu yidhi Md.Cabdillaahi Maxamed Ducaale, waxaanu dintaa ku daray, in wax isbedel ahi aanu ku iman donin qaabka war Raadsi ee Suxufiyiinta, balse waxa uu kula dardaarmay inay isa saaraan xil iyo masuuliyad, si ay u baahiyaan warar sugan.

 

Hargeysa News

 

 

Author: Wasiirka Warfaafinta Somaliland

(10/31/2004)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

These sources of news need to have values in their reality judgments. They seem to have opted for pejorative terms of self-interest or partisan concerns.

If reality judgments are never divorced from values as Genn argues, international media who are interested in the true nature of the conficlit and where the political position of the locals lies, seek impartial sources like WardheerNews, Dhahar and Laasqoray.net.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

lool.....

 

 

Maakhir, just because they are local doesn't mean they will write about the truth ninyow.

 

In fact locals in Sool conflict were Widhwidh online, and if you ask me they write utter lies almost every time. Laasqoray.net along widhwidh online wrote that Darawiish were nearing Ceerigabo and the locals were in total fear.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this